
GOLAHAISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA-GIDG-WARMURTIYEED
Shirka 2aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtay Magaalo Madaxda KMG ah ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubanaha hogaamiyayaasha Golaha- Madaxweynaha Puntland Md.C/Wali Maxamed Cali Gaas ahna Guddomiyaha Golaha, Madaxweynaha Hirshabeelle Md.Maxamed Cabdi Waare ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha,Madaxweynaha Jubbaland Md.Axmed Maxamed Islan, Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Ducaale Geelle Xaaf, iyo Madaxweynaha K/Galbeed oo martigeliyey shirka Md. Shariif Xasan Sh.Aadan
Shirka oo socdey inta u dhaxeysay 13-16 may 2018-ka waxaa ka soo qeyb galey madax kale oo kor u dhaaftay ilaa 100ergey oo ka mid ahaayeen Guddoomiyayayaasha Baarlamannaada , Xildhibaano iyo wasiirro ka kala matalayey dowladgioboleedyada ku bahoobay isbheysiga golaha iskaashiga.
muddadaii 3da bari ahyed ee shirku socday waxaa madaxdu wadatashi ka yeesheen arrimo badan oo diirradda lagu saarayey amniga, siyaasadda iyo xaaladdaha beniaadminimo ee dalka , waxaana gabagbadii shirka ka soo baxay
1-ARRIMAHA AMNIGA
Ka dib markii qiimeyn, fanaqeyn iyo wada tashi dher laga yeeshay arimaha amniga ee dowlad goboleedyada dadaal ku aaddan sugidda amniga dalka:-
1.1 Wuxuu Goluhu si guud u soo dhaweeyey qorshaha amniga kmg ah, kaasoo loo arkay inuu nqoon doono qorshe ugu danbeynta horseedi kara in soomaaliydu amnigeeda la wareegto haddii la fuliyo , sidaas darteed Goluhu wuxuu ku adkeynayaa dhammaan matalayaasha in ay si wada jir ah uga wada qeyb qaataan fulinta qorshah iyadoo diirrada la saarayo arrimaha hor tebnta leh sida xoreynta deegaamada wali gacanta argagaixisada ku jira iyo furidda waddooyinka.
1.2 Goluhu wuxuu walaac ka muujinayey dagaalka ka soo cusboonaaday tukaraq oo ka mid ah degaamada Puntland, oo May 15-keedii ciidmada Soomaaliland weeaer ku soo qaadeen waxaana Goluhu ku baaqayaa in si dgdega dagaalka loo joojiyo.
1.3 Goluhu wuxuu dhaliilayaa horumarka laga sameeyey ilaa hadda fulin qorshaha amniga Qaranka ee horey la isugu raacay, sidaas darteed Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la dedejiyo fulinta dhammaan qodobba uu ka kooban yahay qorshah amniga si loo xaqiijiyo in dalka laga xoreeyo argagixisada.
1.4sidoo kale Goluhuwuxuu niyad jab ka muujinayey in ilaa hadda Dowladda dhexe aysan wax tallaabo ah ka qaadin balan qaadkeedii ku xusnaa qodabka 1.2 ee heshiiskii Golaha Amniga Qaran ee la gaarey 10kii Bishii Febaraayo 2018 kaas oo sheegayey" Dowlad Federaalku waxaay ka cawineysaa ciidmada Boliska Dowladgoboleedyada oo ay ku jiraan daraawiishta {Hub, Saanad,Aqab Ciidan,Raashin,Dawo,Gunno Tababar iyo Tayeyn}, ee kala qeyb qaadan doona ciidmada xogga dalka soomaaliyeed {CXDS} howlgallada ciidan ee logula dagaalamayo argagixisada". sidaas darteed wuxuu Goluhusi gaar ah ugu baaqayaa dowladda dhexe inay la dhabeyso ballanqaadkeedii ku aadanaa taakuleynta ciidmada dowladGoboleedyada gaar ahaan in la dardargeliyo qeybta agabka ciidan ee hadda yaalla howlagalada ciidan ee xoreynta dalka loogu isticmaalo.
1-5 Goluhu wuxuu isla qiray isla maraallo, qorshayaal iyo maalgelin mugleh oo ku addan arrimaha amnniga ,haddan waxaa jira cqabado amni darro in ciidamada Dowlad Goboleedyadu ay yihiin kuwa ugu habboon marka ay timaado la daaallanka xoogagga nabadiidka, waxaase cad in dowladda dhexe ka caga jiideyso garwaaqsiga doorkaa shariifka . sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa dowladda dhexe iyo Beesha Caalamka in ay ciidmada dowlad Goboleedyada laga taageero arrimaha agabka ciidanka , hubka Rasasta iyo Tbabbarka sidii horey la isugu raacay iyada oo gabagabo hadda mareyso tirinta iyo hubinta lagu qiimeeynaayo heerka diyaargarowga howleed.
1.6 ka sokoow inay jiraan dagaallo , qorshayaal iyo maalgelin mug leh oo ku aadan arrimaha amniga, haddana waxaa jira caqabado amni darro oo sii kordhaya taas oo loo tiranyo in ay ugu wacan tahay in ausan jirin isku tashi dhab ah oo soomaaliyeed oo loo dhan yahay , midaas oo la;aanteed at adkaaneyso un soomaalidu amnigeeda gacanteeda dib ugu soo ceshato. sidaas darteed Goluhu wuxuu ku baaqayaa in la abuuro qorshe how fulineed oo dhab ah iyo dadka fulin lahaa oo loo dhan yahay.
2.ARRIMAHA SIYAASADDA:-
Muddadii shirku socday , madaxddu waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha siyaasadaha si guud iyo si gaar ahaaneed kuwa khuseeya dowlad goboleedyada.
2.1 Goluhu wuxuu dhameystiray qaab dhismeedkii Golha iyadoo Wasaaradaha Dowlad Goboleedka intii islehba oo isku shaqo ah {by discipline} loo sameeyey guddi hoosaadyo shaqo {inter-ministerial working Groups} taas oo wax weyn ka tari doonta xiriirka, wadashaqeynta iyo iskaashiga wasaaradaha heer dowlad goboleed.
2.2Goluhuwuxuu soo dhaweynayey horumarka laga gaaray arrimaha siyaasadda iyo goaanka isku dhafida Baarlammaanka Dowlad goboleedka Mudug oo door weyn ka qaadanaya xasiloonida iyo nabadda Galmudug in ay dhammeystiraan arrimaha wali ka qabyada ah wada hadalada waxayna muujinayaan in beesha caalamka iyo deeq bixiyayaashu gacan taageero ah ka geystaan dadaalka nabadeed iyo maamul dhisida ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug.
2.3 sidoo kale waxuu Goluhu soo jdhaweynayaa geeddi socodka wada xaajoodka arrimaha federaaleynta ee u dhaxeeya labada heer dowladeed oo laga sameeyey horumar wax ku ool ah sida habka doorashada iyo kheyraad qeybsiga .
2.4 sida uu qabo qodobka 53aad ee dastuur ,Dowladda Federaalka waa inay kala tashato dowlad goboleedyada arrimaha saameynta ku yeelan kara danaha dadka dowlad gobleedyada si looga fogaado khilaaf siyaasadeed, waana in go'aannada la qaadanaya ay noqdaan kuwo ku saleysan danta dadka iyo dalka .aahiyahooda.
2.5 iyadoo laga duulayo nooca dowladnimo ee dalka Soomaaliya doorteen oo ah hab federaal.Goluhuwuxuu isla qiray in masuuliyadda 1ad ee xal u helidda dhibaatooyinka dhaqaale, amni, ganacsi iyo bulsho ee daka dowlad goboleedyada heysta ama soo food saara, uu waajib ka saaran yahay hoggaamiyayaashooda , sidaas darteed Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa cid kasta oo gacan taageero ka geysan karta b
2.6 Goluhu wuxuu walaac ka muujiey xiriirka mumaanaya ee u dhaxeeya dowladda federaalka soomaaliya iyo waddamada isu tagay EMARAT-KA Carbta iyo Boqortooyada Sacuudiga taas oo loo arko in dowladda dhunac la jirto, wayna caddahay in haddii uu khilaafkani sii socdo saameyn ku yeelan doono.
Xiriirka Soo jireenka ah ee Ganacsi,deegaan,dhaqaale iyo Maaliyadeed ee 3da Dal iyo 3da Shacab wadaagaan,. sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka in ay ka shaqeyso dhankeeda hagaajinta xiriirka iyadoo la tixgelinaayo danaha dadka iyo dalka soomaaliyeed.
2.7 waxaa jira dhaqaale badan oo ku aadan kabidda miisaaniyada dalka oo dowladda dhexe ka heshay dalal iyo hey'ado kale ee deeqbixiiyayaayl ah, mid marka xisaabta dhaxe ee dowladda dhexe ama ha noqoto mid aan soo marin, waxaase dhacda in dhaqaalaas aysan waxaba ka soo gaarin dowlad goboleedyada sidaas Darteed Goluhu wuxuu ku dhiirri gelinayaa dalalkaas iyo hey'adhaas in ay sameeyaan qoondeyn ku saleysan labada heer dowladeed si loo xaqiijiyo isku heynta Dalka.
2.8 Goluhu wuxuu Garowsaday ka maqnaanshaha Dowlad Goboleedka Jubaland ee shirka daahfurka dib u eegista Dastuurka ee ka socda M/Muqdisho, isla markaana waxaa lagu qancay in ay tabashadooda si xal waara looga gaaro ismariwaaga jira oo caqabd ku noqon kara geeddi socodka dib u eegista Dastuurka.
2.9 waxaa jira in aan walila howl gelin xubanihii Dowlad gobleedyadu soo kala magacowdeen guddiga dib u eegista Dastuurka. sidaas darteed Goluhu wuxuu si adag ugu wargelinayaa Wasaaradda Dastuurka ee Dowladda Federaalka in aysan Guddiyada Dastuurku bilaabin wax shaqo ah oo aysan ka mid ahyen xubanaha dowlad goboleedyadu.
2.10 Goluhu wuxuu walaac ka muujinayey faragelinta mar walba lagu hayo hannaanka siyaasadeed ee dowlad goboleedyada taas oo keeni karta amni darro baahda, sidaas darted Goluhu wku baaaqayaa in si deg deg ah loo joojiyo faragelintaas isla markaana xoogga la saaro la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska wadanka .
3-XAALADAHA BANIAADMINNIMO:-
3.1 Dadaadka ka dhashay Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo ay wehliyaan Roobab lixaad leh oo si isdaba joog ah uga da'ayey deegaannada ku dherarsan labada wabi ilaa bartamihii bishi Abriil ayaa khasaare naf iyo maalba leh u geystay deeganno badan oo dalka ka mid ah, sidaas darteed Goluhu wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda federaalka Soomaaliyeed, Ganacsatada,Qurba Joogta, Culimaa'uddiinka, Soomaaliyeed iyo Hey'adaha Samafallka Qaramada Midoobay iyo Deeqbixiyayaasha in ay gurmad degdeg ah oo baniaadminimmo lala gaaro dadka ku nool dowlad goboleedyada hisrshabeelle ,Jubblnad iyo K/Galbeed.
4-GABAGABO IYO MAHADCELIN
4.1 Goluhu wuxuu Madaxweynaha iyo Shacabka Reer K/Galbeed uga mahadcelinayan soo dhaweynta, marti gelinta iyo sugidda ammaanka oo ciidanka K/Galbeed iyo kuwa Amisom si wada jir ah isag kaashadeen.
4.2 Goluhu wuxuu mahadnaq bogaadin aan la soo koobi karin u soo jeedinayaa wadmada walaalaheen ah ee ciidmada soomaaliyeed ugu deqay ee Amisom, kuwa as o la 'aantood aysan suura gal noqoteen in horumar lagu tallaabsan karo laga gaaro arrimaha amniga .
4.3 sidoo kale Goluhu wuxuu u mahadcelin u dirayaa Beesha Caalamka , Deeq Bixiyayaasha AU,EU,Arab League, UK,USA iyo cid kasta oo gacan ka geystay taakuleynta dadka iyo dalka soomaaliyeed.
DHAMMAAD
GOLAHAISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA-GIDG-WARMURTIYEED
Shirka 2aad ee Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo lagu qabtay Magaalo Madaxda KMG ah ee Dowlad Goboleedka K/Galbeed ee Baydhabo ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan xubanaha hogaamiyayaasha Golaha- Madaxweynaha Puntland Md.C/Wali Maxamed Cali