Ronaldinho: Neymar Ayaa I Dhaxlaya, Waana Hogaamiyaha Xulka Brazil.

0
Saturday December 26, 2015 - 14:44:36 in Sports News by
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldinho: Neymar Ayaa I Dhaxlaya, Waana Hogaamiyaha Xulka Brazil.

    Ronaldinho ayaa aaminsan in xiddiga Barcelona Neymar inuu durbaba ka dhaxlay maqaamkiisii xulka Brazil. Neymar ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Brazil isagoo 18 sanno jir ah waxaana uu dhaliyay 46 gool 69 kulan uu u saftay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ronaldinho ayaa aaminsan in xiddiga Barcelona Neymar inuu durbaba ka dhaxlay maqaamkiisii xulka Brazil. Neymar ayaa saftay kulankiisii ugu horeysay ee Brazil isagoo 18 sanno jir ah waxaana uu dhaliyay 46 gool 69 kulan uu u saftay.

23 jirkaan ayaa u xirta Brazil maaliyada No.10 oo ay hore u soo xirteen Ronaldinho, Rivaldo, Zico iyo Pele.

Ronaldo ayaana aaminsan in Neymar uu durbaba gaaray heerkii uu ku noqon lahaa xiddiga xiga ee hogaamin lahaa Brazil.

"Shaki la’aan, Neymar durbaba waa uu i dhaxlay.” ayuu Ronaldinho u sheegay jariirada Marca.

neymarronaldinho-cropped_e0b1an4sxv41xx037452u33r
"Doorkaas ayuu ciyaarayaa, muddo sannado ah ayuuna ciyaarayaa.

"Waa ciyaaryahan weyn, waxaana uu noqon doonaa wajiga Brazil sanandaha badan ee soo socda.”

Neymar ayaa abaalmarinta Ballon d’Or ee sannadkan kula tartamaya xiddiga Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip