Xukumadda Soomaaliya oo Sheegtay Inay Ka Go'an Tahay Wada-hadalada Soomali-land

0
Saturday April 21, 2018 - 09:37:14 in Wararka by
  • Visits: 352
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Soomaaliya oo Sheegtay Inay Ka Go'an Tahay Wada-hadalada Soomali-land

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay in guul laga gaaro Wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somali-land.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go'an tahay in guul laga gaaro Wada-hadalka u dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Somali-land.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dhawaan dib loo bilaabi doono wada-hadalka Soomaaliya iyo Somali-land.

"Xukuumadda Soomaliya iyo tii hore ee jirtay waxa ka go’naa In shacabka Soomaliyeed ay heshiiyaan, waxaa naga go’an in Somali-land ay kamid noqoto Soomaaliya, waxaa laga shaqeyn doonaa in la xaliyo Tabashooyika Soomali-land, Madaxweynaha iyo raisulwasaaraha waxaa dhankooda ka go’an in la qanciyo Somali-land”, Axmed Ciise Cawad.

Hadalka Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kusoo beegmaya xili dhawaan Somali-land ay shaacisay in la hakiyay wada-hadalkii Somali-land iyo Somaaliya, kadib markii dowladda Soomaliya ay kasoo horjeysatay Heshiiska Dekadda magaaladda Berbera ee Gobolka Saaxil.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip