Boqor Cismaan Buur-Madow oo xabsiga laga sii daayay

0
Saturday April 21, 2018 - 19:18:25 in Wararka by
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boqor Cismaan Buur-Madow oo xabsiga laga sii daayay

    Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kadib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xabsi ku jirey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in goordhow xabsiga laga sii daayay Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow kadib markii uu labadii maalmood ee la soo dhaafay uu xabsi ku jirey.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysay sii deynta Boqor Buur-Madow hase yeeshee waxaa socday labadii maalmood ee la soo dhaafay cadaadis lagu saarayay maamulka Hargeysa inay sii dayso Boqor Buur-Madow oo caan ka ah gobolada Waqooyi ee dalka.

Boqor Buurmadow ayaa lagu eedeeyey inuu wax u dhimay qaranimadda Somaliland waxana xabsiga loo taxaabay xilli uu dib ugaga soo laabtay safar uu ku tegey wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Xariga boqor Buurmadow ayaa dadweyne degan degmada Ceel afweyn u mudaahraadeen, isla markaana xarigiisa ku tilmaameen mid sharci daro ah.

Maamuladii soo maray Somaliland ayaa hore dhowr jeer u xirey Boqor Buur-Madow oo ah nin aftahan ah oo aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip