
HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA MAY 2018-KA
Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in uu daraad soo iibsaday qoriga loo yaqaano AK 47.
Ruuxa dadka laayay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdul qaadir Caddaan, waxaana dadka uu dilay lagu kala magacaabaa Xaawo Maxamuud Caddaan oo ah Walaashiis, C/llaahi Maxamed Yalaxow iyo Maxamed Tuuryare oo ay Ilmo Adeer ahaayeen iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Xaliimo Xuseen Cali Kowshe.
Maamulka degmada Wadajir ayaa xaqiijiyay dhacdadaan , waxaana ilaa iyo hadda aan la helin Faahfaahin ku saabsan dhacdadaan xanuunka badan.
RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO FAAH FAAHIYEY HESHIISYADII UU LASOO GALAY MADAXDA MIDOWGA YURUB
`Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo Shalay dib ugu soo laabtay dalka kadib markii shir uu uga qeyb galay dalka Biljamka ayaa waxa uu ka hadlay shirkii uu ka qeyb galay iyo kulamo uu la qaatay masuuliyiin uu la kulmay iyo heshiisyadii dhexmaray.
Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Biljamka oo ay ka wada hadleen Iskaashi dhanka arrimaha Amniga,sidoo kale Madaxa ugu sareeya Midowga Yurub iyo Madaxda Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Horumarka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhammaan Safiirada Midowga Yurub uu kala hadlay arrimaha Soomaaliya sigaar ah xaalada Soomaaliya iyo sidii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga dalka.
Waxa uu sheegay in Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya ku hesiiyeen qodobadaan Soo socda
HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA MAY 2018-KA
Dilku waxa uu ka dhacay halka loo yaqaaano sifeeynta badroolka oo ku taalla duleedka degmada wadajir. Ninkaan hubeysan ayaa dilay Xaaskiisa iyo sidoo kale Saddex qof oo kale ka dibna isaga ayaa Isdilay.