
Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia oo loo doortay ruux dumar ah
Sida ay shaacisay wakaalada wararka ee FANA Muferiat Kamil ayaa waxa ay bedelaysaa Abadula Gemeda oo xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2010.
Abadula ayaan illaa iyo hadda la sheegin xilka uu qaban doono balse bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayuu ku dhowaaqay inuu ka degayo xilka afhayeenka Baarlamaanka balse waxa uu dib uga laabtay go’aankaas bishii December 2017.
Afhayeenka cusub ee Baarlamaanka Ethiopia Muferiat ayaa waxaa ay xubin ka tahay xisbiga (SEPDM) oo ka mid ah faracyada uu ka kooban yahay xisbiga haya talada dalkaas ee EPRDF.
Ra’iisul wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed oo maanta ku dhowaaqay gole wasiiro oo aysan xubno ka ahayn dumar ayaa ballanqaaday inuu si deg-deg ah ugu soo dari doono golihiisa wasiirada wasiiro dumar ah.
Muferiat Kamil ayaa ku soo biirtay baarlamaanka dalka Ethiopia sanadkii 2008 iyadoo noqotay qofkii ugu da’ada yaraa ee xubin ka noqdo xilligaa oo ay 32 jir ahayd
.
Haweeneydan ayaa ku dhalatay magaalada Jimma oo ah magaalada ugu weyn koofur-galbeed dalka Ethiopia,waxana ay ka qalinjebisay jaamacada Haramaya University iyadoo ka qaadatay shahaadada BSc ee cilmiga beeraha sanadkii 2000.
Afhayeenka Baarlamaanka Ethiopia oo loo doortay ruux dumar ah
Baarlamaanka dalka Ethiopia ayaa markii ugu horeysay loo doortay in guddoomiye ay ka noqoto haweeney waxaana xilkaas la wareegay wasiirkii hore ee haweenka dowlada Ethiopia Muferiat Kamil.