HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA MAY 2018-KA

0
Saturday May 26, 2018 - 10:16:02 in Wararka by
  • Visits: 813
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 26-KA MAY 2018-KA

    MADAXWEYNE FARMAAJO "XABAD JOOJIN DEGDEG AH HALA SAMEEYO, DHIIGA DAADANAYANA HALA BAAJIYO" Madaxeynaha JFS Md Maxamed C/hi Farmaajo ayaa markale ku celiyay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNE FARMAAJO "XABAD JOOJIN DEGDEG AH HALA SAMEEYO, DHIIGA DAADANAYANA HALA BAAJIYO" Madaxeynaha JFS Md Maxamed C/hi Farmaajo ayaa markale ku celiyay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, isaga oo caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sameysay, wa lina ay waddo dadaal kasta oo lagu baajin karo in la daadiyo dhiiga dadka Soomaal iyeed.

Madaxweynaha oo Shalay hadalkan ka jeediyay khudbadii Jimcaha ke dib Ma sjidka Shuha dada ee Villa Soomaali ya ayaa hoosta ka xariiqay in dagaallada iyo muusiibooyinka soo noq noqda looga gudbi karo in shacabka Soomaaliyeed ay Allaah waydiistaan dambi dhaaf, ayna la yimaadaana isku duubni iyo midnmimmo.

Madaxweynaha ayaa yiri "Waxaan ra baa inaan baaq u jeediyo dadka Soomaa liyeed ee dhii gga ku daadinaya M/Tuka-raq. Waxaan leeyahay xabbad joojin deg deg ah hala sameeyo, dhii gga daadanay ana hala baajiyo.

Waxa dhimanaayo waa wiilal Soomaali yeed. Annagu ka dowlad ahaan wixii kara ankeenna ah waan sameynay. Waan is ku daynay Alle hortiisa inaan baajinno dhiigaas."

Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliye ed inay gacmaha isqabsadaan, ayna gar gaar u fidiyaan walaalaha Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay roobabkii iyo duufaannadii maalmo ka hor ku dhuft ay qeybo kamid ah Somaliland iyo Puntl and iyo fatahaadaha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo iyaga laftooda sababay bara kac ba ahsan iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga ma had celiyay dalalka aan saaxiibka nahay iyo hay'adaha samafalka ee garab istaag ay walaalaha Soomaaliyeed ee ay saam eeynta xooggan ku yeeshe en duufaanna da iyo daadadka ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa adke eyay muhiimadda ay leedahay in hay'ada ha amniga lagala shaqeeyo sidii loo sugi lahaa nabadgelyada dalka, loogana adka an lahaa kooxaha argag ixisada ah ee do onaya in ay maalin walba dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee gudanaya waa jibaadka Bisha Barakeysan ee Ramadan.         DHAMMAAD

MIDOWGA AFRIKA OO WAR KA SOO SAARAY CIDA QATAR BADAN DAACISH IYO AL-SHABAAB

Midowga Afrika ayaa waxaa ay sheeg eyn in ururka Daacish ay ku sii fidayaan dalalka ku yaalla geeska Afrika halkaa oo ay sheegeyn inay doonayaan in dagaalko oda iney u weeciyaan dalalkaasi.

Hadalkan ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in la doonayo in laga horta go ururkaasi maadama laga awood badiyay dalalkii ay ka dagaallami ji reen kooxdaasi sida dalka Suuriya iyo Cir aaq halkaa oo mudooyinkii ugu dambeey ay laga faramaroojiyay deeganno iyo dag mooyin ay ku xoogganaayeen kooxaha is kugu magac dartay dowlada islaamiga ama khilaafada Islaamka.

Dhinaca kale warkan kasoo baxay M/Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in ko oxdaasi ay haatan isku fidinayaan dalalka Soomaaliya, Congo, Tanzania, iyo Moz ambique, halkaa oo la sheegay in ISIS ay doonayaan in dagaalkooda haatan ay u weeciyaan dalalkaasi iyo wadam ada dar iska la ah sidaasi waxaa lagu sheegay warkan kaso baxay Midowga Afirika.

Mr.Fransisco Madeira wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soom aaliya oo kulan ay wada yeesheen dala lka ku bahoobay ururka IGAD iyo ururka kale ee marka magaciisa la soo gaabiyo looyaqaan EAC ayaa waxaa uu ka shee gay in laga cabsi qabo in Daacish ay ku sii fidaan dalalka ku yaala geeska Afrika loona baahan yahay in wax laga qabto isla markaana ay kagaashaamaan koox daasi ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee M/Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Daacish ayaa La’Aas Aasay sanadii 2013kii kuwaa oo markii ugu horeysay ka faracmay Dal alka Iraq iyo Suuriya iyadoo na muddo ay ka dagaallamayeen dalalka asi iyo waddammo kale oo Caalamka ka mid ah. Ugu dambeyn hadalkan kasoo baxay M/Afrika ayaa lagu sheegay in Qat arta shabaab ka ka dagaallama Soomaali ya iyo ururka Bokoharam ee ka dagaalla ma dalka Nigeria ay haatan ka daran tah ay kooxda Daacish oo isku sii fidinaya qa ar kamid ah dalalka ku yaala G/ Afrika

SAFIIRADA DALALKA ISLAAMKA OO MUQDI SHO LOOGU SAMEEYAY AFUR SHARAFEED

Duqa Muqdisho Ahna G/G/Banaadir Md. C/xmaan (Eng Yarisow) ayaa Afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha Dal alka Islaamka u fadhiya Soomaaliya.

Eng Yarisow ayaa sharraxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo waxyaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib u dhiska Caasimadda, is agoo intaas ku da ray in waqtigan muhi imka loo baahan yahay taageero walaalti nimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto ka alintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

Guddoomiye Yariisow oo kulanka ay ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibed da, Amniga Qaranka, Hay’adaha OIC iyo Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddo omiye ku-xigeennada Ma amulka G/Bana adir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaa te en gacan siinta shacabka, waxayna tilma ameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow ayaa sheegay in uje edka kulankani uu yahay mahad celin loo sameynayo Safiirrada dal alka Islaamka oo door muh iim ah ay wad amadoodu ka qaatay taageerada shacab ka Soomaaliyeed u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada amniga, Banii’adamnia da iyo horumarinta Caasimadda.

Safiirada dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku ammaanay Duqa Mu qdisho isb edellada horumarineed iyo nab adgelyo ee uu ka hirgeliyey Caasimadda mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dar dar-gelinta dhismaha kaabayaasha dha qaalaha ee xawliga ku soconaya.

BEESHA CAALAMKA OO SHEEGTAY INAY KA WALAACSAN TAHAY COLAADA KA TAAGAN DEEGAANKA TUKARAQ

Saaxiibada Somaliya ee Beesha caal amka ayaa waxa ay sheegeen inay aad u ga walaac san yihiin isku-dhacyada huba ysan ee ugu dambeeyay ee Dorraad ka dhacay agagaarka deega anka Tukaraq ee G/Sool una dhexeeya Puntland iyo So maliland, waxayna ku baaqeen xabbad-jo ojin deg deg ah. Dagaal culus ayaa aroor tii Dorraad subax ka dhex qarxay ciidama da Puntland iyo Somaliland, waxaana da gaalkaas uu geystay khasaare kala duw an oo dhinacyada soo kala gaaray.

Saaxiibada Caalamku ayaa waxa ay 2da dhinac ugu baaqeeninay si dhakhso ah u hakiyaan dagaalka, oo ay billaabaan wada adal dhex-mara taliyeyaasha ciidam ada goobta ku sugan, xaq iijiyaana gaars iinta gargaarka baniaadanimo ee loo wa do dadka barakacay, ayna ka wada-had laan kala-qaadista ciidamada iyo is-wey daarashada maxaabiista askarta ah ee la kala qabsa day.

Waxay kaloo tilmaameen in shaqaaqa du ay dhacayso iyadoo bartanka looga jiro xaalad bani’aadanimo oo adag oo sii cakirisay saamaynta duufaanta roobabka dabaylaha wata ee Sa gar, iyaga oo int aas ku daray in dagaalka uu uga sii dar ayo dhibaatada heysata dadka ku nool de egaanka.

Q/M, M/Afrika, M/Yurub,Urur-Gobole edka IGAD, Dowladaha Belgium, Denma rk,Itoobiya,Finland, Jarmalka, Ireland, Tal yaaniga, Netherlands, Norway,Sweden, Turkey,Boqortooyada Midowday ee Ingiri iska iyo Maraykanka ayaa ugu dambeyn ku baaqay dham maan dhinacyada inay dhowraan nabadda.

RA'IISUL WASAARE KHAYRE IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO GAARAY ADDIS ABABA

Wafdi ballaaran oo uu hoggaamina yo R/Wasaaraha XFS, Md.Xasan Cali Khayre, ayaa gaaray M/Addiss Ababa ee dalka Itoobiya. Wafdiga R/ wasaaraha oo casuumad rasmi ah ka helay R/Wasaara ha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa si heer sa re ah loogu soo dhaweeyay M/Addis Aba ba ee Caasi madda Itoobiya.

R/Wasaare Khayre iyo masuulyiinta la socota ayaa kulamo la leh R/Wasaare Abi y Ahmed iyo Madax ka tirsan M/Afrika oo ay ka wada hadlayaan Arinma Muhiim u ah Gobalka iyo guud ahaan Q/Afri ka

MUUSE BIIXI OO BALLAN QAADAY NOLOSHA WIIL AY GEERIYOODEEN 8 RUUX OO KA MID AHAA QOYSKIISA

Madaxweynaha Maamulka Soomaali land Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa qaabilay wiil Dhallinya ro ah oo dhawaan 8 ka mid ah Qoyskiisa ay u Geeriyoodeen Duufa antii dhawaan ku dhufatay deegaanada Bari ee Soomaaliland. Wiilkaan Dhallinya rada ah oo lagu Magacaabo Ibarahim Mu use Cabdi ayaa ku noolaa Maga lada Lug haye ee Gobolka Owdal,waxana roobkii duufaanta watay uu sababay dhimashada Aab bihiis,Hooyadiis iyo lix Caruur ah oo la dhalatay.Ibarahim aya xilliga duufaan ay dhaceysay wa xa uu ku maqnaa Iskuul uu waxku baranayay,taas oo keentay in uu ka badbaado musiibadii qab satay qoyskiisa oo ka koobnaa 8 Ruux.

Md.Muuse Biixi ayaa sheegay in xillig aan wixii ka dambeeya uu kafaalo qaada yo nolosha wiilkaas,isaga oo loogu keen ay M/Hargeysa si uu halkaasi uga sii wato waxbarashadiisii maa daama qoyskiisii ay dhamaadeen. Roobkii Duufaanta watay ee ka da’ay deegaanada Bari ee Soomaa liland ayaa waxaa sab abay dhimashada dad badan iyo barakaca kuwo kale oo ha atan gurmadyo kala duwan la garsiinayo.

GUDDIGA GURMADKA QARAN FATAHAA DA HA OO JUBBALAND KU WAREEJIYAY $250,000

Xubno ka tirsan guddiga Gurmad Qar an ee Fatahaadaha oo Dorraad gaaray M/Kismaayo ee xarunta G/Jubbada Hoo se ayaa Shalay Lacag ku wareejiyay ma amulka Jubbaland. Guddiga ayaa $250 ,000 oo Dollarka Mareykanka ah ku war eejiyay Maamulkaasi, taas oo loogu tala galay wax ka qabashada arrimaha Fatah aadaha ee ka jira deeganada Jubbaland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaana Lacagt aasi ku wareejiyay Madaxweyne ku xigee nka 2aad ee maamulkaasi C/qaadir Xaaji Luga-Dheere. Jubbaland ayaa ka mid ah meelaha uu sida daran u saameeyay Fatahaada Wab iga Jubba uu ka sameeyay Koonfurta Soo maaliya.

MAXAABBIIS KA BAXSATAY XABSIGA DHEXE EE LAASCAANOOD

Illaa 16 maxaabbiis ah ayaa la la'yahay ka dib markii si xoog ah maxaabiistu ay u ga baxsad een gacanta ciidanka Asluubta gelinkii danbe ee Shalay.

Illaa hadda ma cadda sababta ay maxaa bbiista ugu suura gashay inay la wareega an maamulka albaabka hore ee Jeelka oo ay u suura gasho inay ka baxsadaan goo bta iyadoo halkaa ciidan joogeen.

"Waxaan ogahay oo keliya inay bax sadeen 16 maxbuus oo haatan la baad igoobayo, welina baadhitaan ayaa la wa daa wixii sababayna dib ayaan ka ogaan doonnaa" sidaa u sheegay Gudoomi yaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir qaar ka mid ah saxaafadda.

Taliyaha ciidamada Asluubta oo aan isku daynay inaan arinta wax ka weydiino waa suuroobi weydey, waxa se Taliyaha Qaybta Booliska G/sare C/risaaq Maxam ed Faarax in taliyaha iyo cii damo kale ku hawlan yihiin sababta arintan ku dhacday, jawaabtooduna waxa ay ku xidhan tah ay waxa ka soo baxa. Askari waardiye ahaa ayaa la sheegay in uu soo gaadhey dhaawac, sidoo kale maxbuus ayaa isna la sheegayaa, ilaa hadda se jawaab looma hayo sababta ke entay in maxaabiista oo isugu ji ra xukuno kala duwan ay awood ugu helaan in si sahal ah ku baxsadaan.

WASAARADA AMNIGA OO WAR KA SOO SAARTAY RASAAS LAGU RIDAY XILDHIBAAN KA TIRSAN GOLAHA SHACABKA

Wasaarada amniga XFS ayaa war ka soo saartay xabbad uu Askari ka tirsan Ciidamada am niga uu ku riday Xildhiba an ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo dhacday 23-bishaan May kana dhacday barta koontaroolka ee Ciidama da Amniga ay ku leeyihiin KM 0 ee M/Muqdisho.

Xildhiabaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaan ka Soomaal iya ayaa Ciidamada amniga waxay xabbad kor ugu rideen Xildhiabaan ka oo marayay Koontaro olka Ciidamada amniga ay ku leeyihiin agagaarka KM0.

"Waxaa goobta ka dhacday hal xabbad oo kaliya taasoo askari ka tirsan ciid amada uu kor ugu ri day digniin ahaan xildhibaanka, ka dib markii uu ka shakiyay gaari ka gudbay barta kontorool”. Sidaas waxaa lagu yiri warka ka soo baxay wa saarada amniga. Waxaa sidoo kale Qora alka lagu yiri Wasaaradda Amniga waxay caddeyney saa in ay bill w day baaritaan dhacdadaas la xiriir.

Ciidamada amniga waxa ay habeen iyo maalin diyaar u yihiin inay naftooda u huraan difaa ca Muwaadiniinta Sooma aliyeed oo dhan. Ciidamadu waxay amar ku qabaan in ay ilaaliyaan amniga Xildhi baannada iyo Mas’uuliyiinta Dowlada, isla markaana dhowraan xasaanadda Xildhib aannada 2da Gole ee Baarlamaanka oo laguma xad gudbaan ah.

Wasaaradda Amniga waxay aad uga xun tahay wararka aan salka lahayn ee laga faafiyey ciidamada amniga, waxayna ugu baaqeysaa dhammaan Xildhibaann ada iyo Mas’uuliyiinta Dow ladda oo dhan inay iska ilaaliyaan faafinta iyo ka qeyb qa adashada wararka lidka ku ah ciidama da oo khalkhal gelinaya xasiloonida iyo Dowl adnimada

IGAD OO KA DIGTAY DUUFAANNO KU SOO FOOLLEH XEEBAHA W/BARI EE PUNTLAND

War saxaafadeed ka soo baxay Xa runta Saadaasha Cimilada ee urur-go boleedka IGAD ay aa digniin ka bixisay waxa ay ku tilmaantay xaaladda isa sii tar aysa ee duufaanno ka soo kacay a gu daha badweynta hindiya, kuwaasoo kha tar ku haya qaar ka mid xeebaha Punt land. Qubarada ku xeeldheer saadaasha cim ilada ee xarunta saadaasha cimilada IG AD ayaa she egaya in duufaanadu dhan ka waqooyi u sii socdaan ilaa ay ca ga dhigtaan dalka Yeman abbaar aha 26-ka May 2018 oo maantaah.

Qaybo ka mid ah duufaannadan ayaa oo ay la socdaan daruuro iyo roob ayaa la saadaalina yaa inay ku dhufan doon aan xeebaha Soomaaliya sida ay sheeg tay IGAD, iyadoo wadarta biy aha roobab kaasi lagu qiyaasay 30-MM.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo ya qaan Maanso onka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Car abta – duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacd ay waqooyiga Badweynta Hindiya.

Dad ku dhow 50 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen roobabkii duufaanta wat ay ee toddo baadkan horraantiisii ku dhuft ay gobollada Awdal iyo Salal.

50 RUUX OO KU DHIMATAY DOONI KU DEG TAY CONGO IYO DAD WALI LA LAYAHAY

Waddanka J/Dimuqraadiga ee Koo ngo ayaa sheegaya in dad badan lagu la’ yahay webiga Momboyo ee G/waqooyiga ee Tshuapa, ka dib markii ay degtay doo nnidii ay sarnaayeen. Saraakiisha dalka Burundi ayaa sheegay in 49 qof la la’y ahay ka dib markii ay degtay doonay saar naayeen, balse la wado baadi goobka dadkaasi.

Ku dhawaad 50 qof oo kale oo saarnaa doontaasi ayaa lasoo sheegayaa inay ka badbaade en shilka. Doontan ayaa ku socotay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Monkoto iyo Mbandaka ee dal kaasi. Waxa sababay in doonta ay degto aya anan wali cadeyn.

KU DHAWAAD 60 BAJAAJ OO HABEEN HORE LAGU SOO QABTAY HAWLGAL KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

Ku dhawaad Lixdan Bajaaj ayaa hab-een hore waxaa lagu soo bandhigay sa-ldhigga D/Hodan ee G/Banaadir, ka dib marki lagu soo qabtay howlgal gaar ah oo ay sameeyeen ciidanka amma anka qar-anka.

Mootooyinka la soo bandhigay ayaa ahaa kuwo Taargo la’aan ah, laguna tuh-mayay in ay qey bka yihiin falalka ka bax-san ammaanka ee maalmahan dambe ka dhacayay caasimadda dalka ee Muqdi-sho.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca am-maanka iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax) ay-aa kormeer ugu tagay halka lagu soo bandhigay Mootooyinka, wu xuuna arr-intan ka wareystay maamulka degmada Hodan.

Wuxuu sheegay Maxamed Tuulax in Hay’adaha ammaanka oo kaashanaya maamulada degmooyinka iyo shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ka hor-taga wax kasta oo lidi ku ah amniga ma-gaalada Muqdisho.

"Waxaan ku suganahay saldhigga de-gmada Hodan oo lagu soo qabtay gaad-iidka loo yaqa ano Mooto Bajaajka, kuwa badan oo Taargo la’aan ah, waxaa dhac-day Mooto Bajaaj aqoonsi la’aan ah in habeen hore dad lagu rasaaseeyay, dhal-linyarada waxaan fareynaa in ay raad-sada an aqoonsiyadooda, ma aqbali do-ono in sharci la’aan lagu shaqeysto.” Ayuu yiri Tuulax.

Mootooyinka Bajaajta ayaa u muuqda inay qalqal ku yihiin ammaanka, maad-aama dhawr mar ay horey u dhacday in dad lagu dilo, dhac lagu geysto, kuwaasi oo intooda badan aanan la heyn aqoonsi sax ah.

GOLAHA WASIIRADA OO 65% AY YIHIIN XILDHIBAANO KA TIRSAN GOLAHA SHACABKA (WARBIXIN)

Kadib khilaafkii Baarlamaanka ee ka dhashay mooshinkii laga keenay Guddo-omiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuu soo if bixiyay saameynta Xukuum adda ku laheyd mooshinkaas oo ay gadaal ka riix-eysay, ka dib markii 40 ka mid ah Xildhi-baa nadii saxiixay mooshinkii uu dartiis is-ku casilay Jawaari ay ka tirsanaayeen Golaha Wasiirada.

Habeen hore R/ Wasaaraha Soo-maaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magic-aabay 13 Wasiir oo 12 ka mid ah ay yihiin Xildhibaano, kuwaasoo qaarkood horm-uud ka ahaa Ololihii lagu riday Gudd oomiye Jawaari.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 65% ay yihiin Xildhibaano, waxaa lagu tilmaamaa tiradii ugu badneyd oo Baarl-amaanka ka mid noqdaan Xukuumadda.

Tallaabada ayaa loo arka mid R/Wasaare Kheyre uu kaga hortagayo culeysyo u ga yimaada Baarlamaanka, sida Mooshin laga keeno, sidoo kale waxaa jirta hadal heyn kale oo la xiriira sharciyada uu soo meel mariyo G/Was-iirada in si fudud lagu marsiiyo Baar-lamaanka, tii yo 2da dhinac Xildhibaana-da iyagoo Wasiir ahna ay meel marinay-aan, iyagoo Baarlamaanka ka tirsan meel marinaya.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa sheegaya in awoodaha Hey’adaha Sharci dejinta iyo Baa rlamaanka ay yihiin kuwo kala madax bannaan, sidaas oo ay tah-ayna mararka qaar ay isku Mil an yihiin, waxaana markii u horeysay Taariikhda dhacday Xukuumad mooshin la ka keenta Gud doon Baarlamaan oo ah kii la xisa-abtami lahaa.

Haddaba Hey’adda Wakiil oo ah mid madax bannaan, isla markaana ka sha-qeysa howlaha di moqraadiyada iyo dow-lad wanaaga ayaa soo saartay shax ay ku aadan Tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada.

RA’IISUL WASAARAHA OO JOOJIYAY XILKA KA QAADISTA AGAASIMAYAASHA IYO XOGHAYEYAASHA WASAARADAHA

Qoraal ka soo baxay xafiiska RW/ Xasan Cali Kheyre ayaa lagu joojiyay in aan xilalka laga qaadin Agaasimayaasha Guud iyo Xoghayayaasha Joogtada ah ee Wasaradaha, iyadoo aan la gala tash-an Ra’iisul wasaaraha.

Qaar ka mid ah Wasiirada DFS ayaa hore shaqo joojin ugu sameeyay Agaa-simayaasha Guud iyo Xoghayeyaasha Guud, taasoo ka dhalata khilaaf iyo is qab qabsi ku aaddan qaabka sha qo joojinta loogu sameeyo.

Warqada ka soo baxday Xafiiska R/Wasaaraha oo ku taariikheysneyd 16-kii bishan ayaa lagu amray Wasiirada inay kala tashtaan R/Wasaaraha Tallaa-bada Anshax Marinta ah.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA KA SOO BAXAY XAFIISKA R/WASAARE KHEYRE

WAREEGTO KA SOO BAXDAY XAFIISKA RW SOOMAALIYA

JFS XAFIISKA RA/IISALWASAAHA SOMALIYA

Tixraac XRW/0342/05 2018 Taarikh 1605/2018

Ku:-Dhammaan Xubanaha Golaha Wasii rada=Muqdisho=

Og:Madaxweynaha JFS =Muqdisho=

UJEEDDO:- Joojn Xil ka Qaadista Agasimayaasha Guud iyo Xoghayayasha Joogtada ah ee Wasaaradaha iyo Heya daha Xukuumadda JFS

Xukumadda JFS waxaa Aas-aas u ah ku Dhaqanka Dastuurka, Sharuucda Xee rarkau ya ala JFS,waxayna ku sha qeyn eysaa Daah-Furnaan,isla Xisaab tan iyo Dowlad-wanaag ku saleysan Barnaamjk eda iyo Qorshaha Horumar innta Qaran ka.

Sidaas awgeed, iyada oo la Tixgeli naayo habsami u socodka Howlaha Ma amul oo ay hay an XoghayayaashaJoogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha iyo Heyadaha ka le ee Xukuumadda Hoos yimaada waxaa si buuxda la Idinkugu War-Gelianayaa Arrimahaso Socdo:-

1-waxaa la Mamanuucay in Oggola ansho la’aan Xilka Qaadis lagu same yo:-

A- Xoghayahaasha joogtada ah.

B-Agaasimayaasha Guud

2- in Raa'iisalwasaaraha marka hore la gala Tashado Tallaabo kasta oo Ansh ax Marin ah.

FULIN WACAN WAXAA KU SAXIIXNAA MD. XASAN CALI KHEYRE R/WASAARAHA SOOMAALIYA

 

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO KU DHAAWAQAYA GOLE WASIIRO OO CUSUB

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa lagu waddaa in maalmaha soo socda in uu ku dhawaaqo Gole Wasiiro sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galm-udug.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu waddaa in uu Magaalada Dhuusamareeb uu kaga dhawaaqo Gole Wasiiro oo ay kasoo dhex muuqan doonaan Xubno ka tirsan maamulkii Ahlusunna ee Galmudug raacay.

Xaaf ayaa soo gabagabeeyay Wadatashiyo uu maalmihii lasoo dhaafay la sameynaayay Qeybaha kala duwan ee Buls-hadda ee kasoo jeedda degaanada Galmudug.

Wasiiro horay uga tirsanaa Xukuumadda Xaaf ay dib usoo laaban doona, sidda Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Qor-sheynta, Dekeddaha iyo Saadaasha Hawadda.

Waxaa sidoo kale dhanka Ahlusunna ka imaan doona sidda ay Risaala u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Amniga, Waxbarashadda iyo Caddaaladda.

 


RAMADAANKU WAA FURSADA CUMRIGA. Q.5AAD | 

CALINUUR

(Dersiga Shanaad)

ramadan-kareem-1-750x430 Ramadaanku waxa uu fursad u yahay Muslim kasta, wax aa uu fursad u siiyaa inuu ka mid noqdo Mutaqiintii illaah jeclaa, oo waxaa u siman Caalimka Iyo Caabidka in ay ka faaiidaan, wa xaana uu illaah u yaboohay qofkii Ramdaanka fursadahiisa ka faaiideysta inuu gaaro darajada ah {??}.

Ramadaanku waa fursad lagu toosiyo nafta oo aan lacag ku ugu fadhin, waa siminaar tarbiyo ah oo aan kaaga baahneyn in aad u safarto, waxa uu fursad u yahay kan naftiisa Balwada daal isay ee hanan waayay, oo waxaa uu uga faaiideysan karaa inuu kawada haro noocyada balwadaha oo dhan maadaama uu fursad u helay inuu Soomo maalintii, waxaa uu isku dayi karaa sidaasoo kalana inuu Habeenkii ku mashquuliyo naftiisa Salaad iyo cibaado kale, waqtiga usoo harana jiif uga faaiideysto, waxa ana dad badan oo Balwado lahaa la hubsaday in ay kaga daaw oobeen Bisha Ramadaan markii ay si wanaagsan waqtigooda uaga faaiideesteen.

Waxaa uu Ramdaanka sidoo kale Fursad u yahay ruuxa ka gaabin jiray Sunnooyinka Rawaatibta ah iyo kuwa kale, maxaa yeelay waxaa uu Ramadaanka inta lagu jiro helaayaa Muslimka sooman jawi ku Saacida inuu Naftiisa ku Xakameeyo Kheyrka noocyadiisa kala duwan, waxaana xasuusin mudan Qiyaamaha marka la tago oo la xisaabinaayo Muslimka waxa ugu horeeya ee laga Xisaabiyaa waa Salaada Faradka ah, hadii Salaadiisa wax ka dhinaadaana waxaa la fiiriyaa Sunnooyinka Raacsanaa salaada taasoo kab u noqota haduu la imaan jiray sida uu noo sheegay Nabigeenii Suubanaa (naxariis iyo nabag aalaha yeelee).

Ramadaanka waxaa u fursad u yahay kuwa ka hijrooday Kit aabka Qur’aanka aqrintiisa, in ay dib isu saxaan kana faaiideyst aan jawajiga wanaagsan ee Ramadaanku Xambaarsan yahay, Maxaa yeelay Maalmaha Soonka waxaa uu Muslimka Sooman helaa Fursad iyo Awood Cajiib leh taasoo u suuro galiso Maalin kasta Kitaabka inuu waqti badan ku bixiyo, maadaama lagu jiro Bishii Qur’aanka, waxaana xasuusin mudan Xaraf walba oo qur’aan ah oo uu Ruuxa aqriyo inuu ku helaayo 10 Ajar, taasoo kobcineysa Iimaanka Muslimka siineysana Karti uu Sanadka intiisa kale ku dhaqdhaqaaqi karo kheyrkana uga faaiideysan karo.

Ramadaanku waxa uu Fursad u yahay Gabadha Muslimka ah ee xoogaa hilmaanka iyo dabaca lasoo gudboonaaday ee Xi jaabka dabcisay ama Xijaabka ka tagtay inay dib isu Xisaabiso, soona Ceshata wanaageedii, kana faaiideysato Nicmooyinka Ra madaanka ka Buuxa inta ayan dhamaan fursadaan aan damaa nada loo heysan in dib ugusoo laaban doonto.

Ramadaanku waxaa uu Fursad u yahay kuwa taleefoonada iyo Inter netyada xumaanta u adeegsan jiray in ay Naftooda ku xakameeyaan Bishaan Barakeysan kana dhowrsadaan waxyaa baha aan Aduun iyo aaqiraba wax u tareyn, amaba Dembiyada qatarta ah dadka u jiida, waayo waxaa badan dambiyo la yaree sto laakiin albaab u noqda dembiyada kuwa ugu waa weyn, oo waxaa la yiraahdaa buurahaba waxey ka sameysmaan dhagxa anta qururuxa oo isu tagtay.

Ramadaanka waxaa uu fursad u yahay kuwa u bartay nolo sha barwaaqada ah in ay ogaadaan Baahida xanuunkeeda, taa soo dhaxashiisa in ay u dhimriyaan kuwa bahaan ee gaajada ku noolaa Sanadka oo dhan, taasoo ku dhal;isa in ay Quudiyaan masaakiinta xoolahoodana wax ka bixiyaan, islamarkaana illaah (cw) ugu mahad celiyaan Nicmooyinka uu ku galadeestay..

Ramadaanku waxa uu fursad u yahay kuwa Naftooda ku ma shquulisay Fidnada iyo Daadinta Dhiiga ee ku howlan Barakicin ta Masaakiinta Muslimiinta ah ee 20ka sano Dhibaatada ku jiray inay xisaabtamaan oo ay ka Soomaan Xumaanta sida ay uga Soomeen Cunadii iyo Cabitaanadii xalaasha ahaa, waxaa la ya ab leh ruux Xalaashii uga tagay Soonka Dartiis Xaaraantiina ra ba inuu ku Cibaadeysto Soonka dartiis, waa layaab in laga So omo Cuntadii ee aan laga Soomin Dhiiga Muslimiinta ee weliba Cibaado la Moodo.

Haddaba Si aan uga Faaideysano Fursadaha Bisha Ramada an waa inaan la ku Dadaalnaa arimaha Soo Socda:

1-waa in aan u dagdagnaa Towbad keenida illaahna Dembi dha af ka dalbanaa maxaa yeelay waa bil dambiyada la dhaafo.

2-Tan labaad waa inaan baranaa Cilmi ahaan wixii ku saabsan Soonka iyo Cibaadka Bishaan ku jira oo dhan sida Ictikaaf ka,Cumrada, Zakada Fidriga iwm.

3-Waa inaan go’aansanaa inaan ka faaiideysano Bishaan camal ada suuban oo dhan ku dadaalnaa.

4-Waa inan sameysanaa jadwal maalmeed aan ku xisaabino Nafteena oo aan ku xakameynaa.

5-Waa inaan oganaa in Ramadaanku yahay Maalmo kooban oo aysan sahal nagu dhaafin habeen iyo maalinba.

6-Waa inaan u guntanaa inaan ka dhigno halkaan Ramadaan mid u dhigma xaga Ajarka Ramadaano badan, taas oo ku imaan karta inaan uga faaiide ysano si walba kaalmo la siiyo masaaki inta , in la afuriyo kuwa aan heysan , in la xiriiriyo eheladii iyo in waqtiga aad loo ilaashado iwm.

7- Waa inaan Bishan ku weyneynaa aqrinta Quraanka watiga badankiis maadaama Bishaan ay la leedahay Qur’aanka xiriir gaar ah.

waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

WASAARADDA MAALIYADDA OO LA WAREEGTAY LACAGIHII AY QABAN JIRTAY WASAARADDA KALUUMEYSIGA SOMALIYA

Wasaaradda Kalluumeysiga XFS ayaa Khamiistii si rasmi ah waxa ay Wasaaradda Maaliyadda ugu wareejisay lacagihii ay qa ban jirtay, taasi oo qaab casri ah looga qaadayo.

Agaasimaha Canshuuraha ee bariga Wasaaradda Maaliyad da Md.Muxudiin Xasan Juris ayaa sheegay in dorraad Wasaara dda Kallluumeysiga ay kala wareegeen maamulka Maaliyadda oo wixii dhaqaale ah ay si toos uga dhici doonaan Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiir ku-xigeenka W/Maaliyadda C/hi Sh.Cali Ibraahim (Qal oocow) ayaa shegay arrintan in ay tahay go’aan ka soo baxay Golaha Wasiirada, wuxuuna tilmaamay in door muuqda ka qaa dan doonto mideynta ilaha daqliga dalka.

"Waa barnaamij ka dhaxeeya dhammaan dowladda, oo ninkii doono uu arki karo waxa soo galay dowladda, waxay ka mid tah ay waxyaabaha adduunka uu inagula xisaabtamayo, runtii waa hormar weyn.” Ayuu yiri Wasiir Qaloocow.

Barnaamijkan lagu aruurinayo canshuuraha dalka ayaa qeyb muhiim ah ka qaadanaya la socodka canshuurta dalka, Wasaar adda Kalluumeysiga ayaa arrintan ku tilmaamtay mid muujiney sa horusocodka dowladnimada.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa waxa ay noqoneysaa Wasa aradii 3aad ee wareejisa howlaha maaliyadda ee ay maamuli jir tay,waxaana horey maamulkii maaliyadda u wareejiyay Wasaa radaha Hawlaha guud iyo dib u dhiska iyo Wasaaradda Waxbar ashada.

DHACDO XAQIIQ AH: DOOD DHAXMARTAY WADAAD CAALIM AH IYO BAADARI KHANIISADA JOOGO

Sheekh Caalim ahaa oo la oran jiray (Abuyazid Albasdhami) ayaa maqlay habeen, qaylada kuwa Kirishtan ah oo Kaniisada ka dhex qaylinaya, wuuna u galay, ka dibna wuu dhex fariistay, isagoo u malaynaya inayna garan doonin.

Badarigii Kaniisaduna markuu hadal is yirina sheekhii buu ar kay,wuxuuna yiri "Ma hadlayo illaa aad inaga dhex saar taan Ninkaas Muslimka ah.”Waxayna weydiiyeen: Sideed ku ogaatay inuu Muslim yahay?

Wuxuuna yiri (Muslimiinta wajigooda waxaa kutaala calaama da/Raadkii Sujuuda) wuxuuna ka codsaday inuu boxo sheekhu, sheekiina wuxuu yiri "Ma baxayo illaa uu Ilaahay ina kala saaro”.

Badarigiina wuxuu yiri "Haddaba waxaan ku weydiinayaa dhawr Su’aalood, haddaad si sax ah uga Jawaabtana waxaan raacaynaa Diintaada, haddii kalana Seef baa inaga dhaxaysa!

Sheekhiina wuxuu yiri soo daa Su’aalaha, isagoo aad ugu ka lsoon inuu Ilaahay qofka Muslimka ah Xaqa waafajinayo. Badar igiina wuxuu yiri iisheeg:

Waaxid aan laba noqonin? Labo aan Sadex noqonin? Sadex aan Afar noqonin?

Afara aan shan noqonin ? Shan aan Lix Noqonin? Lix aan Tod oba noqonin? Todoba aan Sideed noqonin?

Sideed aan Sagaal noqon Karin? Maxayse tahay Sagaalka mucjiso?

Mase taqanaa tobanka badan kartaa? Maxayse yihiin 11 ku?

Mase taqaanaa Qabrigii la socday qofkiisii?

Muxuuse yahay shayga aan noolayn, ee neefsadaa?

Muxuuse yahay shayga uu Rabbi abuuray, isla markaana uu nacay?

Yaa waaye kuwa runta sheegay ee naarta galay?Iyo kuwa beenta sheegay ee Jannada galay?

Mase taqaanaa, Uunka Rabbi abuuray aabbe iyo hooya la´ aan?

Mase taqaannaa geed leh 12 laamood, laan kastana leedahay 30 waraaqood, warqad kastana leedahay 5 sabuul, saddex hoos ka ku baxda iyo labo qorraxda ku baxda?

Ka jwaab Su’aalahaas!!!

Sheekhiina wuu istaagay, Ilaahay buuna weydiistay inuu carr abkiisa Xaqa ku toosiyo, wuxuuna yiri:-

Waaxidka aan Laba noqnini waa – Allaah (SWT)

Labada aan Sadex noqnina waa – Habeenka iyo Maalinta

Saddexda aan Afar noqonina waa – Afeeftii Khidr siiyay Nabi Muuse calayhi Asalam Afarta aan 5 noqonina waa – Tawr aad, INjiil, Sabuur iyo Furqaan

Shanta aan Lix noqonina waa – Shanta Saladood ee Ilaahay faral yeelay

http://somaliweyn.org/wp-content/uploads/2018/05/852A7668-B90F-4A86-831A-CC8789F548E1.jpeg Lixda aan Todoba noqonina waa – Maalmihii uu Ilahay add uunka ku abuuray

Todoba aan Siddeed noqonina waa – Todobada Samo ee Rabbi abuuray

Siddeeda aan Sagaal noqonina waa – Malaa’igta haysa Car shiga Rabbi (SWT)

Sagaalka Mucjisana waa – Kuwii uu Rabbi siiyay Nabi Muuse

Tobanka badan kartaana waa – Ajarka Camalka wanaagsan ee Rabbi u sii badin karo qofkuu rabo.

Koobya Tobanku waa – Wiilashii Nabi Yacquub, Yusuf wala alihii

Saddex iyo Tobankuna waa – Yusuf walaalihii iyo labadiisii waalid

Shayga aan noolayn ee neefsadana–Waa Subaxda (waasu bxi idaa tanaffasa)

Qabriga la socday qofkii kujirayna waa – Xuutkii liqay Nabi Yoonis calayhi Asalam

Kuwa runta sheegay ee Naarta galay waa Yahuudda, oo yiri; Kirishtanku xaq kuma taagna, iyo Kirishtanku oo yiri; Yahuuddu xaq kuma taagna, labada qolaba run bay sheegeen, Naar bayna gali doonaan, Gaalimadooda Darteet.

Kuwa beenta sheegay ee Jannada gali doonana waa Yusuf walaalihii, oo yiri; Yusuf dhurwaa baa cunay, ka dibna aabbah ood baa Ilaahay danbi dhaaf u weydiiyay, Rabbina wuu u danbi dhaafay.

Uunka uu Rabbi (SWT) aabbe iyo hooya la´aana abuurayna waa; Malaa´igta, oo kasamaysan Nuur, una baahnayn, hooyo aabbe, Cunto, Cabitaan iwm midna.

Sidoo kale aabbeheen Aadam, ma laheyn aabbe iyo hooyo midna, Nabi Ciisane wuxuu lahaa hooyo, balse aabbe malah eyn.

Geedka 12 laamood lihina waa Sannadka, oo ka kooban 12 Laamood/ Bilood, Bilkastana waxay leedahay 30 Warqadood /Maalmood,Maalin kastana waxay leedahay 5 Sabuul/ Salaado od, Saddex Hooskay ku baxaan; Maqrib, Cishe iyo subax, labana qoraxday ku baxaan waana Duhur iyo Casar.

Ka dibna sheekhii wuxuu ku yiri Badarigii; anu hal su´aal ah maku weydiin karaa?

Isna wuxuu yiri; Haa, soo daa, wuxuuna weydiiyay muxuu yahay Jannada furaheedu ?

Badarigiina wuu wareeray, wuuna aamusay, waxaana ku qayli yay dadkiisii, oo yiri; waxaad weydiisay Sheekha su´aalo faro ba dan, dhammaana wuu kaaga jawaabay. Isna hal su´aal ah ayuu ku weydiiyay, mana ka jawaabi kartid!!!

Badarigiina wuxuu yiri; jawaabta waan aqanaa, balse idin kaan idiin cabsanyaa….

Iyagiina waxay dheheen; waxba ha cabsanine ka jawaab su´ aasha !! WUXUUNA KU JAWABAY JANNADA FURAHEEDU WAA; (LAA ILAAHA ILLA LAAH, MUXAMMADDA RASUUL ALLAH).

IYAGIINA HALJEER BAY KACEEN DHAMMAAN-TOODNA DHEHEENA (LAA ILAAHA ILA ALLAH, MUXAMAD RASULU ALLAH)

BADARIGIINA WAY RAACDEYEEN, KANIISADIINA WA XAY U BADALEN MASAAJID ILAAHAY LAGU CABUDO

XIGASHOSOMALIWEYN.COM

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip