HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA JUUN 2018-KA

0
Tuesday June 05, 2018 - 11:38:41 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO :-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 5-TA JUUN 2018-KA

    KHILAAFKA KHALIIJKA OO LAGA DIGAY IN SOMALIA UU DHIBAATEEYO Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KHILAAFKA KHALIIJKA OO LAGA DIGAY IN SOMALIA UU DHIBAATEEYO Ururka xasaradaha adduunka ayaa ka digaya in muranka kharaar ee u dhexeeya dawladaha khaliijka carabta uu khatar ku yahay oo uu wiiqayo daganaanshaha Somalia.

 

Ururku wuxuu siyaasiyiinta Somalida Ugu baaqay in ay joojiyaan in ay laka jirsadaan dhinancyada iskuhaya muranka khaliijka ka taagan sabatoo ah taasi waxay khatar galin kartaa qalalsasaha isa soo taraya ee Somalia gudaheeda iyo sidoo kale Caasimadda Muqdisho iyo Jamhuuriyadda Iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Kolkii sacuudiga iyo imaaraadka Carabtu ay xiriirka diblumaasiyadeed ujareen Qatar sanadkii hore ayaa arrintani waxay dhibaato u keentay Somalia taas oo xiriir laleh labada dhinacba.

Ururka xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wa-dahadal dhexmara dawladaha Somalia iyo Imaaraadka asagoo intaas ku daray xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacday Somalia in ay ka faaidi karaan Kooxaha Jihaad doonka ah.

ODAY DA’AH OO ISKU DALDALAY XAAF AD KA MID AH MUQDISHO

Ninkaan Odayga ah ee is-daldalay ayaa waxa uu deganaa Xaafada lagu Magacaabo Maxfalka oo ka tirsan deg mada Shibis ee gobolka Banaadir, waxana la sheegay in habeen hore uu isku-daldalay hoygiisa dhexdiisa.

Dad deris la’ah Odaygaas ayaa wa xa ay sheegeen in shalay Waaberigii Odaygaas lagu dhex arkay gurigiisa isaga oo qoorta ugu jiro Xarig uu isku-daldalay,iyaga oo Magaciisa ku soo koobay Showki,kaas oo da’diisa lagu qiyaasay 50 jir

Masuuliyiin ka tirisan Maamulka degmada Shibis ayaa waxa ay shee geen in Ninkaas uu dhawaan ka yimid dalka Eweden,isla markaana sababta ugu weyn uu isku-daldalay aytahay arrimo Qoys oo heystay.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa ah kuwop naadir ku ah dalka ba lse sanadihii u dambeeyey lagu arkay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

DARIIQADDA SUUFIYADDA SOMALIA IYO TURKIGA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY

Wargeyska Al-dastuur ee ka soo baxa magaaladda Qaahira waxa uu qoray in Shiikha Dariiqadda Rufaaciy adda Turkiga, Dr. Maxamed Al-xadiid kulan la yeeshay Wasiiru-dowlaha Ma daxtooyadda DFS, ahna Hormuudka Jamaacadda Iimaam Al-shaafici ee magaalada Muqdisho, Dr.C/qaadir Ma callim Nuur.

Kulankaasi oo habeenkii Sabtiga ka dhacay magaalada Istanbuul, waxa uu Wasiir C/qaadir Macallim Nuur faahfa ahin kooban ka bixiyey doorka Imaam Al-rufaaci ee Turkiga ee Cilmiga Diinta iyo Arrimaha Ardayda.

Kulankaasi waxaa kaloo looga hadl ay sidii loo xoojin lahaa Dhaqdhaqaa qyada Cilmiga Suufiyadda ee dalalka Islaamka.

Labada dhinac waxay ku heshiiye en in Ardayda Soomaalida loo soo di ro Xarunta Al-riwaq ee magaalada Ist anbuul, si ay uga bartaan Cilmiga Isla amka.

Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Dariiqadda Rufaaciyadda Turkiga u gu dbiyeen Wargeyska Al-dastuur ayaa lagu sheegay in Kaadiriin Sare oo ka socota Machadka Imaam Al-rufaaci ee Cilmiga Islaamka ee dalka Turkiga loo soo diri doono Soomaaliya si ay Koo rsooyin uga furaan Jamaacadda Iima am Shaafici ee Somalia.

XILDH.JESOOW:

"MADAXWEYNAYAASHA DOWLAD GOBOLEEDYADA,WAA HOGGAA MIYE KOOXEEDYO CASRI AH”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka md ah Golaha shacabka Soomaali ya ayaa Idaacadda Mustaqbal ugaee magaalada Muqdisho u warramay wa xa laga filan karo shirka amniga Qar anka ee shalay ka furmaya Magaal ada Baydhaba.

Waxaa uu XIldhibaan Jeesow shee gay in uusan jirin xiriir toos ah oo ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada,waxaana uu ku eedeey ay madaxweynayaasha dowlad Gobo leedyada in ay u dhaqmayaan sida dal ka madaxbanaan Soomaaliya.

Arrinta ammaanka ayuu sheegay in ay tahay mushkiladda ugu weyn, wa xaana uu tusaale u soo qaatay dagaal kii Moqori ee askarta looga dilay Dow ladda Soomaaliya iyo Gaadiidkii lagu gubay inta u dhaxeysa Qurac joome iyo Xuddur ee Gobollada Bakool iyo Hiraan.

Xildhibaanka ayaa intaas ku daray in Taliyayaasha Ciidamada ee Gobol lada iyo dowladda dhexe aysan xiriir lahayn islamarkaana kaalmo is weydii san karin. Waxaa kale oo uu intaas ra aciyay in dowladda Dhexe aan loo og goleyn meel ka baxsanBaraha Hub inta ee Darmooley iyo Siinka dhe er,wixii ka xaggeeyana ay maamul Go boleedyada ka arrimiyaan.

Nidaamka Federaalka ah ayuu she egay in aysan jirin shacab Soomaaliy eed oo u codeeyay ama doortay, wax aana uu hoggaamiye kooxeedyo casri ah ku tilmaamay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ee aan ka dam beyn dowladda dhexe.

MATAANO ISKU DHAGANAA OO SHALAY KU GEERIYOODEEN DALKA TANSAANIYA

MATAANIHII ISKU DHEGANAA OO GEERIYOODEEN Dalka Tanzania ayaa shaaca ka qa aday geerida labo gabdhood oo Mat aane is ku dhegan, wa xaa lagu shee gayn geerida gabdhahan sababtay wadnaha oo ista agay. inkastoo gab dhahani ay wadaa gayeen xubnaha qaar ee jirkooda sida beerka iyo samb abada, haddana mid kastaa waxaa go oni u ahaa wadnahe eda.

Maria iyo Consolata oo 22 jir ahaa ay aa waxa ay isaga dhegnaayeen qaar ka dambe, dorraad ayayna ku dhinte en isbitaal ku yaalla dalka Tanz ania.



MAQAAL:- XUJOOYINKA HEEYSTA MD FAR MAAJO INTA UU SOCDO SHIRKA AMNIGA QARANKA EE BAYDHABO

Dagaallo uusan wax talo ah ku lah eeyn sida dagaalka tukaraq, Puntland waa u muhiim in eey taageero uga he sho halka Farmaajo uusan ku qancin karin in dagaalkas joojiso puntland. Si lamida puntland waxaa ku furan front line kale ee dhanka galgala oo aad u dhib badan dowladuna taageero buu ran kuma bixiso.

Galmudug waxaa heeysta kala bar dhanka bariga alshabaab, waxaa ka loo jira khilaaf culus oo siyaasaded oo caqabad ku ah in lafuliyo ballan qaad yada amniga. Khilaafkas waxow caqa bad ku yahay in beesha caalamku taa geerto oo dhaqaalo ku bixiso ciida mada.

Jubbaland waxaa ku furan fataha ada wabiga jubba, khilaaf siyaasaded na waxaa looga furay gobolka gedo sababtoo ah in Ahmed madoobe ka horyimid goaankii Emarates dalka loo ga saaray. Jubbaland lafteeda waxaa laga heeystaa dhul balaarin oo gac anta shabaabka kujira.Hirshabelle mu siibo fatahaada iyo maamulkii oo dha qaalo xumo u dhaqaaqi la.Somaliland oo masuuliyada dagaalka Sool dusha ka saartay DF. Cidaan federalka aye eyna eeysan kala xaajon dagaalka hal ka puntland eey taagan tahay wax ka quseeysa federalka majirto dagaalka Sool. Koonfur galbe ed kula jire kaaj ire siyaasaded oo federalka iyo maam ul goboledyada eey kula wada soco taa lkn arinta Emarates waxeey la mu uquf tahay maamul goboledyada.

Aminga guud wali waxaa si dar dar leh usii xoogeysanaya ururka alshaba ab, dilal qorsheeysan iyo weeraro joo gta ah kawada dalka guud ahaan Qaa satan Xamar. Dilemada heeysata Fa rmaajo waa in uu layimaad caqligii iyo siyaasadii uu intaas oo mushkilado iyo dano isdiidan kuwada maareeyn la

haa…. W/Q.Maxamed Salaad Yarow

ASKARI MUQDISHO KU TOOGTAY DARAW AL MOOTO BAJAAJ

Askari ka tirsan ciidamada dowlad da Soomaaliya ayaa Shalay toogasho ku dilay nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada ku shaqeysata gad iidka yar yar ee Mooto Bajaajka.

Dad ku sugnaa goobta uu falka ka dhacay oo ah degmada Waabari ee G/Banaadir ayaa sheegay inuu jiray muran dhaxmaray darawalka iyo ask ariga toogashada geystay.

bajaale la dilay Rasaasta ayaa la sheegay inay ka haleeshay qeybaha sare ee jirka, taa soo keentay inuu u geeriyooday, halka askariga toogashada geystayna uu go obta ka baxsaday.

Ma’uuliyiin ka tirsan maamulka deg mada Waabari oo uu falkan ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Ammaan ka ku raad joogaan askariga falka gey stay, islamarkaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sid an oo kale Muqdisho toogasho lagu di lo dhallinyarada ku shaqeysata gadiid ka Mooto Bajaajka oo marar horeba falkaan oo kalewuu dhacay

MADAXWEYNE FARMAAJO OO FURAY SHIRKA GOLAHA AMNIGA

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed C/hi Farmaajo ayaa furay Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkaasi ayaa waxaa ka qeyb gala y Madaxda ugu sareysa dalka, Maam ul goboleedyada, Wasiiro ka tirsan Xu kuumadda iyo Gobolka Banaadir.

Ajandayaasha looga hadlayo shirka ayaa waxaa ka mid ah amniga dalka, hanaanka doorashooyinka 2020, feder aaleynta, isku dhafka iyo tayeynta das tuurka iyo qodobo kale.

Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa gaaray dorraad M/Baydhabo, waxaana ilaa iyo habeen hore socday kulamo kala duwan oo looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya.

MUWAADINIIN SOOMAALIYEED OO LAGU XIRAY DALKA SACUUDIGA

Wakaaladda Wararka u faafisa do wlada Sucuudiga ayaa baahisay in Ciidamadda ilaaldda dalkaasi ay Qa bteen dad ka ganacsanayay Maan dooriyaha loo yaqaano Xashiiska oo ay Soomaali ka mid yihiin.

Afhayeen u hadlay ciidamada ilaa lada xuduudaha ee dalka Sacuudiga oo la yiraahdo Talaal bin Cabid Al-Sa khiri ayaa sheegay in dadkaan laga qa btay goboladda dhaca koofurta Sucuu diga ee Jazan, Najaran iyo Casir in tii u dhexeeysay 5 tii iyo 18 kii Bishaan Ramadaan ee aan ku guda jirno.

”Waxaa la xiray 20 Ruux oo tahriib inayay 641 KG oo maandooriyaha Xa shiishka ah, Sagaal ruux waxay u dha sheen Itoobiya, Sagaal kalena Ya men halka Labo Ruuxna ay u dha sheen Somaaliya”.

Dadkaas waxaa lagu wareejiyay ma suuliyiinta Cadaaladda oo dhameeysi raya Hannaanka Caddaaladeed ee u dhiman, sida uu sheegay Afayeenka Ciidmadda ilaaladda Sucuudiga.

Lama sheegin magacyadda iyo Da ’da dadka Soomaaliyeed ee la she egay in maandooriye lagu qabtay.

Balse dad badan oo Soomaali ah ayaa ku nool waddanka Sucuudiga, kuwaas oo tacadiyo Tarxiil ka mid ya hay ka tirsanaya Boqortooyadda Suc uudiga.

BANNAANBAX KA SOCDA NAYROBI

BANAANBAX KENYA PROTEST-AGAINST-STRIPPING-W Ardaydii horey u dhigan jirtay dug siga sare ee gabdhaha ee Moi Girls ee dalka Kenya ayaa dibadbax ka dhi gaya afaafka hore ee iskuulkaasi ka dib markii ay soo baxeen warar sheeg aya in Sabtidii halkaasi lagu kufsaday arday.

Ardayda ayaa sheegay in 3 nin ay soo galeen qaybta ay gabdhaha seex daan ee iskoolka ayna tacadiyo dhan ka galmada ah u gaysteen mid ka mid ah gabdhaha islamarkana laba gabdh ood oo kale ay ka baxsadeen.

Qaar ka mid dibadbaxayaasha ay aa xiran dharka iskuulka halka kuwa kalana ay sitaan boorar ay ku qoran yihiin hal kudhigyo. Mid ka mid ah dib adbaxayaasha ayaa iska dhigaysa in ay uur leedahay waxa ayna ku heesa ysaa luuqada sawaaxiliga, "cunugaa an dhalo mala laha xuquuq.”

PUNTLAND OO SHEEGAY IN AL-SHABAAB JAB AY KU GAARSIIYEEN BUURAHA GAL-GALA

Guddiga difaaca maamulka Puntla nd oo shalay shir jaraa`id ku qabtay M/Garowe ee xarunta maamulkaasi ayaa kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalkii habeeno ka hor ka dhacay Buuraha Gal-gala iyo xiisada kala dhaxeysa Soomaaliland.

Guddiga ayaa sheegay in ciidama da difaaca ee Puntland ay guulo ka ga areen dagaalkii Al-shabaab ay kula ga leyn Buuraha Gal-gala ee gobolka Bari.

Wasiirka Wasaarada arimaha Gud aha ee maamulka Puntland C/laahi Cali Xersi Timacadde oo ka mid ah Guddiga Difaaca ee maamulkaas ay aa dhanka kale ka hadlay xiisada co laadeed ee wali ka taagan gobolka Sool, taas oo u dhaxeysa Soomaalil and iyo Puntland.

Waxaana Wasiirku uu sheegay in ci idamo ka socda Soomaaliland ay wali ku soo qul qulayaan jiida hore ee dag aalka, waxaana Soomaaliland uu ku eedeeyay in ay hurinayaan xiisada taa gan.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO 1 MILYAN OO DOLLAR UGU DEEQDAY SOMALILAND

Dawladda Soomaaliya ayaa hal Milyan oo Doollar ugu deeqday hawla ha gurmadka duufaatanadii ka dhacay degaanada Maamulka Somaliland.

Gudiga Qaran ee gurmadka oo uu shir gudoominayay

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa sheegay in Dawladdu ay dadaal bad an ku bixisay sidii loo caawin lahaa muwaadiniinta ay saameeyeen fatah aadaha iyo roobabka dabaylaha wat ay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gob ollada dalka.

Md.Mahdi Maxamed Guuleed, R/wa saare ku-igeenka dalka ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ay lacag hal Milyan oo Doollor ah u qoondaysay Gobollada Awdal iyo woqooyi galbeed oo ka mid ah meelaha roobabka dab aylaha watay ay Khasaaraha ka soo gaartay. Dad iyo duunyo badan ayaa saameyn ay ku yeesheen roobabkii da beyl aha watay ee ku dhuftay G/da Aw dal iyo W/ galbeed oo ka mid ah meel ahakhasaarihiibadnaa ee ka dhashay.

QARAX ISMIIDAAMIN OO SHALAY KA DHACAY DALKA AFGAANISTAAN

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku dhinteen Qarax ismiidaamin ah oo lala begsad ay Hugaamiyeyaasha muslimiinta iyo culimo isugu soo aruuray jaamacad Polytechnic lagu magacaabo oo ku ta ala Caasimadda dalka Afganistaan ee Kaabuul.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Afganistan Najib Danish ayaa sheegay in dad ka badan 10 ruux ay ku dhaawacmeen weerarka isniintaan gilgilay M/Kaabuul, waxaana laga ca bsi qabaa in geridu ay kororto. "Koox da weerarka soo qaaday waxay luge eynayeen meen u dhow Albaabka jam acadda ka inta aysan falkaa geysan” ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada arim aha Gudaha Afgaanistaan.

Dhankale Waheed Majrooh, afayee nka Wasaaradda cafimaadka ee Afga nistaan ayaa u sheegay Al-jazeera in 12 ay dhaawacmeen, lana geeyay qa ybaha gudmadka deg-degga ah.

Taalibaan ayaa badanaa sheegata Weeraradda Afaganistan ka dhaca wa xayna horay u sheegteen weerarro dhi ig badan ku daatay, inkastoo shalay uusan soo bxin war sheegaya in mas uuliyadda ay taalibaan leeyihiin.

DOWLADDA MAREYKANKA OO SHEEGTAY IN AY DUQEYN LA BEEGSATAY XUBNO KA TIRSAN SHABAAB

Canada-640x367 Dowladda Mareykanka ayaa shee gtay in ayada oo la shaqeyneysa dowl adda federaalka Soomaaliya ay duq eyn ka dhan ah Al-Shabaab ka fulisay meel 26 mile u jirta Koonfurta Galbeed ee M/Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 argagixiso, Qoraalka ayaa si doo kale lagu sheegay in weerarka ay san wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaab ooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykan ka, loona baabi’iyo argagixsada.

Tani waxaa qeyb ka ah, ayaa lagu yi ri qoraalka, in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Amisom lagula midoobo how lgallada ka hortagga argagixisada, la na beegsado goobaha ay ku tababar taan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

CANADA OO KA LAABATAY MUWAADIN SOOMAALIYEED OO AY U SOO MUSAAFURIN LAHEYD KENYA

Yuusuf Maadey Maxamed oo ah Aabe Soomaaliyeed oo xaaskiisa iyo afar caruur ah oo uu dhalay ku noolaayeen, qorshahana uu ahaa in Isniinta shalay loo soo musaafuriyo dalka Kenya, isaga oo ay is macsalaameynayeen xaaskiisa iyo caruurtiisa, kuna sugan garoonka a-yaa waxaa loo sheegay in Canada uu sii joogi karo mudo sanad ah.

Hay’adda socdaalka dalka Ca-nada ayaa go’aanka ah sii joogitaanka Yuusuf ku dhawaaqday, kadib markii dadaalo kala duwan oo arrintan lagu baajinayo ay sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmenton.

Yuusuf Maadey Maxamed oo 41 sano jir ah ayaa waxa uu sheegay inuu aad ugu farxay markii uu maqlay in mudo sanad ah uu sii joogi karo dalka Canada, wuxuuna tilmaamay inuu ka shaqeyn doono sidii uu u cadeyn lahaa inuu yahay nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, bal-se keliya wata Baasaboorka Kenya.

"Markii aan maqlay go’aanka ah inaan sii joogayo dalka Canada aad ayaan ugu farxay, waxaan da-reemay farxad aan la soo koobi karin, waan ilmeeyay, waxaan ka shaqeyn doonaa mudada sanadka ah sidii aan u cadeyn lahaa Soomaalinimadeyda.” Ayuu yiri Yuusuf.

Aabahan oo asalkiisii hore ka yimid magaalada Baardheere ee go-bolka Gedo ayaa Qaxooti ahaan ugu jiray xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, intaasi kadib ayuu ku dadaalay sidii uu aadi lahaa dalka Canada oo ay qoy-skiisa ku nool yihiin, waxaana 2013-kii u suuragashay inuu Qaxootinimo ku galo dalka Canada, isaga oo wata Ba-asaboorka Kenya.

WARARKII UGU DAMBEEYAY, SHABAAB OO XALAY WEERAR KA GEYSTAY MUQDISHO

Duqeyn-1-1-696x388 Ururka Al-shabaab ayaa xalay fiidkii waxa ay weerar ku qaadeen xaafad ka tirsan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan halka loo yaqaano Cali-Goley oo aaggaasi ay barkontorool ku leeyihiin ciidanka ka tirsan kuwa Nabad sugidda Qar-anka.

Guddoomiyaha degmada Ka-xda ee gobolka Banaadir Maxamed Ismaaciil C/laahi oo la hadlay Ida-acadda Risaala ayaa waxa uu she-egay xubno ka tirsan Shabaab in xalay ay weerar ku soo qaadeen qeyb ka mid ah degmada, balse ay iska difaaceen ciidanka, dibna ay u laabteen.

Wuxuu sheegay inaanay jirin wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka iyo dadka shacabka ah ee degan degmada, kuwaasi oo inta ay rasaasta socotay dareemay cabsi.

"Wax weyn oo dhib ah dhacay ma jiraan, meel xaafada ka mid ah ayaa xabado nooga soo dhaceen, annagana waan ka jawaabnay, ma jiraan khasaare dhimasho iyo dhaa-wac ah oo soo gaaray ciidanka iyo shacabka.” Ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Kaxda.

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saakay hawlgallo amni xaqiijin ah ka wada dhulka haw-dka ah ee Shabaab ay xalay weerarka ka soo qaadeen, waxayna ciidanka ku daba jiraan raggii falkaasi ka damb-eeyay.

Kaxda, ayaa waxaan ku sug-nayn ciidan badan sida Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir, waxaadna arkaysaa in askartu ku badan yihiin dhinaca wadada aadda Ceelasha Biyaha iyo midda kale ee Dhanaane ku beegan.

YAA ZAKADU KUWAAJIBTEY

Waxay kuwaajibtay muslim (gaal maya) xor ah (adoon maya) oo haysta maal zaka gaarey (nisaab) noockasta hanoqdo ee noocyada maalka oo zakadu kuwaajibto.

SHURUUDA NISAABKA(AMA ZAKA GOYSKA)

1- Waa inuu ahaadaa zakadu wax kasaa ida qofka xaajadiisa, taasoo anu kamaarmi karin qofku, sida contadiisa, dharkiisa, gurigiisa, gaarigiisa ama gaadiidka uu raacayo markuu meelrabo inuu aado, iyo qalabka shaqada,

2- Waa inuu kasoo wareego sanad (12 bilood) lagasoo bilaabo maalintuu gacanta kudhiay maalkaas gaaraya nisaabka, waana lagama maarmaan sanadkoodhan inuu maalku kaamil yahay ee waxnusqaana aney kudhicin, haduuse nusqaamo sanadka dhexdiisa hadana kaamil noqdo marlabaad waxaloo fiirinayaa markuu kaamil noqday oo markaas ayaa lagasoo bilaabayaa tira sanadeedka.

Imaamu Nawawi wuxu yiri mad habkayaga, mad habka Maaliki, mad habka Axmad, iyo jamhuurta culimada waxay qabaan in looshardiyo maalka zakadu kawaajibto cayntiisa sida dahabka, fiddada,iyo xoolaha soofa, inuu joogto yahay nisaabku sanadka dhamaantiis, hadiise nisaabkii nusqaani kudhacdo daqiiqad sanadka kamida,markaas waxa go’ aya tirsigii sanadka ee lootirinaayey maalka, haduu markaas kabacdi kaamil noqdo maalkii markaas ayaa tirsi horle loobilaabayaa.

Abuu xaniifa wuxu yiri: waxa kaliya oo lafiirinayaa sanadka awalkiisa iyo aakhirkiisa oo hadii nisaabkii kaamil yahay markuu sanadku dhamaado wax dhiba malaha nusqaanta kudhacday sanadka dhexdiisa, wuxu yiri xataa haduu qofku haystay laba boqol oo dirham markaasna ayka baaba aan haldirham mooyee intiikale, ama afartan ariya ayuu lahaa markaasaa waxa ugasoo haray halneef oo kaliya sanadka dhexdiisii,markaasuu dhamaadkii sanadka wuxu helay afartankii iyo wax kasiibadan waxa lagarabaa zakada maalkaas oodhan.

MAALKA ZAKADA LAGADHIIBAA WAA LABA QAYBOOD

1- Mid waanooc naf ahaantiisa u kordha sida xabuubka (bariiska iyo masangada iyo wixii lamid ah) simaarta (miraha sida timirta cinabka iyo wixii lamid ah), noocaas waxay zakadu kuwaajibtaa markii lagoosto ee gacanta lagudhigo wixii beeraha kasoo go ay,

2- Qaybta labaad waa wixii qaabganacsi loodiyaariyo inay kordhaan sida Dirhamka, Diinaarka, Hantida ganacsiga(curuudul tijaarah) iyo xoolaha soodaaqa cawska banaanka, kuwaasna waxa loofiiirinayaa sanad inuu kasoo wareego, markaas ayaa lagadhiibayaa zakada, saasna waxa yiri fuqahada dhamaantood, waxaad kaheli kadhaa Majmuuca uu leeyahay imaamul Nawawi.

Zakada maalka ilmaha yar

Qofka yar iyo kanwaalan zakadoodu waxay kuwaajibaysaa inuu kabixiyo maalkooda haduu gaaro nisaab qofka weligooda ama masuuliyadooda haya.

QOFKA DEYNKA QABA

Qofkii haysta maal zako kawaajibtey islamarkaana deyn qaba wuxu kabixinayaa deynta, intasoo hadhay ayuu kazakeynayaa haduu gaaro nisaab hadiise nisaabkii nusqaamo wax zakaa dushiisa lagumalaha sababtoo ah xaaladaas lajoogo waa sabool (faqiir)

Qofkii dhintay asagoo laguleeyahay zako

Lasoco berre inshaa allaah

Qore: Mohamud M. Isse (Ufayn)

ufayn@somalitalk.com

BOGGA CAYAARAHA

CHELSEA OO SI LA YAAB LEH UGU SOO BIIRTAY DAGAALKA LOOGU JIRO SAXIIXA LAACIBKA REER BRAZIL EE…

Kooxda kubadda cagta ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay kula dagaallanto Real Madrid iyo Liverpool saxiixa laa caibka goolka u qabta kooxda AS Roma ee Alisson Becker.

Xiddigga reer Brazil ayaa horraan di iradda ugu saarnaa kooxaha Liverpool iyo Real Madrid kuwaas oo si xoog leh isugu garbinaya saxiixiisa, waxaase hadda safka soo galay kooxda ka dhi san galbeedka London ee Chelsea.

Blues ayaa dooneysa goolhaye cu sub kaasi oo leh tayo sare, maadaa ma uu Thibaut Courtois diiday inuu he shiis cusub qalinka dul dhigo waxaana loo badinyaa inuu dooran doono ku bi iritaanka kooxda Real Madrid.

Jack Butland ayaa ku jira liiska gool hayeyaasha ay dooneyso kooxda macallin Antonio Conte, kaasi oo xul ka qaranka England kala qayb galaya koobka adduunka ee bishan bartam aheeda ka furmaya dalka Russia.

Dagaalka loogu jiro Alisson ayaa hadda noqonaya mid saddex geesood ah, Real Madrid waxa ay dooneysaa inay ku kabto Keylor Navas, halka Jur gen Klopp uu doonayo inuu safkiisa xagaaga dambe ka adkeeyo dhanka goolka, maadama bandhig liito ay sam eynayaan Simon Mignolet iyo Loris Karius.

"UMA MALEENAYO NAFTEYDA INAAN AHAY KAN UGU FIICAN”… LIONEL MESSI

Mucjisada xulka qaanka Argantina iyo kooxda Barcelona Lionel Messi ayaa aaminsan inuusan ahayn xidiga ugu fiican aduunka.

Dhinaca kale Lionel Messi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in diyaar garowga wanaagsanuu xulka qaranka Argantina ay u ogolaaneyso in koobka aduunka ay kaga soo muuqdaan sida ugu fiican.

Mesiis ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay: "Uma maleenayo nafteyda inaan ahay kan ugu fiican, kaliya waxaan u arkaa inaan ahay kaliya xidig ku sareeya waxyaabaha qaar, kaliya waxaan waxaan isku dayaa sida aan nafteyda kaga sara mari lahaa, xili kasta sidaas ayaan ahaa”.

"Waxaan xasuustaa marka aan imaanayay kooxda Barcelona, waxaan arkay in caqabadaha dhaqanka aysan ahayn mid weyn, Barcelona waa magaalo si wanaagsan u soo dhaweyneysa dadka martida ah ee banaanka ka imaanaya, waxay soo dhaweysaa kumanaan kun booqashoyaal ah”.

kabtanka xulka qaranka Argantina ayaa wuxuu sidoo kale ka hadlay diyaargarowga ay ugu jiraan koobka aduunka wuxuuna yiri: "Waxaa muhiim ah in si fiican loo shaqeeyo xiliga isdiyaarinta, sababtoo ah ma jiraan waqti badan aan ku diyaar garowi karno”.

KULAMADA LA CIYAARAY IYO KUWA CAAWA LA CIYAARAYO..

India 3 - 0 Kenya Armenia 0 - 0 Moldova

Morocco 2 - 1 Slovakia Serbia 0 - 1 Chile

Italy 1 - 1 Netherlands

June 5

07:00Kazakhstan? - ? Azerbaijan

07:30Chinese Taipei? - ? New Zealand

08:00Namibia? - ? South Africa 09:00Lithuania? - ? Latvia 09:00Russia ? - ? Turkey 10:30Romania? - ? Finland 10:30Swaziland? - ? Botswana 11:00Luxembourg? - ? Georgia.

SOMALIA

MARKA MAREYKANKA 

– Ogeysiiska Qalabka

JAVA

--------

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan tahay 

calaamadda ganacsiga ee:

Oracle America, Inc., oo ah shirkadabaabulanoohirgelisaysharciyadiiGobolka Delaware ee 500 Oracle Parkway, Redwood Shores, California, 94065, Mareykanka

waxaana loo isticmaalaaiyadoolalaxiriirinayo:

Cilmi-baarista, sawir-qaadashada, shaxanka, sawir-qaadashada, culeyska, cabirida, calaamadaynta, hubinta (kormeerka), nafaha badbaadinta iyoqalabka wax lagu baroiyoqalabka; qalabka iyo qalabka loo adeegsado, beddelidda, bedelida, ururinta, xakamaynta ama kontaroolidda korantada; qalabka loogu tala galay duubista, gudbinta ama dhalida codka ama sawirada; gawaadhida xogta macmiilka,duubista maqalka;mashiinnada gawaarida si toos ah iyo hababka loogu tala galay qalabka lacagta lagu shaqeeyo; Diiwaanada kaashka ah, makiinada xisaabinta,qalabka wax lagu shaqeeyo iyo kombiyuutarada; qalab dab-demiska ah; qalabka kombiyuutarka; qalabka kombiyuuterka; software computer; nidaamyada qalabka kombiyuutarka kombiyuutarada gacanta lagu qaato;kombiyuutarada fasalka koowaad;xarumaha shaqada kombiyuutarka;bandhigyada muuqaalka;Keybelayaasha; kormeerayaasha; server; dariiqyada qashinka; aaladaha kaydinta kombiyuutarka wareegyada isku dhafan; gudiyada isku xirka; modems; aaladaha fareebka farta; sariirta ciridka; meelo ka baxsan; daabacayaasha iyo qalabka nalalka qoraalada; gudiyada wareegga wareegga ee ay kujiraan qaybaha korantada iyo saldhigyada; hawlgalayaasha iyoxusuusta; gawaarida xogta leh ee madow; cajaladaha cajaladha duubista; cayaaraha cajaladahama qalka; cayaaraha dhagxaanta; rikoodhada dhagxaanta; walxaha semi-dabka; slices salicon; qalabka digniinta elekterooniga; qalabkakombuyuutarka oo bilaash ah; xisaabiyeyaasha; chips kumbuyuutar; qalabka kombiyuuterka; qalabkakombiyuutarka; geedisocodka xogta; kamaradaha dijital ah; rikoodhada digital-ka ah; unugyada xarfaha elektarooniga; mashiinka farsamada; gudbinta nidaamyada caalamiga ah iyo kuwa qaata; qalabka telefishinka ee internetka; microprocessors; mikrocomputers; macmiilayaasha; kamaradaha muuqaalka sawirada; Sawirqaadayaasha indhaha; oscilloscope;Pedometer-ka; mashiinnada sawirqaadaha;Kaaliyeyaasha digitalka shakhsi ahaaneed; sawirada sawirada; Mashruuc sawirleh; saadaaliyayaal saameeya; raadiyaharaadiyaha; raadiyaha; scanners; kaararka smart; akhristaha kaadhadhka smart; taleefannada; taleefankagacanta; taleefannadagacanta; telefoonka gacanta; taleefannada gacanta; taleefannada gacanta; mashiink atelefoonka kajawaabaya; telefishannada; telefishannada sare ee la dhigo sanduuqyada sare; kuleyliyaha; kamaradaha fiidiyoowga ah;cajaladaha cajaladaha fiidiyowga;kormeerayaasha fiidiyowga;duubista cajaladaha fiidiyowga; nidaam fariin fariin ah; mashie nnada codbixinta; taleefan kagacanta; qalabkaisgaarsiinta wireless; barnaamijyada kombiyuutaradasi loo tijaabiyo isu dhigidda barnaamijyada kombiyuutarka barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka shabakada kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka eei sticmaalka kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka fariinta elektarooniga barnaamijyada kombiyuutaradasi loo abuuro isku xirnaanta garaafyada; barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka maareynta xogta; barnaamijyada kombiyuutarka ee wax-qabadka dokumentiga barnaamijyada kombiyuutarada ee loogu tala galay farsamaynta eray; barnaamijyada kombiyuutarada lagu diyaariyo diyaarinta xisaabta; barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka ammaanka kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka ee loogu talagalay horumarinta barnaamijyada kombiyuutarka, luqadaha barnaamijyada, qalabka qalabka iyo habeeyayaasha; barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka horumarinta, ururinta iyo fulintabarnaamijyada kombiyuutarada ee kombiyuutarada, shabakadaha kombiyuutarka, iyo shabakadaha isgaarsiinta caalamka; barnaamijyada kombiyuutarka ee logou talagalay isticmaalka xagga socdaalka, kormeerida, wareejinta macluumaadka, iyo qaybinta iyo daawashada kuwa kale barnaamijyada kombiyuutarada ee kombiyuutarada, shabakadaha kombiyuutarada iyo shabakadaha xiriirkacaalamiga ah barnaamijyada kombiyuutarada ee loogu talagalaydiiwaangelinta, wax qabadka, helitaanka, tarjumaadda, gudbinta, wax ka beddelidda, isku xoqidda, jarista, wareejinta, mideynta, iyo /amakor u qaadidacodka, muuqaalka, sawirrada, muuq aalka, iyo / ama xogta;barnaamijyada nidaamka kombuyuutarka; barnaamijyada kombuyutarka kombuyuutarka barnaamijyada kombiyuuterka loo isticmaalo kombiyuutarada kombiyuutarada barnaamijyada kombiyuutarka loogu talagalay isticmaalka telefoonada; barnaamijyada kombiyuutarka loo isticmaalo helitaanka xogtamacluumaadka; barnaamijyada kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka laga soo qaadan karo shabakadaha kombiyuutarada caalamka; iyo buugaagta wax lagu baro sida elektarooniga ah lagu iibiyo; daabacaadda elektaroonigga ah; adeegyada-adeegga-adeegga (SaaS); Adeegyada adeegaadeegga (Platform-a-a-service-a-service-PaaS)); Adeegyada Infrastructure-as-a-a-a-a-adeegga (IaaS); adeeggadaruuriga ah.

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwadsharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kastaoo la midab takooro ama kuwa kale kuxadgudboxuquuqdashirkaddaas.

SOMALIA

MARKA MAREYKANKA - OGAYSIISKA QALABKA AH

______________________

SUN

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku 

xusan tahay calaamadda ganacsigaee:

Oracle America, Inc., waashirkadabaabulanoo ay hirgelisoshuruucdaGobolka Delaware ee 500 Oracle Parkway, Redwood Shores, Kaliforniya, 94065, Maraykankaoo loo isticmaalikaro:

Qalabkakombiyuutarka, oo ah kombiyuutarada, kombiyuutaradadugsigadhexe; sawirada, qalabkakombiyuutarka, kumbiyuutar rada, kormeerayaasha, serverka, qalabkaiskuduuban, qalabkakombuyuutarka, qalabkakombiyuutarka, qalabkafareebka, qalabka fareebka, qalabkanalalka, nidaamyadaqalabkakombiyuutarkabarnaamijyadakombiyuutarkaeeisticmaalkaimtixaanka; barnaamijyada kombiyuutarkaeeisticmaalkashabakadakombiyuutarka; barnaamijyadakombiyuutarkaeeisticmaalkakombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarkaeeisticmaalkafariintaelektaroonigabarnaamijyadakombiyuutaradasi loo abuuroiskuxirnaantagaraafyada; barnaam ijyadakombiyuutarkaeeisticmaalkamaareyntaxogta; barnaamijyadakombiyuutarkaee wax-qabadka dokumentiga barnaamijyada kombiyuutarka eeisticmaalka ammaanka kombiyuutarka; barnaamijyada kombiyuutarka eeisticmaalka horumarinta barnaamijyada kombiyuutarka, luuqadahabarnaamijka, qalabyadaiyohabeeyayaasha; barnaamijyada kombiyuutarka ee isticmaalka horumarinta, fulinta iyo maareynta barnaamijyada kale ee kombiyuutarada, kombiyuutarada, shabakadaha kombiyuutarada iyo shabakadaha kombuyuutarada caalamiga ah barnaamijyada kombiyuutarada ee loo adeegsado habaynta, kormeeridda, wareejinta macluumaad ka, iyo qaybinta iyo daawashada barnaamijyada kale ee kombiyuutarka, kombiyuutarada, shabakadaha kombiyuutarada iyo shabakadaha kombiyuutaradacaalamiga ah; barnaamijyada kombiyuutarka laga soo qaadan karo shabakadaha kombiyuutarada caalamka

OGAYSIIS WAXAA KA BEDELAYaa in dacwadsharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkadisticmaala calaamada ganacsiga ama wax kastaoo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudboxuquuqdashirkaddaas



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip