
HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYA NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 2DA JUUN 2018KA
Askari ayaa xabado ku furay dad ku sugnaa hoteel ku yaalla Bartamaha Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland, waxaana ku dhintay Wiil iyo Aabihiis.
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed Tumay ayaa Risaala u sheegay in ciidamada Ammaanka ay gacanta ku dhigeen ninkii falkaasi geystay.
Waxaa uu sheegay in ninkaan uu qabay Xanuunka,islamarkaana horay looga qaaday Qorigii uu watay ,laakiin hadda ay barayaan Qoriga uu dadka ku dilay halka uu ka keenay.SHEEKH C/RAXMAAN SHARIIF OO XALAY LAGU DILAY DEGMADA BAARDHEERE..
Sheekh C/raxmaan Shariif oo ka mid ah
culima’udiinka ku dhaqan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa xal ay lagu
dilay degmadaasi.
Laba nin oo bastoolado ku hubeysnaa ayaa wadaadka ku dilay afaafka hore ee Masaajid ku yaala xaafadda Buulo Kuu low, wax yar uun ka dib markii laga soo dareeray Salaaddii Tar aawiixda.
Raggan ayaa la sheegay qaybaha hore ee jirkiisa inay ka toogt een Sheekh C/raxmaan Shariif, isagoona isla goobtaasi ugu geeriyooday rasaastii ay la dhaceen.
Ciidamada ammaanka ee ka hawlgala Degmada Baardheere ayaa aagga Masaajidka gaaray, xilli ay ka baxsadeen raggii fal dembiyeedkaasi gaystay.
Cali Aadan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dhacdo.com u sheegay in Sheekh C/raxmaan Shariif uu ahaa Imaamkii Masjidka, islamarkaana uu isagu tujiyay Salaaddii Taraawiixda ee xalay.
Cali Aadan ayaa iftiimiyay in dilka wadaadka uu argagax geliyay bulshada deegaanka, islamark aana aanay garanayn cidda dishay iyo weliba ujeedada ka dambeysa dilkiisa.
Dilkan ayaa waxaa si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Ururka Al Shabaab, kuwaa oo bishan barakeysan ee Ramadan kordhiyay dilalka qorsheysan ee ay u gaysanayan dadka indhaha u ah bul shada.
Bisha Ramadan oo bil cibaado iyo naxariis badan ah ayay Shabaabku u bedeleen bil ay dadka layaan, waana wax hadalhayn ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed.
MAREYKANKA OO DUQEYN KU DILAY XUBNO KA TIRSAN DAGAALAMAYAASHA ALSHABAAB
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo 31 May ka fuliyay meel 30KM koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho lagu beeg saday dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.
Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in 12 dagaalyahan lagu dilay weerarka, inkastoo aan la sheegin goobta rasmiga ee duqeynta ka dhacday.
Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aanay jirin dad rayid ah oo weerarkaas wax ku noqotay.
Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Shabaab, waxaana sanadkan kordhay weerarada uu ka fuliyo Koofurta Soomaaliya.
MAXKAMADA EDMONTON OO KU XUKUNTAY NIN SOMALICANADIAN AH IN LAGU WAREEJIYO MARAYKANKA
Maxkamada magaalada Edmonton dalka Canada ayaa xukuntay in loo gacan geliyo dowlada Maraykanka Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi oo lagu eedeeyay in uu gacan ka geystey dhalinyaro ku biirtey ururka Daacish.
Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi oo 33 jir ah ayaa ka mid ahaa dhalinyaro dhac u geysatay dukaan lagu iibiyo dahabka magaalada Edmonton taasoo lacagtii laga helay lagu caawiyay inay dhalinyaro ku biiraan dagaalka Daacish ee dalka Siiriya.
Xaakimka Jon Little ayaa amray in Cabdulaahi Axmed lagu wareejinayo dowlada Maraykanka balse waxaa uu Cabdulaahi xabsiga lagu sii haynayaa ilaa uu ka aqblo xukunkaas wasiirka dastuurka oo go’aanka kama dambeysta ah leh.
Hase yeeshee Cabdulaahi Axmed ayaa iska diiday inuu taageerayay ururka Daacish waxana uu sheegay in ay been yihiin waxyaalaha lagu soo eedeeyay oo idil.
Maxkamada ayaa loo soo bandhigay emailo uu isticmaalay Cabdulaahi iyo qoraale kale,waxaana la sheegay in Cabdulaahi uu lacagtii uu ka helay dhaca uu ka qeybqaatay ay ugu safreen dalka Siiriya Hanad Mohallim, Douglas McCain iyo Hamsa Kariye kuwaasoo lagu diley dalka Syira.
Dowlada Maraykanka oo ka codstay dowlada Canada in lagu soo wareejiyo Cabdulaahi Axmed Cabdulaahi ayaa la sheegay inuu ka caawiyay sidii ay u heli lahayd xogtan nin ay qaraabo yihiin Cabdulaahi oo lacag badan ay dowlada Maraykanku siisay.
SOOMAALIYA IYO KENYA OO KU HESHII YAY GUDDI WADAJIR AH OO U KUUR GA LA MURANKA XUDUUDAHA LABADA DAL
Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo qaabilsan arrimaha amniga iyo xuduudaha.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu faah faahiyay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in lagu guddiga wadajirka ay soo di yaarin doonaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada dhabta ee ka jirta xuduuda u dhaxeysa labada dal.
Booqashada Madaxweyne Farmaajo daraad ku tagay magaalada Nairobi ayaa salka ku heysa arrimo labada dal ka dhaxeeya, gaar ahaan xuduuda Barriga iyo Badda.
Inkastoo qoraalkii ka soo baxay Madaxtooyada aan lagu soo hadal qaadin arrinta muranka Bad da ee dacwadeeda ay taalo Maxkamadda Hague, hadana Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa dhowaan sheegtay in dowladda Soomaaliya ay kala hadleen in arrintaas wada xaajood ka galeen.
Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay in wada xaajood ku saabsan arrinta Badda ay la galayaan, isla markaana kiiska dacwada badda uu weli yaalo Maxkamadda.
TRUMP OO XAQIIJIYEY INUU LA KULMAYO KIM JONGUN
Madaxweyne Trump oo aqalka cad kula kulmay Kim Yong Chol
Madaxwenaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyeey kulanki qorsheysna uu la yeelan lahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu 12ka bisha June uu ka dhacayo Singapore.
Madaxweynaha wuxuu hadalkasi sheegay kaddib marki uu u dhammaaday kulan uu aqalka cad kula yeeshay Kim Yong Chol, oo ah ergeyga sare ee ka socday xukumadda Piongyang.
Wuxuuna Trump sheegay inuu aaminsan yahay kulanku inuu ugu dambeyn uu qabsoomo, uuna noqdo mid lagu guuleysto iminkana ay socdaan marxalado looga gogol xaadhayo.
Trump iyo Kim Jongun oo markale foodda is daray
Trump iyo Kim Jongun oo wali isu Hanjabaya
kulanka Trmp iyo kim Jongun oo laga yaabo in uu hakad ku yimaado
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo caleemo qoyan u ruxay Trump
Xiriirka uu dalkiisu la yeelanayo kuuriyada Waqooyina uu haatan uu marayo meel wanaagsan oo la isku halleyn karo.
Wafdiga ka socday Piyongyang waxay Trump guddoonsiiyeen dhambaal ay uga sideen Kim Jongun, dhambaalkaasi oo uu ku tilmaamay Trump 'mid soo jiidasho leh' balse uu sheegay inuu furin.
Kulankan uu shalay uu madaxweyne Trump si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qabsoomayo oo ah mid horay u qorsheysnaa waxaa marar badan soo galay hakad siyaasadeed oo sababi gaadhay gebi ahaanba heshiiska inuu burburo madaxda labada dal oo hadalla kulkulul isdhafsanayey awgeed.
R/ WASAARE KHAYRE OO BOOQDAY CIIDAN KA XOOGGA DALKA EE KU SUGAN XERADA BALIDOOGLE
R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Kha yre, oo u weheliyo Wasiirka Gaashaan dhigga Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Sa raakiisha ciidanka ayaa booqday Xarunta lagu tababoro Ciidanka Xoogga Dalka, ga ar ahaan ciidam adda sida gaarka ah u to bobaran ee (DANAB) oo fadhigoodu yah ay deegaanka Ballidoogle ee Shabeellaha Hoose. Wuxuuna xariga ka jaray qayb cu sub oo lagu soo kordhiyay xarunta tob obarka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan qaybaha kala duw an ee xaruntan cus ub wuxuuna boggaadi yay sida quruxda badan ee loo dhisay iyo ha bka loo qalabeeyay. Isagoona u mah ed celiyay dhammaan dadkii ka shaqeey ay howshan wanaagsan oo ay ugu hora y so dawladda Maraynkanka oo hirgilsay dhismaha xaruntan lagu tabobari doono ciidanka Soomaaliyeed.
R/Wasaaraha oo khudbad dheer kula hadlay qaar ka mid ah ciidanka iyo Sara akiishooda ayaa tilm aamay in ciidanka Soomaaliyeed ay yihiin lafdhabarka dalk ana wuxuuna yiri " Dhismaha xarunta cu sub waxaa ka muuqata soo noqshada iyo dib u qaabaynta ciidmadda xooga dalka Soomaaliyeed, cid walba oo shaki ka qa btay in ay soo laabanayso qaranimadii so omaaliya tan ayaa ugu filin.
"Si dawladnimadda loo xoojiyo waa in la helaa dhalinyarro Soomaaliyeed oo og olaatay in dhiigooda iyo naftoodaba ay u huraan dalkooda, waana mida aad Sha lay maanta halkan u joogtaan, si aad u dif aacdaan dhulkiina ka dibna aad uga sha qeysaan sidii ay carruutiinu u heli laha ayeen muqtaqabla wanaagsan."
R/Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa cadeeyay in hadafyadda ugu waawayn ee xukuumadiisu ay tahay in ciidamadda dib loo habeeyo, diyaarna loo yahay in la gu taageero waxkasta oo ay u baahdaan ciidanku, so loo haga. Idinku hadii aad soo celin waysaan qarinadda Soomaaliy eed ma jirto cidkale oo soo celin doonta..
DHAMMAAD
DOWLADDA SUUDAANTA KOONFUREED OO LOO QABTAY BIL INEY DAGAALLADA KU SOO AFJARTO
Q/Midoobay
ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed u qabtay bil iney ku gaarto heshiis ay
dagaallada ku soo afjareyso ha ddii kale ay la kulmi doonto cunaqabat eyn. Golaha
ammaanka ee QM ayaa wux uu qaraar ka soo saaray Suudaanta Koo nfureed
qaraarkaasi oo digniin lagu siina yaa dhinacyada isku haya dalkaasi iney
heshiis nabadeed ku soo gaaraan haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabateyno.
Wasiirka gaashaandhigga Suudaanta Ko onfureed (Kuol Manyang Juk) iyo afar mas’uul oo kale ayaa la xayirayaa hantid ooda waxaana lagu soo rogayaa cunaqab ateyn dhinaca socdaalka ah haddii he shiis la gaari waayo. Danjiraha Mareykan ka u fadhiya QM. Nikki Haley waxay shee gtay Mareykanka oo dalka qaraarkan in la soo saaro dusha ka riixayey uu dulqaadku haatan ka dhammaaday.
Itoobiya oo ah waddanka wadahadall ada nabadda ee dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda marar badan marti gelis ay ayaa ka mid ah waddamada lixda ah ee ka aamusay meel marinta qaraarka uu golaha ammaanku soo saaray. Dagaalla da sokeeye waxay Suudaanta Koonfure ed ka qarxeen shan sana ka hor marki uu madaxweyne Salva Kiir uu xilka ka qa aday Madaxweyne ku xigeenkiisa Riek Machar.
PUNTLAND OO MARKALE KU CELISAY INAYS AN JOOGSAN DOONIN COLAADA TUKARAQ
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaanka Tuka raq oo ka tirsan gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.
Wuxuu sheegay markale Madaxwey ne kuxigeenka Puntland in dagaalka uu san joogsan doonin, inta maamulka Soma liland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland, kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.
Wuxuu sheegay ujeedka uu Buuhoodle u tagay in ay tahay in shacabka magaal ada ay taageeraan ciidanka Puntland iyo in la helo dhalinyaro ciidan ah oo ka qeyb qa ta dagaalka Tukaraq. "Sida aad la soc otaan laba dagaal ayaa dhacday, mana jo gsan doono dagaalka, waxaan qabaa ha dii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaq iiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,” Ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne C/xakiin (Ca mey) ayaa Beesha Caalamka ka dalba day in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somalil and ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haw eenka.Colaada ka taagan degaanka Tuk araq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabade ed oo la soo saaray kadib weli waxaa taa gan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labad an maamul.
LAANQAYRTA CAS OO DHAQAATIR U DIRTAY QAZA
Ha’yadda Laanqayrta Cas ayaa ku dha waaqday inay 2 kooxood oo dhaqaatiir ah ay u dirtay marinka Qaza si ay u caa wiyaan dadkii dhawaan ku dhaawacmay qalalaasihii ka dhacay halkaasi.
Hay’adda waxa ay sheegtay in dadka asi ay la kulmayaan dhibaatooyin kala du wan oo ay uyu horreeyaan dhanka Caafi maadka.
Laanqayrta Cas waxa ay sheegtay in Dhaqaatirtan ay ku takhasuseen qaliinka waxaana la doonaya inay wax ka qabtaan baahida dhanka caafimaadka ee ka jirta Qaza. Madaxa howlgalka ha’yadda ICRC ee bariga dhexe Robert Mardini wuxuu sheegay in dibadbaxyadii iyo rabshadihii Qaza ay gabaabsi dhanka adeegyada caa fimaadka ay ku reebeen dadka dee gaanka islamarkaasna xarumaha caafim aadka Qaza aysan qaabili karin dadka in taa la eg ee dhaawaca ah.
In ka badan 13,000 oo Falastiiniyiin ay aa ku dhaawacmay rabashadihii dhawa an ka dhacay xadka Falastiin iyo Israa’iil, sida ay sheegeen hay’addaha gargaarka.
TIRADA MUWAADINIINTA SOOMAALIYE ED EE BISHAN RAMADAAN LAGU DILAY KOOFUR AFRICA
Kooxo Hubeysan Ayaa Cabdulqaadir Nuur Iiman waxay ku Toogteentuulo ho ostagta M/Cape town ee Dalka koofur Afri ka, waxaana lagu aasay Qabuuraha Musl imiinta ee magaaladda. Dadkii ka soo qe yb galay aaska, Ayaa Tacsi u diray ehel adii iyo Qaraabadii uu ka baxay marxu umkaasi.
Maxamed cumar Talyaani Guddoomiya ha dhalinyarada Soomaliyeed ee Dalka koonfur Afrika, Ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Dilka aan joogsiga laheyn ee loo geysto Muwaadiniinta Soomaliye ed, Isaggoona Baaq u diray dowladda Soomaaliya.
Mawaadinkan ayaa noqonayo mawa adinkii 5aadee tan iyo bilowgii Bishaan barakeysan ee Ramadaan lagu dilo Dal kaasi Koonfur Africa, sido kale dalka koo fur afrika ayaa noqonaya wadamada inta badan lagu ugaarsado ganacsata sooma aliyeed ee ku sugan wadamada kale ee Caalamka
GUDDOOMIYE MURSAL OO BALANQAAD AY INAY BIXIN DOONAAN XUQUUQ DA XILDHIBAANADII HORE
Guddoomiyaha G/Shacabka ee BFS Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan ayaa af ur u sameeyay qaar ka mid ah xildhi baan ada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid uu gu ddoomiyaha kaga mahad celinaayay xi ldhi baanada howlihii wanaagsanaa oo ay dalka ka soo qabtay iyo iney hada wada shaqeyn dhexmarto. Xildhibaanada ayaa guddoomiyaha la wadaagay dhibaatooyin kii laga soo maray golahan iyo talooyink ooda la xiriira sida hada loo sii hormarin karo Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha G/Shacabka ee Baarla maanka FS Md ,Mursal ayaa marka hore xildhibaanada kaga mahad celiyay sida ay u soo ajiibeen kulanka afurka ee uu u sameeyay. ”Waad mahadsan tihiin soo dhawaada, sharaf weyn ayay ii tahay haa tan inan isla afurno waqti badana isla qa adano, xaqiiqdii dalkan howlo muhiim ah ayaa ka soo qabateen, waqti adagna wa ku soo shaqeyseen waana idinkaga mah ad celinayaa doorkii aad ka soo qaadat een dib u yegleelida Baarlamaanka.” Ay uu yiri Maxamed Mural.
”Waxan joogteyn doonaa kulamadiina iyo inan dhageysto talooyinkiina, waxaa idiin ballan qaadaya inaan bixin doono xu quuqda iyo tixgelinta aad Golaha Sha cabka ku leedihiin.” Ayuu mar kale yiri Gu ddoomiye ursal. kulanka waxaa ka had lay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baar lamaankii 8aad iyo 9aad, waxa ayna Gu ddoomiyaha uga mahad celiyeen kulanka afurka ah ee uu u sameeyay.
Sidoo kale waxa ay Guddoomiyaha ku dhiira geliyeen inuu sii labo jibaaro da daalka uu wado, iyo inuu ilaaliyo madax banaanida Golaha Shacabka.
kulankan uu Guddoomiyaha la qaatay xildhibaanada Baarlamaankii 8aad iyo 9aad ayaa qeyb ka ah kulamada isbarash ada, xog wareysiga iyo latashiga uu la qa adanayo qeybaha kala duwan ee bulsh ada, siyaasiyiinta iyo wakiilada Beesha Ca lamka ee Muqdisho ku sugan.
Kulanka afurka xalay waxaa goobjoog ka ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka Md Xildhibaan Maxamed C/laahi Xasan (Nu ux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Md.C/kariin X. Cabdi (Buux).
MADAXWEYNAYAASHA DOWLAD GOBOLEED YADA HIRSHABELLE IYO KOOFURGALBEED OO MUQDISHO YIMID
Madaxweynayaasha dowlad goboleed yada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aa dan ayaa ka soo degey garoonka diyaa radaha M/Muqdisho ka dib markii ay maal mihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nayro bi. Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caa lamiga ah Aadan Cadde ee M/Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan laba da gole ee DF, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle. Madaxweynaha Dowlad Go boleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogay M/ Nayro bi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada had leen arrimo kale duwan oo la xiriira Horu marinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarin eed oo laga hirgaliyo Deegaanada iyo dhi sida ciidamada Boliiska Hirshabelle.
2da Madaxweyne Gboleed ayaa u gu dbi doona M/Baydhabo halkaa oo uu dho waan ka dhici doono shirka golaha Amni ga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan dow lad goboleedyada dalka ka jira iyo Dowla dda Federaalka Soomaaliya.
DIYAARADO YARYAR OO SUUQA UGA SOO ADEEGAYA DADKA SHIINAHA
Dalka Shiinaha ayaa waxaa laga bila abay oo la fasaxay in isticmaali karo diy aaraaha yaryar in ay alaabaha, gaar ah aan cuntooyinka dadka macaamiisha ah guryahooda ugu geeyaan. Shirkadda Ele.me oo ay leedahay shirkadda weyn ee iibka internetke, Alibab, ayaa loo fas axay in ay diyaaradaha dhulka laga hago u isticmaasho illaa 17 qad oo hawada ah si ay cuntooyinka ay dalbadeen ugu gey so dad macaamiil ah.
Macaamiisha ayaa adeegooda ku heli kara muddo 20 daqiiqo ah laga bilaabo marka ay dalbadaan. Waxayna adeegan ka heli karaan illaa 100 maqaayadood oo isu diiwaangaliyay in ay bixiyaan adeegg an casriga ah.
Balse diyaaradahan yaryar toos ugu ma geynayaan alaabta macaamiisha, ee waxa ay ku dagayaan xarun ay shirkadda leedahay oo ku yaala meelo cayiman, hal kaas oo shaqaale ay ka qaadanayaan, ka dibna u geynayaan qofkii dalbaday oo xa afadaas degen. Diyaarad kasta ayaa qa adi karta illaa dhawr kiilo oo cunto ah, wa xayna goynkartaa masaafo kudhow 60km
.RA’IISUL WASAARAHA SPAIN MARIOANO RAJOY OO SHAQADII LAGA ERYAY
Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mari ano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain. Hogaamiya ha xisbiga hantiwadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ahra’iisal wasaaraha kuna eedeey ay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain.
"Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo ah taariiqda dimuqraadiyada dalkee na. ”ayuu yiri Sánchez.
Mr Rajoy ayaa noqonaya ra’iisul wasaar ihii ugu horeeyay ee taariiqda cusub ee dalka Spain kaasoo ka waaya codka kals oonida baarlamaanka dalkiisa.
Hogaamiyaha xisbiga muxaafadka Mr Rajoy ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Spain tan iyo sanadkii 2011. Mr Rajoy ay aa maalintii 2aad ee ay xildhibaanada ba arlamaanka Spain ka doodayeen moo shin ka laga geeyay waxa uu aqbalay in uu xilka ka dego.
CIIDAMADA DOWLADDA OO DIB ULA WAREEGAY DEGAANKA MOQOKORI
Ururka Alshabaab ayaa casir liiqii shalay dagaal culus kula wareegay degaanka Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, ka dib markii ay la dagaalameen ciidankii hal kaasi ku sugnaa. Shabaab ayaa 2 jjiho ka wee raray degaanka, waxayna dagaal dhabagal ah la galeen ciidanka Dowladda ee halkaasi ku sugnaa, taasi oo ugu da mbeyn sababtay in ay gudaha u galaan degaanka, iyaga oo wata gaadiidkooda dagaalka. Ciiamada dowladda ayaa dib ula wareegay Xalay degaanka Moqokori ka dib markii ay ka baxeen dagaalyaha nadii AlShabaab ee qabsaday degaank aasi.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Sha baab ay muddo Saacaddo ah ay gac anta ku hayeen degaankasi,islamarkaana ay dib uga baxeen, markii ciidamada dowla dda ay soo rogaal celiyeen. Dib ula ware egidda degaankaasi ayaa timid ka dib markii ciidamada dowladda Soomaaliya Gurmad xoog leh uu uga yimid degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan. Degaan ka Moqokori ayaa ka mid ah de gaanada ay Shabaab kaabiga ku hayaan, waxaana horay uga geysteen Weeraro kala duwan.
WARARKII U DAMBEEYEY CIIDAMO KA WADA TIRSAN DOWLADDA OO KU DAGAAL AMAY MUQDISHO
Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Ciidamo ka wada tirsan kuwa do wladda Soomaaliya oo Gabaldhicii xalay uu dagaalkooda ka bilaawday xaafada Macalin Nuur ee degmada Dharkenley.
Dagaalka
ayaa ka dambeysay kadib mar kii ciidamo millateri ah oo ku sugnaa Barkoontorool
oo ku taalla xaafada Mac allin Nuur ay ciidamada xasilinta isku day een Inay
hubka dhigaan balse ay diideen , waxana la sheegay in dagaalka uu ku fi day
xaafadaha ilaa Exkoontorool Afgoye.
HABMALYO DHALASHO FARXAD LEH
Dagaal socday mudo ka badan 30da qiiqo ayaa 2da ciidan halkaasi ku dhexm aray kaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhi nac iyo Shacab isugu jira. Wariyaal ku su gan goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa wa xa ay soo sheegayaan in ilaa 2 Askari oo ah ciidamadii dagaalamay ay geeriyoo de en halka 5 qof oo Shacab ah
Maamulka iyo howladeennada wargeyska Mogadishu Times Daily News Paper waxaay hambalyo dhalasho u dirayaan Abbe Cabdi Cali Xasan {Yuubane} iyo Hooyo Safiyo Axmed Roobel {Shiino} oo Xalay Gabar ugu dhalaty M/Muqdisho waxayna leeyihiin Alle ha ka dhigo tii soo barbaarta oo Dalkeeda, Dadkeeda iyo Diinteedaba Anfacda
Aamiin Aamiin Aamiin
Sidoo kale waxaa Hambalyo taa la mid ah u diraya Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto},Yuusuf Ismaaciil Axmed {Carrabeey} Dr.Cismaan Axmed jimcaale {Dr.Jimmy}, Muuse Maxamed Cismaan {M.Kimiko}, Maxamed Xuseen Axmed {Suufi} Ismaan Xuseen Axmed {Waryeel},Xaawo Axmed Jimcaale, Madiino Axmed Jimcale,Qadero C/hi Cali Hagareey,Maxamed Xasan Xuseen {Anaa leh}, Nuurto Cali Cumar, Naasir Cali Cumar,Fowlsiyo Sh. Xasan,Maxamuud Axmed Xasan {Xuurshe},ShMukhtaar Sh. Muxuddiin Celi,Faadumo Muxuddiin Maxamed, Seynab Cabdullaahi, Jamiilo Muqtaar Sh.Muxuddiin, Muxuddiin Mukhtaar Sh.Muxuddiin, Mak aay Sh.Muqtaar Sh. Muxuddiin, Caasho Sh.Maxamed, Seynab Xasan, Faadumo Sh. Yuusuf, Maryan Sh.Yuusuf, Maxamed Sh. Yu usuf, C/hi Sh.Yuusuf,Caasho Sh.Yuusuf ,Xakiimo Iiidoow,Qaali Xaaji Xuseen Culusoow, Salaado Maxamed Axmed {S.Deef} Hibo Maxamed Axmed {H.Seef},Nuur Maxamed Nuur {N.Qamadi}, Sheekh Xasan,Awoowe Axmed Rooble Jimcaale,Ayeeyo Xaliimo Max amud Cali, Maxamed Maxamuud Cali, Axmed Maxamuud Cali,Faadumo Maxamuud Cali,Nuur Maxamuud Cali,Cumar Xamuud Cali, Maxamed Axmed Rooble, Mowliid Axmed Rooble,Ibraahin Axmed Rooble, faamudo Axmed Rooble, Xamso Axmed Rooble, Faa’iso Axmed Rooble,Shukri Axmed Rooble,Raxmo Axmed Rooble,Socdaal Axmed Rooble Xasan Axmed Rooble, Xaawo Axmed Rooble Faadumo Cabdullaahi Xasan {FaaCaws}, Nimco Sh.Maxamuud {N.Nalka} ,C/raxmaan Mowliid Axmed {Cabdi Madoobe}, Maxamed Nuur iyo Carurtisa oo kala ah Ciise Maxamed Nuur, Cabbaas Maxamed Nuur,Maa’iddo Maxamed Nuur,Muno Maxamed Nuur, Mustaqiin Maxamed Nuur, sidoo kale Xaawo C/hi Jilicoow,Aamino Jilcoow, Adeer Cabdulle Adeer Cali Xasan,Ciise Cali Xa san Eerddo Xaawo Cali Xasan, Adeer Dalmar Cali Xasan Dhammaan Dadkaasi Waxaay Hambalyo Dhalasho Cawo iyo Ayaan leh oo Farxadeed u dirayaan Cabdi Cali Xasan {Yuubane} iyo Xaaskiisa Safiyo Axmed Rooble Jimcaale oo Gabar ugu dhalatay Caawa Magaalada Muqdisho waxayna Alle ugu Baryayaan inuu ka dhigo tii soo Barbaarta oo Waalidkeed iyo Dalkeeda Dadkeeda iyo Diinteedaba Anfacda
Aamiin AamiinAamiin..
WASAARADA GARGAARKA IYO MAAREYN TA MUSIIBOOYINKA & BANKIGA ADUUN KA OO TABABAR KU QABTAY M/MOMBASA
Waxaa M/Mombasa ee Dalka Ken ya lagu soo gebagebeeyey tababar ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Was aarada Gargaarka iyo Maareynta musi ibooyinka, urur goboleedka IGAD iyo bankiga ad uunka kaasoo lagu baranayo qiimeynta iyo ka soo kabashada musiibooyinka.
Tababarkan oo soconayey mudo 5 maalin ah ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo hormarin lahaa khibrada iyo aqoonta loo leeyahay sida loo qiimeyo marka ay dhacaan musiibooyin iyo sida looga soo kabto. Anagoo og inay soomaaliya ka dha caan musiibooyin dabiici ah sida Abaara ha, Dabeylo iyo fatahaada webiyada.
Dadkii ka qeyb galay tababarkan ayaa la rajeynayaa in ay kororsadeenaqoon iyo qibrad ay la wadaagi doonaan dadka jooga magaalooyinki iyo hay’adihii ay matalayeen. Waxaa tababarkan ka qeyb galay 40 qof oo kala socda wasaaradaha kala duwan ee Federaalka, maamul gob oleedyada iyo hay’adaha maxaliga ah.
Waxaa sdioo kale goob joog ah wafdi ka socda Bankiga aduunka, Qaramada mid oobe, Midowga Yuurub iyo midowga Africa. Inta uu socday shirkan ayaa wa xaa dii rada lagu saaray ka dooditaanka siyaasa da ka soo kabashada musiibooy inka, Qa abka maalgelinta ka soo kabas hada, Taa bagelinta mash ruucyada iyo in la horuma riyo istiraatiijiyada ka soo kabashada mus iibooyinka.
11 QOF OO KU DHIMATAY DOONI KU ROG MATAY HARADA VOLTA EE DALKA GAANA
11 Qof ayaa ku geeriyootay Dooni ku qallibantay Harada Volta ee Jasiiradda Sipom, ee Dalka Gaana, sida ay sheegt ay warbaahinta gudaha ee Dalkaasi.
Dadkan ayaa ka mid ahaa 50 Qof oo ka soo ambabaxay degaanka Kete Kra chi, kuwaasoo dalagga ka soo go’ay Bee rahooda doonayay inay u iib geeyaan Sip om oo Caasumadda Accra dhanka Waq ooyi bari kaga beegan 430 Km.
Doonidan ayaa gebi ahaanba burbur tay markii ay ku dhacday Geed Biyaha ku hoos jira, waxanay kooxaha gurmadku sheegeen inay soo badbaadiyeen 33 Qof, 6 kalana ay weli baadi goobayaan raq iyo Ruux. Douglas OseiNti, oo ka tirsan maamul ka Galbeedka Degmada Krachi , ayaa wa rbaahinta maxalliga ah u sheeg ay inay weli socdaan howlgallada gurma dka, iya doo Dadka ku dhintay shilkaasina ay ka mid ahaayeen Laba Haween oo xaamila ah.
DUQA MUQDISHO IYO DUQA GAROWE OO KULAN GAAR AH YEESHAY
Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Ga rowe G/G/Banaadir C/maan Cumar Cus maan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa Caasimadda Puntland ee Garowe Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wa da hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta 2da dhinac iyo isku xirka maga alooyinka. Eng Yarisow ayaa ku soo dha weeyey Caasimadda dalka, waxuna hoos ta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xarun tii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda So omaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dha xeeyo Maamullada iyo degmooyinka So omaaliya.Sidoo kale, waxuu Guddoomiya ha Go bolka Banaadir ku ammaanay Duqa Gar owe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta iyo sida uu yahay am maanka Caasimadda Puntland ee Gar owe. Guddoomiyaha Caasimadda Puntl and ee Garowe Md.Axmed Deeq Maxam ed wuxuu uga mahad celiyey Duqa Muq disho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada
UGANDA OO KU SOO ROGTAY CANSHUUR DADKA ISTICMAALA BARAHA BULSHADA
Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay sharci ku soo rogaya lacago canshuuro ah dadka isticmaala baraha bulshada sida Facebook,WhatsApp,Viber iyo Twi tter.Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxaa ay bixin doonaan lacag gaar eysa labo boqol oo shillinka Uganda ah taasoo u dhiganta Nus dollar maalin wal ba. Madaxweynaha Uganda Yoweri Muse veni ayaa arrintan gadaal ka riixaya isa goo ku dooday in baraha bulshada ay dhii rigeliyaan inay faafiyaan warar aan xaqiiq ahayn.
Hase yeeshee waxaan la ogeyn sida uu sharcigan u dhaqan geli doono iyadoo do wlada Uganda ay ku dhowaaqday in shar cigan uu dhaqan galayo 1da July ee sa nadkan. Wasiirka maaliyada dalka Ug anda David Bahati ayaa u sheegay Baar lamaanka Uganda in kordhinta can shuurta ay tahay mid u saamaxaysa dowl adiisa inay bixiso deymanka lagu leeyah ay.Dowlada Uganda ayaa waxa ay hadda dooneysaa inay diiwaangeliso dhamaan dadka isticmaala taleefanada iyadoo la qiyaaso dad gaaraya 23.6 million ay istic maalaan taleefanada gacan qaadka ah, halka 17 Malyan ay ku isticmaalaan tale fanadooda internetka.
RAMADAAN WAA FURSAD NAFTA LAGU BADALI
KARO|A.ALBANNA
Ilaahay sarreeya waxa uu siiyaa dad ka fursad wanaagsan sanad walba wa ana fursad uu ugu talogalay inay naft ooda seeteeyaan oo ay baraan samirka, dulqaadka, iyo cibaadada, waana fursad uu qofku naftiisa ku layliyi karo si uu u sa meeyo is badal, qofkuna hadii uu maalin tiisa habaysan kari waayo ma habaysan karo bil iyo sanad toona haba sheeg sheegto inuu wax habaysan karo, ama ha ku qorto waraaqo waawayn. Maqaalkay gan kaga hadli mayo axkaamta uu soo nku leeyahay , waxaynuse ka eegi dhan ka isbadalka.((Ilaahay ma badalo wax dad ku sugan yihiin Ilaa ay badalaan waxa naftoodu ku sugantahay))( AlRa,ad :11)
Waxaynu in badan raadinaa seminaaro iyo shirar la qabto oo aan kaga faa, iid aysanno sidii loo maamuli lahaa wakht iga, sidii loo kobcin lahaa nafta, qorshe bil eed, ama sanadeed sidii loo samayn la haa, sidii nafta loo tarbiyadayn lahaa, iyo waxyaabo kale, inagoo mararka qaarna lacag ku bixinna, laakiinse dadku ma oga in ay bisha ramadaan tahay fursad qaa liya oo mucjisaadkeeda aan la soo koobi Karin, Qalina aanu suurayn Karin, waa bil Ilaahay soo dajiyay hagaha iyo tusaha cad (Quraanka), waa bishii uu Ilaahay siiyay muuminiinta libta iyo guusha wayn, waa bishii ugu furashada badnayd taari ikhda islaamka, waa bil Ilaahay albaaba da jannada furayo, Kuwa naartana xidha yo, shayaadiintana la katiinadaynayo. Waa bil ay ku jirto habeen barako badan (Habeenka Qadriga). Habeenkaasoo u dhigmo 1000 bilood,waa bil qofka Ilaahay dartii u sooma isagoo rajaynaya abaal ma rintiisa laga dhaafayo danbigiisii uu galay.
Qofka wanaagsani waxa uu hadiyo jeer isku daya inuu naftiisa isbadal ku same eyo hadiyo jeer, laakiin waxaa la isku dha afay oo lagu kala tagay habka iyo dariiqa loo marayo isbadalka. Dadku waxay hadi yo jeer doonaan inay isku badalaan si dh akhso ah kuwaasi waa kuwaan gaadhi Ka rin isbadal, kuwa isbedalka dhabta ah la yimaadaa waa kuwa u samra "Samraa sadkii hela”
Haddii aad doonayso inaad isbedel sa mayso su,aalahan si niyadsami ah uga jawaab Yaad tahay? Maxaad doonays aa? Habkeed u maraysaa waxaad doo nayso? Maxaad u nooshahay? Wadada saxda ah mahaysataa? Waa maxay dawr kaagu? Maxaad doonaysaa inaad gudb iso? Ma leedahay qorshe haba ahaado mid saacad leh ah? Maxaad doonaysaa inaad bishan Ramadaan xaqiijiso? Ma jiraa Qorshe aad ka leedahay bisha Ram adaan?
Walaal markaad su,aalahaa si run ah uga jawaabto waxaad garan doontaa dariiqa sax ah ee la isku badalo. Isbadalkuna wa xa uu ka yimaada waa gudaheena, sida an u fikirno ayay noloshanu inoo ahaana ysaa.
Waxa jira hadaba dadyaw farabadan oo bisha ramadaan is yidhaah is badal la kaalay mise waaba iyagoo ay naftu jiidan ayso, shaydaankuna jahawareeriyay, Noloshuna ay jeel ku xidhay.
Waxaa ka mid ah:
1. Mid ay salaada tukashadeedu ay ku noqotay culays
2. Mid danbiyada iska dhex muquuranaya
3. Qof caadaystay cayda iyo aflagaada uu dadka u gaysanayo
4. Qof aan asturayn naftiisii
5. Qof ay balwadi daandaamisay
6. Qof aan waxba bixin oo gacan adag
7. Laba ay colaad iyo cadaawadi ka dhax ayso
Sifooyinkaasi iyo kuwo kaloo badanba waxay ku dhacaan nafaha bini’aadamka, laakiinse ilaahay waxa uu siiyay fursad dahabi ah waana bisha ramadaan. Fur sadaasi waxaad ku xafidi kartaa shanta salaadood, danbiyada ayaa iska ilaalin adigoo Ilaahayna hadiyo jeer danbi dhaaf waydiisanaya, afkaaga ayaad edbin adig oo akhrinaya xuska Ilaahay, nafta adaad asturi adiguu dareensan macnaha ("Ada an ku caabudaynaa”), balwadaada ka adk aw waayo waad soontay, habeenkiina int aad karto iska ilaali waayo aroor oo dhan soomanoow adoo waliba hurda habeenkii balwadii ku afur waa caafimaad daro iyo doqoniimo,Masaakiinta maalintii 500 Sl sh ha ahaatee sii si aad nafta u bartid bix inta, iska cafi dadkii aad iska hortimaade en ee aad arrin yar oo haddii la baadho fududayd noqonaysa aad iskugu cadhoot een waxayna yidhaahdaa dadka u takha susay cilmiga naftu " Haddii aad caado ba dashid oo aad bil ku socotid waxaad arka ysaa adigoo si caadiyan ah u samaynaya”
Bisha ramadaan waa seminar la Bixiyo ka ugu qiimaha badan, ugana faa,iido bad an, waa bil ku siinaysa caafimaad iyo Alle ka cabsi, Anshax wanaagsan iyo Asluub wacan, waa bil aad ku baranayso sida loo Ilaaliyo wakhtiga, waa bil muujinaysa Ilaa hay raxmadiisa iyo naxariistiisa, waxaase hoogay oo qayrkii ka hadhay qofkay usoo gashay ee ay si dhibyar ku dhaaftay isag oon ka faa,iidaysan fursaddaa qaaliga ah.
Isbadalka aan u baahanahay walaal bis ha ramadaan waa
1. Inaynu Ilaahay barino habeen iyo ma alin goor iyo ayaan inagoo waydiisanayna inuu inagu sugo wadada toosan ee isla amka 2.Inaynu isku dayno in aan shanta sala adood masaajidka ku xafidno
3. Inaynu Quraanka akhriskiisa, dhugash adiisa iyo dhagaysigiisaba badsano si uu inoo anfaco oo aan u dareeno macnihiisa 4. Inaynu saaxiibo cusub oo masaajidka ku xidhan aan samaysano, haddiise ay marka hore saaxiibada ahaayeen kuwo fiican oo masjidka ku xidhay aan sii xoojinno xidhiidhkooda.
5. Inaan maalintii wax sadaqaysano haba yaraatee, xitaa hadal wanaagsan uun aan masaakiinta kula hadalno
6. Inaynu taraawiixda jamaacada kula soo tukano
7. Inaynu iska ilaalino xanta iyo xasarada
8.Inaan barano siiraddii Rasuulka( Nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee) iyo sooyaalkii saxaabada(Ilaahay raali ha ka ahaadee)
9. Inaad miisaankaaga hoos u dhigto (had daad ka caban jirtay buurni)oo aan ad cuntooyin fara badan cunin balse aad barato sida caafimaadka ah ee cuntada loo qaato
10. Inaan nafta ku xidhno xaga sare oo ay Ilaahay si buuxda iskugu dhiibto
11. Inaynu dhadhamino macaanka cibaa dada
12.Inaynu dadka sooman quudino si aan ajar la mid ah aan u helno
13. Inaynu badino tasbiixda(Ilaahay Xum aani kaa dheer ) tahliisha(Ilaahay mooye Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa ma jiro) takbiirta(Ilaahay baa wayn) iyo maha dnaqa, Danbi dhaaf waydiisashada.
Intaas iyo inkabadanba waxa la samayn karaa marka la qaato go,aan adag oo ca qli gal ah maaha inaad go,aan ku qaad ato inaad samayn doonto waxaanay nafta adu awoodin samaynteeda, balse waxaa ka fiican inaad xadidato inta aad karto, oo aad waliba joogtayso Nebiguana (Nabad galyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) waxa uu yidhi: ((Camal waxa ugu khayr badan ka la joogteeyo haba yaraadee))
Walaalayaal Ramadaan waa fursad la helo ta ugu qaalisan, ka faa,iidaysta inta ad haleelka iyo caafimaadka haysataan, waanan idiin tilmaamay faa,idadeeda, Ila ahayna waa uu inoo fududeeyay wanaa ga iyo khayraadka bisha Ramadaan,waxa uu kuu furay albaabadii jannada waxaanu kaa xidhay albaabadii naarta markaasuu waliba katiinadeeyay shayaadiintii, maxaa walaal hadhay ee aad sugaysaa?! Isku day inaad jadwal samaysato,oo aad naft aada ku badasho bisha ramadaan ((Wax aa Liibaanay Qofkii Naftiisa Daahiriya(9) Waxaanay khasaaray Qofkii Naftiisa Xumaan dhex galiya)) (Ashshams)
Abdilqani Albannaabdilqani@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ram adaan_______. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyi nka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.
FG:Akhriste fadlan ha dhigin meel aan Nadiif aheyn Qoraallo Dini ah ayaa ku
yallaan ee Xafid Adigoo Mahadsan
HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILYA NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 2DA JUUN 2018KA
WIIL IYO AABIHIIS OO LAGU DILAY GAALKACYO Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland laakiin laga ruqseeyay markii uu ku dhacay Xanuunka Neerfaha ayaa xalay Magaalada Gaalkacyo ku dilay Wiil iyo Aabihiis.