Iniesta oo Si la yaab leh uga hadlay wararka Neymar lala xiriirinayo Barcelona
Xiddigga ka huleelaya kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa aaminsan in haddii uu Neymar kusoo laabto Camp Nou ay tahay arrin aan la rumeysan karin.
Iniesta ayaa qaba in ay noqon doonto wax qariib ah ama aan la fili karin inay dhaceyso haddii uu arko Neymar oo ciyaaryahan Barcelona ah.
"Uma maleynayo inay dhibaatooyin ka jireen qolka labiska, balse aniga waxa ay ila tahay inay tahay lama filaan haddii aan isaga (Neymar) ku arko Barca,” ayuu yiri kabtanka kooxda Barcelona.
Balse kubad naqshadeeyaha kooxda Barcelona ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu Greizmann ku arko kooxda Barcelona, laakiin uusan ka war qabin waxa dhici doona mustaqbalka.
Andres Iniesta ayaa meel dheer geeyay suuto galnimada inuu Neymar kusoo laaban karo kooxda Barcelona.