Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo codsaday in dib u dayactir lagu sameeyo safaaradda
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xarunta safaaradda ay u baahantahay dayactir xoogan. Dhismaha Safaaradda ayaa dhawaan lagu guuleystay in dib loogu soo celiyo gacanta dowladda, kadib markii dacwado ay hormuud u ahayd safaarada lagu guuleystay in dib looga soo celiyo shirka ganacsi oo sheegtay in laga kireeyay safaaradda, balse maxkamadda ay u xakuntay dowladda Soomaaliya.
"Dayactir ayuu rabaa dhismaha safaaradda, runtii anagu awood uma lihin kan safaarad ahaan in aan dayactir ku sameyno, marka waxaan codsaneynaa in nagala caawiyo dib u dayactirka safaaradda oo muddo 20 sano ah helin dayactir” ayuu yiri Safiirka.
Safiirka ayaa tilmaamay in madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya uu u gudbiyay howlaha dayactir ee ay u baahtantahay safaaradda, isagoo xusay in haddii aan laga gaarin xilligan dib u dayctirka safaaradda ay keeni karto inay bur burto oo uu dhismaha safaaradda soo dumo.
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga oo codsaday in dib u dayactir lagu sameeyo safaaradda
Safiirka Soomaaliya ee Dalka Dalka Talyaaniga Danjire Muuse Xasan Cabdulle oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xarunta safaaradda ay u baahantahay dayactir xoogan.