
Ninkii Ka Danbeeyay Gabar Lagu Dilay Tooreey Kadibna La Gubay oo La Helay
Maxkamad ku taal Koofur Afrika ayaa ayaa nin u dhashay dalkaasi ku heshay dambi ah in uu dilay gabadh ay saaxiibbo ahaan jireen oo jirtay 22, kadib markii uu dilay meydkeedauu gubay.
Dilka haweyneeyda ayaa aad looga argagax qeybo kamid ah Koofur Afrika, kadib markii Maxkamadda sare ee ku taalla magaalada Johannesburg ay dacwaddii ku soo gunaanaday in Sandile Mantsoe uu tooriyeeyay Karabo Mokoena uuna isku dayay in uu dambiga ku qariyo in uu maydkeeda gubo.
Dumar badan ayaa bilaabay in ay baraha bulshda aad u adeegsadaan iyaga oo astaan ka dhigtay #MenAreTrash. Kana careysan dilka loo geystay gabdha oo hadana meydkeeda la gubay.
Wadanka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan kufsiga ugu badan iyo dilka dumarka loogaysto, waxaa sido kale dalkaasi ku badan dadk burcada ee hantida dadka dhaca hadana dila.
Waxaa koofur afrika laga diiwaan galiya sanadkii walbaa 40,000 oo kiis oo kufsi ah oo loo geysto haweeynka, u dhashay wadanka iyo kuwa kale ee soo galootiga ku ah dalka koofur afrika.
Ninkii Ka Danbeeyay Gabar Lagu Dilay Tooreey Kadibna La Gubay oo La Helay
Nin u dhashay Koonfur Afrika ah ayay maxkamadi ku heshay dambi ah in uu dilay gabadh ay saaxiibbo ahaan jireen oo 22 jir ahayd ka dibna uu gubay.