
HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA MAY 2018-KA
141Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3Xildhbaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen.
Xeerkan ayaa daraad golaha wasiirada xukuumadda FS ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad.
Kulankan ayaa waxaa shalay shir gudoominayay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee dhowaan la doortay Maxamed Mursal Sheekh.
RA’IISUL WASAARE KUXIGEENKA SOOMAALIYA OO BOOQDAY DEEGAANNA DA GOBALKA GEDO EE FATAHAADUHU SAAMEEYEEN
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa daraad booqasho ku tagay gobalka Gedo gaar ahaan magaalooyinka Baardheere, Luuq iyo Doolow, si uu ugu kuur galo xaaladda deegaannada ay saameynta ku yeesheen fatahaaddii ka dhalatay roobabka iyo wabiyada.
Safarkiisa R/w kuxigeenka waxaa ku wehliyay Wasiirro, Xildhibaano, Culimo, Haween, Dhalinyaro, iyo guddiga Qaran ee gurmadka fatahaadaha waxa uuna ugu horeyn ka dagay magaalada Baardheere, halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Maamulka degmada Baardheere iyo kan gobalka ayaa ka mahad celiyay booqashada wafdiga iyaga oo uga warbixiyay xaaladda taagan, intaa kadib RW ku xigeenka ayaa kulamo la qaatay qeybaha ay bulshada, waxuuna ka mahad celiyay soo dhaweynta balaaran ee loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo waxa uun tagay xaafadaha ay daadku ku rogmaday si u arko saameenta ay ah shacabka Ku yeesheen fatahaada wabiga.
"Muhiimada socdaalkayagu waxuu ahaa in aan qiimayno xaaladd gobolka, si gurmad dhameestiran loo sameeyo, mar walbana waxay dawladdu diyaar u tahay in ay waxkasta ku bixiso xaaladan taagan." Ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Ku xigeenku.
Guddiga qaran ee gurmadka Fatahaada ayaa ayaa maamulka ku wareejiyay marakaneecooyin iyo Baco, si loo siiyo qoysaska Xaafadahoodii biyaha uga barakacay iyada oo R/wasaare kuxigeenku uu sheegay in Guddiga qaran ee gurmadka Fatahaada ay $100,000 oo hordhac ah ku wareejinayo maamulka gobalka Gedo, si ay bilow uga noqoto gurmadka.
Wafdiga ayaa intaas kadib wuxuu u gudbay Luuq iyo Doolow oo sidoo kale si heer sare ah loogu soo dhaweeyay, waxa uuna ku hor maray magaalada Luuq halkaas oo Mudane Khadar uu marakaneecooyin iyo Baco ku wareejiyay maamulka halkaas ka jira.
Wafdiga oo ugu dambeyn ka degay Doolow ayaa socdaal dheer ku dhex maray magaalada gudaheeda gaar ahaan xaafadaha ay fatahaaduhu saameeyeen, waxayna warbixino ka dhageesteen Wasiirada Arrimaha Gudaha Amniga ee Jubaland kuwaas oo sharaxay xaaladda halka ay taagantahay.
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay u gargaaraan walaalahooda dhibaateysan, isaga oo dhanka kale balanqaaday in dawladdu ay garab taagantahay dadkeeda meel kasta oo ay ku suganyihiin.
DIYAARADAHA DAGAALKA SACUDI CAR ABIYA OO DUQEEYAY MADAXTOOYADA M/SANCA
Duqeyn cirka ah oo ay ciidamada huwanta ee uu hogaamiyo Sacudi Carabiya ku qaadeen madaxtooyada caasimada Yemen ee Sanca ayaa waxaa ku dhintey lix ruux halka soddon kalana ay ku dhaawacmeen,sida ay sheegeen xarumaha caafimaadka.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duhurnimadii shalay oo Isniin ah ay dhowr jeer gantaalo ku rideen madaxtooyada waxana taleefishinka ay maamulaan mucaaradka xukuumada Yemen AlMasirah uu ku eedeeyay weerarka isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudi Carabiya.
Isbahaysiga uu hogaamiyo Sacudi Carabiya ayaa waxa ay bilaabeen inay gudaha u galaan dalka Yemen si ay u taageeraan xukuumada la aqoonsan yahay ee dalkaas sanadkii 2015kii.
Hase yeeshee weerarka gantaalada ee shalay lala beegsaday Madaxtooyada magaalada Sanca ayaa yimid saacado kadib markii gantaalada balaastikada ah ay Xuutiyiintu ku rideen gudaha boqortooyada Sacudi Carabiya. Balse gantaaladaas ayaa la sheegay in hawada sare lagu qarxiyay oo aysan ka dhalan wax qasaare ah.
Afhayeenka isbahaysiga Sacudiga uu hogaamiyo Colonel Turki alMaliki ayaa sheegay gantaalo laga soo ridey waqooyiga Yemen laguna soo ridey meel ay shacab degen yihii balse ciidamada Sacudi Carabiya ay ka hortageen oo ay hawada ku qarxiyeen.
Tan iyo bishii November ee sanadkii hore kooxda Xuutiyiinta ayaa kordhiyay inay gantaalo ku ridaan Sacudi Carabiya.
Khilaafka ka jira dalka Yemen ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan toban kun oo ruux halka tobanaan kun oo kale ay ku dhaawacmeen,malaayiin kalana waxa ay qarka u saaran yihiin macluul iyadoo qaramada midoobay ay ku tilshalayy xaalada dalka Yemen tan ugu daran ee xaalad bani’aadanimo ee caalamka ka jirta.
DAYACTIR KA SOCDO DHISMAHA XARUNTA GOLAHA SHACABKA EE BAARLAMAANKA ..
Dayactir xoogan ayaa ka socdo xarunta golaha Shacabka oo ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Sawiro laga soo qaaday xarunta ayaa muujinayo dayactir balaaran oo xarunta laga wado, waxaana kormeeray guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.
Maalintii daraad waxaa la bilaabay hagaajinta xarun Kumeel gaar ah oo la doonayo in laga dhiso Xarunta Villa Hargeysa, halkaasi oo xildhibaanada ay ku shiri doonaan inta xarunta weyn laga dhisayo.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in xildhibaanada qaar ay walaac ka muujinayaan in dhismaha Aqalka golaha shacabka gabi ahaanba la dumayo, maadaama ay ka baqayaan in sida uu hadda u adag yahay loo dhisi waayo.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO LA KULMAY DANJIRAHA NORWEY U FADHIYA SOOMAALIYA
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines, ayaa kala hadlay xaluhelidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha iyo Horumarinta caasimada.
HALKAAN KA AKHRISO :- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA MAY 2018-KA
BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO ANSIX IYAY XEERKA LAGU AASAASAY BAARLAM AANKA MIDOWGA AFRIKA Kulanka golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay lagu ansixiyey hab maamuuska xeerka lagu aas aasay Baarlamaanada Midawga Africa, kaas o