Daawo Sawirrada:- Fatahaada Uu Ka Sameeyay Wabiga Jubba Gobolka Gedo

0
Thursday April 19, 2018 - 21:49:35 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada:- Fatahaada Uu Ka Sameeyay Wabiga Jubba Gobolka Gedo

    Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Jubba degmada Luuq ee Gobolkaasi saameyn ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Fatahaad uu ka sameeyay Wabiga Jubba degmada Luuq ee Gobolkaasi saameyn ku yeeshay dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi.

Biyaha Fatahaada ayaa waxay gabi ahaanba cagta mariyeen dalagyada ay beerteen dadka Beeraleyda ah ee ku dhaqan degmada Luuq.

Qaar ka mid ah dadka Beeraleyda ee dalagyadooda ku waayay Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa sheegay iney khasaaro badan ka soo gaartay Fatahaada,ayna baabi’iyeen waxyaabihii ay beerteen.

Waxayna intaasi ku dareen dadka beeraleyda ah iney ku shukrinayaan nimcada Alle,waxaa sanadihii ugu danbeeyay dalka saameyn ku yeeshay abaaro dad iyo duunyo badan galaaftay.

Fatahaada uu sameeyay Wabiga Jubba ayaa imaanaya, xilli roobab badan ay ka da’een Gobolka Gedo iyo deegaano iyo degmooyin katirsan gobalada dalka.

Dhanka kale,Wabiga Shabeelle ayaa ku fatahay xaafado ka tirsan magaalada Jowhar,waxaana socda dadaalo ay wadaan maamulka Hirshabeelle iyo Shacabka oo looga gaashaamanayo fatahaadaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip