Colaaddii Somalida Iyo Oromada Oo Dib U Soo Laabatay Markale!

0
Sunday May 27, 2018 - 21:18:55 in Wararka by
  • Visits: 394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Colaaddii Somalida Iyo Oromada Oo Dib U Soo Laabatay Markale!

    Shaaciye.com-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay dib u billaabatay colaad u dhaxeysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee deriska ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaaciye.com-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in ay dib u billaabatay colaad u dhaxeysa Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee deriska ah.

Mas’uuliyiinta ismaamulka Oromada Itoobiya ayaa ku eedeeyay dhinaca Soomaalida in ay billaabeen dilka,Barakicinta iyo dhibaateynta dadka Oromada ah ee deggan Sohdinta labada Maamul.

Tan iyo 23kii Bishan May 4 Qof ayaa la dilay iyada oo dab la qabadsiiyay in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka Liyuu Boolis loo yaqaan ee hoostaga Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomalida Itoobiya.

Sidoo kale 30 Iskuul ayaa la sheegayaa in ay xirmeen kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa.

Labada Maamul waxaa u dhaxeysa Sohdin gaareysa 900 oo Mayl,waxaana meelaha hadda colaadda ka billaabatay ee laga barakacay ka mid ah degmadaCinaksan.

Barnaamij laga siidaayay VOA qeybteedaAfaan Oromoo,ayaa lagu sheegay in colaadda cusub uu gadaal ka riixayo madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu dhul ballaarsi ka sameynayo degaannada Oromada maamusho.

DHinaca ismaamulka wali kama hadlin eedaha loo soo jeediyay,waxaa jirtay Dhamaadkii sanadkii hore ilaa billowgii sanadkan in boqollaal qof iska dileen labada dhinac sidoo kalena ay ku barakaceen dad ka badan 1.6 Milyan oo qof oo labada dhinac ah colaadda u dhaxeysa darteed.

Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed ayaa bishii la soo dhaafay kaddib magacaabistiisii waxa uu booqashadii ugu horreysay ku tagay Jigjiga halkaas oo uu madaxda Ismaamulka Somalilada kala hadlay joojinta colaadda kala dhaxeysa Oromada,waxaana uu safarkii labaad ku tagay ismaamulka Oromada oo uu arrintan kala hadlay.

Ilaa hadda ma cadda sababta dib u soo celisay colaadda labada Maamul iyada oo dhinaca Oromada ay eedda saarayaan Madaxweynaha ismaamulka Somalida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip