HALKAAN KA ALHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 22-KA BARIIL 2018-KA

0
Sunday April 22, 2018 - 07:21:59 in Wararka by
  • Visits: 787
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ALHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA OO AH AXAD 22-KA BARIIL 2018-KA

    MADAXWEYNAHA IRAN OO KU HANJABAY IN AY TALAABO AAN LA MALAYN KARIN QAADI DOONAAN HADII MARAYKANKU KA BAXO.. Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu qaado talaabooyin la "filan karo iyo kuwo aan la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA IRAN OO KU HANJABAY IN AY TALAABO AAN LA MALAYN KARIN QAADI DOONAAN HADII MARAYKANKU KA BAXO.. Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa ku hanjabay in dalkiisu diyaar u yahay in uu qaado talaabooyin la "filan karo iyo kuwo aan la malayn karin ba"

 

hadii Maraykanku ka baxo heshiiskii nukliyeerka ee dhex maray Iran iyo qu-wadaha waaweyn.

Ruuxaani oo khudbad ka jeediyey telefishanka dalkiisa ayaa waxa uu yiri "wakaaladayada tamarta nukliyeerku waxay heegan buuxa ugu jirtaa in ay qaado talaabooyin ay filan karaan iyo kuwo kale oo aanay malaysan karin", erayadaas oo loo qaatay in uu kaga hadlayey suurto galnimada uu mada-xweynha Maraykanka, Donald Trump, dalkiisa kaga saari karo heshiiska nu-kliyeerka.

Trump ayaa caadaystay inuu duro heshiiskaas waxaanu ku tilmaamaa oo yidhaahdaa "waa mid ka mid ah hes-iisyadii ugu xumaa ee aan arkay".

Madaxweynaha Maraykanku waxa uu sidoo kale Iran ku eedeeyey in ay ku xadgudubtay heshiiska nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha waawayn saddex sanadood ka hor.

Hase yeeshee Iran waxay iyaduna had iyo goor sheegtaa in ay xaq u lee-dahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barna-amijkeeda nukliyeerku yahay mid naba-gelyo oo keli ah.

Hogaamiyayaasha Carabta oo ka digay faragalinta Iiraan ee arrimaha gobolka

Qiimo dhac ku yimid lacagta Iiraan

DowladdaIiraan oo cambaareysay mag-acaabidda John Bolton.

WASIIR CAWAD : DALAL AY ITOOBIYA KA MID TAHAY AYAA DOONAYA IN AY NA DHAXDHAXAADIYAAN ANAGA IYO IMAARAADKA

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda xukuumadda Soomaaliya Ax-med Cawad Ciise oo ka hadlayay da-daallada socda ee la doonayo in lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya Imaaraadka, aya sheegay in dalal dh-owr ah oo daris iyo saaxiib intaba leh doonayaan in ay dhameeyaan khilaa-fka Soomaaliya iyo Imaaraadka Cara-bta.

‘’Dalal dhowr ah oo daris iyo siixaabo intaba leh ayaa doonaya in ay arintan soo dhaxgalaan, dalalkaas waxaa ka mid ah, Itoobiya, Masar iyo Sacuudiga’’ ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiirka ayaa sheegay in ma-rnaba dowladda Soomaaliya cudur daar ka bixin doonin arrintii dhacday, taasoo laga dheehanayo sida Imaa-raadka u doonayo in Soomaaliya raalli gelin ka bixiso dhacdadii 8-dii bishan ka dhacday Garoonka ee lagu qabtay lacagtii ay waday diyaaradii ka diiwa-an gishneyd Imaaraadka.

Khilaafka labada dowladdood oo hadda u muuqda mid gaaray hee-rkiisii ugu sareeyay ayaa saameyn ku yeeshay dhamaanba adeegyadii kala duwanaa ee Imaaraadku ka wadeen gudaha Soomaaliya sida tababarka ciidamada iyo bixinta adeegyo caafi-maad iyaga oo xiray Isbitaalkii ugu weyn oo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho

C/WELI MUUDEY "DASTUURKII SAXDA AHAA EE AY ANSIXIYEEN ERGADII SOOMAALIYEED WAA LA XADAY”

Kusimaha Guddoomiyaha Gol-aha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad C/weli Ibraahim She-ekh Muudey ayaa sheegay in Das-tuurka hadda lagu dhaqo dalka uusan aheyn kii saxda ahaa ee ay ans-ixiyeen Ergada Soomaalida sanadkii 2012.

C/weli Muudey ayaa sheegay in Dastuurkii saxda ahaa la xaday oo aan la ogeyn meel lagu sheego sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Das-tuurka qabyada ee Soomaaliya uu ya-hay mid laga soo turjumay afaf qal-aad, isagoo ku baaqay in la xafido dastuurka howshiisa socoto.

"Dasturuka hala ilaaliyo, sida kii hore loo xaday oo kale yaa la waayin, dastuurka aan hada ku shaqeyno ma ahan kii saxda ahaa ee Ergada Soom-aaliyeed ay ansixiyeen, anaga indh-oole ma nihin, caqli la’aan ma nihin waa ognahay, haddii loo baahdana waa la heli karaa dadkii ka dambee-yay”ayuu yiir C/weli Muudey oo ku baaqay in dastuurkan la xafido.

Wasaaradda Dastuurka iyo Gu-ddiyada ku shaqada leh dib u eegista Dastuurka ayaa wada kulamo wadat-ashi ah oo looga gol leeyahay in das-tuur aan qabyo aheyn oo loo dhan yahay la qoro.

SAFIIRKA TURKIGA OO BOOQDAY XABSIGA DHEXE EE MUQDISHO

Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qa-abilsan Soomaaliya ayaa booqday Xa-bsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Fars-amada Gacanta ee Xirfadda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran.

Meelaha sida gaar ah loo soo indha-indheeyey waxaa ka mid Wars-hadaha soo saarta Qalabka Xafiis-yada, Dharka iyo IWM.

Taliyaha ciidanka Asluubta So-omaaliyeed S/guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa u mahadceliyey Danji-raha dowladda Turkiga, sida ay mar walba kaalin mug leh uga qaataan taageerada Soomaaliya ee dhinac wa-lba.

Safiirka Tukriga u fadhiya Soo-maaliya Olgen Beker ayaa ammaanay sida hufnaanta leh ee loo dhiirogeliyo Maxaabiista, loona dhiso maskax-dooda, waxa uu sheegay in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliyeed, arrimaha Xabsiyada iyo Caddaalad-dana ay ka taageerayaan.

XUUTIYIINTA YEMEN OO IMAARAADKA KAGA DIGAY FARAGELINTA AY KU HAYAAN SOMALIYA

Kooxda Xuutiyiinta ee ka daga-allama dalka Yemen ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay camb-aareynayaan faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta ay ka waddo So-omaaliya.

Farriin uu Twitter-kiisa ku daa-bacay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Max-amed Cali Al Xuuti ayuu ku sheegay in Imaaraadka aysan xusuusan ca-sharka lama illaawaanka ah ee sha-cabka Soomaalida ay u dhigeen Mareykanka, waxaana uu sidoo kale sheegay in inta aysan arrintaas oo kale ku dhicin ay isaga baxdo arri-maha Soomaaliya.

"Waxaan kula talineynaa Ima-araadka inta ay goori goor tahay in ay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Soomaaliya,haddii kale waxaa ay wajihi doonaan waxa aan la illaawi karin ee ku dhacay Mareykanka.”ayuu yiri Maxamed Cali Al Xuuti.

Warka Xuutiyiinta waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dalka Yemen ay duqeyn ka wadaan isbaheysiga uu Sucuudiga hoggaaminayo ee uu Imaaraadka xubinta ka yahay.

Wasiirka Arrimaha dibadda So-omaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay Shirkadda DP World in ay dib uga fiirsato heshiisyada Dakadaha Soomaaliya, halkaas oo ah halka uu ka billowday khilaafka labada dowl-adood.

Somaliya iyo Imaaraadka ayaa hadda uusan wanaagsaneyn xiriir-kooda, inkastoo uu socdo wada hadal arrintaasi lagu xalinaayo.

CAALAMKA OO SOO DHOWEEYAY JOOJINTA TIJAABADA NIYUKLIYERKA EE WAQOOYI KUURIYA

Wadamada caalamka ayaa soo dhoweeyay war ka soo yeeray Madax-weynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jo-ng-un ee ah inuu hakinayo tijaabada gantaalada Niyukliyerka.

Kim Jong-un ayaa sheegay in dowladiisu aysan mardambe tijaabin doonin gantaalada niyukliyerka iyadoo dowladaasi ay soo bandhigtey hubka Niyukliyerka ah ee ay haysato.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku tilmaamay wa-rka ka soo yeeray Kuuriyada Waqooyi war wanaagsan halka dowlada Ko-ofurta Kuuriya ay ku sheegtay inuu yahay horumar macno leh.

Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid wanaa-gsan balse waxa ay ku baaqday in la dhamaystiro baabi’inta Niyukliyerka.

Dowlada Waqoyiga Kuuriya ay-aa isu diyaarinaysa kulamo muhiim ah oo ay la yeelanayso madaxda wadam-ada Koofurta Kuuriya iyo Maraykanka.

Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.

Hogaamiyaha dalkaasi, Kim Jong-Un ayaa waxaa kale oo uu xu-say in aysan muhiim aheyn tijaabo kale oo dheeraad ah.

Tijaaboyin dhanka gantaalada oo ay sameesay xukuumadda dalka-asi ayaa horseeday in cunaqabteyn caalami ah la saaro dalkaasi, waxa-ana sidoo kale ay xiisad ka dhex dha-latay dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka.

Warbaahinta dowladda Kuuri-yada Koonfureed ayaa sidoo kale ku-soo warantay in hakinta barnaami-jkeeda nukleyrka looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha ee dalkaasi iyo baabi’inta barnaamijka Nikleyrka.

BOQOR BUUR-MADOW OO XABSIGA LAGA SIIDAAYEY IYO MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KA HADLAY XARIGIISA

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa goor dhoweyd laga sii daayey xabsiga dhexe oo laba cis-ho ku jiray.

Ciidanka Amniga ayaa laba ha-been ka hor xabsiga u taxaabay Bo-qor Cismaan Aw Maxamuud Buurma-dow oo wakhtigaasi ku sugnaa hoteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaanu wakhtigii xabsiga loo taxa-abayey la joogay wasiiro ka tirsan xu-kuumaddan.

Odayaasha deegaanka uu ka soo jeeday ayaa dadaal dheer u galay sidii boqorka xoriyadiisa dib u heli lahaa.

Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u dhimay qara-nimadda Somaliland mar uu xaflad madax dhaqameed lagu caleemo saa-rayey deegaanka Puntland uu hadalo ka soo jeediyey, waxaanu boqor Buu-rmadow sheegay inuu ku baaqayo in ciidamada Somaliland iyo Puntland la kala qaado iyo inuu sheegay inuu afka madaxweyne Muuse Biixi ku hadlayo oo uu madasha ka sheegay, taas oo xeer ilaalintu ku soo oogtay inay tahay dambi uu ka galay qaranimadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa isna ka hadlay xadhiga Boqor Buurmadow, waxaanu sheegay in xadhigaasi uu arko khalad.

"Somaliland waxa lagu xidhay Boqor Buurmadow, waxay ila tahay isimadu inay mudan yihiin karaamo iyo sharaf, in la dhawro sharaftoodda iyo cirdigoodda in aanay sax ahayn in isim ah oo meel dalkiisa ka mid ah tagay ayuu aha, isimaradda xuduud ma leh, nabadeynta u tagi karaan, ma garan kara sababta uu ku mutaystay xadhigaasi Boqor Buurmadow, cid kasta oo soomaali oo wanaag wada waanu soo dhoweynaa”ayuu yidhi Cabdi Wali Gaas madaxweynaha Punt-land.

Xadhiga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla marka-ana xadhigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO MAGACAABAY MASUULIYIIN CUSUB

muuse biixi Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay oo Sabti ah magacaabay masuuliyiin cu-sub oo xilal kala duwan loo mag-acaabay, kadib Digreeto ka soo bax-day Xafiiskiisa.

Digreetada ka soo baxday Xa-fiiska Madaxweynaha Somaliland, ay-aa u qornayd sidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyad-da Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay wareegto ma-daxweyne oo summadeedu tahay JS-L/XM/WM/222-83/042018 ku magaca-abay masuuliyiintan hoos ku xusan:

Waxaanay u dhignayd Wareeg-tada Madaxweynuhu sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Ja-mhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimad-ooda;

Markaan ku Qancay: In ay Ha-nan Karaan Masuuliyadda ka Dhala-naysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey,

In laga bilaabo taariikhda shalay aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Cali Ibraahim Jaamac Baqd-aadi Guddoomiyaha Baanka Dhexe

2. Axmed Xasan Cabdi Carwo Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe

3. Cabdirashiid Ibraahim She-ekh Cabdiraxmaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Hor-umarinta Qaranka

4. Cabdirashiid Cabdillaahi Ha-nde Guddoomiye Ku-xigeenka Gobol-ka Salal

5. Cabdi Xuseen Cabdi Ibr-aahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Naafada

Guddida Qandaraasyada Qara-nka

1. Nuux Maxamed Xuseen Aa-dan Guddoomiyaha Guddida Qandar-aasyada Qaranka

2.Cabdillaahi Ismaaciil Cabdi Bidhaan Guddoomiye Ku –xigeen Gu-ddida Qandaraasyada Qaranka

3. Cabdi Giire Jaamac Kadiye Xubin

4. Maxamuud Aadan Maal Xubin

5. Cabdi Faarax Ducaale Xubin

6. Maxamed Diiriye Xayd Nuur (Dib-jir) Xubin

7. Caasha Cabdillaahi Cilmi Xubin

8. Maxamuud Axmed Xirsi Baar-cad Xubin

Masuuliyiinta aan xilalka ka qaadayna waxaan uga mahad-celi-nayaa sidii xil-kasnimada lahayd ee ay u guteen waajibaadkoodii shaqo, muddadii ay xilka Qaranka hayeen

INJINEER KA TIRSANAA XAMAAS OO LAGU DILAY MALAYSIA!

Fadi al-Batash, waxaa uu ahaa Injineer u dhashay Falastiin kana tirs-anaa Ururka Xamaas ee la dagaa-llama Israel,waxaa lagu dilay shalay Magaalada Kuala Lumpur ee xarunta dalka Malaysia.

Waxaa uu ahaa Injineer dhina-ca tamarta ah,waxaa uu Malaysia ku sugnaa sanadihii la soo dhaafay,Bare sare ayuu ka ahaa Jaamacad

Gaar loo leeyahay sidoo kale waxaa uu ahaa Imaam Masaajid.

Goobta lagu dilay Fadi al-Bat-ash.

Labo Nin oo watay Baaskiil ay-aa ku dhuftay 10 Xabadood isaga oo galayay Masaajidka sida ay sheegeen Booliska Malaysia.

Qoyska Ninkan iyo Garabka Milatari ee Xamaas ee loo yaqaan Isl-amic Jihaad ayaa sheegay in dilka Fadi al-Batash ay ka dambeysay Hay-’adda Sirdoonka Israel ee Musaad.

Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku xaqiijiyay in uu Ninkan iyaga ka tirsanaa,waxaana uu sidoo kale ka mkd ahaa Ururro Islaami ah oo dhinaca samafalka ah oo uu ka mid yahay My Care.

Qoyska Fadi al-Batash,ayaa sheegay in Maalinta Axadda ee Berri ah oo qorsheynayay in uu u dhoofo Dalka Turkiga halkaas oo uu uga qeyb geli lahaa shirka Cilmiga Tamarta oo ka dhacaya Dalka Turkiga.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA JUBBALAND OO DHAGAXDHIGAY DHISMAHA XAAFAD CUSUB

Xaafaddan cusub oo lagu magacaabi doono Kismaayada Cusub (New Kismayo) ayaa waxaa loo dhisi doona hab casri ah, ayadoo la qa-abeeyn doono wadooyinkeeda iyo hab dhismeedkeedaba, waxaana mash-ruuca dhismahan fulineeysa shirkad lagu magacaabo Milestone oo fadh-igeedu yahay dalka dibaddiisa.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarla-manka Jubbaland, madaxda maamu-lka degmada Kismaayo iyo kan gob-olka J/hoose ayaa waxa uu dhag-axdhigay dhismaha xaafadda cusub ee lagu soo kordhin doono magaa-lada.

Nuux C/wahaab Max’ed oo ka-mid ah masuuliyiinta shirkadda dhism-aha fulineeysa ayaa sheegay in xa-afaddan cusub loo dhisi doono hab waafaqsan shuruucda dhismaha mag-aalooyinka ee caalamiga ah, islamark-aana ay noqon doonto xaafad nidaa-mka oo hab qorsheeysan loo dago.

Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland Mudane Max’uud Sayid Aadan ayaa sheegay in xaafaddan cu-sub ay qeyb ka tahay horumarrada ay ku talaabsaneeyso dowlad gobolee-dka Jubbaland, isagoo xusay in xaaf-addan la dhagaxdhigay ay noqon doo-nto mid ay xaq u yeelan doonaan in ay soo dalbadaan muwaadiniinta reer Jubbaland meelkasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale, waxa uu shee-gay in magaalada Kismaayo oo qeybo badan oo kamid ah la iska dagay isl-amarkaana aan lahayn wadooyin iya-na lagu sameeyn doono dib u habeyn.

DOWLADDA KENYA OO MAXKAMAD-EYNEYSA HAWEEN LAGU EEDEEYAY AL SHABAABNIMO

Maxkamad ku taalla magaala-da Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa mar kale ka soo muuqday 4 Haween ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Haweenkaasi ayaa Sanadkii 2015-kii lagu eedeeyay in ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi ee xar-unta dalkaasi, iyagoo qorsheynayay sidii ay uga gudbi lahaayeen Xadka Kenya, si ay ugu biiraan Al Shabaab.

Labo ka mid ah Haweenkaasi ayaa waxaa Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ay ka qabteen magaa-lada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, iyagoo doonayay in ay si dhuum-aaleysi ah ugu gudbaan Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan waaxda daba-galka Booliska ayaa sheegay in Umm-ul Kheyr Sadri oo qeyb ka ah Hawe-enkaaasi, si gaar loogu eedeeyay in ay qorsheneysay weerar ay ka fuliso gudaha Kenya.

Joseph Kolum oo ka mid ah qareenada Maxkamadda magaalada Mombasa ayaa sheegay in la hayo cadeymo laga helay Telefonada gac-anta ee ay wateen Haweenkaasi.

Xaakinka Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga dacwaddaasi dib loo bilaabi doono maalinta Beri ah.

SHIRKA CAALAMIGA AH EE BADQABKA SUXUFIYIINTA OO KA FURMAY MUQDISHO

Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guu-leed ayaa furay shirkan oo loogaga hadlayo Bedqabka Suxufiyiinta isagoo socon doono muddo laba maalmood.

waxaa ka qeyb galaya masu-uliyiin ka socota dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, gobolka Bana-adir. saxaafadda madaxa banaan iyo hey’adaha daneeya saxaafadda, wax-aana soo qaban qaabisay wasaa-radda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dal-xiiska Soomaaliya

Agaasimaha guud ee wasaar-adda Warfaafinta Mudane Cabdira-xmaan Yuusuf Cumar Cadaala ayaa sheegay in shirkan oo ah kii ugu hor-eeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabto geeska Afrika u jeedkiisu yahay xaq-iijinta badqabka Suxufiyiinta.

Guddoomiyaha goooblka Bana-adir mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng Yariisoow) oo ka ha-dlay furtaanka shirka ayaa tilmaamay in badqadka suxufiga uu muhiim u yahay hormarka waddanka

ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in wasa-aradda Warfaafinta ay ka go’an tahay sidii looga shaqey laha adifaaca Suxufiyiinta Soomaaliyeed.

TALISKA XOOGGA DALKA OO LA WAREE-GAY CIIDAMADII KU JIRAY XERADA JEN GORDON IYO QALABKOODA…

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay inay la wareegtan tababarka iyo taageerida ciidamadii ay tababari jireen dowladda Imaaraatka Carabta, kuwaasi oo ku sugnaa xerada Gen Goordon.

Abaanduulaha ciidamada xoo-ga dalka Soomaaliya Gen C/llaahi Ca-anood ayaa shaaciyay in ciidamadaan shalay waxii ka dambeeyay ay xaq-ooda ku leeyihiin dowladda Soomaa-liya, sida uu sheegayna ay qaban doonaan howl qaran.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan la sheegay inay gaarayaan 2000 oo askari, waxaana shalay si rasmi ah ula wareegay dowladda Soomaaliya.

Imaaraatka Carabta, ayaa tab-abar iyo dhaqaalo siin jiray ciidama-daan oo ay ku jiraan kuwo si gaar ah u tababaran.

Waxaa uu sidoo kale xusay in dhammaan ay la wareegeen , isl-amarkaana loo bixiyay Guutadda Daljir oo leh Taliye iyo Abaanduule.

Xiisadda u dhaxeyso dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa keentay in Imaaraatka ka bax-aan dalka Soomaaliya.

XUBNAHA GUDDIGA DOORASHADA GUDDOONKA BAARLAMAANKA OO LA SHAACIYAY ..

Salim-Calyiw-Ibrow-740x493 Waxaa lagu dhawaaqay guddi-ga doorashada guddoonka baarlama-anka Soomaaliya oo ka kooban 15 xu-bnood oo laga soo xulay xildhibaana-da baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigaan ayaa lagu soo xulay qaab beeleed, waxaana laga sugayaa inay ka shaqeeyaan doorashada gud-doonka baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye kuxigeenka laba-ad ee Baarlamaanka Mahad Cawad ayaa soo bandhigay shuruudaha Mus-haraxiinta isku soo sharaxday xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo xusay in musharaxiinta laga doonayo inay noqdaan Xildhibaano.

SOOMAALILAND OO KA JWAABTAY HADALKII WASIIRU DOWLAHA WASAARADA ARRIMAHA DIBADA IMAARAADKA

Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrim-aha Dibada Imaaraadka Carabta An-war Qarqaash ayaa noqday mid siy-aabo usku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xas-an Sheekh Maxamuud.

Daraad Wasiirka Arrimaha dib-ada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla marakana uusan jirin heshiis Xukuumaddii hore ay kula gashay Imaaraadka dekada Berbera oo loo soo bandhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Ma-amulka Soomaaliland Sacad Cali Shire ayaa isna dhankiisa waxa uu sheegay in uusan jirin warka ka soo baxay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dib-ada Imaaraadka Carabta Anwar Qarq-aash,isla markaana aysan jirin cid saddexaad oo heshiiskii dekada Berb-era ka qeyb gashay.

Hadalkii Wasiiru Dowlaha Was-aaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka ayaa noqday mid ay si iskumid ah uga wada hadleen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Sooma-aliya oo isku khilaafsan heshiiskii Sad-dex geesoodka ahaa ee Dekada Ma-galada Berbera.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wa-siirka Arrimaha Dibada Maamulka So-omaaliland Sacada Cali Shire .

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDDOOMAY DANJIRAHA DOWLADDA QATAR AY U SOO MAGACOWDAY SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriya-dda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhi-gga kaga guddoomay warqadaha da-njiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Mudane Xasan Xamsa Asad.

Danjire Xamsa ayaa Madaxw-eyne Farmaajo u gudbiyay salaan uu uga siday Amiirka Dalka Qatar She-ekh Tamiim Binu Xamad, waxa uuna adkeeyey danjirahu in uu kaaalintiisa ka qaadan doono xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Jamhuuriy-adda ayaa uga mahad celiyey Amiirka dalka Qatar iyo dowladdiisa sida ay diyaarka ugu yihiin xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya, isagoona raj-eeyey in xiriirkan uu mira dhal u noq-do danaha labada dal.

GUDDIGA JOOGTADA AH EE AQALKA SARE OO KULAN MUHIIM AH SHALAY YEESHAY

Guddiga joogtada ah ee Gol-aha Aqalka sare ayaa shalay kull-ankooda caadiga ahaa waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya habsami u socodka howlaha Golaha.

Waxay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ka doodeen dhowr qodob oo muhiim ah oo ay ugu horeyso ansixinta hadal qoraalkii kalafadhigii 8-aad ee looga hadlay ar-rimaha horyaala Golaha Aqalka sare iyo diyaarinta qorshaha Golaha ee fadhiyadiisa soo socda.

Senator Maxamed Amiin Shei-kh Cusmaan,Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka sare oo kullanka ka dib la hadlay war-baahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay kullanka shalay.

" Warbixin ka dib,waxaa laga dooday dhowr Qodob oo muhiim ah oo ay ugu horeyso in la ansixiyo hadal qoraalkii kalafadhiga 8-aad ee looga hadlay arrimaha horyaala Golaha qeyb ka mid ah qodobkaasi ayaa dib looga dooday minidkiisana la ansixiyay,ka bacdi waxaa loo galay qodobo kale oo ay ka mid yihiin diyaarinta Agendayaasha Golaha Aq-alka sare ee fadhiyadiisa soo socd-a,waxaad la socotiin in agendayaal badan Golaha horyaalaan mar wali-bana Guddiga joogtada isaga uu ma-s’uul ka yahay kala mudnaansiinta iyo hor tebinta qorshaha,”

Sidoo kale,Guddoomiyaha Gu-ddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aq-alka sare Senator Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan ayaa sheegay in todobadkaan gudihiisa Wasiirka Ga-rsoorka uu hortagi doono Golaha Aq-alka sare si ay warbixin ku saabsan arrimaha masuq maasuqa kaga dha-geystaan ka dibna ay u guda galaan ansixinta hindise sharciyeedka masuq maasuqa oo Golahu horyaalo.

" Waxaad ogtihiin iney jiraan hindise sharciyeedyo wali na horyaalo sida Hindise sharciyeedka Biyaha oo kale oo Golaha Shacabka inoo soo gudbiyeen,waxaana beri danbe noo imaan doona Wasiirka Garsoorka si Golaha Aqalka sare uga horjeediyo warbixinta masuq maasuqa ,runtii arri-mahaasi iyo arrimo kale ayaa laga hadlay oo ay ka mid yihiin kullamada uu guddiga yeelan doono,” ayuu yiri Senator Maxamed Amiin Sheikh Cu-smaan.

Ugu danbeyntii,Guddiga Joo-gtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa ka dooday ka tashiga xiriirka Aqalka sare iyo Maamul Goboleedy-ada,maadama aqalka sare uu metalo mas’uulna uu ka yahay Maamul Gob-oleedyada dalka.

Waxayna isla garteen in la adk-eeyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Golaha Aqalka sare iyo Maamul Go-boleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaaka Soomaaliya.

CIIDAMO KA SOCDA DALKA URDUN OO MARKII UGU HOREYSAY KU SOO BIIRAY DAGAALKA KA DHANKA AH AL-SHABAAB

Boqorka dalkaasi, Cabddalla Al-Thaani ayaa hadalkaasi ku she-egay mar uu la kulmay Mudanayaal ka tirsan Kongareeska dalka Maray-kanka.

Sida lagu soo daabacay War-geysyo ka soo baxa dalalka Carabta ayaa lagu sheegay inuu Boqorku markii ugu horeysay shaaciyey inay Ciiddankiisa ku sugan yihiin Somalia, kuwaasi oo qeyb ka ah Ciiddamadda Caalamiga ee ee qeybta ka ah Haw-lgalka La-dagaalanka Alshabaab.

Waxa uu xusay inay Ciiddan ka socda Milliteriga dalkiisa ay ka feer dagaalamaan Ciiddanka Khaaska ee Britain (SAS) ee Hawlgalka u jooga Somalia.

Dhinaca kale, Boqorka dalka Urdun, Cabddalla Al-Thaani waxa uu tilmaamay inay Iskaashi Milliteri wada leeyihiin Ciiddanka Britain iyo kuwa Kenyanka ee ka hawl-gala Somalia, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaan Alshabaab looga guuleysan Karin ha-ddii aysan Caalamka u midoobin da-gaalkaasi, waa sida uu hadalka u dh-igay. Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo la shaaciyo inuu dalka Urdun o oka mid ah dalalka Carabta qeyb ka yahay Hawlgalka ay Milliteriga Britain kula dagaalamayaan Alshabaab.

DOWLADDA KENYA OO MAXKAMADEYNEYSA HAWEEN LAGU EEDEEYAY AL SHABAABNIMO

Maxkamad ku taalla magaa-lada Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa mar kale ka soo muuqday 4 Haween ah oo lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Haweenkaasi ayaa Sanadkii 2015-kii lagu eedeeyay in ay kulan ku yeesheen magaalada Nairobi ee xar-unta dalkaasi, iyagoo qorsheynayay sidii ay uga gudbi lahaayeen Xadka Kenya, si ay ugu biiraan Al Shabaab.

Labo ka mid ah Haweenkaasi ayaa waxaa Ciidamada Booliska ee dalka Kenya ay ka qabteen magaa-lada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari, iyagoo doonayay in ay si dhuumaaleysi ah ugu gudbaan Soom-aaliya.

Sarkaal ka tirsan waaxda daba-galka Booliska ayaa sheegay in Ummul Kheyr Sadri oo qeyb ka ah Haweenkaaasi, si gaar loogu eedee-yay in ay qorsheneysay weerar ay ka fuliso gudaha Kenya.

Joseph Kolum oo ka mid ah qareenada Maxkamadda magaalada Mombasa ayaa sheegay in la hayo cadeymo laga helay Telefonada gaca-nta ee ay wateen Haweenkaasi.

Xaakinka Maxkamadda ayaa sheegay in dhageysiga dacwaddaasi dib loo bilaabi doono maalinta Beri ah.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND C/WELLI GAAS OO U AMBABAXAY DALKA IMAARAATKA CARABTA

Madaxweynaha Puntland C/W-elli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay ka duulay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isaga oo ku sii jeeday dalka Imaaraatka Carabta.

Madaxweyne Gaas ayaa saxa-afadda isaga oo kula hadlayay mag-aalada Boosaaso ee gobolka Bari, wuxuu sheegay in safarkiisa Imaar-aatka Carabta uu la xiriiro arimo dh-owr ah.

Gaas, wuxuu sheegay inuu la kulmi doono madaxda Imaaraatka Carabta, islamarkaana uu kala hadli doono tayeynta ciidamada Badda Pu-ntland oo tababaro ay siiyaan Imaa-raatka Carabta.

Safarkaan ayaa kusoo beegm-aya xilli xiisadda u dhaxeysa Soo-maaliya iyo dowladda Imaaraadka Ca-rabta ay xoogeysatay, islamarkaana dowladda Imaaraadka ay joojisay Ta-babaradii ciidamada dowladda Soo-maaliya.

Imaaraatka Carabta ayaa taba-baro siin jiray ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana ay Muqdisho ka wadeen mashaariic kala duwan, wax-aana iminka socdo wadahadalo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta.

BOGGA CAYAARAHA

MOHAMED SALAH OO SOO BAR BAREEYEY RIKOODHKII GOOL DHALINTA PREMIER LEAGUE – TIRADA UGU BADAN HAL OL’OLE

Mohamed Salah waxa uu soo bar bareeyey rikoorkii gool dhalinta ee hal xilli ciyaareed kaddib goolkiisii daqiqiaddii 72-aad ee West Brom.

Salah, oo ol’ole cajiib ah ku naaloonaya ayaa dhaliyey 41 gool, dhammaan tartamada, 31 gool Premier league waxana uuna hadda bar bareeyey tiradii goolasha ugu badan ee laga dhaliyo Premier League oo la ciyaaro 38 kulan.

Alan Shearer (1995-96), Luis Suarez (2013-14) iyo Cristiano Ronaldo (2007-08 ayaa dhammaan sidaas sameeyey laakiin Salah uma muuqdo mid la sinnaan doona kuwaas maadama ay kulamo u harsan yihiin.

Salah waxaa u haray kulamada soo socda ee kala ah Stoke City, Chelsea iyoBrighton, kuwaas oo uu kaga sarimari karo tiraas goolasha ah.

Cel celis ahaan, 86-dii daqiiqabada waxa uu Salah dhaliyey gool Premier League, sidoo kale 9 caawin ayuu sameeyey.

Salah sidoo kale waxa uu tartan ugu jiraa ku guuleysiga kabta dahabka ee Europe, waxaa lagu qiimeeyaa xiddigga ugu goolasha badan ee horyaaladda Yurub.

LUIS FIGO: "MAURO ICARDI WUXUU DIYAAR U YAHAY INUU U DHAQAAQO REAL MADRID”

Xidigii hore xulka qaranka Portugal Luis Figo ayaa aaminsan in weeraryahanka Inter Milan Mauro Icardi uu diyaar u yahay inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid.

Luis Figo ayaa u sheegay shabakada Sky Sports: "Haa waa hubaal in ciyaartoyda waaweyn ee isaga oo kale ah ay la qabsan karaan xaalad kasta ee cusub”.

"Wuxuu leeyahay tayada iyo awoodaha uu ugu ciyaari karo koox kasta, mustaqbalkiisa wuxuu ku tiirsanaan doonaa mashruuca haatan ee Inter, iyo xaalada dhaqaale ee kooxda, sidoo kale wuxuu ku xirnaan doonaa sida uu yahay rabitaanka ciyaaryahanka”.

"Waxaa muhiim u ah isaga inuu gaaro Champions League mar kale, Inter waxa ay seegtay Champions League muddo dheer, lakiin taasi kuma fiicna koox weyn”.

KOOBKII AY KU DUCEYSANAYSAY ARSENAL EE EUROPE LEAGUE OO LA XADAY!!!!!!!

Koobkii Europe League oo ay sana-dkii hore qaaday ko-780x405Ma-nchester United san-adkanna ay ku duc-eysanayso kooxda Arsenal ayaa lagu xaday dalka Mexico, balse dib loo soo celiyay isagoo bed qaba.

Europe League oo ay Red Devils sanadkii hore ka qaaday Ajax ayaa laga xaday baabuurkii uu saarnaa kaa oo la fahansan yahay inuu ahaa Baabuurka FedEx.

Maamulka Gobalka Guanajuato ayaa Twitter ka ku shaaciyay in koobka laga xaday magaalada Leon dhacdo meeshaa ka dhaceysay kaddib balse dib loo soo celiyay koobka Europe League isagoo bed qaba.

Koobka ayaa la aamisan yahay in la xaday mar lagu waday mid ka mid ah baabuurta FedEx ee maal galineysa koobka Europe League

ENGLAND - PREMIER LEAGUE APRIL 21

Bromwich Albion 2 - 2 Liverpool

Watford 0 - 0 Crystal Palace

ENGLAND - FA CUP APRIL 21

Manchester United 2 - 1 Tottenham Hotspur




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip