Hordhac: Barcelona Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta

0
Sunday May 06, 2018 - 07:27:01 in Wararka by
  • Visits: 421
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Barcelona Vs Real Madrid: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Ugu Qiimaha Badan Kubada Cagta

    Kooxda iska xaadirisay Finalka Champions League ee Real Madrid ayaan Kooxda Barcelona u samayn doonin wado sharaf ka hor kulanka El Claisco ee ka dhici doonta Camp Nou.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda iska xaadirisay Finalka Champions League ee Real Madrid ayaan Kooxda Barcelona u samayn doonin wado sharaf ka hor kulanka El Claisco ee ka dhici doonta Camp Nou.

Barcelona ayaa wado sharaf u samaysay Real xilli ciyaareedkii 2008 markii ay kooxda caasimadu ku guulaystay horyaalka La Liga.

Laakiin Zinedine Zidane ayaa ka carooday markii ay Barcelona diiday in ay wado sharaf u samayso kooxdiisa kadib markii ay guulaysteen tartanka club World cup-ka.

Dhanka Kale kooxda Barcelona ayaa isha ku ahaysa in ay horyaalka ku dhamaysato guuldaro la,aan kadib markii ay ku guulaystay Axadii hore.

Kulanka: Barcelona Vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

 

Wakhtiga: 9:45 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona Kulankii 238-aad Ee El Clasico Ee Tartamada oo dhan Kooxda Barcelona ayaa badisay 93 kulan halka ay Real Madrid badisay 93 kulan.

Barcelona ayaa ku fashilantay in ay guul gaarto 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee El Clasico ee ay ku ciyaartay Camp Nou tartamada oo dhan 1 kulan bar-baro ayay gashay laba kale waa laga badiyay Kulankii ugu dambeeyay ee ay Real Madrid ku garaacdo Camp Nou ayaa ahaa March 2015.

Real Madrid ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee gaarta 400 oo Gool kulanka El Clasico waxa ay haatan leedahay 399 gool halka ay Barcelona Leedahay 387 gool.

Barcelona ayaa gaari karta guusheedii 50-aad ee garoonkeeda ay kula ciyaarto Real Madrid kaliya 4 kooxood ayay Camp Nou kaga badisay intaas in ka badan Espanyol (66), Athletic (61), Real Sociedad (60) & Sevilla (57).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip