HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA MAY 2018-KA

0
Saturday May 19, 2018 - 09:10:21 in Wararka by
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 19-KA MAY 2018-KA

    BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO BAAQ U DIRAY DHINACYADA KU DAGAALLAMAYA GOBOLKA SOOL Kulanka Guddiga joogtada ah ee Gola ha Shacabka oo uu shir guddoominayay GG/Sh/ JFS Maxamed Mursal Sh. C/ma an, waxaa looga hadlay dagaaladda maa lmihii la soo dhaafay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO BAAQ U DIRAY DHINACYADA KU DAGAALLAMAYA GOBOLKA SOOL Kulanka Guddiga joogtada ah ee Gola ha Shacabka oo uu shir guddoominayay GG/Sh/ JFS Maxamed Mursal Sh. C/ma an, waxaa looga hadlay dagaaladda maa lmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaad ay degaanka Tukaraq, wax ka qabashada fatahaadaha ay sameeyeen wabiyada dal ka iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha kalfadhigan iyo kan xiga horyaala golaha shacabka.

 

G/G/SH.Md.Mursal ayaa si waafaqsan Qodobka 56aad ee xeer hoosaadka G/ shacabka guddi uu heerkiisu sareeyo oo ka kooban 9 xubnood u magacaabay saa meynta fatahaadaha wabiyada dalka ay ka geysteen meelaha ay maraan si gudd igan ay ugu kuur galaan xaalada dhabta ah ee deegaanada fatahaadaha ay saa meeyeen.

Guddigan waxaa guddoomiye ka ah Md.C//wali sh.Ibraahim Muuddey oo ah G/ye kuxigeenka 1ad ee G/SH iyadoo sidoo kale Md. Mursal uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq in wax walba ay wada hadal ku dhameeyaan, loona turo shacabka lagu kor dagaalamayo.isagoo ugu dambeyn kormeer shaqo ku tagay golaha shacabka oo 7aadkii 2aad ay ka socdaan howlo day actir ah, waxaana kormeerkiisa ku wehli yay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee gol aha shacabka, habdhowraha golaha iyo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka.

CIIDANKA KGS OO GACANTA KU DHIGAY NIN WEERAR KA GEYSTAY BAYDHABO

Ciidanka ammaanka maamulka K/Ga lbeed ayaa gacanta ku dhigay nin habeen hore bambo gacmeed ku weerararay go ob ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo ku taalla xaafada Onodka ee M/ Baydha bo, ka dib howlgal ay sameeyeen.

Ninkan ayaa habeen hore fiidkii gaar ahaan xilligii afurka weerar bambo gacm eed loo adeegsaday ku qaaday maqaaxi yar oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah iyo askar ka tirsan maamulka K/Galbeed.

Ciidanka ayaa weerarka kadib howlgal ay bilaabeen waxaa u suuragashay inay gac anta ku soo dhigaan ninkan oo ka mid ah dadka degaanka ka dibna waxaa loo dha adhiciyay saldhiga booliska M/Baydhabo.

Saraakiisha ammaanka ayaa ninkan weydiiyay sababta ku kaliftay in weerarka asi oo uu ku dhaawacay 4 qof geysto, wu xuuna tilmaamay in ujeedkiisa uusan ah eyn dhibaateynta askarta balse uu beeg sanayay dadka kale ee caadiga oo uu sheegay in ay ka horjoogsadeen kaarka lagu bixiyo raashiinka.

Ninkan oo markii hore looga shakiyay Shabaab ayaa wuxuu sheegay inuusan jir in urur uu ka tirsan yahay balse falkan uu geystay ay ka keentay oo keliya ciil uu is baday, oo ku wajahan dadka u diiday kaatka. Laamaha ammaanka ayaa gacan ta ku haya ninkan weli ma aanay shaacin waxa ay ka yeelayaan, M/Baydhabo ayaa inta badan mararka ay ka dhacaan falalka ka baxsan amniga waxaa dhacda in gac anta lagu soo dhigo ragga weerarada ge ysta, taasi oo suuragelisa wada shaqeyn ka dhaxeysa ciidamada iyo shacabka iyo in dadka magaalada degan ay aad isu ga ranayaan, maadaama Magalaadu kooban tahay.

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO KA HADL AY GEERIDA KU TIMID MOHAMED SH.HASSAN

Madaxweynaha JFS Md.Maxamed C/hi Farmaajo, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyskii Eheladii, asxaabtii iyo Umm adda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyood ay Allah u naxariistee Danjire, Mohamed Sh.Hassan Osman oo Habeen hore ku geeriyooday M/Cajmaan ee Dalka Isutag ga Imaaraatka Carabta.

Md. Farmaajo ayaa Alle uga baryey Ma rxuumka inuu naxariistiisa janno ka war aabiyo, wuxuuna eheladiiii, asxaabti iyo qaraabadii uu ka tagayna Rabbi ugu bar yay inuu samir iyo iimaan ballaaran ka siiyo.

Ambassador Mohamed Sh.Hassan Os man ayaa kahor gobonnimada Soomaali ya, waxa uu ahaa Xoghayaha gaarka ah ee Wasiirkii Talyaaniga uga wakiilka ahaa Soomaaliya, isagoo heerkiisa aqooneed iyo xirfadeed si aad ah uga bartay gumey stihii xilligaasi dalka gacanta ku hayay.

Marxuum Maxamed Sh.Xasan Cusm aan waxa uu ka mid ahaa lixdii safiir ee u gu horreysay ee Gobollada Waqooyi iyo Koonfur laga kala xulay oo Soomaaliya u matalay dal dibadeed.

Sidoo kale intii u dhexeysay 19601965, waxa uu ahaa Danjirihii Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, isagoo noqday Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo dalka asi loo wakiisho.

TRUMP OO ISKU DAYAYA INUU KHAFIIFIYO WALAACA KUURIYADA WAQOYI AY MUJISAY

Madaxweyne Donald Trump ayaa isku dayay in sidiisii uu ku soo celiyo shirka uu la yeelanayo Kim Jong Un, isagoo u bal lan qaaday hogaamiyaha Kuuriyada Waq ooyi inuu helayo ammaan haddii uu isaga haro hubka nukliyeerka ah.

2003, hogaamiyihii Liibiya, Mucamar Qaddaafi, ayaa waxa uu ogolaaday inuu isaga joojiyo barnaamijkii nukliyeerka ee uu waday hasayeeshee sanado kaddib ayaa waxaa dilay fallaago ay reer galbe ed ku baritaarayeen.

Mr Trump ayaa iska fogeeyay hadallada ka soo yeeray lataliyihiisa dhanka amma anka, John Bolton, kaas oo ka caraysiiyay Waqooyiga Kuuriya kaddib markii uu tusaale ahaan ugu soo qaatay qaabkii hubka nukliyeerka looga dhigay waddan ka Liibiya. Pyongyang ayaa waxa ay ka digtay in kulanka aanan horay noociisa oo kale loo arag ay suuragal tahay inu usan qabsoomin hasa yeshee Trump aya a sheegay in diyaargarowga uusoconayo.

SHIDAAL LA AAN KA JIRTA SOMALILAND IYO HALKII LIITAR OO GAARAY QIIMO SARE

M/Hargeysa ayaa aad looga dareemay aa kor u kac ku yimid qiimaha shiidaalka, iyada oo ay jirto shiidaal yaraan soo food saartay guud ahaan somaliland. Inta bad an kaalmaha shiidaalka ee magaalooyin ka waa weyn ee somaliland ayuu ka dha maaday shiidaalkii, iyada oo inta haysana ay ku iibinayso qiime aad u sareeya oo ayanan dadka kari Karin.

Shiidaal yaraanta iyo kor u kaca qiima ha shiidaalka ayaa ka dhashay, kadib mar kii haamaha shiidaalka ee M/Berbera lagu shubay shiidaal wasakhaysan, kaas oo il aa haatan ku jira isla markaana aanu wali soo gaarin shiidaal kale, oo ka taya iyo nadiif badan midka hadda suuqyada qaar kiii yaala.

Kaalmaha shidaalka ee magaalooyinka somaliland ayaainta badan waxa ka dha mmaaday shidaalka gaar ahaana Baatro olka, taasina waxay sababtay in qiimaha shidaalka ay sare u kiciyaan. Wararkii u gu danbeeyay ayaa sheegaya iney jiraan kuwa faro kutiris ah oo iyagu sii iibinaya shidaal ay ka keeneen dalka Jabuuti Arrin tan ayaa waxay cabsi galisay gaadiidley da oo ka baqidin qaba sidii ay usii shaq ayn lahaayeen, maalmaha soo socda ha dii aan shidaal deg deg lasoo gaarsin Somaliland.

qiimaha baatroolka ayaa sare u kacay, waxaana halka litir M/Hargeysa laga siina yaa 15,000 oo shilinka Somaliland ah, taa si oo noqonaysaa halkii ugu sarreysay ee uu gaaro taariikhda. Xisbiyada mucaarid ka ayaa shidaal yaraanta Soomaaliland ka taagan dhaliisheeda dusha u saareen xukuumadda oo ay sheegeen inay iyadu wareejisay keydkii haamaha shidaalka, "2.sanno iyo bar ka hor ayaa xisbiga Ucid uu sheegay dhibaatooyinka ka iman kara haddii haamaha shidaalka la wareejiyo, dhibaatooyinkii maanta waanu aragnaa.” Sidaa waxa yiri xoghayaha warbaahinta ee xisbiga Ucid Keyse.

Dhinaca kale xukuumada Somaliland ayaan ilaa hadda ka hadlin shiidaal yara anta soo foodsaartay deegaanada maam ulka Soomaaliland iyo qiimaha cirka isku shareeray

DHIMASHO KA DHALATAY ROOBAB DUUFAA NO WATA OO KA DA’AY PUNTLAND

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Puntland, 2 qof ayaa ku dhi matay mid kalena waa la’yahay, ka dib markii gaari nuuca raaxada oo ay ku wate en meel u dhaxeysa Boosaaso iyo Gar owe uu ku helay roob wata Duufaano.

Raggan geeryooday ayaa khamiistii gel in kii dambe ka baxay M/Garowe, waxay na ahaayeen 5 nin balse waddada ayaa waxaa ku helay Duufaano, 2 nin ayaa ge eryootay, 2ba kalena iyaga oo xaaladoo da ay daran tahay ayaa howlgal lagu soo saaray, halka mid kalena ilaa hadda la’ la’yahay.

Taliyaha saldhigga booliska degmada Carmo ayaa waxa uu sheegay in tog we yn uu ku soo fatahay meel aan sidaas u ga fogeyn degmada, midaasina ay sabab tay in ay wadada ku xayirmaan gaadiid ka badan 500. Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan wax ey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qa ar ka mid ah wargeysyada Carabta – duuf aan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeeb aha Soomaaliya, kuwaas oo sshalay sub ax ka billowday xeebaha Puntland, gaar ahaan Sanaag iyo Heyland.

KHAYRE OO KORMEER SHAQO KU TAGAY DEKADDA MUQDISHO

R/Wasaaraha XFS Md.Xasan Cali Khe yre, ayaa kormeer howlleed ku tagey Dek adda weyn ee Muqdisho, si uu ugu guur galo hannaanka ay u shaqeyso Dekaddu, islamarkaana loo ilaaliyo dhaqaalaha laga aruuriyo dadka isticmaala Dekadda.

R/Wasaaraha ayaa kulan gaar ah la ye eshay Wasiirka Maaliyadda iyo maamulka Dekadda, waxa uuna ka xogwareystay qaabka ay u shaqayso Dekaddu, caqaba daha ka jira iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo tayayn karo adeegyada ay Dekad du u hayso shacabka Soomaaliyeed, laga na fogaado wax kasta oo keeni kara mu suq maasuq iyo ku takrifal hanti dadwey ne.

Md.Kheyre ayaa ku booriyey madaxda iyo shaqaalaha ka howlgala Dekadda in ay ilaaliyaan Masuuliyadda lagu aaminay maadaama ay Dowladdu wado qorshe la gu wada xisaabtamayo. R/wasaaraha ay aa carrabka ku adkeeyay inaan la aqb ali doonin in shaqsi gaar ah uu ku takri fa lo dhaqaalaha Dowladda, Wuxuna kula dardaarmay maamulka Cusub in ay de rder geliyaan shaqooyinka muhiimka ah ee shacabka Soomaaliyeed u hayso Dekad du.Kormeerka uu Md. Khayre u tagay De ka da Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorha ha isla xisaabtanka Xukuumadda, si loo dhaqan geliyo hannaanka casriga ah ee

dowlad wanaaga.

MD.GAAS OO ISBITAALKA KU BOOQDAY ASKARTII KU DHAAWACANTAY DAGAALKII TUKARAQ

Madaxweynaha Puntland C/weli Max amed Cali Gaas ayaa waxa uu isbita alka guud ee magaalada Garoowe ee Caasim ada Puntland ku booqdey askartii ku dha awacantay dagaalkii Tukaraq. Md.Gaas ayaa waxaa booqashada ku wehelinaay ey Wasiirka Wasaaradda maaliyadda, Wa siirka WWarfaafinta, Wasiirka W/Ganacsi ga, Wasiiru dowlaha Wasaardda Duulista iyo Hawada iyo saraakiil ka tirsan Madaxt ooyada Puntland.

Dhaawaca ciidanka Puntland ee uu ku booqdey isbitaalkamD. Gaas ayaa waxaa ay ahaayeen ciidankii ku soo dhaawac may iska hor imaadkii dhexmaray ciidama da Puntland iyo kuwa Soomaaliland. Sidoo kale Gaas ayaa mid mid u boqday dhaawacyada ciidanka Puntland iyad oona Madaxweynuhu uu si naxaariis iyo masuuliyadi ku jirto ulaqaysaday daree nkiisa xaaladda ay ku jiraan, islamarkana uu Alle uga baryey inuu u boogadhayo, caafimaad taamana Alle siiyo dhammaan.

Dhinaca kale, Md.Gaas ayaa ku booriy ey ciidanka dhaawaca ah inay waxyeela dani soo gaartay iyagoo difaacaya dalkoo da iyo dadkoodaba, isla marahaantaana waxaa uu madaxweynu ku wargeliyey in ay ku taagan yihiin waddada xaqa ah, difaafacayaana dadkooda iyo dalkooda.

Ugu danbeyn Md.Gaas ayaa saraakiisha isbitaalka kula dardarmay inay si gaara uga taxadaraan ciidanka Difaaca Puntl and,ahmiyad gaarana siiyaanC/madkoda

GURIGA R.WASAARIHII HORE EE MALAYS IA OO LAGA HELAY LACAGO BADAN IYO DAHAB

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka Reuters, war ay soo saareen Booliiska da lka Malaysia ayaa lagu sheegay in ay qa bteen boqollaal kaartoon oo ay ka buux aan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyin ay jiraan lacago qalaad, kuwaas oo laga he lay guri lala xiriiriyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

Arrintani ayaa ka dambeysay kadib markii Baaritaanno lagu sameeyay dhis meyaasha ku yaalla Kuala Lumpur, kaasi oo lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha am maanka dalkaasi. Eedaymaha musuqma asuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1M DB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyaab ahii guul darrada u horseeday Najiib, doo rashadaasna waxaa ku guulaystay Maha thiir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen. Wararka qaar ayaa sheegayaa in ay jira an balaayiin doollar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay,waxaana Najib Razak laftirki isa lagu eedeeyay inuu qaatay 700 oo mi lyan oo doolar,inkastoo uu eedaasi iska fogeeyey. Madaxda Dawladda Malaysia ayaa sheegay in uusan wax gaf ah sam aynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baa ritaan ku billaabay.

Mr. Mahathir Maxamed oo ah R/Wasaa raha cusub ee wadankaasi ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday, Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixit aanka dalka. Hawgallada Booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dag gan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaa sha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bar tamaha Magaalada ayaa socday maalmi hii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufullada jabiyo si loo soo saaro lacag gu riga Najiib taallay, Amar Singh oo Booliis ka u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

HAWEENEYDII U HOREYSAY OO MADAX KA NOQOTAY HEY’ADDA SIRDOONKA MAREYKANKA EE CIA

Aqalka Senateka Mareykanka ayaa ansixiyay Haweeneydii u horeysay oo Ma dax ka noqota Hey’adda Sirdoonka ee CIA, kaasoo dhowaan uu magacaabay Madaxweyne Trump. Gina Haspel ayaa horay uga soo shaqeysay Hey’adda CIAda, waxaana Aqalka Senateka uu ugu da mbeyn ansixiyay magacaabideeda, ka dib kala qeybsanaan ka dhex jirtay Xisbiyada xubnaha ka ah aqalka.

Mike Pompeo oo horay u ahaa Mad axii hore ee Hey’adda Sirdoonka CIA ay aa xilka banneeyay , isagoo qabtay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibadda. Senator John McCain oo ka tirsan Xisbiga Jam huuriga ayaa ka soo horjeeday in Haw eeneyda ay madax ka noqotay CIA, wax aa lagu heystay barnaamijyo CIA fulisay oo dadka lagu jirdilay dambeeyay 9/11.

RA’IISUL WASAARAHA ITOOBIYA OO SAFA RKII U HOREYSAY MEEL KA BAXSAN AFRIKA KU TAGAY SACUUDIGA

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahm ed ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Bo qortooyada Sacuudi Carabiya, taasoo ah safarkii u horeeyay uu ku tago meel ka ba xsan Afrika, tan iyo markii horaantii bishii April uu si rasmi ah loogu dhaariyay xaf iiska. Afhayeen u hadlay W/Arrimaha Dib adda Itoobiya ayaa sheegay in R/ Wasaar aha Itoobiya uu casuumaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.

Inta uu ku guda jiro Booqashadiisa Sa cuudi Carabiya waxay kulan labo geeso od ah oo looga hadlayo xiriirka 2da dal ay wada yeelan doonaan Boqorka Sacuudi ga Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Sacuudi ga iyo Itoobiya ayaa sanadihii u dambeey ay ahaa mid aad u xoogganaa,R/Wasaa raha Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu xafiiska qabtay 2dii bishii April waxaa uu booqasho rasmi ah ku tagay dalalka Jab uuti, Sudan, iyo Kenya oo ahdalal deriska

LIX QODOB OO LAGA SOO SAARAY SHIR WADATASHI OO KA DHACAY MADAXTOOYA DA SOMALILAND

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa habeen hore iskugu yeedhay shirweyne ka kooban xukuumadda, Saddexda Xisbi Qaran, Shirguddoonka 2Gole ee Baarla maanka, madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo siyaasiyiinta saamaynta ku dhex leh bulshadda. Kulan ayaa lagu sheegay ujeedadiisu inay ahayd mid wa datashi oo laga arrinsanayey xaaladda dalka ka taagan iyo in taloqaran oo mida ysan laga yeesho dhammaan duruufaha dalka ku gadaaman.

Shirkan ka dhacay madaxtooyadda oo mucaarad iyo maxaafadba iskugu yimaad een waxaa laga soo saaray lix qodob oo kala ah: {1}.In colaada deegaanka Ceelafweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsa ha badan, is la markaana Qaranka oo dhan ka gurma do arrintaa si wada jir ah.

2. In xannafta iyo kala fogaanshaha siy aasiga ah ee ka dhashay doorashadii ma daxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.{3}.In colaada iyo dagaalada ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamul ka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba. {4].In kor loo qaado xa wliga dhaqangelinta mashaariicda horum arineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga. {5.} In beesha Caalam ku ogaato in gardarro qaawan iyo dagaal ba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka somaliland.

6.In beesha Caalamku ogaato in Soma liland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xu duudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soo maaliya, balse lagu wargelinayo in Som aliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gardaro iyo dagaal kas ta oo lagu soo farogaliyo xuduudaha la mataabtaanka ah ee Somaliland ka dha xashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiri iska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay:

1.Madaxweyne Kuxigeenka JSL, Md. C/maan C/hi Is/ciil (Saylici)

2. Madaxweynihii hore ee JSL, Md. Da ahir Rayaale Kaahin {3.} G/yaha Maxkam ada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed {4}.G/yaha G/Guurtida, Md. Sale ebaan Maxamuud Aadan {5}. G/ye Kuxi geen 1aad ee G/Wakiilada, Md.Ax med/yaasiin Sh. Cali Ayaanle {6.} M/ne Kuxigeenkii hore ee JSL, Md., Xasan Cii se Jaamac {7}. M/ne Kuxigeenkii hore ee JSL, Md. C/maan Aw Cali Faarax

8. M/weyne Kuxigeenkii hore ee JSL, Md Axmed Yuusuf Yaasiin {9.} Prof. Cali Khal iif Galaydh, {10}. G/yaha Xisbiga Mucaar idka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Wara abe {11}.G/iye Kuxigeenka 2aad ee Xisbi ga KULMIYE, Md., Axmed Cabdi Dheere

{12}.G/miye Kuxigeenka xisbiga Wadd ani, ahna ku simaha gudoomiyaha xisbi ga Md.C/dir Xuseen Jirde {13}. G/miye Kuxigeenka xisbiga waddani, Md. C/ris aaq Khaliif Axmed {14}. W/Ar /Dibeda, Dr Sacad Cali Shire {15.} Siyaasi Maxamed Carraale Duuriyo {16}. Md.Maxamed C/hi Uu rcadde Xigasho: Hiiraan.com

HUB FARA BADAN OO LAGU QABTAY DALKA ITOOBIYA

Booliska dalka Itoobiya ayaa soo ban dhigay Hub fara badan oo sharci darro la gu gelinaayay gudaha dalka Itoobiya sida ay sheegeen laammaha amniga dalkaasi.

Hubkan oo ay Booliska ku sheegeen 350 Bastooladood ayaa waxaa ay ku qabteen tuulada Awrora village, Degmada Tsege die woreda ee G/Ismaamulka Tigray .

Kabtan Eshete Awoke oo ah madaxa ciidanka ammaanka ee Gobolka ayaa she egay in Hubkan qabashadiisa ay suuragel isay iskaashi dhexmaray Ciidamada Gob olka iyo kuwa Difaaca Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in Booliska ay xir een wadaha Gaari Isuzu oo uu hubka saa rnaa iyo dad uusan tiradooda sheegin oo caawiyayaasha darawalka ahaa. Booliska waxa ay sheegeen inay wareysi iyo baa ris ay ku wadaan dadka ay qabteen si sharciga loo horgeeyo ka dibna tillaabo looga qaado. Dalka Itoobiya ammaankiisa ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana Boo liska la geliyay heegan buuxa.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSIXIYAY SHARCI GA DUULISTA IYO HAWADA

Shirka Khamiislaha ah ee golaha Was iirada XFS oo uu shir gudoomiyay R/ was aare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixi yay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyee dka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakh shadeynta magaalooyinka, waxaana gola ha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasii rada ka qeyb galay kulanka maanta.

"Shirka Golaha wasiirada waxaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale la hor geeyay Hind ise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo Sharciga Nakhshadeynta magaalooyinka” ayuu yiri Kusimaha Wasiirka Warfaafinta iyo Dalxiiska XFS, C/Raxmaan Iidaan Yo onis oo ka war bixiyay Shirka golaha Was iira. Ayaa sheegay in shirka warbixinno lo oga dhageestay W/Maaliyadda, Amniga, Ganacsiga, Shaqaalaha, Tamarta, Dhali nyarada iyo ciyaaraha. Wasiirka Maali yadda XFS, MdC/raxmaan Ducaalle Bey le ayaa waxa uu shee gay in qorshihii de yn cafinta uu marayo meel wanaagsan gu ulna uu kusoo dhama aday SMP2 laguna amaanay dawladda Federaalka Soomaa liya meesha ay soo gaartay isaga oo xusay in loo gudbay SMP3, shuruudaha la doonayo in lasoo buuxiyana ay kamid yihiin kor u qaadidda dakhliga dawladda, in deyma kale aysan gelin Dawladdu iyo in bixininta Mushaa raadka Ciidanka loo isticmaalo Biometric system.

Wasiirka Shaqaala iyo Arrimaha Bul shada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in tirakoobka shaqaalaha uu marayo heer gebageba ah. Wasiirka amiga gudaha, Xi ldhiban Maxamed Abuukar Islow Duca ale, oo ka war bixiyay amniga ayaa sheeg ay in amnigu aad u wanaagsanyahay, wa xaana intii shirku socday leesla gartay si amaanka loo sii adkeeyo in qoryaha waa weyn aan lagu wada karin magaal ada ca asimadda, iyada oo sidoo kale "qorshihii Xasilinta Caasimadda” loo bedelay "Sugi dda Amniga Caasimadda”

Shirka intii uu socday waxaa kale oo warbixinno laga dhageestay wasiirka gan acsiga iyo Warshadaha, kusimaha wasiir ka Tamarta iyo Biyaha, iyo wasiirka Ciy aaraha iyo Dhalinyarada. DHAMMAAD

DUQA MUQDISHO OO DAAHFURAY OLOLE MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR KU AFURIN AYO 15 KUN OO QOYS

Md. C/maan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa khamiistii daahfuray olole lagu afurinayo 15 kun oo qoys. Maamulka G/Banaadir ayaana Sanadkii 2aad afuri naya Bulshada danyarta ah ee ku nool M/Muqd isho.

Duqa Caasimadda oo weheliyeen ma suuliyiin ka tirsan maamulkiisa, madaxda Hay’adda Samafal Bulsho iyo qaar kamid ah Culima’udiinka ayaa kormeeray goob aha cuntada lagu diyaarinayo, iyagoo ugu baaqay cid walba oo wax haysato in kaalintooda ay ka qaataan gacan siinta walaalahooda Sooman.

Eng. Yarisow ayaa sheegay in barna amijkan uu gobolku sameeyay markii uu arkay baahida loo qabo iyo sida ay laga ma maarmaan u tahay gacan qabashada dadka danyarta ah. Isagoo uga mahad celiyey Hay’adda Samafal Bulsho doorka muhiimka ah ee ay arrintan ka qadanay so.

’Maamulka G/Bdir wuxuu u taagan yahay gacan qabashada danyarta Soomaaliyed, maadaama ay bilatay bishii barakaysnayd ee Ramadan kuligeen waxaa waajib nagu ah gurmad iyo gacan qabasho loo fidiyo walaalaheena aan wax haysan, tani waa bilow lagu afurinayo 15kun oo qoys balse waa in loo istaagaa sidii intan looga badin

lahaa”.Ayuu yiri Eng. Yarisow Duqa

MAQAAL:FADAA’ISHA BISHA BARAKAYSAN EE 

RAMADAN

Ramadaan-640x430 Fadaa’isha ay leedahay Bisha Ramadaan ma aha wax la gu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa inaan ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi: Waxyaaba ha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah:

inuu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay Bisha Ra madaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryee lay Bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha ka le,waxaana kamid ah fadaa’isha kuwa soo socoda:

1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Saamiwiga ah. ??? ???? ????? Ilaaheey waxa uu yiri: { ?????? } (185) ???? ???: ( ????? ) ???? .

2. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.

3. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka. Allaah wuxuu Qur aanka Kariimka ah ku yiri: Waxaan idinku Waajib yeelay soon ka; Hadaad tihiin ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad muda ntihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka ab aal marin doona Adoomadayda. Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi "Soonka Bilawgiisu waa Rax ma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambidhaaf, dlammaad kiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.

KHAYRKA BISH SOON

• Quraankaa soo Dagay

• Leylatul Qadar ayaa ku jirta

• Albaabada cadaabta ayaa la xiraa.

• Albaabada Jannada ayaa la furaa

• Sheydaanka la xidhaa

• Waa bil cibaado badan

• Gaajada oo laga wada sinnaado

• Waxay beertaa is jaceyl.

• Sakada Soonka oo nafta daahirisa.

NOOCYADA SOONKA

• Bisha Soon (faral)

• Lix beri shawaal (sunne)

• Toban beri dul xajih (sunne’)

• .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)

• Isniin & Khamiis (sunne)

• Bil kasta seddex beri (sunne)

SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?

• Qofkasta.oo Muslim ah

• Qof qaan gaar ah.,

• Qof miyir qaba.

• Qof aan waayeel ahayn.

• Qofkii caafimaad qaba.’

1. Dumar aan Uur lahayn

2. Dumar aan ilmo nuujineyn. {3}. Dumar aan caado qabin

4. Dumar aan umul aheyn. {5.} Qof aan musaafir ahayn.

MAXAA SOONKA JEBIYA?

1. Gaalmada, {2}. Diinta oo laga baxo lana caayo

3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda.

4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan.

5. Haddii uu isku mudo irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa,

6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo

7. Dumarka oo caado ku dhacdo ama umula.

8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno.

9. Haddii uu ula kac u matago.

WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN.

1.Qof soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaan san. {2.} Hadduucabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin.{3}. Haddii luqluq ku fakado.

4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo.

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?

1. Dibirada Caloosha. {2.} Joojinta Sigaarka iyo dhamaan balwadaha kale {3}. Calool xanuunka. {4.} Iscaateynta qofka buuran. {5.} xanuunka macaanka. {6.} Kelyo xanuunka.

7. Wadna xanuun. {8.} Gaastiriiga. {9.} joojinta cunista qaadka .

Sidaa awgeed waxaynu ku khasbanahay in aynu qiimay no sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaah an yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, afka iyo carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana quraan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo. Marka la ducaysanayana waxaan soo je edinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degg anahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo same. Wa xaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islmarkaana la badiya Istiqf aarta iyo ducooyinka.

HAY’ADDA CULUMADA SOOMAALIYEED OO SOO SAARTAY BAAQ KU SAABSAN BISHA RAMADAAN

Sheekh-Bashiir-Axmed-Salaad-640x474Hayadda culumada Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay waxay shacabka Soomaa liyeed iyo ummadda mus linka ah guud ahaan ugu tahniyadaynaysay bilashada bisha Ramadaan ee barakaysan

Waxay sheegtay Hay’addu in Bi sha Ramadaan ay tahay bishii sabar ka iyo naxariista, waxaana ay ku baaq ayday in si deg deg ah loo joojiyo cola adda Tukaraq, ilaahayna looga baqo dhiigga xaq darrada ah ee qubanaya.

Sidoo kale Hay’addu waxay ku baaqay day in bishaan looga faa’iidaysto xallinta khiaafaadka beeleed ama siyaasadeed ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee wal aalaha ah. Halkaan Hoose kuji si aad u akhrisato baaqa culum ada Baaqa Culimada ee Ramadaanka

HEY'ADDA CULIMADA SOOMAALIYEED

Date: 17/05/2018 Rif:THN/25/1439H

1Tahniyad iyo Baaq ku saabsan Bisha Ramadaan ee Barke ysan Hey'adda Culimada Soomaliyeed waxay shacabka sooma aliyeed iyo ummadda Muslinka guud ahaan ugu tahniyadeyn eydaa Bilshada Bisha Ramadaan ee Barkeysan, waxaayan ila ah ka baryaysaa in uu na waafajiyo dhammaan acmaasha uu raaliga ka yahay , gaar ahaan soonka maalintii iyo salaada hab eenkii , nagana aqbalo.

2Bisha Ramadaan waa Bishi Sabarka iyo Naxariista, waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah loo joojiyocolaadda Tukaraq , ila aheyna looga baqo dhiigga xaq darrada ah ee qubanay.

3Hey'adda waxaay ku baaqeysaa in bishaan looga fa'iideysto xallinta khilaafaadak beeleed ama siyaasadeed ee u dhaxeeya dadka somaaliyeed ee wlaalaha ah.

4Ramadaankaan wuxuu ku soo aaday ayadoo ay jirto baahi, gaar ahaan barakacyashaa iyo dadka fatahaaddu saameysay, marka Heya'ddu waxaay igu baaqeysaa cid kasta oo wax heli ka rta , gudaha iyo dibadba, in kaalmo degdeg ah loo fidiyo shacab ka soomaaliyeed ee musiibadu ku habsatay .

5 Ramadaan waa bil cibaado ee ma aha bil ciyaaro, dhallinyar ada ha lagy jiheeyo , tartamada Qur'aan , adeegga Bulshada iyo caawinta Masaakiinta.

6 Ramadaan waa Bishii Towbada isbeddelka waxaa isku darda armeynaa towbad furan oo la xiriirta xuquuqda ilaahey iyo mid da aadmiga.

7 Bishaan waxaa furan albbaabada aqbalka , marka Waxaan soo jeedinaynaa in ducada la badiyo ilaahyena aad loo baryo in uu faraj degdeg ah ummadda u furo

ramadaan kariim

Guddiga fulinta Hey'adda Culimada Soomaaliyeed

MuqdishoSoomaaliya .

MD.XASAN SH. OO MAR KALE KA QEYB GALAY SHIRKA MADASHA HOGGAAMIYEYA ASHA AFRIKA

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ayaa ka qeyb gal ay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Afrika (ALF), kaasoo ah madal ay ku jira an qaar ka mid ah Madaxweyanayashii soo maray dalal ka tirsan Q/Afrika.

Shirkan oo ah kii 2aad oo uu ka qeybo galo Md Xasan Sh. ayaa shalay ka dha cay M/ Daara Salaam ee dalka Tanzania

"Wuxuu ahaa shir daba socday kii sann adkii hore lagu qabtay Johannesburg – South Africa.

Ka qeybgalayaashu waxay wadaage en waaya aragnimada Africa ee dhinac yada Amniga iyo Nabadda iyo doorka Ca alamiga ah ee ay Afrika ka qaadato naba dda adduunka”ayuu yiri Xasan Sh. Qora al uu bartiisa gaarka ah ee Facebook la soo geliyay. Waxaa uu sheegay inuu la wadaagay waaya aragnimadiisa Sooma aliya ee arrimaha horumarinta amniga iyo nabadda iyo dhismaha hay’adaha ka shaqeeyo arrimahaas.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay waa ya aragnimada dalka Congo iyo guud ah aan waddamada ku hareereysan harooy inka waaweyn, iyadoo la soo jeediyay tal oooyin wax ku ool ah oo la xiriira Amniga iyo Nabadda, waxaana Talooyinkaas loo gudbiyay ururka M/Afrika. Md.Xasan Sh. Ahna Xildhibaan ka tirsan G/Shacabka ayaa tan iyo markii looga guuleystay doo rashadii 8 February 2017, waxaa uu laga waayay saaxadda siyaasadda, isagoo markii uu xilka wareejiyay dalka isaga ta gay, isla markaana degay dalalka Turk iga iyo Tanzania , halkaasoo ay ku nool yihiin qoysaskiisa.

UGANDA OO LAGU AMAANAY DOORKA AY KA QAADATAY NABADEYNTA SOOMAALIYA

Dowladda Ingiriiska ayaa dalka Ug anda ku amaantay doorka ay Ciidamad eeda ka qaateen nabadeynta dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed.

Kulan ay dhawaan dalka Ingiriiska ku yeesheen taliye ku xigeenka Ciidamada dalka Uganda Gen Wilson Mbadi iyo iyo Marshan Waterfall oo ka mid ah sar aakiisha Ciidamada Ingiriiska ayey kaga wada hadleen xiriirka labada Ciidan.

2da sarkaal ayaa kulankooda diirada ku saaray xoojinta xiriirka Ciidamada milata riga dalka Uganda iyo Ciidamada dalka Ingiriiska . Taliye ku xigeenka Ciidamada ee dalka Uganda General Wilson ayaa dowladda Ingiriiska ku ammaanay tagee rada ay siiyaan Ciidamada milatariga ee dalka Uganda, taas oo suura gelisay in ay howlo badan qabsoomaan.

Marshal waterfall ayaa dhinaca dow ladda Uganda si weyn ugu bogaadiyay doorka ay ka qaateen nabadeynta dalal ka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed oo ka mid ah dalalka ay weli xasaradaha ka taagan yihiin.

Mr Water Fall ayaa xusay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalkanabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

ASKARI KA TIRSANAA CIIDAMADA DOWLAD DA OO LAGU DILAY MUQDISHO

Waxa xalay degmada Shibis ee Gob olka Banaadir lagu dilay askari la shee gay inuu ka tirsanaa Ciidamada dow ladda Soomaaliya.

Rag hubeysan ayaa la sheegay in ay meel aan ka fogeyn xarunta degamda Shibis ku dileyn askari ka tirsanaa ciida mada booliska Soomaaliya,iyaga oo goo bta ka baxsaday dilka ka dib.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheeg een in askariga la dilayaad laga yaqa anay degmada Shibis kaas oo Magaciisa lagu soo gaabiyey Qataatoow’

Askariga ayaa xilliga la dilayey waxa uu saarnaa gaari,balse la sheegay in ra gga hubeysnaa markii ay toogteen kadib ay qaateen qori uu watey Ciidamo ka tir san kuwa dowladda ayaa goobta gaaray kuwaas oo goobta ka qaaday meydka askariga. Xigasho radio dalsan.com

JANERAAL MORGAN IYO SARAAKIIL KALE OO KU WAJAHAN DEEGAANKA TUKARAQ

Deegaanka tukaraq ee G/Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda puntland halkaas oo mudo laba maalin ah ay ku wada dagaalamay een ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland.

Waxaa shalay gaaray saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garo owe Nairobi iyo muqdisho,iyaga oo la kul maya saraakiisha dagaalka hoggaamin eysa.aagga dagaalka ee tukaraq dhaw aan

Warar aan helnay ayaa waxa ay she egayaan in deegaanka tukaraq uu gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Jane raal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan.

Janeraalka ayaa waxaa markii uu ta go tukaraq uu lakulmi doonaa taliyaha Ciidamada puntland janeraal Siciid dhe ere oo ku sugan jiida hore ee dagaalka oo ay iskuhor fadhiyaan ciidamada Punt land iyo kuwa Soomaaliland.

WABIGA OO DIB U CELIYAY BIYIHII KU FATA HAY QEYBO KA MID AH MAGAALADA BELE DWEYNE

Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u cel iyo daadadkii dhawaan ku fatahay maga alada.waddada dheer ee dhaxmarta ba rtamaha magaalada oo meelmihii ugu da nbeeyay leysaga gudbayay Doomo ay ku deeqeen gaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa hadda u muuqata mid dhaqdhaqaaqeedii dadka iyo gadiidku uu dib u soo noqonayo kaddib markii ay intoodii badneyd isaga baxeen daadadkii ku soo fatahay.

Dadka qaar ayaa la arkayay iyaga oo lugeynaya Waddada Laamiga ah bal is ay u soo eegaan guryahoodii ay mudaba barakaca uga maqnaayeen, laakiin wali waxaa jira qeybo badan oo ka mid ah magaalada oo ay adag tahay in leysaga goosho. Rajada bulshada ku dhaqan re er Beledweyne ayaa hadda ah mid wan aagsan, madaama dhinaca Itoobiya aan laga soo sheegin wax biyo ah, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda dib u soo guryo noqdaan dadkii isaga Baraka cay magaalada.

MUWAADIN SOMALIYED OO LOO MAGA CAABAY DUQA MAGAALADA SHEFFIELD EE DALKA INGIRIISKA

Muwaadin Somali ah oo horey usoo noqday qaxooti ayaa loo magacaabay Maayorka magaalada Sheeld ee dalka Ingiriiska. Magid Magid, ayaa noqonaya qofkii Somali ah ee u horeeyay ee maga aladaas Mayor ama duq magaalo ka noq da waana 28 jir waxana uu noqonayaa Mayorkii ugu yaraa ee magaaladaasi.

Isagoo 5 sano jir ah ayuu yimaaday magaalada Sheeld kadib 6 bilood isaga, walaalihii iyo Hooyadii ay kujireen xero qaxooti oo Itoobiya kutaala kadib markii ay Somalia kasoo tageen si ay u helaan nolol.

Tan iyo magacaabistiisii waxa uu she egay inuu rajeynayo inuu isbedel wana agsan uu sameeyo. Waxa uu sidoo kale u mahad celiyay dadkii doorka weyn ka qaatay isasoo sharixidiisa isla markaana soo garab istaagay.

Dhallinyaro Somaliyed oo dalka ka ca raray mudadii burburka ayaa xilal muhi im ah ka qabtay dalalkii ay xilligaas mag angelyada ka heleen.

IN KA BADAN BOQOL RUUX OO KU GEERIYOOTAY DIYAARAD KU BURBURTAY DALKA CUBA

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/05/Plane-Crash-696x392.jpgIn ka badan boqol ruux ayaa ku geeriyooday diyaaradda nooca Boeing 737 oo burburtay agagaarka garoonka diyaaradaha Havana ee Caasimadda Cuba.





Saddex ruux ayaa ka bad baaday shilkan diyaaradood, kuwaasoo ku jira Isbitaalka, waxaana xaaladooda tahay mid halis ah. Warbaahinta Cuba ayaa ku warantay in diyaaradda ay saarnaayeen 104 oo rakaab ah iyo 9 shaqaale ajaaniib ah. Diyaaraddan ayaa ah mid ka shaqeysa gudaha Cuba, waxaana ay isaga kala goosheysay Caasimadda Cuba ee Havana iyo magaalada Holguin.Madaxweynaha Cuba Miguel DiazCane ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay shilkan diyaaradeed ee dadka faraha badan ku dhinteen.

Kooxaha dab damiska iyo kuwa wax badbaadiya ayaa gaaray halka diyaaradda ku burburtay, waxaana ka muuqday in dhamaan diyaaradda aanay waxba ka harin, marka laga reebo haraadiga garab ka mid ah diyaaradda



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip