Ilaa 17 ruux oo ku dhimatay Bas gadiid dul maray magaalada Dartford

0
Wednesday May 30, 2018 - 10:38:15 in Wararka by
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaa 17 ruux oo ku dhimatay Bas gadiid dul maray magaalada Dartford

    Bas ayaa lagu waramayaa in uu dul maray tobannaan baabuur ah goob ay baabuurta ku badnaayeen oo ku taalla suuqa magaalada Dartford ee dalka Britain oo khasaaro badanna geystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bas ayaa lagu waramayaa in uu dul maray tobannaan baabuur ah goob ay baabuurta ku badnaayeen oo ku taalla suuqa magaalada Dartford ee dalka Britain oo khasaaro badanna geystay.
 17 qof ayuu shilkaasi dhaawac ka soo gaaray, iyada oo dhaawacyada soo gaadhay ay badankood yihiin kuwa fudud, waxaana halkaasi uu basku ku jiiray 25 gaari oo waddada mareysay.

Darawalkii gaariga ayay boolisku gacanta ku hayaan oo ay su’aala weydiinayaan iyaga oo ku eedeeyey qeyrumasuulnimo.

Booliska, dabdamiska iyo gawaarida gurmadka ayaa goobtaa shilka uu ka dhacay isugu yimid iyaga oo daweeyey dadki lugeynayey oo dhaawaca fudud uu soo gaaray.

Hal qof oo ddkaasi ka mid ah ayaa u baahday naqas oo shilka ku waxyeelloobay qof kale oo dhaawaciisa xoogaha adkaana dhakhtarka ayaa loo qaaday iyada oo la filayo iney waxweyn soo gaarin balse uu gargaar u baahday.

Nin 38 jir ah, oo lagu mgacaabo Tony Brown oo Datford ka soo jeeda wuxuu sheegay isaga oo gurigiisa raashiin u doonanayo inuu uu la kulmay shilkaasi lama filaanka ah.

Wuxuuna yiri "basku wuxuu dulmaray gawaari fara badan oo waddada mareysay iyada oo samiifalaha uu celiyey waddadana ay ahayd mid cidhiidhi ah oo ka mid ah waddada Hythe.”

"Shilka hadduu sababay gaariga oo fariinka goostay ama waddada oo ay gawaariada buux dhaafiyeenba wuxuu darawalka isku dayay ugu yaran inuu shan saf oo gawaari ah uu soo dulmaro si uu u istaago.”

"Waxa meesha ka dhacayba ma jirto cid dhaawac culus uu shilkaasi ka soo gaaray , dad badan ayaa shilka argagax ka qaaday gawaari badanna jug ayaa soo gaartay.”

Booliska oo marki hore sheegay iney waddadu xiran tahay ayaa haddana markiba dib u furay waddadaasi.

Madaxa shirkadda baska iska leh, Oliver Monahan ayaa wuxuu sheegay "iney shirkaddu xagiijisay saqdi dhexe ee xalay inuu bas ay shirkaddooda leedahay uu waddada Hyth uu ku jiiray gawaari badan”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip