
HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIIY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29KA MAY 2018KA
Dhankale G/miye Mursal ayaa marka hore sheegay in Gol aha Shacabka ehelada Marxuum Cumar Dalxa uu uga tacsiya deynayo geeridan naxdinta leh, wuxuuna sheegay in falkaasi uu ahaa mid argagixiso. Hay’adaha ammaanka ayuu ka dalbaday in arrintan ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan, gacantana ku soo dhigaan raggii weerarkan geystay, isaga oo sidoo kale tilmaa may in wax loo dulqaadan kari aysan aheyn falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.
"Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid walaalkey Cumar oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka , wu xu ahaa qof wanaagsan, Hay’adaha ammaanka waxaan ka dal banayaa in ay gacanta ku soo dhigaan nimanka cadowga ah ee falkaasi ka dambeeyay.” Ayuu yiri Guddoomiye Mursal. Ururka Alshabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan M/ Muqdisho, tan iyo markii la guda galay bisha barakeysan ee Ramadaan, Hay’adaha ammaanka ay ku hawlanyihiin arrimaha
SOO GALOOTI U DHASHAY MALI OO LAGU ABAAL MARIYAY DHALASHADA FARANSIISKA, MARKII UU BADBAADIYAY CANUG YAR
Mamoudou Gassama oo ah 22 jir Soo galooti u dhashay dalka Mali ayaa lagu abaal mariyay dhalashada Faransiiska, ka dib markii uu si layaab leh u badbaad iyay canug yar oo ka soo laadlaaday dab aqa afaraad dhismo ku yaalla M/ Paris.
Dhacdadan ayaa qabsatay Faransiiska iyo Adduunka waxaana ninkan u dhashay Mali loo aqoonsaday Halyey, qaabkii uu u badbaadiyay canuga yar ee balakoonka dabaqa afaraad ka soo dhici rabay, wa xaana Warbaahinta Faransiiska ugu mag ac dareen (Spiderman).
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Mamoudou Gassama ku qa abilay qasriga Madaxtooyada ee Elysée Palace, isagoo guddoonsiiyay dhalasha da Faransiiska iyo shahaado sharaf.
"Waxaad noqotay tusaale, maxaa yeel ay mallaayiin ruux ayaa ku arkay, waa sax in qaranka uu kuu mahadnaqo”ayuu yiri Madaxweynaha Faransiiska.
Sidoo kale wiilkan dhalinyarada ah ayaa loo qoray inuu si mutadawacnimo uga mid noqday Adeegga dab damiska Faran siiska. Gassama ayaa si sharci darro ugu noolaa dalka Faransiiska, waxaana uu ka shaqeynayay Shirkad dhismo.
Duqa magaalada Paris ayaa boggaad I say geesinimada 22jirka u dhashay dalka Mali, kaasoo noqday ninka ugu hadal he ynta badnaa, waxaana muuqaal laga duu bay xilligii uu badbaadinayay canuga yar daawatay mallaayiin ruux.
Madaxweynaha Faransiiska iyo Mama dou Gassama
GUDDOOMIYAHA MIDOWGA AFRIKA OO WAL AAC KA MUUJIYAY FARAGELINTA DOWLADDO SHISHEEYE KU HAYAAN SOMALIA
guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa walaac ka muujiyay faragelinta sii kordheysa ee dow laddo shisheeye ay ku hayaan Soomaal iya. Mr Mousa Faki ayaa war saxaafa deed ka soo saaray kulan uu shalay Add is Ababa kula yeeshay Ra’iisul Wasaar aha Soomaaliya, kaasoo looga hadlay xa alada dalka, horumaradii ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afr ika ayaa sheegay inuu ka walaacsan yah ay faragelinta dowladdo shisheeye oo aan Afrikaan aheyn ay ku hayaan Arri maha Soomaaliya, taasoo dib u dhac ku keeneysa geeddi socodka nabadda iyo dadaalada loogu jiro hanaanka dowladni mo ee Soomaaliya.
Inkastoo aanu sheegin dowladaha fa ragelinta ku haaya Soomaaliya, hadana waxaa dhowrkii bilood u dambeeyay muu qanayay faragelin Imaaraadka ku same yeen arrimaha Soomaaliya iyo xiriirka 2da dowladood oo sii xumaanayay, ka dib dha cdooyin ka dhashay khilaa fkii Khaliijka.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka Khaliijka, inkastoo maamul goboleedyada qaar ee ku xiran Imaaraadka Carabta ay ku dhalii leen dowladda Federaalka inay ka bax day dhex dhexaadnimadii, isla markaana ay la safatay Qatar
PROF. CABDI ISMAACIIL "WAA JARIIMO WE YN IN NIN AAN WELIGIIS MAXKAMAD SOO FARIISAN IN LOO MAGACAABO MAXKAMA DDA SARE”
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa do od iyo su’aal ka keenay aqoonta Guddo omiyaha cusub ee loo magacaabay Max kamadda sare ee dalka, iyadoo durba ay ka dhasheen muran sharciyeed la xiriira qaabkii uu Madaxweynaha u magacaab ay iyo xil ka qaadistii uu ku sameeyay Gu ddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.
"Waxaad arkeysaa waxyaabo aan caql iga ku siin karin, nin aan weli Maxakamad ku fariisan, in la soo boodsiiyo Maxkama ddii Qaranka ugu sareysa keen dushiisa waa jariimo weyn, haddii ay taasi dhab tahay Madaxweynaha shaqadiisa ayay halis galeysa”ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaa ciil Samatar oo bare ka ah jaamacad ku taalla Minnesota.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ninka la magacaabay Baashe Yuusuf Axmed ay ilmo habreed yihiin Ra’iisul Wasaare kuxi geenka Mahdi Guuleed, taasoo uu xusay inay shaki badan abuureyso.
"Haddii ay dhab tahay, ninkaan la mag icaabay inay habro wadaago yihiin Ra’ iisul Wasaare kuxigeenka ninka wadanka ka ah, taas shaki badan ayay abuureysa iyo inay kudlado abuurmeyso, waa in Baa rlamaanka inuu madax banaanaado iyo Garsoorkana madax banaanaado, dowl adduna shaqadeeda qabsato”ayuu yiri
Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ibra ahim Iidle Suleymaan ayaa ku gacan sey ray xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo sheegay inay tahay mid baal marsan sharciga. Xildhibaano ka tirsan Baarlam aanka ayaa ka soo horjeestay magacaabi dii iyo xil ka qaadista Guddoomiyaha Max kamadda sare, waxaana tani u muuqataa in dalka ay gelineyso xaalad hor leh oo siyaasadeed.
MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND "MA JOOGSAN DOONO DAGAALKA TUKARAQ”
Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.
Wuxuu sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland in dagaalka uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland.
DUQA MUQDISHO OO KA WARBIXIYEY QORSHAHA XASILLINTA AMNIGA CAASIMADDA
Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka hadlayay shir lagu falanqeynayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha lagu sugayo Amiga caasimada.
Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa ka hadlay qorshaha maamulkiisa ee ku aadan amniga Caasimadda ee xiligan ku soconaya dardarta, waxuna tilmaamay in waqtigan ay jirto rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo ammaanka caasimaddu inuu soo hagaago, isla markaana la diyaariyey qorshe salballaaran kana qeyb qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidamadda oo lagu xasilinayo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.
Sidoo kale, Mudane Yarisow ayaa soo bandhigay horumarradii laga sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda, daadajinta maamulka, udiyaar garowga golleyaasha deegaanka iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduun kaba, iyadoo degmooyinka Muqdisho ay ka bilowdeen bixinta adeegyada bulshada oo qeyb muhiim ah ka qaadanaya isku xirka shacabka iyo maamulka.
"Shirkan oo looga hadlayay xasillinta amniga guud ee dalka, anagu waxaan soo hordhignay qorshaha sugidda amniga Caasimadda iyo xaaladaha guud ee magaalada, gaar ahaan guulihii la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kale waxaan soo bandhignay muhiimadda ay leedahay xaluhelidda arrimaha Barakacayaasha iyo waxuqabashada dadkii ay sameeyeen roobabkii dhowaan da’ayey”. Ayuu yiri Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo intaas raaciyey in aragtida maamulkiisu ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa magaalada Muqdisho maqaamkii ay ku lahayd adduunka.
Mudane Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay hadafkooda ku aadan in dib loo howlgeliyo garoonka Stadium Muqdisho, maadaama uu weli deegaan u yahay Ciidamadda Midowga Afrika ee AMISOM, si uu u buuxiyo kaalintii muhiimka ahayd ee uu ka qaadan jiray isdhexgalka iyo isku xirka bulshada.
WASAARADDA HOWLAHA GUUD OO SHALAY SI RASMI XILKIISA ULA WAREEGAY
Munaasabad ay xilka ku kala ware ega yeen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howl aha Guud Saadaq C/llaahi Cabdi iyo Gur yeynta iyo Wasiirka cusub ee dhowa an la magacabay C/fataax Ibraahim Gees ey ayaa waxa goobjoog ka ahaa R/was aare ku xigeenka dalka Wasiiru Dowlaha Xaf iiska Ra’iisal wasaaraha mas’uuliyiinta Wasaradda iyo xildhaabano ka tirsan barl amaanka Soomaaliya.
Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda howl aha guud Eng, Saadiq Abdullahi Cabdi, isagoona sheegayin xilka uu meerto ya hay haddane loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhismaha iyo horumark a dalka,wuxuuna u mahad celiyay cid wal ba oo garab ka siisay ka shaqeynta how laha guud ee dalka.
Wasiirka Wasaradda howlaha guud XFS Md.C/fitaax Maxamed Ibraahim (Gee sey ) ayaa ugu horeyn uga mahad celiya ay dowrkii iyo shaqaddi wanaagsaneyd uu qabtay Wasiir Saadiq islamrkaana she e gay in Wasaradda howlaha guud ay ah mi yad weyn uu leedahay dalka.
Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar ) oo ga ba gabada munaasabadda ka hadlay ay aa isna ku aamanay dowrki iyo wadasha qeyntii wanaagsaneyd ee kala dhaxeya ay wasiir saadiq, wuxuuna shegaay in Wasaradda howlaha guud ay tahay laf dhab arta kabayaasha dhaqaalaha iyo harumraka dalka.
Wasiir Saadaq ayaa xilkan hayay mud do 10 bilood ah, waxaana lagu bedelay ja gadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariis tee Cabaas Siraaji, waxaa uu ahaa was iirka kaliya ee xilkiisa waayay, wareegtadii uu 7aadkii hore soo saaray R/Wasaaraha ee dhameystirka xubnaha ka banaanaa Wasaaraddiisa, waxaa uu xil kan.
WAFDI KA SOCDA QM OO GAARAY DHUUS AMAREEB & UJEEDKA SAFARKOODA OO LA SHAACIYEY
Wafdi ka socda QM ayaa shalay gaa ray M/Dhuusamareeb ee xarunta Maamu lka Galmudug,waxayna halkaasi kula kul meen Mas”uuliyinta Galmudug sida Wasii rka iyo Wasiir kuxigeenka Amniga Gal mudug.Wafdiga ka socda Q/M iyo Mas’u uliyiinta Galmudug ayaa waxay kormeer ku tageen Xarumihii ay ka dagi lahaayeen Ma/Dhuusamareeb.
Wasiir kuxigeenka W/Amniga Galmud ug Mahad Xassan Maxamed ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadle en Wafdiga ka socday QM wuxuuna she egay inay kala hadleen arimo ay ka mid yihiin Amniga iyo Siyaasada Galmudug.
Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Was aaradda Amniga Galmudug ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Galmudug ay u qorsheysan tahay inay AlShabaab kala wareegaan Meelaha ay ka joogaan Galm udug. Hay’adaha QM ayaa Bilihii la soo dhaafay waxa ay socdaalo is daba jog ah ku imaanayeen Magaalada Dhuusamar eeb ee Caasimada Galmudug waxa ayna wadaan Qorshayaal lagu hor marinayo Deegaanada Galmudug.
XILDHIBAANADA 2DA AQAL EE KA SOO JEE DA GALMUDUG OO MOWQIF CAD KA QAATAY KHILAAFKA KA JIRA GALMUDUG
Xildhibaanada 2da Aqal ee Baarlamaa nka Federaalka ee laga soo doortay Gal mudug ayaa mowqif cad ka qaatay khila afka xilligan ka dhex jira Maamulka Galm udug, iyagoo soo saaray war saxaa fad eed ka kooban 3 Bog oo ay ku saxii xan yihiin Aqlabiyada Xildhibaanada iyo Sena tada.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheeg ay in Xildhibaanada ay la kulmeen Madax weyne Xaaf, M/weyne kuxigeenka Max amed Xaashi Carabey, Gu ddoomiy aha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo beelaha cabashada qabay.
Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa si cad u sheegay in qaabka loo hirgeliyay heshiiskii Jabuuti aanu aheyn si waafaqs an qodobadii heshiiskaas ku xusnaa, ga ar ahaan qaabka la isugu daray 2da Baa rlamaan oo aan isku dheeli tirneyn iyo in aan la tixgelin awood qeybsigii beelaha re er Galmudug ku heshiiyeen.
Sidoo kale waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in Dastuur cusub lagu bed elay kii Galmudug, kaasoo si gaar ah loo gu tixgeliyay dhinac ka mid ah dhinacyadii heshiiska galay, laguna qoray qodobo ka hor imaanaya dastuurka qaranka, isla markaana aan ka turjumeyn maslaxada beelihii wada dhistay Galmudug.
Waxaa kaloo Xildhibaanada iyo Senatara da laga soo doortay Galmudug ay sheege en in mudada xil heynta Hey’adaha Fuli nta iyo sharci dejinta ay kala egtahay bil aha June iyo July ee sanadka 2019.
50 QOF OO LA XAQIIJIYEY INAY KU DHINTEEN GOBOLKA AWDAL
Mas’uuliyiinta gobolka Awdal ayaa ras mi ahaan u xaiijiyey in warbixinta horhd aca ah ee la sameeyey ay muujinayso in ugu yaraan 50 qof ay ku dhinteen gobolk aasi, kadib roobabkii duufaanta watay ee toddobaadkii hore da’ay. maamulka ayaa la kulm ay wafdi ka socda QM oo ay kala hadleen sida loogu gurman lahaa dadka ku hanti belay duufaantaas sagaar.
Guddoomiyaha Gobolka Awdal Cabdir axmaan Axmed Cali oo maalmahan ku maqnaa deegaanada degmooyinka waxy eelada ugu badani ka soo gaartay duuf aanka ayaa sharaxay dhibaatadii uu halk aasi ku soo arkay. Sidoo kale waxa uu ka hadlay kulan dhexmaray isaga iyo wakii lka Q/M u qaabilsan gargaarka Somalia oo Boorama yimid.
SH.SHARIIF SHEEKH AXMED OO KA HADLAY DAGAALKA TUKARAQ!
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh.Shariif Sh.Axmed oo maalmo kahor di b ugu soo laabtay dalka ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan loo joojiyo dagaalka degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool. Degaanka Tukaraq waxaa isku ha ya ciidan ka kala tirsan maamulada Punt land iyo Somaliland, marar badan oo dag aal uu dhexmray waxaa dhashay khasaa re kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in wax wanaagsan aysan aheyn iyada oo lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ram adaan in la daadiyo dhiiggga qofka musl imka ah, sidaasi darteedna loo baahan yahay in arrintan wada hadal laga galo.
2da Madaxweyne ee maamulada Puntl and iyo Somaliland C/wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Muuse Biixi Cabdi ayuu ugu baaqay in arrintan ay door muhiim ah ka qaataan, si nabad loogu wada noolaado.
"Waxaan rabaa inaan halkan baaq nabad eed uga jeeiyo walaalaha Puntland iyo Somaliland, dagaalada ku soo laab laa btay Tukaraq darteeda, oo ay ku dhinteen dad badan, waxaan joognaa bil Rama daan, waxaan nahay dad muslimiin ah, waxaa lagama maarmaan ah inaan fiirino in aysan habooneyn in dhiig muslim ah la daadiyo.” Ayuu yiri Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.
Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sh/Shariif Sh/Axmed ayaa wa xa uu ka hadlay xaalada dalka uu ma rayo iyo khilaafka dowladda kala dhaxee ya maamul goboleedyada, wuxuuna ku taliyay wax walba in si hoose loo dhame eyo.
BURUNDI OO KA CAROOTAY FARANSIISKA OO UGU DEEQAY 10DAMEER.
Wasaarada Beeraha ee dalka Burundi ayaa amartay in meel gaar ah lagu hayo (lagu karantiino) 10 dameer oo ay Faran siiska ugu soo deeqeen Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi. Dameerahaasi oo laga soo iibiyey dal ka Tanzania waxaa loo qeybiyey dadka deggan Tuullo ku taalla Gobalka Gitega, waxayna Deeqdan qeyb ka ahay Mashru uc ay Hay’ad NGO oo Deegaanka ah ku taageerayso Hawe enka iyo carruurta si ay dameerah aasi ugu rartaan waxsoosaarka Beeraha, Biyaha iyo qoryaha wax lagu karsado. Lataliye Madaxtooyo waxa uu Mashruuc aasi iyo Deeqda Dameeraha ku tilmaam ay Aflagaado lid ku ah Qaranka.
Afhayenka Aqalka Senedka ee dalka Burundi, Gabby Bugaga waxa u ubartiisa Twitterka ku qoray inay Faransiiska qaad am doonaan Dameeraha.
Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Diplomaa siyadeed ee labadaasi dal ayaa gaar yme el aad u hooseysa, kadib, markii ay Dowl adda Faransiiska ka hor timid Aftidii isbe delka Dastuurka ee bishan ka dhacday dal ka Burundi.Isbedelkaasi waxa uu oggolaan ayaa Madaxweynaha Burundi,Pierre Nku run ziza inuu xilka sii hayn doono ilaa sann adkii 2034kii.
KULAMMADII GOLAHA SHACABKA OO LA HAKIYAY
Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa shalaya Kalfadhiga 3aad Kulankiisa 11 aad waxay ku yeesheen xarunta G/Sha cabka ee BS ee Muqdisho. Kulanka Gola ha Shacabka oo uu shir Gudoominayay Afhayeenka GSQS Md. M.M.Sh.C/maan ayaa sha;ay waxaa uu ku Saabsanaa Aje nda la xiriira su’aalo weydiin loogu balans anaa W/W/waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee XFS Waxaa kulankaasia lagu go’ aamiyay in Maalmaha ka haray Bisha bar akeysan ee Ramadaan ay hakad galay aan kulumada Barlamaanka golaha Shac abka Soomlaaiyeed sidoo kalena ay gud doonku soo sheegi doonaan xilliga ay si toos ah u furmayaan kulamada ka dib Bi sha Ramadaan.
Ajendaa shalay oo ahaa su’aalo weyd iin loogu ballansanaa Wasiirka Waxbara shadda iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa baaqday ka dib markii uu codsi soo jeedin ka yimid Guddiga Arrimaha Bulshada Gol aha Shacabka Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo su’aalo weydiinta sababo la xiriira dhameystirka macluumaadka Wa saaradda Waxbarashada oo ay guddigu codsadeen in ay keeni doonan kulamad da kale ee kan xiga.
Markii la soo gaba gabeeyay kulankii Shalay ayaa waxay Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey soo Indha in dheeyeen dayac tirka iyo dib u habeynta lagu sameynayo dhismaha Aqalka Gola ha Shacabka Soomaaliyeed oo howlo dib u hagaajin ah ay socdaan.
Dayactirka iyo dib u dhiska imminka ka socda xarunta GShQS ayaa haatan mar aysa meel aad u wanaagsan, waxaana la filayaaa in dhawaan lasoo gabagabeeyo.
MAXAA KA JIRA IN MAXAMED BIN SALMAAN KU DHAAWACMAY WEERARKII RIYAADH?
Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan halka uu ku dambeeyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,kaas oo muddo ka badan bil aan lagu arag fagaaraha si da uu caanka ku ahaa.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Maxamed Bin Salmaan uu dhaawac yah ay kuna dhaawacmay weerar lagu qaad ay Madaxtooyada Sucuudiga 21kii Bishii April ee Sanadkan.
Maxamed Al Mas’ari oo ah Xoghay aha guud ee XisbigaIslamic Revival Par ty ee Sucuudiga ayaa u sheegay TVga al Mayadeen ee laga leeyahay Lebonan, in Bin Salmaan uu dhaawac soo gaaray habeenkaas islamarkaana uu ku jiro Isbitaal Milatari oo duleedka Riyaadh ku yaalla. Maxamed ayaa sheegay in xogta as uu ka helay qof ka mid ah xubnaha Bo qortooyada Sucuudiga,kaas oo sheegay in Bin Salmaan uu weerar 30 daqiiqo soc day oo loo heystay Afgambi uu ku dhaaw acmay .Warbaahinta Carabta iyo Baraha bulshada ayaa aad u hadal hayay bishan oo dhan halka uu qabtay Bin Salmaan, warar soo baxaya waxaa ay sheega yaan in dhaxal sugaha uu hadda soo kabanayo islamarkaana uu doonayo dhawaan in uu ka soo muuqdo warbaahinta si uu u dafiro wararka sheeg aya dhaawaciisa iyo in uu afgambi da macsanaa. Ma jiro ilo ka ma daxbanaan TVga alMayadeenoo xaqii jinaya xaa ladda rasmiga ah ee uu ku sug anyahay Maxamed Bin Salmaan.
DILAL KALA DUWAN OO SHALAY IYO XALAY KALA KA DHACAY MUQDISHO
Waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay M/Muqdisho dilal kala duwan oo ay geysteen kooxo bastoolado ku hubey san, iyadoo duhurnimadii ma anta ay rag hubeysan degmada Waaberi ku dileen shaqaale ka tirsan Baarlam aanka, halka mid kalena dhaawacmay.
Ragga geystay dilka ayaa la sheegay inay rasaas la dhaceen gaari ay saarnaa yeen Shaqaale ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka.
Wararka ayaa sheegaya in weerarkaas uu ku dhintay nin la sheegay inuu ahaa Qasnajiga Baarlamaanka oo lagu maga caabayay Cumar Dhalxa, halka mid kale oo la saarnaa gaariga uu ku dhaawac may, waxaana ka bad baaday rasaasta 2 ruux oo mid ka mid uu ahaa darawal iyo haweeney. Sidoo kale abaarihii Maqribkii ayaa waxaa rag hubeysan ay agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ku dileen askari la sheegay inuu ka tirsanaa ciidanka ila alada waddooyinka, sidoo kale haweeney ka ag dhoweyd halka lagu dilay askariga ayaa rasaas haleeshay.
Tan iyo markii uu bilowday Bisha Ramada an ayaa waxaa ka dhacayay M/ Muqdisho dilal qorsheysan oo ay ka mas’uul ahaa yeen kooxo bastoolado ku hubeysan, ma na jirin cid gacanta ku soo dhigtay.
JEN. MUUNGAAB "MADAXWEYNAHA AWO OD AYUU U LEEYAHAY XIL KA QAADISTA GUD DOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE”
Wasiiru dowlihii hore ee Cadaaladda Jen. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa sharci ku tilmaamay xil ka qaadistii Madaxweyne Farmaajo uu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, ka dib markii ay muran ka dhalatay xil ka qaa distaas, kana soo horjeesteen Xildhibaa no iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday.
Jen. Muungaab oo horay u soo noqday Garsoore iyo Guddoomiyaha Maxkamad da sare tan darajada koowaad ee Ciidam ada Qalabka iyo Gud. Iyo Duqa Muqdi sho sida ayaa sheegay in haddii uusan jirin Guddigii Adeegga Garsoorka in Mad axweynuhu awood u leeyahay xilka qaa dista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
"Mar haddii uusan jirin Guddigii adee gga garsoorka, Madaxweynaha ayaa awo od u leh xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka”ayuu yiri Jen. Muungaab oo qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ku yiri.
Waxaa uu sheegay in aanu dalka ka jiri karin gaab qaanuuni ah, isla markaana ay aheyd arrin loo baahnaa in Madaxwey nu hu ka jawaabo cabashada Bulshada, si loo helo Garsoor hufan. Jen. Muunga ab ayaa sanadkii hore Jaamacadda Umu durmaan ka diyaariyay shahaadada laba ad ee Masterka dara asad ku saabsan sharciga iyo Qaan uunka.
WASIIRKA AMNIGA IYO TALIYAASHA CIIDA MADA OO KORMEERAY BARAHA KOONTOOL EE LAGA SOO GALO MUQDISHO
Wasiirka amniga gudaha oo ay wehlina yeenTaliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, Tali yaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/ guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Saraakiisha Amniga, ayaa shalay gab al dhicii kormeer shaqo ku tagay baraha Kontarool iyo fadhiyada Ciidanka amma anka ay ku leeyihiin Daafaha magaaladda Muqdisho.
Wasiirka iyo taliyayaasha ayaa Ciidan ka Ammaanka waxa ay gaarsiiyeen Afur iyo dharka qabowga laga xirto,maadaama ay ku sugan yihiin daafaha M/Muqdisho ,isla markaana qaboow farabadan uu jiro.
Taliyaaysha iyo Wasiirka Amniga ayaa Ciidamada waxa ay ku boggaadiyeen si da hagar la’aanta ah ay u gudanayaan waajibaadka shaqo ee Qaranka uu u idm aday. Kormeerkaan ay Wasiirka Amniga iyo taliyayaasha Ciidamada ku tageen ba raja Koontorool ee laga soo galo Muq disho ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir ay dilal qorsheysan ka dhaceen.
CALI KHALIIF GALEYR OO GAARAY LAASCAANOOD
Waxaa gaaray M/Laascaanood ee G/Sool Wafdi uu hoggaamin aayo Cali Khaliif Gal eyr, waxaana halka asi kusoo dhaweeyay qeybaha kala duw an ee Bulshadda. Waxaa uu sheegay Cali Khaliif Ga leyr in uu Magaalada u tagay sidii uu kul amo kala duwan ula qaadan lahaa qey baha kala duwan ee Bulshadda kunool gobolka Sool.
Booqashadda Cali Khaliif ayaa timid xili gobolka Sool Maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhacaayay dagaallo Khasaare bad an geystay oo u dhaxeeyay ciidamada So maliland iyo Puntland. Cali Khaliif Galeyr oo horay u ahaa Mada xweynaha Khaatu ma ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu la he shiiyay Soma liland,islamarkaana hadii ay yihiin Khaatuma ay ku biireen S/land
PUNTLAND " DOWLADDA FEDERAALKA QEYB KAMA AHA DAGAALKA TUKARAQ”
Guddiga difaaca Puntland ayaa shir jar aa’id oo ay Garoowe ku qabteen waxaa ay wadajir u sheegeen dagaalka Tukaraq inuu sii socon doonno, guddiga ayaa si doo kale ka jawaabay hadalkii u dambee yay ee madaxweynaha Soomaaliland, Mu use Biixi oo marka dowladda Federaalka ku eedeyay dagaalka Tukaraq inay qeyb ka tahay.
"Sidda xaqiiqadu tahay siddeedii Janu ary ciddii weerarka soo qaadday caalam ka indhihiisu way arkayeen .. Xamar, Soo maali weyn iyo federaalka isoo weerarray wax soconaya ma aha waa lugu jeedda ci dda aad soo weerartay waa Puntland Federaalku Xamarbu jooga mana soo weerarrin cid, waxaa la rabaa dadka ca qliga saaxibka la’ah in Muuse Biixi iyo ma daxdiisa ay ka dhaadhiciyaan waxakan uu akhrinayo wax soconnaya inaysan ah ayn.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdullaahi Xirsi Jaamac (Timacadde) oo inta ku darray inuu socon doonno dagaalka tan iyo inta ay gaareyso Puntland xadduudaha dastuuriga ah.
Wasiirrada amniga iyo warfaafinta Punt land oo xubno ka ah guddiga difaaca oo u dhawaan magacaabay madaxweynaha Puntland ayaa dhankooda sheegay in la xoreyn doonno gobolka Sool, iyagoo ku cel celiyay inaysan dulqaad u yeelan doo nin dhibaato ay shacabka gobolka kala kulmaan Soomaaliland, gabagabadii Was iiru Dowlaha Madaxtooyada ahna afhaye enka madaxtooyada, Cabdullaahi Jamac Quran jecel ayaa shaaca ka qaadday in aanay jirin cid ay wada hadal kala galay aan xoreynta dhulka Puntland ka maqan.
Toddobadyadii u dambeysay waxaa si joogta ah hadallo isku marinayay saxaa fadda mas’uuliyihiinta Puntland iyo Soom aaliland oo ku dagaallamaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, mana jirto wax wadaxaajood ah oo labada dhinac ay ka gaareen xiisada dagaal, waxaana dhinac walba uu ku doodaya inuu u socda xadduudkiisa.
GUDDIYADA AMNIGA GOLAHA SHACABKA OO KA SHIRAY AMNIGA XILDHIBAANADA
Guddiyadda Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Shacabka oo Kulan ku yeeshey M/Muqdisho ayaa ka wada had lay arrimo ay kamidka yihiin adkeynta am maanka xarunta Golaha Shacabka.
Kulankaan oo ay si wadajir ah u shir guddoominayeen Guddoomiyayaasha 2 da Guddi ee Arrimaha Gudaha iyo Difaa ca Md.Xuseen Carab Ciise iyo Marwo Fo wsiyo Maxamed Sheekh ayaa looga had lay Amniga Xarumaha Golaha Shacabka uu ku shaqeeyo Iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka amaankooda sidii loo adkeyn lahaa. Intii uu kulankaasi socday ayaa Guddiyada Wadajirka ah ee labada dhinac ayaa warbixino ku aadan ajanda yaasha laga hadlayay ka dhageystay gud doomiyaasha labadda guddi,iyagoo isla gartay in muhiim ay tahay xojinta amniga xarunta uu ku shaqeeyo G/Shacabk a.
Kulankaan ay yeesheen Guddiyadaan ayaa imaanaya Xili dhawaan Guddiga Arr imaha Gudaha iyo Amniga uu kulamao Xogwareysi ah uu la qaatay Wasiirka W/ Amniga Gudaha iyo Saraakiisha Ciidanka qeybahiisa kala Duwan.
XILDHIBAAN XUSEEN IIDOW "MAGACAAB IDA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE SADDEX QODOB AYAY KU FADHISAA”
Xildhibaan Xuseen Qaasim Nuur (Xus een Iidow) ayaa difaacay magacaabidii Madaxweynaha ee Guddoomiyaha Maxk amadda Sare ee dalka, isagoo caddeey ay inay ku fadhido saddex qodob oo soo jireen ah.
Xuseen Iidow oo ka mid ah Xildhibaa nada taageersan Xukuumadda ayaa qod obo sharciyeed u soo qaatay magacaabi da iyo xil ka qaadida Guddoomiyaha Max kamadda sare oo saacadihii la soo dhaafay uu ka dhashay murano dhaliyay doodo sharciyeed.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAAL UU KU SOO QORAY BARTIISA FACEBOOK
Magacaabista madaxweynaha ee gud oomiyaha maxkamadda sare waxay ku fadhisaa sedax qodob oo soo jireen ah:
Qodobka 109A ee Dastuurka KMG ee J FS wuxuu aas aasayaa dhismaha Gola ha Adeega Garsoorka oo kooban 9 xubn ood.
Sida ku cad farqada 6aad ee isla qod obka 109A, Golaha Adeega Garsoorku wuxuu magacaabaa, rukhseeyaa, anshax mariyaa isla markaana bedelaa garsooray aasha heer federaal.
Magacaabista Madaxweynuhu magaca abay Gudoomaha Maxkamadda Sare dorraad waxay ku fadhisaa 3 Qodob oo soo jireen ah:
(1)Golihi adeega garsoorka ee shaqaal eyn lahaa garsoorayaasha heer federaal oo aan dhisneyn, laba jeer ayuu Baarla maanki 9aad soo celiyay xubnihi la hor geeyay, Baarlamaanka 10aad ee hada jir ana wuxuuba dib usoo celiyay habraaci dhismaha Golaha Adeega Garsoorka.
(2) Musuqa iyo cadaalad darrida baahsan ee dalka ka jirta taasoo saameyn xun ku yeelatay nolosha Shacabka Soomaaliy eed meel kasta oo ay joogaan.
(3) iyo Curfiga soo jireenka ah ee ahaa in Madaxweynaha xilka haya magacaabo garsoorayaasha sar sare ee heer federaal inta laga dhisayo Golaha Adeega Garsoo rka taasoo ay ugu danbeysay magacaa bistii uu Madaxweyne Xasan Sh. Maxam uud magacaabay Gudoomiyaha Maxkam adda Sare Mudane Ibraahim Iidle Suley maan 4ti Bishii May 2016.
XILDHIBAAN MUSTAF DHUXULOW OO AFUR U SAMEEYEY WARIYAASHII LACAGAHA U ARUU RIYEY XIDDIGAHA 17JIRADA SOMALIA
Xildhibaan Mustaf Shiikh Ali Dhuxu loow
ayaa habeen hore Afur mahad celin ah u
sameeyay guddigii CaawinQaran oo ahaa wariyaal is abaabulay oo lacago iyo
abaalmarino kale u aruuriyay xulka 17 jirrada Somalia.
Afurka oo ka dhacay Hotelka Jaziira ee M.Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeyb galay wariyaashii guddiga CaawinQaran, duqa Muqdisho Eng Yariisow, xubno ka socday bulshada rayidka ah iyo qeybaha dhaqanka.
Wariyaashu waxey bogaadiyeen cid walba oo gacan ka geysatay lacag aruu rintaan oo xildhibaan Mustaf uu ka mid ahaa, waxeyna ka sheekeyeen caqbadihii ay la kulmeen intii ay howsha wadeen.
"Waxaan la kulanay culeesyo badan, wax aan aragnay dad saacad walba naqdiya howshaan wanaagsan, laakiin mar walba waxaan noo muuqatay inaan ka dhabe yno arrintaan, waxeyna aheyd waajib na saaran ayuu yiri Burhaan Diini Faarax agaasimaha Radio Kulmiye oo ka tirsa naa guddiga CaawinQaran.
"Waxaa farxad ii ah inaan arko saxaf iyiin ama dhallinyaro Soomaaliyeed oo dan guud isugu timid hadanna ka dhabee yay, waxaan jecleystay inaan idin kaga mahad celiyo dadaalkiina iyo inaan idiin muujiyo kaalinta aad dalkaan ku lee dih iin, waxaan ku baaqaya in aadan kala ta gin oo aad mar walba bulshada caawise en ayuu yiri Xildhibaan Mustaf Dhuxul oow.
Duqa Muqdisho Eng Yariisow oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in wari yaashu ay is badal dhab ah muujiyeen uu na bogaadinaayo, isagoo ka codsaday saxafiyiinta iney ka qeyb qaataan howla ha kale ee dalka. Kulanka ayaa u badnaa isu mahad celin, is bogaadin iyo dar daa ran.
RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA Q 7AAD | CALINUUR
(Dersiga Todobaad)
Ramadaanku waa Bil uu illaah (cw) inoogu
Sharciyeeyay si aan uga Faa’iideysano Nicmo oyin fara badan oo uu noogu dhex
key diyay Bishaas, ee lo oma Sharciyeeynin in aan Ba ahano ama aan Haraadno
sida dadka qaar maleeyeen Ramadaanka.
Haddaba waxaa aad loogu baahan yahay inaan garano ula jee dooyinka iyo Xikmadaha loo Sharciyeeyay Ramadaanka si Nafteena ugu Bogaadsato ugu Faraxdo gaaritaanka Bishaan Barakeysan, sidaa dartead waxaa laga maarmaan ah inaan wax ka tilmaano Xikamadaha qaar ee loo jideeyay Soonka Ram daanka. Waxaa qof walbaa o Muslim ah og tahay waxaa noo Sharciyeeyay Soomitaanka RamadaankaIllaah (cw) oo ah Mid aad u Xikmad badan una Naxariis Badan, magacyadiisana wax aa ka mid ah Xakiim, waa Xakiim wuxuu Qadaro , waa Xakiim wuxuu Amro, ama wuxuu Reebo.. waxaana laga yaaba in dadka qaar gartaan Xikamadaha ku jira Amaradiisa, qaarna garan wa ayaan, waxaa sidoo kale dhici karta in ay adoomuhu garan waa yaan Xikamada ku jirta Amar ka maid ah Amaradisa..
Haddaba si walba ay arintu ahaataba Adoomaha waxaa sar an in ay u hogaansanaadaan Amarada Rabi (cw) xagiisa ka yim aada ha gartaan Xikmada ama yeeysan garane, mu’minna wax aa ah kan mar walba u hogaan sanaada Rabigiisa ee aan nafti isa Khiyaar u doonin. Amarrada illaah ee Xikamadahooda Ins aanka garadsiiyay wa xaa ka mid ah Soomitaanka Bisha Ramad aan, waxaa ay Culimada Muslimiinta ka Sheegeen Xikmado fara Badan waxa ana ka mid ah:
1-Xikmada Koowaad waa in aan ka Faaiidno Soonka Taqwada illaah (cw) sida kucad aayadahan (???) waa ayada koowaad ee ka Hadashay Soonka Ramdaanka, sidoo kalana aayada ugu da mbeysa aayadaha Soonka waa (???). waxaa labadaas aayadoo dba na tusayaan in loo baahan yah ay Soomitaanka Ramad aanka inaan ka koorosano Taqwo maad aama Aayadii ugu hor eysay iyo tii ugu dambeysayba lagu soo gabagabeyay Taqwada
2- Xikmadaha Soonka waxaa kamid ah in Nafta kibirkeeda la Ja biyo, maxaa yeelay hadii Naftu Dharganaato mar walba waxaa ku dhaca in ay Hilmaanto, Kibirto oo faanfaan iyo doqonnimada ku baxdo, si aysan taas u dhicin waxaa uu Rabi (cw) noo jide eyay Sanadkiiba Bisha Ramadaan in la soomiyo Nafta si ay uga badbaado Cuduradaas aan soo sheegnay.
3- Waxaa kamid ah Xikmadaha Soonka in nafta hesho Fur sad ay ku fekerto oo ay Alle (cw) ku xasuusato, maxaa yeelay haddii ay nafta isaga dhex jirto Shawadeeda iyo Nicmadeeda waxaa ka dama Nuurka Iimaanka, waxaana ku dhaca Qalafsan aan iyo Naxatriis daro, hadiise ay Soontaa waxey Xasuusataa Rabigeeda, waxaana jilca Qalbigeeda, waxeyna noqotaa Mid Raxmad badan.
4- Soonka waxaa uu Xeraa albaabaha Nafta uu kasoo galo Sheydaanka, waxaa ka yaraada marka ay Sooman tahay Was waaska Sheydaanka, weyna xasishaa, sidaa dardeed ayuu Nab iga (scw) ku tilmaamay in Soonku yahay Mid gooya Shah wada.
5- Faaiidooyinka Soonka waxa ka mid ah wuxuu xoojiyaa Iraa dada qofka Sooma, sababtoo ah Ruuxii ka taga Cunadiisa iyo Shahwadiisa Xiliga Soonka waxaa uu awood u yeeshaa Naftiisa inuu xakameeyo marka uu Doono ee aysan ayada Hogaamin.
6- Xikmadaha Soonka waxaa ka mid ah in ay jabiso Caadada, maxaa yeelay dadka qaar waxaa ay leeyhiin xiliyo gaar ah oo ay wax Cunaan hadii ay waayaana waxaa ku dhaco caro iyo Dulqa ad la’aan, marka Soonka waxaa uu dilaa Cadadaas waxuuna Nafta baraa Dulqaad iyo sabar.7- Waxaa ka mid ah Xikamdaha Soonka inuu Simo Taajirka iyo faqiirka, maxaa yeelay dhamaan to waa iskuwada mid marka loo eego Adoon ahaanta, taaso bareysa Muslimka inuu Musl imka kale yahay walaalkiis, ha ahaado Taajir, ha ahaado faqiir, meeshuu doonaba Caalamka haka jooge,..
8- Waxaa kaloo ka mid ah Xikmadaha Soonka in Nafta Muslim ka ah noqoto Amiin, waayo qofkii guta waajibkaas ee guta ama anadii illaah (cw) ee awoodaas yeesha, waxaa u sahlanaato in uu guto amaanooyinka kale ee Dadka, haduuse gudan waayo amaanadii weyneed ee illaah (cw) saaray waxaa hubaal ah inuu san gudan Karin Amaanooyinka kale ee Dadka, waxaa la sheeg aa in ay jiri jireen dad Gaalo ah oo ay u shaqeyn jireen dad Mus limiin ah waxa ay Gaaladaas xiliga Ramadaanka Dhihi jiren kii afura waxaan u kordhineynaa Mushaarka, si ay shaqada dardar ugu socoto, kii afuri waayana waxba looguma kordhiyo, waxey ku boorin jireen inay Afuraan..markii uu Soonka Dhamaadana waxey Shaqadooda ku tixgalin Jireen kuwii Soonaa, ayaga oo ku Qadarinaayay Amanaada Diinkooda Sida ay guteen, waxey na dhihi jireen kuwii afuray waa Khaainiin Diinkooda Khiyaanay, amaba Shaqada ayay ka eryi jireen kuwa…
9- Xikamadaha Soonka waxaa ka mid ah inuu Nafta siiyo Caa fimaad, waxa ay yiraahdaan ahlu Cilmiga waxaa uu wax ka tar aa hagaajinta Garaaca wadnaha, waxaa uu dhiiga ka Nadiifiyaa Xeyrta iyo Subaga, waxaa uu wax taraa Shaqada Beerka, wax aa uu Nadiifiyaa Mindhicirada… Haddaba waxaa wax aad loogu farxa ah in Fursada Soonka ay tahay Aduun iyo Aakhiraba, Caaf imaad ahaan iyo Ajar aaqar aba, sida ku cad kalimadaha aan kor kusoo sheegnay???.
waxaa diyaariyay Calinuur Xoogsade
calixoogsade@hotmail.com Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur
FG:Akhriste fadlan ha dhigin meel aan Nadiif aheyn Qoraallo Dini ah ayaa ku yallaan ee Xafid Adigoo Mahadsan


0 



HALKAAN KA AKHRISO: WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAIIY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 29KA MAY 2018KA
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KA HADLAY DILKII LOO GEYSTAY CUMAR DALXA Guddoomiyaha G/Shacabka BFS Md.Maxamed Mursal Sh C/r axmaan ayaa xalay ka hadlay dilkii shalay M/Muqdisho loogu geystay Cumar Dalxa oo ka tirsanaa shaqaalaha Baarlamaanka gaa