
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA ABRIIL 2018-KA
Sidoo kale qoraayaal iyo qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Qaranka ayaa ka qeyb galay kulanka. Aragtiyo badan oo dhaxal gal ah ayey soo jeediyeen wariyaashii ka qeyb galay kulanka, waxaana ugu muhiimsanaa in dhaqaale aruurin iyo soo dhoweyn weyn loo sameeyo xulka 17 jirada Somalia.
Waxaa la isku af gartay olole 7
cisho socon doona oo ay idaacaduhu dhaqaale uga aruurin doonaan dhageystaashooda
iyo ganacsiyada ay la macaamilaan, goobta waxaa sidoo kale looga dhawaaqay
guddi la baxay #CAAWIN-QARANoo wariyaal ah kaas oo la kulmi doona siyaasiyiinta
iyo madaxda Dowladda si loogu bandhigo iney dhallinyaradaas caawimaad Qaran u
sameeyaan.
Maxamed Shuuriye Barakaat oo ka
tirsan Universtaltv ayaa loo doortay gudoomiyaha guddiga #CaawinQaran halka
Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos oo ah agaasimaha idaacada Goolfm loo doortay
Xoghayaha Guddiga CAAWIN-QARAN.
Burhaan Diini Faarax agaasimaha idaacada
Kulmiye iyo Maxamedkaafi Shiikh Abuubakar tafaftiraha Radio Muqdisho ayaa loo
doortay iney noqdaan labada qof ee lagu shubaayo dhaqaalaha laga soo aruuriyo
qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
XUBNAHA GUDDIGA CAAWINQARAN WAXAA KA MID AH.
1Maxamed
Shuuriye Barakaat
2Abdiasis Hasaan
Mohamed
3Cabdulaahi
Cismaan Faarax
4Burhaan Diini
Faarax
5Cabdulaahi Daahir Siyaad Dhakoos
6Maxamedkaafi
Shiikh Abuubakar.
7C/fitaax
Maxamuud Siyaad Arizona.
8Maxamed Cabdi
Muudey.
Guddiga CaawinQaran wuxuu si joogto
ah usoo gudbin doona hadba heerka ay mareyso deeq aruurinta iyo cida wax ku
tababarucday.
Fadlan ku caawi qarankaaga wixii aad
awoodo, adigoo la xiriiri kara guddiga #CaawinQaran ama idaacadaha ay lacag
aruurintu ka socoto.
Wixii aad guddiga kusoo hagaajineysid
ku dir
Burhaan Diini FaaraxAgaasimaha Radio
KulmiyeTell +252615108019
Maxamedkafi Shiikh AbuubakarTafaftiraha
Radio Muqdisho Tell +252615118508
Cabdulaahi
Cismaan Faarax
Xiriiriyaha
#CaawinQaran
FAAH FAAHIN QARAX GAARI OO KA DHACAY MAGALADA MUQDISHO
Qaraxaan ayaa shalayy waxa uu ka
dhacay agagaarka Xarunta Hay’adda Unicef ay ku leedahay degmada Waaberi,waxana
la sheegay in uu ahaa mid gaari lagu xiray kadibna uu qarxay.
Dadka deegaanka qaarkood oo aan la
hadalnay ayaa waxa ay Dalsan sheegeen in gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano
PREMIO uu yaallay meel Wadada agteeda ah,isla markaana ay ciidamadu ka
shakiyeen balse daqiiqado akdib uu qarxay.
Warar aan helnay ayaa waxa ay
sheegayaan in gaariga uu lahaa Shaqsi u Shaqeynayay dowaldda Soomaaliya balse
aan weli la xaqiijin halka uu sida rasmiga uga shaqeynayay,isla markaana aan
wax khasaaro ah kas oo gaarin qaraxaas.
Mudo daqiiqado ah ayaa waxaa xirnaa
isu socodka dadka io Gaadiidka wallow markii dambe dib loo furay Wadada.
Maamulka degmada Waaberi weli wax
faah faahin intaasi dheer ah kama biixn qaraxaas gaari ee shalayy ka dhacay
gudaha degmada Waaberi.
KENYA OO QAADDAY TALAABO KA DHAN AH DADKA HEYSTA DIINTA
ISLAAMKA
Hablo ka tirsan Kenya Medical
Training College ee ku yaalla Mwingi dalka Kenya ayaa laga mamnuucay isticmaalka xijaabka inta ay ku guda
jiraan xiisadda.
Muslimiinta dhigta machadkan ayaa
dhibaatooyin badan la kulmayay marka loo geeyo xijaabka iyo waxyaabaha diiniga
ah in ay ku isticmaalaan gudihiis.
"Hablahenna Muslimka ah ma awoodaan
in ay xijaab ku galaan iskuulka, waarddiyayaasha ayaa u diida i ay gudaha u
galaan, ka hor inta aan la gaarin maamulka iskuulka, horey ayaan uga dignay
arrinkan, waa in ay wasaaradda arrimaha dibadda soo fara gelisaa, si wax looga
qabto” ayuu Cabdillahi Xasan u sheegay wargeyska Nation ee kasoo baxa gudaha
dalka Kenya.
Dumarka ayaa laga mamnuucay in ay
isticmaalaan xijaabka tan iyo markii is baddal uu ku yimid maamulka iskuulka
Kenya Medical Training College, taas oo keentay in dhibaato ay ku dareemaan
ardayda dhigata iskuulkaas.
Falkan ayaa noqonaya mid ay ka
xumaadaan Muslimka tirada badan ee ku dhaqan gudaha dalka Kenya, maaddaama uu
yahay mid la isku cunsuriyadeynayo diinta Islaamka
MAREYKAN KA OO SHIINNAHA KA SHAKIYAY IYO DIGNIIN LAGU SOO
ROGAY DIYAARADAHA U.S.A. EE ISTICMAALA JABBUUTI
Kala shaki ayaa soo kala dhaxgalay
talisyada ciidamada Mareykanka iyo Shiinaha ee ku sugan Wadanka Jabuuti ee
dhaca Bariga qaaradda Afrika.
War kasoo baxay hay’adda Hawada Mareykanka
ayaa looga digay duuliyayaasha diyaaradaha taliska AFRICOM in aysan isticmaalin
hawada halka uu kuyaal saldhigga melleteri ee dowladda Shiinaha.
Hay’adda ayaa sheegtay in dowladda
shiinaha ay qalab casri ah ku rakibtay saldhigeeda Jabuuti kaasi oo
waxyeellaynaya duuliyayaasha diyaaradaha Mareykanka.
Digniintan ayaa loo gudbiyay
dhammaan askarta iyo saraakiisha Taliska ciidamada AFRICOM, dowladda Shiinaha
ayaa saldhigeeda Jabuuti ku rakibtay qalab shoocaac ku furaya diyaaradaha
melleteri.
Duuliyayaasha
diyaarada ayaa lagula taliyay in ay isticmaalaan jaakado yareyn kara halista ka
imaan karta shoocaaca dowladda shiinaha ay ku rakibtay saldhigeeda Jabuuti.
Saraakiisha
Americanka ah waxay duuliyayaashooda Jabuuti ku sugan ugu baaqeen in dhoolatus
aysan ku sameyn karin fogaan dhan 750 Mitir, wadanka Jabuuti waxaa saldhigyo
ciidan ku leh quwado caalami
WASIIRKA SOCDAALKA CANADA OO UGU BAAQAY SOOMAALIYA IN AY
SAFAARAD KA FURATO CANADA
Axmed Xuseen Wasiirka Socdaalka iyo
Jinsiyadaha Dalka Canada , islamarkaana ah Muwaadin Soomaaliyeed ayaa waxaa uu
dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ugu baaqay in ay safaarad ka furato Magaalada
Toronto ee dalka Canada.
Waxaa uu sheegay Wasiir Axmed in
taasi ay sare u qaadi doono xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Canada.
Axmed Xuseen Waxaa uu sheegay in
uusan hadda jirin xiriir diblomaasiyadeed oo toos ah oo ka dhaxeeya Dalalka
Canada iyo Soomaaliya,taasna ay sabab u tahay in labada dal aysan iska
warqabin.
Waxaa uu sheegay in Dawladda Kanada
ayaa ugu deeqdey Soomaaliya lacag gargaar ah oo wadarteedu dhantahay 18 Million
oo dollar, oo loogu talogalay dadka abaarta iyo roobabku saameeyeen ee danyarta
ah.
Waxaa uu sheegay in ay ku qasban
yihiin in ay lacagtaasi ay marsiiyaan Hay’addaha Qaramada Midoobey Maadaama
dowladda Soomaaliya aysan Safaarad ku laheyn Canada
CIRRO "SICIR BARARKA KA JIRA S/LAND WAXA SABAB U AH DP WORLD”
Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay
magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka
Wadani ee maamulkaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxa uu uga hadlay
arrimaha sicir bararka ee ka taagan maamulkaasi Soomaaliland.
C/raxmaan Cirro ayaa xusay in sicir
barar ballaaran uu haatan ka jiro deegaanada Soomaaliland, taasina ay
sababteeda qeyb ka tahay shirkadda Dp World ee lagu wareejiyay maamulka Dekedda
Berbera.
Sidoo kale waxa uu sheegay in
shirkadaha Qaadka geeya deegaanada maamulkaasi ay kaalin weyn ku leeyihin sicir
bararkaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in wax Akoona ah aysan ku lahayn Bankiga
Dhexe ee Soomaaliland.
Ugu dambeyn guddoomiyaha Xisbiga
Wadani C/raxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay madaxda S/land in ay indhaha ka
laabteen wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.
MADAXWEYNE GAAS OO LAGU EEDEEYAY IN UU KU XAD GUDBAY MADAX
BANAANIDA DALKA
Faarax Macalin guddoomiye ku
xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya oo haatan booqasho ku jooga
magaalada Muqdisho ayaa eedeymo kulul u jeediyay Madaxweynaha Puntland C/weli
Maxamed Cali Gaas.
Ugu horreyn Faarax Macalin ayaa
dhaliilay socdaalka uu Madaxweyne Gaas ku tagay dalka Isu Taga Imaaraadka
Carabta, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in madaxda maamul goboleedyada
safarada nuucani oo kala ah ay ku soo wargaliyaan dowladda dhexe ee federaalka
Soomaaliya.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay in
C/weli Maxamed Gaas Madaxweynaha Puntland uu ku xad gubaday madax banaanida
Soomaaliya, islamarkaana uu danihiisa gaarka ah ka doorbiday Qaranka
Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.
MAAMULKA GALMUDUG OO CAMBAAREEYAY QARAX KA DHACAY MAGAALADDA
GAALKACYO
Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlad
Goboleedlka Galmudug ayaa lagu cambaareeyay Qarixii shalay ka dhacay Magaalada Gaalgacyo ee Xarunta
Gobolka Mudug.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay
Galmudug ayaa u qornaa sidan:
Dowladgoboleedka Galmudug waxa ay ka
tacsiyeyneysaa geeridii shalay ku timid allaha u naxa riistee Saraakiishii
ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka Guul wade Gobolka Mudug
oo Alshabaab shalay ku dileen qarax miino oo ka dhacay meel lagu qaxweeyo oo ku
taala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dowlada Goboleedka Galmudug waxa ay
Cambaareyneysa cid kasta oo ka danbeysay falkaan foosha xun laguna dilay
Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka, gaar ahaan Ururka Guulwade ee dagan
gobolka Mudug, waxaan codsaneynaa in Cadaaladda la hor keeno Cid kasta oo falkaan
raad ku yeelata laguna sameeyo baaritaan dhab ah.
Saraakiisha dhimatay waxaa ka mid ah
allaha u naxariistee Taliyihii Ururka Guul wade Ciidanka Xooga dalka
Soomaaliyeed G/Sare Xoreeye, laba ka tirsan saaraakiil ciidan iyo labo ka mid
ah Askarta Dowladda.
Waxaan geeridaan xanuunka badan iyo
murugadeeda la qeybsaneynaa dhamaan Eheladii iyo Ciidmada xooga dalka
Soomaaliyeed, waxaana allaah uga baryeynaa in uu Naxariistiisa ka waraabiyo
RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO GUDDI U SAARAY FATAHAADA WABIGA EE
BELEDWEYNE
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shalay guudi ka kooban 22
Xubnood u saaray musiibada ka taagan magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka
Hiiraan, taasoo ka dhalatay fataahadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle.
Gudiggan uu mudane Xasan Cali khere
u saaray masiibadaasi ka taagan Magaalada Bladweyne ayaa ka kooban 22 xubnood,
kuwaa soo isugu jiro Wasiiro ta tirsan Xukuumadda Soomaaliya , Xilidhinaanno
iyo Bulshada Riyadka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali khere ayaa sheegay in Dowladda
Soomaaliya ay dadaal kasta kubixneyso sidii Dadkaasi loo badbaadin lahaa,
isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay usu gurmadaan.
Guddigaas ayaa waxaa hor kacaya
Ra’iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxaana laga
sugayaa in ay ka jawaabaan mashaqada ka taagan magaalada Beladweyne.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa dhanka
kale shalay Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wasiirada iyo Hay’adaha Deeq
bixiyaasha ee ka howlgalo Soomaaliya kala hadalay Masiibada xiligan ka taagan
Gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne,si looga jawaabo Fatahaadda
Wabiga Shabelle.
kulankaasi ayaa inta uu socday diiradda
lagu saarayaa habka looga jawaabayo Saameynta fatahaadda iyo sida ugu
dhaqsiyaha badan ee shacabkaasi gargaar loo gaarsiin karo.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO GOOBJOOG KA NOQON DOONA FINALKA
CIYAARTA XULKA 17JIRADA SOOMAALIYA & TANZANIA
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa go’aansaday inuu goobjoog ka noqdo finalka
koobka bariga & bartamaha Africa oo ay cayaarayaan wiilasha 17jirada ah ee
dalkeena.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka
Burundi si uu goobjoog ka noqdo finalka koobka bariga & bartamaha Africa oo
ay Cayaarayaan Xulka 17jirada ah ee Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay oo Xulka
Soomaaliya ay soo gaaraan kama dambeysta koobka bariga iyo bartamaha
afrika,iyada oo Shacabka Soomaaliyeed ay aad u soo dhaweeyeen.
QM OO QAXOOTI SOOMAALIYEED DIB UGU SOO CELISAY DALKA
Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay
ee UNHCR ayaa sheegtay in dhawaan ay Soomaaliya dib ugu soo celisay 85 ruux oo
Soomaali ah, kana mid ahaa Qaxootiga Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
UNHCR ayaa sheegtay in Qoysaskaasi
ay ka dejisay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo,waxaana sarkaal ka
tirsan hay’adda uu sheegay in dadkaasi lagu celiyey dalkooda, iyadoo aan la
qasbin.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in
ay sii wadi doonaan barnaamijka dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ah ee ku
jira Xeryaha Dhadhaab ee Dalkaasi Kenya.
UNHCR ayaa tilmaamatay in dib u
celinta Qaxootigaasi ay u adeegsanayaan dhinaca duulimaadyada diyaaradaha, maadaama
ay weli adag tahay in la adeegsado dhulka oo ay roobab ka da’een.
Dowladda Kenya ayaa Sanadkii 2014KII
shaacisay in gebi ahaanba la xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo hooy u ah
boqolaal kun oo Qaxooti Soomaali ah.
Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa sheegay
in tan iyo Sanadkii 2014kii ay Soomaaliya ku soo celiyeen 76,000 Qaxooti ah,
kuwaas oo dib u celintooda ay iska kaashadeen dowladaha Kenya, Sooma liya iyo
hay;adda UNHCR.
KUMANNAAN QOF OO KA FIRXAYA COLAADDA KA ALOOSAN XUDDUUDA
MYANMAR & SHIINAHA
Ugu yaraan 10,000 oo qof ayaa la
rumaysan yahay inay carareen guryahoodii gobolka Kachin sanadkan.
Ku dhawaad 4,000 (Afarkun) oo qof
ayey qasab ku noq otay inay ka baxsadaan guryahooda tan iyo bishii April sida
ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo ay
muddo soo taagnayd colaadda u dhaxeysa ururka madaxbannaanida ee Kachin ee
magaciisa loos oo gaabiyo (KIO) iyo ciidamadda dawladda taasi oo haatan soo
xoogaystey.
Waxaa sidoo kale jira kumaan kun oo
qof oo barakacay iyadoo ay jirto cabsi ah in dad badan ay ku xanniban yihiin
dee gaanadda ay xiisaddu ka aloosan tahay ee u dhaxeeya xudduuda dalkaasi uu la
leeyahay Shiinaha. Urarrada gargaarka ayaa ka dalbanaya dawladda inay u
ogaalato inay gaaraan dadkaasi.
"Walaaceena ugu weyn waa
ammaanka rayidka oo ay ka mid yihiin haween uur leh, dad waayeel ah, caruur
yaryar iyo dadka lixaadka la'a" sidaasi waxaa yiri Mark Cutts oo ah madaxa
xafiiska isku xirka hawlaha gargaarka ee Qaramada Midoobay oo la hadlay
wakaaladda wararka ee AFP.
"Waa inaynnu xaqiijinta in dadkaasi
la ammaan galiyo" ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Waa kuma
fallaagada Kachin ?
Tan oo lagu daray xiisadda Rohingya
ee galbeedka Myanmar (oo sidoo kale loo yaqaan Burma),waqooyiga wadanka waxaa
laga dareemayaa isku dhacyo ay ku lug leeyihiin dadka laga tirada badan yahay.
Dadka Kachin oo badankoodu yihiin
Kiristhaan ayaa u dagaalamayey inay ka helaan mad axbannaani balaaran wadankaas
oo ahaa dal Buddhisti ah tan iyo sanadkii 1961kii.
Guud ahaan Gobolka Kachin iyo gobolka
Shan ee dhaca waqooyiga dad lagu qiyaasay 120,000 (Boqol iyo labaatan kun) ayaa
dagaaladdu barakaciyeen.
Dowladda Myanmar ayaa lixdii sano ee
la soo dhaafay waxay doonaysay inay heshiis nabadeed la gasho kooxaha kacdoonka
wada ee ka soo jeeda bulshada laga badan yahay, sida uu leeyahay wariyaha BBC
ee Koonfurta Aasiya Jonathan Head.
Laakiin dagaaladda ay ku lugta
leeyihiin kooxda aadka u hubaysan ee KIO ayaa socdey kuwaasi oo wali ah mid ka
mid ah kooxaha ugu awoodda badan xooggaaga mucaaradka.
Maxaa colaadda
sare u qaaday?
Dagaaladda isdaba jooga ah ayaa
socday tan iyo markii ay burburtay xabad joojintii u dhaxeysay falaagadda KIO
iyo ciidamadda sanadkii 2011.
Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa
carabka ku dhuftay in ciidamaddu ay kordhiyeen hawlgalkooda intii indhaha
caalamku ku soo jeedeen dhibaatadda Rohingya taas oo ku dhawaad 700,000 (Todobo
boqol oo kun) oo qof ay u baxsadeen wadanka Bangladesh.
Maxay jawaabta
caalamiga ah?
Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi
ayaa lagu dhalliilay ku guuldaraysashada soo afjaridda gaboodfallada xuuqda
aadanaha ka dhanka ah iyo xannibaada hawlaha gargaarka. Qaramada Midoobay ayaa
ugu baaqday xukuumadda inay joojiyaan beenninta wararka xadgubyada ka dhacaya
Kachin.
Geesta kalena safaaradda Mareykanka
ee magaalada Yangon ee Burma ayaa farta ku fiiqday inay 'aad uga
walaacsantahay' dagaaladda xooggan ee ka soconaya gobolka sida lagu sheegay
warsaxaafadeed Jimcihii soo baxay oo lagu yiri;
"Waxaan ugu baaqaynaa dawladda
oo ay ka mid yihiin ciidamadda inay ilaaliyaan dadka shacabka ah isla markaana
ay ogolaadaan gargaarka bini'aadamtinimo ee loo fidinayo dadka ay colaadu
saameysay" ayaa lagu yiri.
XILDHIBAAN KHALIIF CABDULLAHI KHALIIF OO MUQDISHO KU
GEERIYOODAY
Allaha unaxariistee, Waxaa xalay
Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Khaliif C/llaahi Dheere oo
katirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaankan 10aad.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in xildhibaanka uu xanuunsanaa maalmihii lasoo
dhaafay.
Xildhibaanka ayaa sadexdii maalin ee
ina dhaaftay ku jiray Isbitaal ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana uu
geeriyooday xalay ugu dambeyntii.
Xildhibaan Khaliif Sheekh Cabdullahi
ayaa kasoo jeeday deegaanada Maamulka Koofur Galbeed .
HALKAAN KA AKHRISO:- WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 29-KA ABRIIL 2018-KA
WARBAAHINTA MUQDISHO OO KU DHAWAAQDAY OLOLE WAX LOOGU ARUURINAAYO XULKA 17 JIRADA SOMALIA Madax iyo wariyaal ka socday idaacadaha iyo TVyada Muqdisho ayaa shalay isugu yimid kulan ay kaga wada hadleen sida ugu macquulsan ee dhiiri gali