Wax Kabaro Taariikhda Maalinta 26 December ee (Boxing Day) Oo Maanta Ku Beegan

0
Saturday December 26, 2015 - 11:05:22 in Sports News by
  • Visits: 939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Kabaro Taariikhda Maalinta 26 December ee (Boxing Day) Oo Maanta Ku Beegan

    Xiliga ciida gaalada waxaa fasax gala dhamaan horyaalada ugu caansan Yurub si ciyaartoyda ay u nastaan loona yareeyo dhaawcyada maadaama uu jiro qabow iyo dabaylo daran taasoo sahal ka dhigaysa in ciyaartoydu ay dhaawacmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiliga ciida gaalada waxaa fasax gala dhamaan horyaalada ugu caansan Yurub si ciyaartoyda ay u nastaan loona yareeyo dhaawcyada maadaama uu jiro qabow iyo dabaylo daran taasoo sahal ka dhigaysa in ciyaartoydu ay dhaawacmaan.

Lakiin horyaalka Ingiriiska ee English Premier League ayaa midaas ka duwan oo waa xiliga ugu mashquulka badan iyadoona kulamada loo ciyaaro si isdaba joog ah, waxaana loo yaqaanaa (Boxing Day).

Hadaba Waxaan Jeclaysanay inaan aqristayaasheena usoo gudbino taariikhda maalinta 26 December ee loo yaqaano (Boxing Day).

B Day

Maalinta 25 December waa maalinta ay ku beegan tahay ciida gaalada sidaas darteed waxaa la isku hadiyeeyaa bokisyo ay ku jiraan hadiyado dhamaan bokisyada (Boxes) ay hadiyaduhu ku jiraan waxaa la isagu geeyn jiray maalinta xigta meel geed hoostiisa ah meeshaas ayaana lagu kala gudoomi jiray, sidaas ayaana loogu magacaabay (Boxing Day).

Sidoo kale waxaa jira dad kaloo aaminsan in magacaan uu ka yimid dhaqan hore oo u gooni ahaa dadkii hore ee Ingiriiska markaasoo maalinta ciida gaalada maalinta ka danbaysa ay dadka hantida haysta u qaybiyaan bokisyo (Boxes) ay ku jiraan hadiyado dadka aan wax haysan ee faqiirka ah sidaasna loogu bixiyay maalinta (Boxing Day).

Hadaba markaan usoo laabano dhanka kubada cagta kulamada maalintaas la ciyaaro waa kulamada kaliya ee isku aadkooda si toos ah loo sameeyo iyadoona la marsiin Computer, halka 37da kulan ee soo hartay isku aadkooda lagu sameeyo Computer, waxaana la samayaa inta badan in kooxaha loo gaabiyo safarka maadaama wadanka dhan uu yahay mashaquul maalintaas, waxaala ciyaaraa wax kastoo ku saabsan Sports gudaha England, waana maalin qadarin gooniya ay u aaminsan yihiin dadka ingiriiska.

Horyaalka ingiriiska ayaa loo xisaabiyaa in kala barkiisu uu yahay maalintaas 26 December wixii maalintaas ka bilowda horyaalka ayaa galaya qaybtiisa labaad walow ay jiraan kulamo aan la ciyaarin oo qaybta koowaad ka harsan.

Lama badalo Maalinta (Boxing day) waxaana waajib u ah in laciyaaro dhamaan kulamada xitaa hadii uu jawigu xun yahay iyagoona ilaalinaya dhaqanka iyo caadada maalintaan, waxaana la mid ah maalinta bilowga sanadka cusub iyadana jawi kasta oo jira waxaa u dagan inaysan kulamadu baaqan karin.

11 kii xili ciyaareed ee u danbeeyay kooxdii hugaanka u haysa horyaalka maalinta (Boxing Day) ayaa ku guulaysan jirtay horyaalka marka laga reebo 2007/2008 markaaso Arsenal ay hugaaminysay horyaalka maalinta Boxing Day, lakiin waxaa ku guulaysatay horyaalka kooxda Man United iyo 2008/ 2009 Liverpool ayaana hugaanka u haysay horyaalka maalinta Boxing Day balse waxaa ku guulaysatay kooxda Man United.

Maalmaha ugu caansan ee aan la iloobin maalmaha Boxing Day waxaa ka mid ah 1963 markaaso kulamadii maalinta 26 December la ciyaaray la iska dhaliyay 66 gool 12 kulan oo laga ciyaaray horyaalka ingiriiska.

Waxaan filaynaa in hada kadib aan la is way iin doonin maalintaan waxa ay tahay iyo waxay uga gadisan tahay maal maha kale ee laciyaaro horyaalka ingiriiska.!

Warbixintaan waxaa 2013kii inoo diyaariyay Liibaan Fantastik

Xigasho:-Dulqaadka.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip