
Hotelada magaalada Muqdisho oo looga digay in lagu qabto xaflado lagu xusayo ciida Chrismiska
"Waxaa igu maqaalo ah in hotelada Muqdisho qaarkood ay isku diyaarinayaan iney sameeyaan xaflado lagu xusayo ciida Kirismiska, waxaan ka digeynaa arintaas shacabkan waa islaam, ciida la sheegayana gaalo ayaa sameysatay, waxaana ku baaqeynaa inaan umadda laga fasahaadin diinteeda, arimahaas haddii ay jiraana si adag looga hortago” ayuu yiri Gudoomiye ku-xigeenka.
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan ayaa sheegay in dadka muslimiinta ah ay leeyihiin labo ciidood oo kala ah Ciidul Fitri iyo Ciidul adxaa, ayna ka xariman tahay iney u dabaal-degaan ama ka qeyb qaataan ciido ay leeyihiin dad diimo kale heysta.
"Arintan waxay marmarsiiyo fiican u yeeleysaa Al-shabaab oo dadka ay duufsadaan u sheegaya in meesha aysan kaa jirin diin, hoteladiina lagu dhigayo xaflado ciida gaalada loogu dabaal-degayo diimaha gaalada sidaa awgeed waa in laga waantoobaa” ayuu yiri Shiikh Nuur Baaruud.
xigasho:-dayniile.com
Hotelada magaalada Muqdisho oo looga digay in lagu qabto xaflado lagu xusayo ciida Chrismiska
Heyadda Culimada Soomaaliyeed ayaa uga digtay hotelada magaalada Muqdisho in lagu qabto xaflado lagu xusayo ciida loo yaqaano Kirismiska oo ku beegan 25-ka bishan Disembar oo maalmo kooban ay naga xigaan.