Kooxda Santos Oo Ugu Hanjabtay Barcelona Inay Maxkamad La Kori Doonto, Maxay Ku Saabsan Tahay Dacwada Cusub?

0
Thursday December 24, 2015 - 13:49:24 in Sports News by
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Santos Oo Ugu Hanjabtay Barcelona Inay Maxkamad La Kori Doonto, Maxay Ku Saabsan Tahay Dacwada Cusub?

    Kooxda Santos ayaa oo saartay warbixin ay ku eedeyneyso kooxda Barcelona inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo sharuud ku jirtay qandaraaskii ay kula wareegeen Neymar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Santos ayaa oo saartay warbixin ay ku eedeyneyso kooxda Barcelona inay ku guuldareysatay inay ka soo baxdo sharuud ku jirtay qandaraaskii ay kula wareegeen Neymar.

Kooxda Catalans ayaa diiday inay bixiso lacag labo milyan euro ah oo ay Santos sheegtay inay aheyd inay helaan madaama Neymar uu ka mid noqday seddexda ciyaaryahan ee isagu soo hartay abaalmarinta Ballon d’Or islamarkaana ay taasi qeyb ka aheyd heshiiskii hore.

1450910218_222352_1450910268_noticia_grande

Barcelona ayaa kaga jawaabtay inay jiraan wax isdabamarin sida inay kooxda reer Brazil la imaan weysay risiitka canshuurta ee heshiiska. Santos ayaase sheegtay inay dareemayaan inay taasi tahay marmarsiiyo waxaana ay ku hanjabeen inay kiiskooda maxkamad geyn doonaan.

Diidmada Barcelona ayaa ku dhisan cabasho rasmi ah oo ay Santos u gudbisay FIFA bishii May taasoo ay isku dayayeen inay ku helaan lacag ka badan 17.5tii milyan euro ee ay ka heleen heshiiska Neymar, iyadoo heshiiska Neymar ay ku baxday lacag ka badan 80 milyan euro balse lacagta inteeda badan uu qaatay aabaha dhalay Neymar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip