Kulanka Stoke Miyuu Noqon Doonaa Kulankii Ugu Danbeysay Ee LVG? Iyo Afar Su'aalood Kale Oo La Iska Weydiinayo Kulamada Boxing Day Ee Maanta.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:47:16 in Sports News by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulanka Stoke Miyuu Noqon Doonaa Kulankii Ugu Danbeysay Ee LVG? Iyo Afar Su'aalood Kale Oo La Iska Weydiinayo Kulamada Boxing Day Ee Maanta.

    Miyuu LVG Ka Bixi Doonaa Albaabka Man United? Wararkii soo baxayay isbuucii hore ayaa sheegayay in Louis van Gaal laga ceyrin doono shaqada Man United haddii kooxdiisa laga badiyo labada kulan ee soo socota ee Premier League. Tan ugu soo horeysa e

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyuu LVG Ka Bixi Doonaa Albaabka Man United? Wararkii soo baxayay isbuucii hore ayaa sheegayay in Louis van Gaal laga ceyrin doono shaqada Man United haddii kooxdiisa laga badiyo labada kulan ee soo socota ee Premier League. Tan ugu soo horeysa ee labadaas kulan waa kulanka maanta ay u safrayaan Stoke City ee Boxing Day, halka kulanka labaad uu yahay kulanka ay labo maalmood ka dib gurigooda kula ciyaarayaan Chelsea.

Sida ay Manchester United u ciyaareysay kulamadii ugu danbeysay lama filaan ma noqon doonto haddii ay ku kufaan mar kale Britannia Stadium gaar ahaa marka la eego sida ay Stoke u fiicneyd kulamada qaar ee xilli ciyaareedkan.

Question2_3534455k


Guushii 2-0 ee ay ka gaareen Man City horaantii bishaan ayaa ka mid aheyd qaab ciyaareedyada cajiibka ah ee weerarka ku dhisan ee lagu soo bandhigay Premier League xilli ciyaareedkan iyadoo Bojan Krkic, Xherdan Shaqiri iyo Marko Arnautovic ay dhamaantood wacdarro dhigeen. Haddii ay seddexdaas mar kale jaanta isla helaan maanta markaas Van Gaal waxa uu qarka u saarnaan doonaa inuu waayo shaqadiisa, caradiisii arbacada ee uu kaga baxay shirka jaraa’id ayaana muujineysa sida uu u dareemayo kuleylka.

Arsenal v Manchester City - Premier League

Arsenal miyay isdhigan doonaan ka dib guushii Man City?

Ka dib markii ay 3-0 kaga badiyeen Olympiakos kulankii Champions League, Arsenal ayaa boorka iska jaftay islamarkaana 2-0 ku garaacday Aston Villa afar maalmood ka dib. Haa, Villa waa ay liidataa laakiin dad badan ayaa soo jeedinayay in Arsenal ay kulankaas ku adkaan doonto ka dib markii ay kulan lagu daalay islamarkaana qiiro leh ay soo ciyaareen Champions League.

Kulanka Boxing Day ee ay u safrayaan Southampton ayaa isna la mid ah guushii Villa Park oo kale, madaama ay ciyaarayaan shan maalmood ka dib markii ay 2-1 kaga soo badiyeen Manchester City. Arsene Wenger ayaa ka qarba in haddii ay doonayaan inay ku guuleystaan horyaalka inuu u baahan yahay in kooxdiisa aysan hoos u dhigan qaab ciyaareedkooda kulamada ceynkaan oo kale ah, waxaana uu u baahnaan doonaa in ciyaartoydiisa daalan ay soo bandhigaan firfircoonidii iyo caaboonaantii ay kaga badiyeen Man City.

Watford v Liverpool - Barclays Premier League

Miyay Liverpool Soo Gabagabeyn Kartaa Guul La’aanteeda?

Waxa ay u aheyd Jurgen Klopp labo bilood oo qariib ah uu ku qaatay Liverpool. Tababaraha aadka loo qiimeeyo ayaa ku bilowday seddex guul iyo seddex barbaro ka dibna waaba ay sii sheeraleysteen iyagoo 4-1 ku dubtay Man City islamarkaana 6-1 ku xasuuqay Southampton kulankii League Cup.

Tan iyo markaase wax walba hoos ayay aadeen, labo guuldarro iyo labo barbaro oo soo gaartay afartii kulan ee ugu danbeysay ayaa ka dhigtay in Liverpool ay ku jirto kaalinta sagaalaad. Klopp waxa uu u baahan yahay inay kooxdiisa mar kale wadada guusha ku soo laabato waxaana ay soo dhaweynayaan kooxda hogaanka u heysa horyaalka ee Leicester City.Leicester ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta, sidaasi darteed waxa ay kalsooni weyn siin laheyd ciyaartoyda Liverpool haddii ay maanta kaga badiyaan Anfield.

A supporter holds a banner against certa

Muxuu Noqon Doonaa Jawiga Stamford Bridge?

Intii daawatay kulankii ay Chelsea 3-1 ay kaga badisay Sunderland sabtidii hore waxaa maankooda weli ka soo guuxeysa mid ka mid ah jawiyadii ugu qariibsanaa ee garoon kubada cagta ah lagu arko. Chelsea ayaa 2-0 ku qabatay hogaanka ka dib 13 daqiiqo oo ay ciyaarta socotay taasoo keentay inay taageerayaasha caradooda kala duldhacaan ciyaartoyda iyagoo ku eedeeyay inaysan u dadaalin tababare Mourinho oo ay khiyaameeyeen.

Maanta tababare cusub Guus Hiddink ayaa hogaaminaya kooxda kulanka ay la ciyaarayaan Watford, waxaana xiiso yeelan doonta sida ay taageerayaasha uga jawaab celiyaan iyo sida ay u dhaqmaan xiddigaha ay aaminsan yihiin inay khiyaameeyeen Mourinho. Hiddink shaqsi la jecel yahay ayuu ka ahaa Stamford Bridge markii ugu horeysay ee uu kooxda yimid laakiin haddii ay taasi joojin doonto inay taageerayaasha ku heesaan magaca Mourinho waa la arki doonaa.

Barclays Premier League 2015/16 Arsenal v Manchester City Emirates Stadium, Hornsey Rd, London, United Kingdom - 21 Dec 2015

Pellegrini Miyuu Ku Taagan Yahay Waqti La Amaahday?

Pellegrini ayaa ku adkeysanaya inuusan wax dhib ah u arkin wararka shaqadiisa la xiriirinaya tababare Pep Guardiola laakiin kooxdiisa ayaa u ciyaartay isbuucyadii ugu danbeysay sida inay dhiirogelinta ka maqan tahay. Seddex guuldarro oo soo gaartay shantii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ma ahan wax fiican oo ay tahay inay la kulanto koox leh tayada Man City, waxaana ay u baahan yihiin garaacaan Sunderland maanta si ay cadaadiska ugu hayaan kooxaha ka sareeya, islamarkaana ay soo bandhigaan inay doonayaan inay u dagaalamaan tababarahooda. Iyadoo kulamo dhib badan oo ay safrayaan Watford iyo Leicester City ay ku soo beegan yihiin, Pellegrini iyo City ma awoodaan inay sibxadaan mar kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip