WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Saturday December 26, 2015 - 09:36:20 in Wararka by
  • Visits: 2664
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNE GEELLE: KOOXAHA XAGJIRIINTA AH MEESHII AY GALAAN WAY ADAG TAHAY SIDA LOOGA SAARO Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay inay adag tahay in laga saaro meeshii ay galaan kooxaha xagjiri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE GEELLE: KOOXAHA XAGJIRIINTA AH MEESHII AY GALAAN WAY ADAG TAHAY SIDA LOOGA SAARO Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo dhawaan wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay inay adag tahay in laga saaro meeshii ay galaan kooxaha xagjiriinta ah, isag oo tusaale u soo qaatay dagaallada muddada dheer socday ee ka taagtan dalka Afgaa nista an.Geelle ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siinayya BBC-da oo lagu weydiiyay inay Al-shabaab weli tahay koox awood leh oo wax la ga qaban la'yahay, ciidammo ka socda dalal Afrikaan ah oo ay Jabuuti ku jirtana ay jooga an Somalia.

 

"Markii Daalibaan ay qabsatay Afgaanista an,waxaa la geeyay ciidamada NATO oo dhan, dhaqaale badanna waa la geliyay sidii wax looga qaban lahaa, laakiinse markii xilligii ay daalibaan qabsatay dalkaas loo eego wax na ma dhaanto maanta, haddaanay ka darn ayn,” ayuu yiri Geelle.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in Somaliya aan dhaqilihii lagu bixiy ay dalka Afgaanistaan la geliyay oo kale aan la gelin, balse ay jiraan xoogaa horumarro ah oo laga sameeyay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

"Dagaalka Al-shabaab waa uun Soomaali dilaysa Somali kale. Waana koox meel walba oo dunida ahna way isaga imaanayaan, kii la yiraahdo jannaad gelaysaa ee lacag keen wuu keenayaa, kii la yiraado naftaada keen wuu keenayaa…kii la yiraahdo tababar siina wuu si inayaa,” ayuu hadalkiisa ku daray Geelle.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa wuxuu hadalkii sa raaciyay in waddamo yar oo Afrika ah iyo hay’ado caalami ah ay caawiyaan dowladda Somaliya iyo shacabka dhibaateysan ee So maliya, cid kale oo wax-tartana aysan jirin.

Dhanka kale, mar la weydiiyay madaxweyna ha Jabuuti khaladkii ugu weynaa ee ka dhacay 16-kii sano ee xukunka hayay ayaa wuxuu she egay inuu u maleynayo inuu ahaa dadka ay ka lsoonida badan siiyeen ee Jabuuti dhibaatada ka abuuray, kuwaasoo uu ku sheegay inay yihi in mucaaradka. "Waxaan is-leeyahay khal adkii ugu weynaa ee aad gasho wuxuu ahaa dadkii aan kalsoonida siinnay ee dalka dhibaa tada geliyay… innaguna ma yeelayno in dad ka Jabuuti la dhibaat eeyo… waayo waxaan u dhaarannay waa inaan amniga dadka ilaalin no, waanan ku taagannahay,” ayuu hadalkiisa ku daray Geelle.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay in xaaladda amni ee dalka Somaliya aan dhaqaale badan loogu bixin sida dhaqaal aha mallaayiinka doollar ah loogu bixiyo dalal ka kale ee ay colaaduhu ka socdaan.

NICHOLAS KAY OO SOO GABA GABEEYAY WAAYIHIISII DALKA SOMALIYA

Wakiilkii Q/M ee u qaabilsanaa dalka Somaliya, ayaa wuxuu soo ga ba gab eeyay waayihiisii Soma liya, ka dib muddo 2.5 sano ihi oo uu ka soo shaqaynaayay Munaasabad ballaaran oo lagu sagotina ayay Wakiilka asi, ayaa waxaa Arbacadii loogu sameeyay Xarunta Xalane, oo ku dhex -taala Garo onka Aadan Cadde Ee M/Muqdisho.

Munaasabadan, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxda Dowladda Som aliya, diblomaasiyiin iyo mar ti sharaf kaloo ballaaran, oo lagu soo casu umay inay ka qayb qaataan amba bixinta Nicholas Kay. Madaxweynaha JS.Md.Xasan Sh. Maxamuud oo hadal ka jeedinaayay munaasabadan, ayaa wuxuu Nicholas Kay uu ku ammaanay mid wax qabad wanaagsan la yimid, mudadii uu ka shaqaynaayay Xafiiska UNSOM.

Ra’iisal Wasaaraha XS.Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa isna sheegay in Nicholas Kay la soo magacaabay, xilli ay adkeyd xaaladda Somaliya, maantana uu soo gaarsiiyay marxalad rajo wa naagsan leh.

Amb. Kay oo ka hadlay munaasabadaasi, ayaa yri "Mudadii aan So maliya joogay waxaan ka bar tay wax badan. Waxyaabaha aanka bartay waxaa ka mid ah, iyadoo shirar la’isku mari waayay, in marka laga soo baxo shirarkaasi aad dibadda ku arkeyso, kuwaa shirarka ku kala kac ay, oo si kal iyo laab leh isu salaamaayo, oo hadana wada qoslaaya.

"Dadka Somaliyeed waa dad ad adag oo hamigoodu siyaasadeed uu aad u fogyahay. Shakhsi kasta wuxuu kuu sheegayaa in uu rajeynaayo in dalka uu wax ka noqdo, sida Madaxweyne iyo Wa siirba.”

"Waan ku faraxsanahay in aan ka shaqeeyo dal sida Somaliya oo kala ah. Waan u xiisi doonnaa So maliya, waa mid ka mid ah ah dalalkii iigu taariikhda wanaagsanaa, ee aan ka soo shaqeeyo.”

Mr. Kay, ayaa bartamihii sanadkii 2013-ka loo soo magacaabay inuu noqdo Wakiilka QM ee Somaliya, waxaana bishii November lagu soo be delay Michael Keating. Kay iyo Keating ayaa ah diblomaasiyiin u dhash ay dalka Britain.

GOLAHA WASIIRADA SOMALIYA OO MEELMA RIYAY SHARCIGA XANAANADA XOOLAHA

Golaha wasiirada ee xukuumadda FS ay aa dorraad shirkoodi caadiga ahaa ku yee shay M/Muqdisho waxaana shir gudoomina yay R/w.Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Afhayeenka xukuumadda oo shirka ka dib saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kul anka golaha wasiirada warbixin looga dhage eystay wasiirka arrimaha gudaha Md.C/ra xmaan Maxamed Odawaa oo ka mid ahaa wafdigii madaxweynaha ee booqashada ku tagay Beledweyne.

Wasiir Odawaa ayaa xusay in safarkii uu madaxweynuhu ku tagay Baledweyne laga gaaray guulo waaweeyn iyo isfaham, isagoo dhinaca kale tilmaamay in heshiis buuxa laga gaaray dagaal beeleedyo ka dhacay Baledweyne. Golaha wasiirada ayaa ansix iyay sharciga xanaanada xoolaha oo ay soo bandhigtay wasaaradda xanaanada xoola ha, kaasoo mudnaan gaar ah u leh xaanaa neynta xoolaha, iyo iib geyntoodaba.

Dhinaca kale golaha wasiirada ayaa aq balay in Soomaaliya ay xubin ka noqota hey ’addaIslaamiga ah ee horumarinta dhaqaa laha ee loo yaqaano ICD, waxa ayna hey’a daasi hoos tagtaa bangiga horumarinta Islaamka.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale ansixiy ay heshiiska tayo dhowrka Qaranka oo ay soo gudbisay wasaaradda Ganacsiga iyo warshadaha, waxaana tayo dhowr lagu sa meyn doonaa dhameen badeecadaha dibad da laga keeno.

QARAX KA DHACAY KOOFURTA NIGERIA OO DAD BADAN KU DHINTEEN

Qarax ka dhacay xarun lagu iibiyo lagana soo saaro gaasta ayaa sababay in dad bad an ku dhinteen qaar kalana ay dhaawacyo halis ah ka soo gaaraan koofurta dalka Nige ria.Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in da bkan uu qaatay un muddo shan saacadood oo xiriir ah uu socday ayna shaqaalihii iyo macaamishii goobtaasi oo ku taal Nnewi oo ah gobolka Anambra ay jirkooda aad u gubt een oo aan la kala aqoonsan karin meydad kooda, qaar kamid ah shaqaalahana ay ku jiraan gudaha goobta uu dabku ka kacay.

Ilaa hadda lama oga tirada dadka ku dhi ntay hase yeeshee Madaxweynaha dalka Ni geria Buhari ayaa ka hadlay dabkan, isagoo sheegay in uu ka xun yahay dhibaatada ka dhalatay dabka laakiin warbaahinta gudaha waxay sheegayaan in shaqaalaha gudaha ku jiray aanay badbaadi karin.Qaar badan oo macaamiisha ah ayaa u tagay halkaasi si dhalooyin ay gaas ugu soo shubtaan muna asabadda masiixiga. Wararka ayaa sheega ysa in qaraxu dhac ay markii baabuur weyn uu qarxay kadib ma rkii uu gaas halkaasi ku gediyay.

BOQOLLAAL KA TIRSAN AL-SHABAAB OO KU DHAWAAQAY INAY KU BIIREEN KOOXDA ISLAAMIGA AH EE ISIS

Tiro lagu qiyaasay 200 oo ka tirsanaa Al-shabaab ee Somalia ayaa la sheegay inay ballanqaadeen inay ku biireen ISIS oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayna ka furteen Al-Qaacida. Joseph Boinett oo ka tirsan saraakiisha booliiska dalka Kenya ay aa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in kooxda ka goosatay Al-shabaab ee ku bii ray kooxda ISIS/Daacish ay ka howlgalaan deegaanno ku dhow soohdinta ay wadaag aan Soomaaliya iyo Kenya ayna laba weer ar ku qaadeen Kenya labadii toddobaad ee u dambeeyay, kuwaas oo ay ku dileen hal askari iyo qof oo shacab ah degmada Man dheera-Kenya.

"Kala qaybsanaanta Al-shabaab soo dhe xgashay waa khatar kale oo dhinaca amn iga ah oo soo foos-saartay Kenya,” ayuu ha dalkiisa raaciyay Joseph Boinett, isagoo inta as ku daray in kooxda Al-shabaab ka goost ay ee ku biiray ISIS uu ka mid yahay; Max amed Kuno oo lagu naynaaso Gama-dhere, kaasoo uu sheegay inuu ka dambeeyay we erarkii horraantii sannadkan lagu qaaday Ja amacadda Gaarisa ee dalka Kenya oo lagu dilay 148-qof oo u badan ardaydii Jaamaca ddaas wax ka baranayay. Al-shabaab ayaa horay wacad ugu martay inay kordhin doo nto weerarrada ay ku qaadayso dalka Ken ya, taasoo ay sabab uga dhigtay in Ke nya ay kumannaan ka mid ah askarteeda u soo dirtay Somalia sannadkii 2011-kii, si ay Al-shabaab ula dagaalamaan.

Sidoo kale, laba ruux oo u dhashay Mar eykanka oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa ka goostay Al-shabaab iyagoo isku dhiibay xu kuumadda Somalia horraantii bishan, ka dib markii la dilay saraakiil sheegay inay go’a ansadeen inay kooxda ISIS ku biireen, iyag oo xubnahaan ay sheegeen inay ka baqeen in la dilo.Kooxda Boko Haram ee ka dagaall anta waddanka Nigeria ayaa bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay sheegtay inay ku biirtay ISIS/Daacish, iyagoo ugu baaqday kooxda Al-shabaab inay ku biiraan Daacish intii ay kasii mid ahaan lahaayeen ururka Al-Qaaci da.Ugu dambeyn, Saraakiisha Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inaysan ku biirayn kooxda Al-shabaab oo ay kasii mid ahaana yaan Al-Qaacida, iyagoo sheegay inay gac anta adag ku qaban doonaan cid walba oo is ku-dayda inay kala qaybiso Al-shabaab.

SARKAAL KA TIRSANAA BOOLIISKA KENYA OO SHALAY KU DHINTAY QARAX KA DHACAY DEEGAANKA LAAMU

Sarkaal ka tirsanaa Booliiska Kenya ayaa lagu dilay shalay oo Jimco aheyd qarax mii no oo lala beegsaday gaari saraakiil booliis ka dalka Kenya ka tirsan, kaasoo ka dhacay deegaanka Hindi-Bodhey oo ka tirsan dee gaanka Laamu ee dalka Kenya, iyadoo qara xaas ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaar een saddex sarkaal oo kale.

Qaraxan miino ayay saraakiisha booliiska Kenya sheegeen inay maleynayaan inay ha lkaas ku aaseen xubno ka tirsan Al-shaba ab. Waxaana la sheegay inay kusii jeedeen saraakiisha qaraxa lala beegsaday deegaan ka Bodhey oo u dhexeysa Lamu and Gaar isa.Taliyaha hoggaaminaya howlgalka la do onayo in Al-shabaab looga saaray deegaan ka Boni oo ay saldhigyo ka sameysatay Al-shabaab, James ole Serian ayaa xaqiijiyay Qaraxan lala beegsaday saraakiisha.

"Waa dhab in sarkaal uu ku dhintay Qar axa, laakiinse saraakiishii kale ee la socday gaariga wax dhibaato ah ma soo gaarin. Wa xaana Rumeysannahay inay ka dambeeye en miinada la aasay Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Ole Serian. Saraakiil kale oo la hadlay wargeyska Daily Nation ee kasoo ba xa magaalada Nairobi ayaa iyaguna sheeg ay in gaarigii askartu wateen uu gubtay, hal sarkaalna uu ku dhintay, saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen. Waxaana weerarkan ka dambeeyay bay yir aahdeen Al-shabaab, kuwaasoo u baxsaday dhinaca Boni.

Dhanka kale, shilkan ayaa imaanaya todd obaadyo kaddib markii laba qof lagu dilay weerar ay kooxo Al-shabaab ku qaadeen ga ari xamuul oo marayay Milihoi oo ka tirsan deegaanka Lamu, gaarigaas oo kusii jeeday deegaanka Hindi oo Mpeketoni ka tirsan. Ugu dambeyn, taliyaha booliiska deegaanka Lamu-Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inay walaac xooggan ka qabaan weerarrada ay xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab ka geysanayaan deegaannada ku yaalla xeebaha dalka Kenya.

CEEL BARDE OO SHIR LAGU SOO GABAGABEEY AY, (MUXUU AHAA SHIRKAASI, MAXAASE KA SOO BAXAY?)

Xildhibaan Cabdalla-ladhiif Muuse Nuur San-yare oo la hadlay warbaahinta Risaala ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay shir 3exdii bilood ee la soo dhaafay ka socday degmada Ceel-barde ee G/Bakool,kaasi oo looga arinsanayay sidii maamul madax ban aan loogu sameyn lahaa degmooyinka Ceel barde,Yeed iyo Aato oo ka wada tirsan G/ Bakool.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay shan bo qol oo Qof iska soo doorteen dadka deega anka,waxaana kala qeyb galay Xildhinaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Sida uu sheegay Xildhinaan San-yare,shirka shal ay ayaa lagu meel mariyay dastuurka ma amulka cusub,magacii maamulka,calankii iyo waliba calaamada 3xda degmo ee ma amulka loo yagleelayay. Wuxuu sheegay Xil dhinaanka intii maamul cusub oo ay ku dars amaan helayaan iskood u taagnaanayaan.

Degmooyinka hadda maamulka cusub loo sameynayo ayaa xuduud la leh.Jubba Land iyo waliba maamulka cusub ee hada la sameynayo ee Hiiraan iyo Shabeelaha dhe xe Shacabka Ceel-barde ayaa wacad ku ma ray ineysan mar naba wax ku darsaneyn maamulka ka dhisan M/Baydhabo uu mada xda ka yahay madaxweyne Shariif Xasan Sh. Aadan.

GUDOOMIYAHA DEGMDA KAXDA OO XILKA LAGA QAADEY

Sida ay sheegayaan warar ay heleyso Id aacada Risaala ee magaalada muqdisho ay aa sheegaya in ,Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Ariimaha gudaha xukuu mada Soomaaliya ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyaha degmada Kaxda ee G/ Bana adir C/kaamil Macallin Shukri. Kaas oo ka mid ahaa gudoomiyeyaashii uu magacaab ay gudoomiyihii hore ee gobolka banaadir.

Xildhibaan Khaliif Max’ed Xaaji Xasan ay aa inoo xaqiijiyay xilka ka qaadista lagu sa meeyay Gudoomiyaha degmada Kaxda, wu xuuna sheegay in wareegto ka soo baxday Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya xilka looga qaaday gudsoom iyaha

Xildhibaanka ma sheegin sababta Gudoo miyaha degmada Kaxda xilka looga qaaday, xilli gudoomiyaha la sheegay in howlo muh iim ah oo qabyo u ah degmadaasi uu ka wa day. Degmada Kaxda ayaa duleedka dhan ka Galbeed kaga taalo M/Muqdisho ee caas imada Soomaaliya,Gudoomiye C/qaadir Ma callin Shukri ayaa Howlo Hormarineed ka waday degmada Kaxda.

Xigasho: Risaala

 

WASIIRKA AMNIGA SOMALIYA OO LA KULMAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA MASAR

Wasiirka arimaha gudaha Masar, Magdy Abdel Ghaafar ayaa xafiiskiisa magaalada Qa ahira ku qaabilay Wasiirka amniga Somaliya ayagoo ka wada hadlay arimaha la dagaalan ka argagaxisada sida ay soo warisay majalada Al-Ahram ee dalkaasi ka soo baxda. C/ras aaq Cumar Maxamed, wasiirka amn iga guda ha ayaa wasiirka arrimaha gudaha Masar u muujiyay sida laamaha amniga ee Soomaliya ugu faa’ideysan karaan khibra da ay leeyihiin kuwa dalka Masar.

Labada dal Somaliya iyo Masar ayaa dagaal kula jira maleeshiyaad maxali ah oo aaminsan afkaarta argagaxisnimada kuwaasoo dhibaato oyin xooggan ku haya shacabka labada dal. Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Je neraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud oo ka mid ah wafdiga wasiirka ayaa la kulmay dhi ggiisa dalka Masar, iyagoo ka wada hadlay si dii ay 2da ciidan isaga kaashan lahaaye en su gidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada Masar ayaa dagaal kula jirta muddo 10 sano ku dhow maleeshiyaad ka soo horjeeda xuku umadda dalkaasi ka arrimisa, kuwa as oo ka dagaalama Jazeerada Sinai, waxaa na dagaa lkaasi uu xoogeystay 2sano ee la soo dhafay.

ISU SOO BIXII UGU WEYNAA OO DORRAAD KA DHACAY MUQDISHO

Culumada Suufiyada ee Ahlu Sunna Walja meeca ayaa Dorraad Muqdisho ka dhigay isu soo bax kii uguweynaa, iyadoo kumanaan da dweyne ay buux dhaafiyeen waddooyinka ku yaala bartamaha magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxaan oo ay hor kacayaan culim aa’udiin dhar cad cad oo qaarkood wata calanka dariiqada Qaadiriya ayaa sababay in uu hakad ku yimaado gaadiidka isticmaala wa ddooyinka Muqdisho, waxayna qaadayeen qa siidooyin Nabi Ammaan ah oo ay ku xusayeen dhalashada bisha Mowliid ee Nabi Muxamed NNKH.

Inta badan xarumaha fidinka diinta Islaamka iyo masaajida ayaa habeenadii la soo dhaafay waxaa ka socday Qur’aan akhris iyo siirada Nabi Muxamed CSW, dadweynaha Muqdisho qof kastaba wixii uu awoodo geynayay masaa jida lagu xusayo bisha Mowliid. Dhinaca kale Dariiqada Qaadiriyada oo Soomaaliya ku faa fisay diinta Islaamka iyo barashada Qur’aanka Kariimka ah ayaa caadiyan munaasabadaha kala duwan ee ay qabtaan waxaa ka soo qeyb gala Gud & K/Xigeenka 1aadee G. Baarlaman ka soomaaliya Md.Jawaari, iyo Iikar $ shacab ka Somaliyed ee deggan dalka & dibadba, wa ana isu soo bixii ugu Weynaa ee sanadahaan ka dhaca Muqdisho iyadoo shacabka s iweyn ugu riyaaqeen xuska Dhalashada NNKH 2015

ODAYAASHA REER HIIRAAN OO DIIDAY IN AY TAGAAN MAGAALADA JOWHAR

Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Soom aaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Shaa ca ka dhigay in Shirka Maamulka loogu sa meynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabel laha Dhexe Gogoshiisu ay taallo M/Jo whar Caasimadda Maamulkaasna ay noq oneyso Magaalada Buulabarde ee Gob olka Hiiraan ayaa waxaa wali soo baxaya inay jiraan Diidmo ka imaaneysa Odayaa sha Goboka Hiiraan qaar ka mid ah.

Odayaasha iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan oo shalay kulan ku yeeshay Maga alada Baledwey ne ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan Tagi taanka Degmada Jowhar oo Maalmaha soo aadan la filayo inuu Shirka Maamul u sameynta ka furmo.

Guddoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur ayaa sheegay in aysan tagi doonin degmada Jowhar islamarkaana ay doonayaan in Shi rka lagu qabto M/Baledweyne.

Horay qaar ka mid ah Odayaasha Gobol ka Hiiraan ayaa sheegay in Madaxweyna ha Soomaaliya uu ku qanciyay in Madax weynaha uu yeelanayo Maamulka Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe uu noqon doono Qof ka mid ah Reer Hiiraan

AXMED MADOOBE OO KA HOR YIMID MAG ACAABISTA SULDAANKA JUBBOOYINKA ‘KUL AN HABEEN HORE KA DHACAY KISMAAYO’

Xarunta madaxtooyada maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo waxaa habeen hore ka dhacay kulan ballaaran oo dhex maray Axmed Maxamed Islam (A xmed Madoobe) hoggaamiyaha maamul ka Jubbooyinka iyo waxgarad ka soo jee da beelaha Harti Daarood.

Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen wax garad, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa looga hadlay arri mo ku saabsan Suldaan dhowaan loo magacaabay gobolada Jubaland.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland – Axmed Maxamed Islam (Axm ed Madoobe) oo ka hadlay kulanka ayaa ku ammaanay beelaha Harti Daarood doo rka ay ku leeyihiin gobolada Jub booyinka iyo difaaca wax kasta oo dib u dhac ku ah horumarka gobolada maamulka uu madax wey naha ka yahay.

"Idinkoo aad u mahadsan dhammaanba intiinaan halkaan fadhida waxaan idiin caddeynayaa in la siyaasadeeyay magac aabista Suldaanka ee loo magacaabay Jubaland,aniga ayaana go’aan ka ga ara ya” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hoosta ka xariiqay inuu xushmad gaar ah u hayo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka bee laha degan Jubaland.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulan kiihabeen hore ka dhacay magaalada Kis maayo, iyagoona ballanqaaday inay xooji nayaan taageerada maamulka Jubaland, isla markaana sheegay inay ka filayaan go’aan ay ku kalsoon yihiin. Madaxwey naha maamul goboleedka Jubaland – Ax med Maxamed Islam (Axm ed Madoobe) inuu ka bixiyo maga caabidda Suldaan cusub ee la magacaabay

MAAMULKA GOBOLKA SH/DHEXE OO KA MAMNUUCAY INDHO SHAREERKA IYO MOOTOY INKA BAJAAJTA MAGAALADA JOWHAR

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka inay xirtaan indho shareerta iyo in mootooyinka Bajaajta loo yaqaan aysan socon karin xilliyada habe enkii. Maamulka gobolka Sh/dhe xe ayaa ku macneeyay sababta loogaga mamnuu cay ma gaalada indho shareerta inay ta hay iya doo ay ku soo dhex dhuu man karaan rag doonaya in ay falal amni darro ka fuliy aan magaalada.

Agaasimaha Warfaafinta Maamulka go bolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macallin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in ha weenka indhaha shareerka ku dhex mara an magaalada Jowhar.

"Iyadoo laga duulayo adkeynta amm aanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haween ku aysan xiran karin indho shar eer iyo wel iba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyin ka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnima dii.” ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamul ka gobolka Sh/dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta la bada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta hase yee shee maamulkii hore Maxamed Dheere ay aa ka mamnuucay xirashada indho shareerta. Waxaana inta badan dalka soomaaliya lagu arkay rag soo xirta indha shareerka oo waliba hoteelo dhowr ah agu qabtay qaarna isku qarxiyeen

HAY’ADA NABAD SUGIDA OO SOO QABATAY DADWADAY BARNAAMIJ SHIICO LOOGA DHIGAYO SOOMAALIDA.

Warbxin ay soo saaratay Hay’ada Nabad sugida Gobolka Banaadir ayaa la gu sheegay in ho wlgal ay Ciidanka NISA ka sameeyeen Muqdisho lagu soo qab qa btay Dad isugu jira Soomaali iyo Iran kuw aas oo waday Barnaamj lagu Shiiceynayo Qeb ka midah Bulshada Soomaaliyeed.

War bixinta ayaa lagu sheegay in Hay’ ad lagu magacaabo Al Khumayni oo si to os ah u hoos tagta Safaarada IRAN ee Muqdisho ay waday oo faraha ay kula jir tay faafinta afkaarta Shiicada lo oga dhiga yey Dad Soomaali ah.

Xiligii Dadkaasi la soo qabanayey ayey ku howlanaayeen Mashruuc Magaciis ah aa Xaflada Dhalashada NABIGEENA NN KH iyaga oo bixinayey hadiyado i yo Guur wadareed ay isugu guuri nayeen Dhalinya ro laakiin waxey aheyd mid ay ku hoos wa deen Barnaamij Shiiceyn ah oo ay fuline ysay Hay’ada Al Khumeyni oo hoos tagta Safaarada IRAN ee Muqdisho.

Warbxinta oo dheer ayaa lagu xusay Magacyada Dadka waday Mashrucaas iya doona la xusay in Masuuliyiin ka tirsan Do wladda ay xiriir wada shaqeyn oo dhaw ay la leeyihiin Safaarada IRAN iyo Al Khum eyni.Xigasho:-radiokulmiye.com/knn/

MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO DIGNIIN KA SOO SAARAY SAFAARADAHA REER GALBEEDKA EE DALKA SHIINAHA

Wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin ah suurtagalnima da in la weeraro deegaanada ay ku yaala an xarumaha reer Galbeedka ee magaala da Beijing dalka Shiinaha maal maha ciida ha masiixiga. Safaarada Maraykanka ay aa sheegtay in ay heshay warar sheegaya in la qorsheynayo weeraro reer Galbeed ka lala damacsan yahay deegaanka Sanlit un iyadoo Booliska Shiinahana ay adkeey een ammaanka.

Sidoo kale safaaradaha Faransiiska iyo Australia ayaa uga digey muwaadiniintoo da inay feejign aadaan gaar aahaan xaaf adaha mashquulka ah ee Sanlitun taasoo xarunu ah safaarado badan. Boolis hub eysan ayaa la dhigey wadooyinka deegaa nada ku dhow dhow safaaradaha reer galbe edka iyadoo aan hore loogaga baran in ciidamo hub wata lagu arko fagaarooyin ka.

Booliska caasimada Shiinaha ayaa soo saaray digniin hurdi ah shalay iyadoo ay tahay digniintan marka la soo saaro in ay jirto halis ka iman karto masiibooyin ama ammaan darro. Feejignaanta ha atan la soo saaray ayaa la filayaa in ay socoto ill aa iyo sanadka cusub si loo xaqiijiyo amni ga iyo kala dambeynta.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa markii loo dabaaldegayay sanadka cusub waxaa ku dhintey magaalada Shanghai dad gaaraya soddon ruux kuwaasoo u dhi ntey ka dib markii dadku is riixriixa an oo dad badan lagu istaagay.

CIIDAMADA PUNTLAND OO GAALKACYO KU QABTAY TAHRIIBEYAAL

Ciidamada Amniga Magaalada Gaal kacyo ee Maamulka Puntland ayaa gacan ta ku dhigay Dhal inyaro Tahriib doon ah oo doonayay in ay ka Baxaan Magaalada Gaalkacyo si ay dhuumasho ugu galaan Magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Gob olka Bari.

Tahriibeyaasha Ciidamada Amniga Pu ntland ay Gacanta ku dhigeen ayaa gaar aya ilaa 16Ru ux,kuwaas oo lagu xiray Xabsiga dhexe ee Magaalada Gaalkacyo.

Saraakiisha Ciidamada Amniga Puntland ayaa sheegay in Puntland ay Dagaal kula jirto Dadka Tahr iiba iyo kuwa Wax Tahriib iya intaba islamarkaana Dadkaan la soo qabtay ay qeyb ka yihiin Dadka Tahriib do onka ah.

Saraakiisha Puntland ayaa sidoo kale u digay Dadka Soomaaliyeed ee Naftooda ku biimeynaya Badda Cas ee u dhexeey sa Soomaaliya iyo Yemen.

WASAARADDA A. GUDAHA OO KA WARBI XISAY HABKA LOO MARAYO MAAMULKA HIIRAAN IYO SH/DHEXE

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fed eraalka ayaa faah faahin ka bixisay qaab ka loo marayo dhismaha maamulka Gobol lada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iy adoo ugu baaqday shacabka labada gob ol inay isu tanaasulaan, kana shaqeeyaan nabadgel yada.Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa shee gay in todobaadka soo socda la guda geli doono howlaha maamul u sameynta lab ada gobol, isagoo xusay in ugu horeyn shirka la furi doono.

"Shirka todobaadka soo socda ayaa la guda galayaa, waxaa laga bilaabayaa furit aanka, dadka labada gobol u dhashay, da dka Soomaaliyeed iyo madaxda ka qeyb gal eysa, ka dibna waxaa loo gudbayaa od aya asha dhaqanka, ergooyinka la soo xul ayaa, ka dibna Baarlamaanka”ayuu yiri Wasiir Od awaa.Wasiir Odawaa ayaa shee gay in maa mul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe loo mari doono qaab kii Galmudug loo maray.

"Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shab eellaha Dhexe waxaa loo mari doonaa qa abkii loo maray Galmudug, sanduuq dhalo ayaa lagu dooran doonaa Madaxweyna ha” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ma amul walba oo la dhiso ay dad ka soo hor jeestaan, si la mid ah maamuladii hore loo soo dhisay, waxaana uu ugu baaqay shac abka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe inay isu tanaasul muujiyaan..

Wasiirka ayaa sheegay in labada gobol ay yihiin gobolada haray dhismaha maamul ada federaalka, isagoo xusay in labada Go bol ay muhiim u yihiin dhameystirka fed era aleynta sida uu hadalka u dhigay.

Si kastab ha ahaatee Madaxweynaha Soo maaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo sadd ex maalmood ku sugnaa magaalada Beled weyn ayaa odayaasha reer Hiiraan ku qanc iyay inay ka qeyb galaan shirka maamul u sameynta ee todobaadka soo socda ka furm aya Jowhar.

WASIIR BAQDAADI: "WAANU QABANEYNAA MEEL KASTA OO AY KA JIRTO KHATAR AMNI, MAADAAMA HOTEELLO BADAN LAGU QARXIYAY MUQDISHO

Wasiirka diinta iyo ow-qaafta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali (Baqda adi) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay go’aanka ka soo baxay wasaaradiisa ee ku saabsan inaan dalka lagu qaban karin daba aldegyada sanadka cusub, wuxuuna si cad u sheegay inay jirto khatar amni oo la xariir ta soona gudbiyeen saraakiisha hay’adaha amniga.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Dowlad da Federaalka Soomaaliya – Cabdulq aadir Sheekh Cali Isagoo ka hadlayay go’ aanka Wasaaradiisa ka soo baxay ayaa yi mid ka dib markii culumaa’udiinka iyo ha y’adaha nabadgelyada Dowladda ay u soo gudbiye en in Hoteello ku yaala Muqdi sho ay ka soc daan qabanqaabo iyo diyaar garow loogu jiro dabaaldegga sanadka cusub ee 2016-ka. "Waanu ku qabaney naa meel kasta oo ay ka jirto khatar amni, maadaama Hotee llo badan lagu qarxiyay Muqdisho ” ayuu yiri Wasiirka diinta iyo owqaafta oo u war ama yay Idaacadda VOA-da laanteeda afka So omaaliga. Dorr aad

Mar uu ka hadlayay Wasiir Baqdaadi bac damaa ay dalka ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo Kirishtaan ah xeryahooda ugu dabaal degaya ciida Christmas-ka si da uu go’aankooda u saameynaayo ayaa sheegay in go’aankaasi aanu khuseynin dadyowga Kirishtaanka ah ee dalka ku su gan, isla markaana ay xor u yihiin inay caado dhaq ameedkooda sameystaan.

"Xusaska iyo dabaaldegyada kala duw an waa caadooyin ay leeyihiin bulshooyin ka caalamka, sidaas daraadeedna Dowla dda Soomaaliya ma oggola in dalkeeda la gu fa afiyo diin aan ahayn tan Islaamka” ayuu yiri Wasiir Baqdaadi.

RA’IISUL WASAARAHA HINDIYA OO BOOQA SHO LAMA FILAAN AH KU TAGAY PAKISTAN

Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi ayaa booqasho kedis ah ku tagay dalka Pa kistan, gaar ahaan magaalada Lahore, halk aasoo la filayo inuu kula kulmo dhigi isa Pakistan Nawaz Sharif. Mr Modi ayaa ka soo laabtay dalka Af ghanistan oo uu booqa sho ku joogay, wax aana tagitaankiisa Laho re uu ku soo qor ay bartiisa Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaaraha India ayaa la she egay inuu dib ugu laaban rabay dalkiisa, bal se lama filaan diyaaradiisa ay uga deg tay magaalada Lahore. Narendra Modi ayaa no qonayaa Ra’ii sul Wasa arihii u horeeyay Hi ndiya oo booq da Afghanistan tan iyo sanad kii 2004-tii.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Hindi ya ayaa ku soo beegantay, iyadoo Ra’iisul Was aaraha Pakistan Nawaz Sharif ay sha lay oo ay ku beegneyd. Pakistan iyo Hin diya ayaa tan iyo markii ay madax bana ani da ka qaa teen dalka Ingiriiska ayaa waxaa dhex ma ray dagaalo u dhaxeeyay. Xi riirka labada dal ayaa muddooyinkii u da mbeeyay ahaa mid sii xumaanayay, ha se ahaatee dhowa anahan dib u soo hag aagay.

Kenya”Gobolka Waqooyi Bari waxaa Xarun ku leh Daacish Al-shabaab ka go’day”

Taliyaha Booliska wdanka Kenyan Jos eph boinet ayaa ku tilmaamay xiligan Al-shabab oo Al-Qa ‘eda xiriir la leh kuwo qiiaaf xooggan uu ka dhax jiro Isla markaana u kala qeybsamay Sadax qey bood.

Joseph ayaa ku sheegay marxalada dhab ta ah ee ay ka warqabaan ee dhanka Al-sha baab ah in ay tahay inay u kala jabe en, qe yb taabacsan Al-Qaeda, kuwa aami san IS IS, iyo kuwa dano qabiil u adeega ya. "Wa xaa jira kuwa ku fikiraya in ISIS ay wanaag san tahay, Qaarkale waxay u hay staan in AL-Qaeda ay wanaagsan tah ay ,halka ku wa kale ay raaceen siyaasadii Soomaaliya ee habka qabiil ku socotay.” Sidaa yiri Taliy aha Booliska Kenya. Wuxu u ugu baaqay Joseph Boinet in dadka reer Kenya ay ka feejignaadaan we erarro Macquul ay tahay in shababku ay ka fuliyaan gudaha dalka Ke nya ,isagoo qi ray in wali ay muuqato Qatar ta Alshabab.

Dhanka kale Taliyaha Booliska Kenya ay aa qiray inay ka warqabaan dagaalyahano Al-shabab ka goostay oo DACISH ku bii ray inay xeryo ka sameysteen Waqooyi bari wa ddanka Kenya ayna ku daba jiraan arintan.

Al-shabab ayaa dhowr jeer weerarro ka geystay waddanka Kenya

CIIDAMADA DOWLADDA OO KA SAARAY DADKII DEGANAA DHISMAHA WAKAALADII FILIMADA SOMALIYED

Ciidamada DF.Somaliya, gaar aha an kuwa Booliska ayaa dorraad aroortii waxa ay ku jarmaadeen inay ka saaraan dadkii deganaa Dhismihii Wakaaladda Filimada Somaliyeed oo muddo 25 sano ah bur bursaneyd.

Taliyaha ciidamada Booliska Qaybta G/ Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay dadkaan in horay loo siiyay digniin ku aadan inay ka guu raan goobt aan oo mu ddo ay deegaan sanayeen. Dhismaha Wak aalada Fili mada Soomaaliye ed waxa ay ku taalla meel ku dhaw Sal dhiga Afar Irdood ee Degmada Xamarwe yne, waxaana deg danaa dad badan oo aanan haysan meel ay deegaansadaan.

Agaasimaha Wasaarada Warfaafin ta C/ri saaq Cali Yuusuf (Bahlaawi) ayaa u mah ad celiyay ciidamada Boolis ka Soomaa liyed sida wanaagsan ee Bulshadii halkaa si de ganeyd ay uga saareen. Waxa uu sheegay in dib loo soo noolaysiinaayo Wa kaal adii Filima da Soomaaliyeed si sha qadii halka asi ka socotay dib loogu bilaabo.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bana adir ayaa digniin u diray dadka deg gan dhul ka Dowladda, wuxuuna sheegay inay isaga guuraan ka hor in ta aanan laga sa arin dhis mayaasha asi.

XIRIIRKA KA DHEXEEYA DABBAALDEGGA SANNADKA CUSUB IYO CIIDDA KIRISTAANKA:-

Waxaa sanadahaan dambe aad u soo batay xafladaha soomaalidu iyo guud ahaan Muslimmintu u dhigto soo dhaweynta sanad ka cusub ee Milaadiga, waxaana caado noq otay in la qabto xaflado,riwaayado iyo hamb alyo ku aadan sanadka cusub. Dhanka kale dawladda Soomaaliya ayaa markasta soo saarta baaq ku saabsan inaan ciidda Kirist aanka (Christmas) laga xusi Karin Dalka Soomaaliya. Haddaba waxaa isweydiintu ta hay maxay tahay xiriirka ka dhexeeya sanad ka Milaadiga iyo ciidda Kiristaanka?

Inta aynaan ka jawaabin su’aashaas wax aan fiirinaynaa horta muxuu yahay snadka cusub? Yaa u muddeeyay 1-da January? Goormuu soo bilawday?

Sanadka milaadiga waxaa loo yaqaan Kal eendarka Girigooriyan (Gregorian calendar) ama kaleendarka Kiristaanka (Christian Cal endar) waxaana loogu magacdaray ninkii ali fay oo ahaa baadari la oran jiray Pope Greg ory XIII oo u dhashay dalka Ingiriiska.

Baadarigaan wuxuu alifey sanadka mila adiga Bisha February 1582. Xilligaas wixii ka horeeyay caalamka waxaa ka jiray Kalee ndaro kala duwan oo qoloba si u xusto, xat taa yurub kama jirin hal calendar oo ay isku raacsan tahay,waxaase yurub ugu caansa naa kaleendar la oranjiray Julian Calendar. Xilligaas ka hor sanadka cusub wuxuu yur ub u bilaaban jiray 25-ka Maarso (March 25 th) taas oo ay sheegaan inay ku aadan tah ay dhalashadii Maryam (CS). Baddalida Kal eendarku waxay ka dhalisay dalalka reer Yurub dood dheer.

Xiriirka ka dhexeeya dabaaldega sanad ka cusub iyo Ciidda Kiristaanka Jowhar.com Waxaana loo kala qaybsamay kooxaha iyo dawladaha Kaatooliga oo markiiba soo dha weeyay sanadka cusub iyo kuwa boroteest anka (Protestant) oo ku doodayay inay ta hay mu’aamarad kaatooligu soo abaabulay. Taas ayaana keentay dib u dhac ku yima ada in la meel mariyo ku dhaqanka sanadka cusub. Tusaale ingiriisku wuxuu qaatay sa nnadka maantay la yaqaan ee milaadiga ta arikhdu markay ahayd 1752, taas oo ah 170 sano ka dib markii la alifey, dawladaha kale ee reer yurubna midba marbuu qaatay waxa ana ugu dambaysay dawladda Ruushka oo qaadatay 1919 kacdoonkii ruushka ka dib. Xaqiiqatan ilaa hadda waxaa jira dad ku do oda inuusan ahayn kaleendar sax ah, una baahan yahay in wax laga beddalo xusana khaladaad badan oo ku jira.

Haddaba muxuu yahay xiriirka kala dhexeeya?

Sida la wada og yahayba ciidda Kiristaan ku waxay ku began tahay 25-ka December oo ay sheegaan inay tahay dhalashadii Nabi Ciise (CS). Marka laga soo tago saxnimada inay tahay dhalashadii Nabi Ciise iyo in ka le, waxaa la dhihi karaa xiriir diimeed ayaa ka dhexeeya Ciidda Kiristaanka iyo xuska Sanadka. Xiriirkaas waxaa weeye, diimaha samaawiga ah oo dhan waxay qabaan in ilm aha (wiilku) markuu dhasho 7 maalmood ka dib la gudo. Waxayna Kiristaanka gaar ah aan firqada Kaatooligu aaminsanyihiin in

1-da January tahay maalintii Ciise la guday. Haddaba waxaa muhiim ah in la fahmo in debaaldega sanadka cusub ka mid yahay dabaaldegyada ciidda kiristaanka. Haddaba waxaa la isweydiin karaa maxaa keenay in sanadkaan Kiristaanka ku saleys an caalam ka oo dhan laga isticmaalo? Jawaabta arint aas waxay noqon kartaa dha wr qaybood. Marka 1aad in Kaleendarkaan dunida ku faa fo waxaa keenay ayada oo dhaqangalkiisu la kowsadey xiligii yurub bilawdey gumeysi ga dunida.

Waliba waxaa muhiim ah in la xuso in fidi taankii gumeyysiga reer yurub ay hormuud iyo garwadeenba ka ahaayeen kooxaha diin ta Kiristaanka faafiya (missionaries). Sidaas ayuuna ku noqdey Kaleendarkaan mid caal anka ku faafa oo dadka laga wada gadey. Waxaa kale oo jirta dawladihii ka dhashey gumeysiga ka dib oo ku dhaqankiisa qaatay isla markaastana aan isku taxalujin inay dad kooda fahamsiiyaan inuu yahay raadkii gum eysiga reer yurub. Dawladahaas waxaa laga soo reebi karaa dawlada China, Iran iyo Itoobiya oo ayagu leh sanad u gaar ah.

Tan 2aad waxaa la dhihi karaa dawladaha muslimiinta iyo malaha culimaduba waaka gaabiyeen inay dadka Muslimiinta ah faham siiyaan xiriirka diimeed ee ka dhexeeya ciid da Kiristaanka iyo Sanadka cusub oo maan tay nasiib daro looga dabaal dego guud ahaan caalamka islaamka.

Gunaadakii, waxaan leeyahay ciddii xusi laheydey ogaada, inuu sanadkaan aad xuse ysaan alifey Baadari Kiristaan ah, inuu xiriir diimeed la leeyahay ciidda masiixiga, inay fa afiyeen dunidana wada gaarsiiyeen hawl wadeenaddii gumeysigii reer yurub.

W/ D:- Cabdiwal Maxamud Qurux

RA’YI: MAGAALADA BUULABARDE WAA MAGAALO CEYNKEE AH?!

 

M/Buulobarde waxa ay ku talaa G/ Hii raan, waxa ay ka mid tahay dagmooyinka ugu waaweyn G/Hiiraan, sidoo kale Magaal ada waxa ay ku taalaa dhanka Qoraxsin ee wabiga Shabelle, M/Muqdisho waxa ay u jir taa 220km. Dhanka kale M/Buulo Barde wa agii hore waxaa la dhihi jiray Buulo Burte oo micnaheeda yahay Buuladii Bacaadka, laak iin xiliyadii dambe ayuu isku badalay magac aas Buulo Barde, (Barde) waa geed wabiga jiinkiisa ka baxo o ay caan ku tahay M/buulo Barde, magacyada kale ee loo yaqaanay ama loogu yeeri jiray waxaa kamid ah Buu laay ama Deebleey.

M/buulo barde waxa ay ka kooban tahay xaafado badan laakiin waxaa ugu caansan 3dax xaafadood oo kala ah, xaafada idhoc eel, xaafada hanti wadaag, iyo xaafada Okt ober. M/buulo Barde waxaa ka baxo dham aan dhirta kala gadisan ee laga soo saaro dhulkeena hooyo, waa magaalo dhul beer eed leh waxaa ka baxo dhamaan qudaarta noocyadeeda kala gadisan, sidoo kale mag aalada waxa ay caan ku tahay dhaqashada xoolaha sida ariga, geela, lo’da . Magaalada waxaa maro wabiga Shabelle, waxeyna ka mid tahay magaaloyinka ugu muhimsan Somaliya dhanka dhaqaalaha.

Dhanka kale M/Buulo Barde waa maga alo istiraatiiji ah, waxa ay isku xirtaa Gobala da dhexe iyo G/waqooyi ee Soomaaliya , si daa darteed waa magaalo aad muhiim u ah Is ku socodka iyo u kala gooshida gobalada dhexe ee Soomalia. Dhanka waxbarashada Dugsiyada ugu caansanaa ee soo maray magaalada Buulo barde waxaa kamid ah du gsiga H/dhexe iyo sare ee Deebleey , kaas soo saari jiray arday aqoontooda waxbara sho aad u sareeyso. Dhanka kale magaala da buulo barde waxey ka mid tahay meela ha lagula dagaalamay gumeysihii Talyaani ga iyadoo sanadkii 1922 dagaal adag oo dad badan ku dhinteen ku dhexmaray mag aalada askartii talyaaniga iyo halgamaa sheekh Xasan Barsane.

Burburkii dowladii dhexe ka dib M/buulab arde waxaa saameeyn ku yeeshay dagaala dii sokeeye ee ka dhacay Soomaliya ayada o ay meesha ka baxeen adeegyadii bulsha da sida isbitaaladii iyo Iskuuladii inkastoo ha dda magaalada wax xogaa soo kabaneeyso kadib markii ay magaalada la wareegen cii damada dowlada iyo kuwa Djibuuti oo iskaa shanayo, laakiin magaalada wali sidii la rab ay ma ahan marmarka qaar waxaa go’doom iye ama weeraro toos ah iyo qaraxyo ka ful iya Alshabaab, arintaas oo dhibaato weyn ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaq an magaalada buulo barde.

M/buulobarde waxaa ku nool qabaailo Soomaliyeed oo si daris wanaag ah ku wa da nool, dhammaan qabaailada dagan bu ulo barde waa dad jecel nabada kana sha qeeyo nabada, asal ahaan qabiilka dago ama ugu badan M/Buulobarde waa qabiilka loyaqaano Baadicadde. Hadda M/Buulo Ba rde waxaa gacanta ku haayo ciidamada do wladda oo garab ka helaayo kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka Amisom, waxaana gudoomiye ka ah magaalada Cabdi casiis Duurow.

Ugu danbeyntii M/Buulo Barde waxaa ha dda loo magacaabay caasimada Maamulka loo dhisi doono Hiiraan iyo Shabeelada dhe xe, run ahaantii waa magaalo u qalanto oo meel istiraatiiji ah ku taallo, 2da gobal isku xerkoodane muhiim ayay u tahay, maamul ka degmada Buulo Barde iyo shacabka ku nool Magaalada ayaa si diiran uso dhaweey ay, ku dhawaaqista madaxweyne Xasan sheekh uu ku dhawaaqay in ay caasimad u noqoto maamulka loo dhisi doono Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, waxaane u rajeynayaa inay noqoto magaalo u horse edo hormar dadka ku nool labadaas gobal.

Ali Mohamed Farah (Cali Dheere)

Email:alimohamf4@gmail.com

Facbk:alidheere1@hotmail.com

WARBIXIN: MAXAAD KA OG-TAHAY MADA XDA AFRIKA KUWOODA UGU HANTIDA AMA DHAQAALAHA BADAN?

Qaaradda Afrika oo ah Qaaradda 2aad ee ugu weyn caalamka, isla markaana ah tan 2a ad ee ugu dadka badan caalamka oo dhan, ay aa waxay ka kooban 54-dal oo ay hoggaami yaan madax qaarkood ka mid ah ay soo hogg aaminayeen dalalko oda muddo Rubuc Qarni ka badan. Ma daxda qaarkood iyo qoysaskoo da ayaa ah kuwo aad qani u ah oo haysta dhaqa ale ay ka sameeye en khayraadka wa ddamadooda dhex-ceegaaga; balse shacabk ooda ay yihiin kuwo faqiir ah, waxayna hoggaa m iyeyaashaani leeyihiin shirkado kala duwan oo ay ugu magac-dareen xubno qoysaskooda ka mid ah.

Haddaba, warbixin ay soo daabacday shab akad lagu magacaabo Africa-cradle ayaa loo ga hadlay 10-hoggaamiye oo isugu jira madax weynayaal iyo boqorro ka taliya qaar ka mid ah waddamada Afrika iyo kuwo xukunka horay u soo qabtay, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwa ugu qanisan madaxda Qaaradda Afrika.

KAALINTA KOOWAAD: Jose Eduardo dos Santos oo ah madaxweynaha Angola oo la sheegay inuu haysto hati gaaraysa $20 Billion, wuxuuna dalkiisa soo xumayay muddo 36-sa no, ka dib markii xukunka la wareegay 1979-kii. Warbixinta ayaa lagu xusay in 70% shac abka dalka Angola ay ku nool yihiin wax ka yar laba doollar maalintii. Sidoo kalena gabadhiisa oo lagu magacaabo Isabel dos Santos ayaa ka mid ah dadka ugu dhaqaalaha badan Qaar adda iyadoo lagu sheegay dhaqaalaha ay hay sato $3.8 billion. Waxaa sidoo kale lagu she egay in loo aqoonsaday inay hadda tahay haw eeneyda ugu taajirsan Qaaradda Afrika, isla markaana ay tahay haweeneyda Madowga ah ee caalamka ugu Hodansan.

KAALINTA LABAAD: Mohammed VI oo ah boqorka waddanka Morocco iyadoo lagu shee gay hantida uu haysto inay gaarayso $2.5 Bil lion, isagoo xukunka dalkiisa haya 15-sano, waana hoggaamiyaha ganacsatada waddankii sa. Boqorka waddanka Morocco ayaa xuku nka la wareegay sannadkii 1999-kii, markaa soo uu dhintay abbihii oo dalkaas boqor ka ah aa. Wuxuuna markiiba dib u habeyn ku same eyay xaaladaha bani’aadamnimo ee dalkaas oo buuq uu ka jiray, isagoo la dagalamay faqri ga.KAALINTA SADDEXAAD: Teodoro Obiang Nguema Mbasogo oo ah madaxweynaha dal ka Equatorial Guinea oo uu xukumayay 36-sano, isagoo la wareegay xukunka 1979-kii, ka dib markii uu afgambi ku sameeyay adeer kiis Francisco Macias Ngue ma; iyadoo lagu sheegaa hantida uu haysto $600 Million. Wuxuu dadaal u galay inuu soo saaro shida alka dalkiisa, howshan oo sanna dkii 1990-kii uu billaabay. Madaxweyne Mbaso go & qoyski isa lagu eedeeyo inay la wareege en dhaqaala ha dalkiisa. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2011 -kii ayay $70 million oo doollar oo uu lahaa wii lkiisa gacanta ku dhigtay. Ink astoo Equatorial Guinea ay tahay waddanka 2aad ee ugu qani san Afrika, haddana shacab kiisu waxay ku no ol yihiin meel ka hoosaysa heerka saboolnima da Afrika.

KAALINTA AFARAAD: Uhuru Kenyatta oo ma daxweynaha Kenya oo horrantii 2013-kii loo doortay hoggaaminta waddankiisa ayaa hadda na hantida uu xilligan haysto waxaa lagu shee gay inay tahay $500 Million. Madaxweyna ha Kenya oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee ka taliya dalka Kenya, Jomo Kenyatta, ayaa la sheegay in isaga qoyskiisa ay xilligan leeyihiin shirkado kala duwan, dhul baaxad weyn iyo bangiyo. Wuxuu isku arkaa inuu yahay ruux bulshaawi ah.

Xafladdii caleemo-saarkiisii xilka madaxwey naha ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono si dii Kenya uu uga sameyn lahaa isbedel dhaq aale oo baaxad leh, inuu u sameyn doono isbi taallo hooyada iyo dhallaanka lagu daweeyo iyo inuu ka shaqeyn doono midnimada shacab ka Kenya.

KAALINTA SHANAAD: Paul Biya oo ah ma daxweynaha dalka Cameroon, kaas oo xilka dalkiisa hayay muddo 33-sano ah; isagoo xuk unka dalkiisa la wareegay November, 1982-kii. Waxaana dhaqaalaha uu haysto lagu sheegay inuu dhan yahay $200 million. Inkastoo uu han tidaas haysto, haddana waxaa jirta in 48% sha cabka dalkiisa Cameroon ay ku nool yihiin me el ka hooseysta xariiqa saboolnimada.

Wargeys kasoo baxa Faransiiska ayaa soo daabacay sannadkii 2009-kii in madaxweyne Paul Biya uu yahay madaxweynaha ugu khara shka bixinta badan madaxda caalamka oo dhan xilliyada fasaxyada; iyadoo ay ku baxdo dhaqaale aad uga badan tan ku baxda madax weynayaasha dalka Mareykanka. Waxayna ja riidaddu warbixinteeda ku xustay in dhaqaala ha ku baxa uu gaarayo $40,000 maalintiiba.

KAALINTA LIXAAD: King Mswati III oo 15-kii sano ee u dambeysay boqor ka ahaa dalka Swaziland ayaa ka mid ah boqortooyooyinka dunida ugu taarjisan. Waxaana hantida uu haysto la sheegay inay gaarayso $100 million.

Sdioo kale, boqorka ayaa lagu xantaa inuu qabo 13-haween ah, kuwaasoo uu ugu same eyo shoobin sannad walba lacag dhan $6 mil lion. Dhanka kalena waxaa la sheegay in sann adkii ay ku baxdo biilasha guryihiisa lacag dhan $61 million.

Dadweynaha Swazis-ka ayaa 63% waxaa la sheegayaa inay ku nool yhiin wax ka yar $1.5 maalintii. Iyadoo ay sidaas tahay ayaa la sheegay in gaariga raaxda ah ee uu bororkan ku socdo uu ku fadhiyo lacag dhan $500,000.

KAALINTA TODDOBAAD: Goodluck Jona than oo aha amadaxweynihii hore ee Nigeria ayaa la sheegay inuu isaguna haysto lacag dhan $100 Million. Wuxuuna la sheegay inuu dhaqaalahaas tabcaday intii uu xukunka hay ay, iyadoo Nigeria lagu tilmaamo dalalka ugu musuqmaasuqa badan Afrika. Jonathan ay aa la sheegay dadaal badan u soo galay sidii uu dalkaas horumar u gaarsiin lahaa shacab ka Nigeria, balse waxaa uu ku guul-darreystay doorashadii madaxnimo ee horraantii sannad kan ka dhacday dalkaas, iyadoo uu xilka kaga guuleystay Mohammedu Buhari.

KAALINTA SIDEEDAAD: Robert Mugabe oo ah madaxweynaha Zimbabwe ayaa la sheeg ay inuu haysto dhaqaale gaaraya $100 Million, isagoo xukunka dalkiisa hayaa 35-sano. Mog abe ayaa la sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay yihiin kuwa ugu qanisan Zimbabwe oo dhan, waxaana uu dhowr jeer ku guuleystay xilka ma daxweynenimo ee dalkiisa, iyadoo lagu tilma amo kaligii-taliye aan ogoleyn inuu xukunka wareejiyo, cimrigiisuna wuxuu haatan mara yaa 91-sano.

KAALINTA SAGAALAAD: Jacob Zuma oo madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaa han tida uu haysto waxaa lagu sheegay $75 mill ion. Wuxuuna magaalada Pretoria oo xarun u ah dalkaas uu ku leeyahay baar lagu magacaa bo "Fat Zuma Burger”, sidoo kalena wuxuu lee yahay koox kubadda cagta ciyaarta oo la yir aahdo "Nkandla Angels”) iyo ganacsi kale oo fara badan.

Qoyskiisa ayaa la sheegay inay haystaan hanti badan, iyadoo la sheegaa inay jiraan sha cab fara badan oo Koonfur Afrikaan ah aysan haysan lacag ay ku noolaadaan. Waxaana Zuma dhawaan ay shacabka dalkaas ka dalba deen inuu xilka baneeyo maadaama uu ku gu uleysan waayay inuu qalalaase ku yimid dhaq aalaha dalkaas uu wax-ka-qabto.

KAALINTA TOBANAAD: Idriss Deby oo ah madaxweynaha Chad ayaa isna la sheegay in uu haysto lacag dhan $50 Million, wuxuuna xu kunka dalkaas hayaa muddo 25-xano ah, isa goo xukunka qabtay sannadkii 1990-kii.

Shacabka dalka Chad ayaa la sheegay inay ku nool yihiin nolol aad u liidata, isla markaana uu madaxweynuhu urursaday dhaqaalihi dalka as intooda badan, taas oo uu qaarkeed ku sa meysay shirkado waaweyn.

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip