
Cabsi ka jirta Magaalada Nairobi & Ciidamo badan oo amniga lagu wareejiyay
Kangethe Thuku,oo ka mid ah saraakiisha Booliska ee Nairobi ayaa sheegay in magaalada amnigeeda si gaar ah loogu xilsaaray 2,000 oo Askari.
Ciidankaas ayuu sheegay in ay tagi doonaan Waddooyinka Magaalada, Hoteellada, Suuqyada waaweyn, Goobaha laga raaco gaadiidka, Goobaha waxbarashada iyo meelaha kale ee muhiimka ah.
Waxaa uu intaas ku daray Ciidamadaas loo diyaariyay ka hortagga falalka argagixisada la xiriira inta lagu jiro Bisha Ramadaan, amniga magaaladana ay iyaga mas’uuul ka yihiin.
Taliyaha Booliska Nairobi,Joseph Ole Tito,ayaa sheegay in Ciidamadan ay isugu jiraan kuwo xiran dharka Booliska iyo kuwo dharcad ah.
Waxaa uu milkiilayaasha Hoteellada iyo goobaha kale ee muhiimka ah ugu baaqay in ay diiwaangeliyeen dadka tagaya islamarkaana kireysanaya.
Joseph Ole Tito,ayaa yiri "Dhaqanka argagixisada waxaa ka mid ah marka ay imaadaan waxaa ay raadinayaan marka hore meel ay degaan, waxaa ay tagayaan Hoteel, iyaga oo iska dhigaya dad wanaagsan,sidaas ayeyna qorshahooda ku fulinayaan.”
Cabsi ka jirta Magaalada Nairobi & Ciidamo badan oo amniga lagu wareejiyay
Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay in Ciidamo ka badan 2,000 oo Askari ay u xil saareen xaqiijinta amniga Magaalada Nairobi, si ay u sugaan amniga magaalada inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan ee maanta billowga ah.