
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA
Madaxweynaha oo horay loo sh aaciyey in uu shaqadiisa u wareejiyey Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa todob aadyadii ugu danbeeyey dib ugu soo laabtay Xarunta Madaxtooya da,si uu u soo afjaro khilaafkii ka taa
gnaa Golaha Shacabka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Dorraad ka soo laabtay dalka Bo qortooyada oo uu kaga qeyb galayey shirka Jaamacadda Carabta, tallaab ada uu isla shalay ugu laabtay Wasa aradda Gaashaandhigga ayaa muujin eyso culeyska uu saarayo howlaha
dib u habeynta CX. Dalka. Madaxweynaha ayaa horey muddo bil
ah ku shaqeynayay Wasaaradda Gaa shaandhigga. Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeynaysa in dagaal saf ball aar ah loga saaro shabaab Dalka
QATAR OO GAADIID CASRI AH KU WAR EEJISAY DOWLADDA SOOMAALIYA
Dowladda Qatar ayaa gaadiid casri ah ku wareejisay dowladda Soomaa li ya, kaasi oo loogu talo galay in lagu
Wasiir ku xigeenka dekadaha, mare eyaha dekadda Muqd isho, guddoo
miye ku xigeenka howlaha guud ee gob olka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan safaadaradda Qatar ee magaalada Muqdisho ayaa munaasabadda ka qeyb galay.
Gaadiidka ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa loo qorsheeyay in 17 kamid ah lagu wareejiyo degmooyin
ka Gobolka Banaadir, inta kalana loo qorsheeyay in la gaarsiiyo maamul goboleedyada dalka.Cusmaan Daallo Wasiir ku xige enka wasaaradda Dek adaha xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar gaadiidkaan casriga ah ee ay ku war eejisay.
INGIRIISKA OO KENYA KA TAAGEERAYO DAGAALKA AL SHABAAB
Dowladaha Ingiriiska iyo Kenya ay aa ka wada hadlay sidii loo xoojin lah
aa taageerada uu Ingiriiska siiyo Ciid amada Kenya oo dagaallo kula jira Xarakada Al Shabaab. Wasiir ku xigeenka Gaashaandhidga ee dalka Ingiriiska ayaa dhawaan M/Nayroobi kulan kula qaatay w/gaashaandhiga ee dalka Kenya Raychelle Omamo Waxaana 2daasi mas’uul ay ka wa da hadleen sidii dowladda Ingiriiska ay tababaro dheeraad ah u siin laheyd Ciidamada milateriga ee dalkaasi, si sare loogu qaado dagaalka Al Shab aab.
Mr Mark Lancaster wasiir ku xigeen ka gaashaandhigGa ee dalka ingiriiska ayaa xusay in kenya ay ka taageera yaan tababarida ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howl alka AMISOM ee Soomaaliya. Wasiirka ayaa safaro ku ta gay dalal dhowr ah oo ku yaala bariga Qaaradda Afrika. Mark Lancaster ayaa 7aad ka hor soo gaaray M/Muqdisho, isagoo kula mo la qaatay saraakiil ka tirsan howl
galka AMISOM iyo Madax ka tirsan do wladda federaalka ah ee Soomaaliya.
LIIBIYA OO SHEEGTAY IN SANADKAN AY HOOS U DHACEEN TAHRIIBAYAASHA
Dowladda Liibiya ayaa sheegtay in Sanadkani ay si weyn hoos ugu dhac
een tirada Tahriibayaasha ee sii mari jiray dalkaasi, marka la barbar dhigo Sanadkii hore ee 2017-kii.
Gen.Maxamuud Bishaar oo ah Afhay een ka tirsan dowladda Liibiya, kana mid ah Waaxda ka hortaashii ay ku
soo qaban jireen howlgalladooda.
Waxaana uu xusay in bishii May Sanadkii hore ay qabteen illaa 27,000, halka Sanadkan ay gacanta ku dhig
een 5,200 oo Qof, taas oo muujiney
so in uu jiro farqi weyn oo hoos u dhac
ah Taliyaha ayaana intasi ku daray in arrintaasi ay kaalin weyn ka qaadatay dadaallada dib u celinta oo ay Muwa adiniintooda u sameeyen dalal dhowr
ah.
Sidoo kale waxa uu sheegay in weli Muwaadiinta ka soo kala jeeda dallka Itoobiyaa, Soomaaliya iyo Eretria ay ku sugan yihiin dalka Liibiya, kuwaasi oo QM ay qorsheyneyso in ay dib ugu ce
liso qaar ka mid ah dalalka Africa.
Dalka Liibiya ayaa dhibaato xoog an loogu geystaa Muhaajiriinta ay ka mid yihin kuwa Soomaaliyeed, iyado ona jir dilka joogta ah ay u sii dheer tahay in loo iibsado sida xoolihii oo kale.
GOLAHA ABWAANIINTA SOOMAALIYEED OO SOOMAALILAND KA DALBADAY IN LA SIID AAYO ABWAAN NACIIMO QORANE
Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ee M/Muqdisho ayaa ka hadalay xi ragii M/Hargeysa loogu geystay Naciimo Abwaan Qorane. Naciima oo ah gabar abwaan ah ayaa Soomaaliland
ku soo oogaytay dacwad la xariirta in ay faafisay qoraalo dhaawacaya mad ax banaanida Soomaaliland.
Ciidamada amaanka ee Soomaal iland ayaa xiray Naciima Axmed Qorane 29ka bishii koobaad ee sanad,
kaan, iyadoona maxkamada gobolka Maroodi jeex 15kii bishaan ku xukuntay
3 sano oo xabsi ah.
Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cismaan Claahi Guure Iyo Abwaan Xersi Dhuux Maxamed Wehliye oo ah guddoomiye ku xige ynka golaha abwaaniinta Soomaaliyeed ayaa waxay madaxd Somali
landa ka dalbadeen in si sharuud la’aan ah loo sii daayo Abwaanad Naciimo Axm ed Qorane.
Baaqaan golaha abwaaniinta Sooma aliyeed ayaa imaanaya xilli magaalada Hargeysa ay ku xiran tahay abwaanad Naciimo QAxmed Qorane .
MUWAADIN SOMAALI AH OO KU HANJABAY INUU QARAX KA GEYSANAYO MARAYKANKA OO LA XIRAY
Saraakiisha Hay’adda Dembi-baa rista Federalka Maraykanka ee FBI-da ayaa sheegtay inay gacanta ku dhige
en Cabdalla Axmed Cige oo deggan Gobalka Minnesota, kadib, markii uu Bartiisa Facebook-ga soo dhigay qor
aal uu ku sheegay inuu qarxin doono Dhismaha Hoolka ee magaalladda Sa
int Cloud ee Gobalka Minnesotta.
Eedeysanaha oo 25-jir ah ayaa she egay inuu Qoraalkaasi ugu dan lahaa inuu ku soo jeediyo Dareenka Hay’ad
da FBI-da, wuxuuna ku dooday in isaga Xag-jir laga dhigay.
Saraakiisha FBI-da waxay Shanda da Eedeysanaha ka heleen meel ku dhow Hoolka uu sheegay inuu qarxin doono, balse lagama helin wax Qaraxyo ama waxyaabaha Kontorobaanka ah.
Wargeyska The Saint Cloud Tim es ayaa qoray inuu Eedeysanaha mut eysan doono 8 sanno oo Xabsi ah ama ganaax lacageed oo dhan 13 kun $
SANOTER AQALKA SARE OO TAAGEERAY MOWQIFKA PUNTLAND EE IMAARAADKA
Ka dib shir jaraa’id uu shalay M/ Boosaaso ee Xarunta G/Bari uu ku qabtay Madaxweynaha Maamulka Pu ntland Cabduweli Gaas oo uu ku taa geeray Dowladda Imaaraadka ayaa waxaa Go’aankaas ku raacay Sano ter ka tirsan Aqalka Sare ee Soom aaliya.
Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xil dhibaanada aqalka sare ee barlamaan ka Soomaaliyeed Md.Senator Cabdir isaaq Cismaan Xasan Jurile ayaa she egay in Imaaradka uu yahay dal si weyn u taageeray Puntland,isla mark aana asyan jirin cid ay ku doorsanaya an.
Waxa uu sheegay in Imaaraadka uu waligiis gacanweyn siin jiray Maam ulka puntland,isla markaana sinaba as yan u kala goeyn sida uu hadalka u dhigay. Weli DF/Soomaaliya Madaxde eda kama hadlin Go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland ee uu ku difaacay Imaaraadka Carab ta,iyada oo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowlada Somaaliya iyo Imaaraadka.
AMISOM OO SOO BANDHIGTAY QORSHE LOOGA HORTAGAYO QARAXYADA AY FULIYAAN AL-SHABAAB
Wakiilka Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa isniintii ku dhawaa qay dadaaalo adag oo ladoonayo in lo oga hortago qatarta waxyaabaha qar xa ee ku wajahan ciidamadda amaan ka iyo shacabka Somaaliyba.
Francisco Madeira, Madaxa Howl galka AMISOM ayaa ka sheegay furit aankashirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka hortagga qaraxy adda in isticmaalka ay Qatar weeyn ku keeneen Xasiloonidii wadanka.
"sida ugu wanaagsan ee looga ad kaaankaro waxyaabaha qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, hadii ay siyaasadeenu, waxaba maahan inta te choolojiyad eelahowlgalinayo, waxaan u baahan doonaa in qof kasta uu do orkisa ciyaaro ayuu yiri” Madeira, sida lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saray Howlga AMISOM.
Waxaa uu ku booriyay Militry-ga Booliiska iyo Dowladdu in ay iskaasha daan, si looga hotago isticmaaalka a an kala sooca lahayn ee Qraxyadda.
Shirkaan oo Howlgalka AMISOM uu soo qaban qaabiyay ayaa waxaa loo ga golleeyahay in la kordhiyo Awoo dda Ciidamadda Soomalida iyo kuwa AMISOMba ay uleeyihiin in ay si bu xda uga hortagaan Hubakaan ay Al-shabaabku jecelyihiin.
Madeira waxaa uu adkeeyay Muhi imadda ay leedahay Sirdoon adag iyo Xogta oo lawadaago iyo in sidhow shacabka loola shaqeeyo. Howlgalka M/Afrika waxaa uu leeyahay Al-shab aab ayaa si adag u isticmaalay Waxy aabaha Qarxa si ay u dilaan Ciidam0 iyo shacab.
Wadooyinka ay Ciidamaddu isticm aalaan ayaa ah meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay qasaaraha ka geystaan, halaka Mararka qaarna ay Al-shabaab Gawaari u adeegsada an weerarro qaraxyo ah.
SH. AADAN MADOOBE OO KU DHAWAA QAY INUU YAHAY MUSHARAX GUDDOO MIYE BAARLAMAAN
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka waday Guddoomiye Jawaari, isla mar kaana dhowr jeer ugu baaqay inuu is casilo.
Waxaa uu sheegay in xilkan uu wa ayo aragnimadeeda leeyahay, isla ma rkaana uu xilli adag dalka u soo shaqe eyay, waxaa uu sabab uga dhigay in uu xilkan mar kale isku soo sharaxo in ay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo daba alo.
Sh.Aadan Madoobe ayaa lagu xusuus taa in markii uu is casilay Madaxweyni hii hore C/llaahi Yuusuf inuu noqday Kusime Madaxweyne muddo 33 ci sho, kaddibna waxaa xilka Madaxwey naha sanadkii 2009-kii loogu doortay Sh.Shariif isku darkii labada Baarlama an iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta ee fadhigooda ahaa Asmara.
CHINA OO INTERNET SOMALIA MARAYA SIINAYA PAKISTAN!
Dowladda Pakistan ayaa la filayaa in dhamaadka Sanadka 2019 ay he sho Internet xawaare sare leh, wax aana Internet-kaas dhimishiisa waad da Sharikad laga leeyahay dalka Chi na. Fiilada Internetka ee China ay u sameyneyso Pakistan waxaa ay mare ysaa biyaha Waddamada Somaliya, Kenya iyo Jabuuti,waxaana iska kaa shanaya sharikadda dhinaca Internet-ka ee China iyo sharikadda (Pakistan East Africa Cable Express.
Mashruucan waxaa Qandaraaska dhismihiisa qaadatay sharikadda Hua wei Marine, waxaana maalgelinta bixi neysa Sharikadda Tropic Science Co. Ltd. Marka dhismahan uu dhamaado waxaa maamulka Internet-ka Pakistan la wareegeysa Sharikadda PCCW Glo bal, ee fadhigeedu yahay Magaalada Hong Kong. Marka mashruuca Inter netka ee Pak istan uu dhamaado dad ka Pakistan waxaa ay heli doonaan Internet xawaa re sare leh oo la isku halleyn karo, kaas oo aad uga sarr eeya midka hadda ay adeegsaadaan
DHAQAALAHA SHIINAHA OO KOR U KAC AY SIDII LA FILAYAY SI KA FIICAN
Waxaa kor u kacay dhaqaalaha do wlada Shiinaha ee sannadka kaas oo kor u kacay 6.8% saddexdii bilood ee ugu horeysay sannadkan.
Marka la barbardhigo sannadkii ho re, sida ay muujinayso xogta rasmiga ah ee dawladda. Koritaanka dhaqaal aha Shiinaha ayaa dhacday intii u dha xaysay bishii Janaayo iyo bishii Maa rso, ee sanadkaan, wuxuuna ka sarre eyaa kobicii ay dawladda Shiinaha fila ysay sannadkan 2018ka oo ahaa "ku dhawaad 6.5%”.
Xogtaas ayaa muujinaysa adkaysi ga dhaqaale ee dalka labaad ee ugu tunka wayn adduunka, waxaana caaw iyay dalabaadka dalka gudahiisa ah oo awood yeeshay. Balse waxaa taag an walaaca laga qabo dhaqaalaha Shiinaha – waxaana ka mid ah daynta sare u sii kacaysa.
Dawladda ayaa dadaal adag ugu jir ta sidii ay u xakamayn lahayd daynta iyo qiimaha guryaha ee sare u sii kac aya iyadoo aan la dhaawicin korodhka dhaqaalaha. Amy Zhuang oo ah dhaqaale yah an Shiinays ah oo ka tirsan bangiga Nordea Bank ee Singapore ayaa she egay in ay arrin "culus” tahay sida uu dhaqaalaha Shiinuhu u kobcay sadde xdii billood ee sannadkan u horraysay, laakiin wuxuu sheegay in ay jiraan ast aamo wiiqaya xawaaraha uu dhaqaalu hu ku kobcayo.
Shaacinta koboca dhaqaalaha ee Shiinaha ayaa ku soo aaday iyadoo ay jirto xiisadda dhanka dhaqaalaha ah Maraykanka kala dhaxaysa. Waa na dalka ay ganacsiga ugu ballaaran la leeyihiin.
orane.
MAREYKANKA: MAXAABIISTA SOOM AAL IYEED EE KU XIRAN MIAMI OO 27-KA BISHAAN GO’AAN LAGA GAARAYO
Maxkamad ku taallo M/iami ee gob olka Florida, ayaa 27-ka bishaan April lagu wadaa iney go’aan ka gaarto 52 maxaabiis Soomaaliyeed ah oo ku xir an labo xabsi oo ku yaallo magaala daas. Maxaabiistaan go’aan ka laga gaaraayo oo horay oga tirsanaa 92 maxbuus oo bishii December ee san nadkii horay laga dhoofiyay gobolka Louisiana iyagoo Soomaaliya loo wa day, balse diyaaradii siday ay dib oga soo laabatay wadanka Senegal ka dibna lagu xiray xabsiyo ku yaallo gob olka Florida.
18 ka mid ahaa maxaabiistaas, ay aa la sheegay in dib loogu celiyay Soo maaliya kadib markii ay codsadeen hal ka qaarkii soo horay ayaa lagu ka la xiray xabsiyada Krome iyo Glades oo ku yaallo Miami.
Maxaabiistaan Soomaaliyeed oo iskugu jiro kuwa wax badan joogay Mareykanka oo sharciyada loo diiday iyo waliba qaar dambiyo ka galay dal kaan oo maxkamda ay horay ogu xu kuntay in dib loogu celin doono dal kooda, ayaa sannadkii hore waxey cii damada Bilayska ee magacooda loo soo gaabiyo ICE ay ka soo qabteen gobolada Mareykanka qaarkood oo Mi nnesota iyo Georgia ay ugu horeey aan.
Qaar kamid ah ehelada dadkaas xiran oo ka tagay magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia, ayaa hor aantii bishaan mudahaar ka sameyay albaabka hore ee xasbiga ay ehelad oodu ku jiraan. Cawil Falaag oo ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay mu daharaadkaas, ayaa Hiiraan Online u sheegay in Magaalada Atlanta ay ka tageen kadib markii lagu casuumay ba naanbax ay soo qaban-qaabiyeen uru rka garyaqaanada u doodo maxaabiis taas Soomaaliyeed iyo Jaamacada Florida.
Cawil oo u dhaq-dhaqaaqo arrimaha bulshada, ayaa intaas ku daray in 27-ka bishaan ay Maxkamada Miami dha geysan doonto dacwada maxaabiist aan kadibna ay go’aan rasmi ah ka ga ari doonto.
Garyaqaanada u doodaayo dadka xir an, ayaa warbaahinta u sheegay in xadgudubyo ay kala kulmaan maxaabi ista Soomaaliyeed xabsiyada ay ku jir aan ee Krome iyo Glades. Waxeyna ka codsadeen agaasimaha xafiiska ICE ee Miami in si deg-deg ah loo joo jiyo dhibkaas isla markaasna baarit aan la sameeyo.
Dhanka kale Marc Moore oo ah ag aasimaha xafiiska ICE ee M/Miami, ayaa beeniyay eedeymahaas, wuxuu na sheegay in si sharciga waafaqsan loola dhaqmo dadka xabsiyada ku jiro.
MADAXWEYNE WAARE”INTA AAN RAMADAANKA LA GAARIN AYAAN XUREYN DOONAA DEEGAANNADA NAGA MAQAN”
Madaxweynaha Dowlad gobole-edka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Wa-are oo maalmahaan ku sugan Magalada Baladweyne aya sheegay in uu dhama-aday Wajiga koowaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad,kaas oo la-gu xureyn doono deegaannada ka maqan Gacanta Maamulka Hir-Shabeelle,isla markana ay Gacanta ku hayaan Al-Sha-baab.
Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey guulo waaweyn laga gaaray,sidoo kale ay siwadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dow-ladda iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Waare ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyinka waqtigaan heesta Dhalinyarada ku nool deega-annada Maamulka Hir-Shabeelle.
MADAXWEYNE FARMAAJO IYO DHIGIISA MASAR OO TELEPHONE KUWADA HADLAY.
Madaxweyne Maxamed Cabdu-llaahi Farmaajo oo xalay khadka tele-foonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al Sisi ayaa uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay Dowladda Masar la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo intaas raaciyay in Dowladda Federaalka Soom-aaliya ay sii adkeynayso xiriirka soo jire-enka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa mar-ka hore ugu hambalyeeyay Madaxweyne Sisi guushii uu ka gaaray doorashadii ma-daxtinimo ee dhawaan ka dhacday Mas-ar, wuxuuna caddeeyay in soo laabas-hadiisu ay gacan weyn ka gaysanayso sii xoojinta xiriirkii adkaa ee ka dhaxeeyay labada dal.
Labada Madaxweyne ayaa iska wareystay arrimo badan oo khuseeya lab-ada dal oo ay kamid tahay tallaabooyinka wax ku ool ah ee ay qaadday Xukuuma-dda Federaalka Soomaaliya ee dhin-acyada amniga iyo horumarinta dhaqa-alaha.
Waxay, sidoo kale, isla soo hadal qaadeen in si wadjir ah loo wajaho xaa-ladaha haatan ka taagan Dalka iyo guud ahaan Gobolka.
KULANKA URURADA BULSHADA RAYIDKA AH EE DOWLAD GOBALEEDKA HIR-SHABEELLE EE HANAANKA DIB U EEGIS TA QAYBO QORAALKA DASTUURKA SOOMAALIYA
Ururada Bulshada rayidka ah ee Dowlad Gobboleedka Hir-Shabelle Soomaaliya ayaa kulan aragti is-wayd aarsi ah oo lagu lafa gurayey hanna anka dib-u- eegista Dastuurka Soom aaliya ku yeeshay magaalada Jowhar. Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Dallada Jillayaasha Aan Dowliga ahayn ee Koofurta iyo Bartamaha Soo maaliya-SOSCENSA, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qayb aha kala-duwan ee Ururada Bulshada Rayidka Hir-Sha beelle sida ; Culu maa-udiinka, Urur ada haweenka , Dhallinyarada , Oda yaasha Dhaqanka , Warbaahinta iyo Jaamacadaha.
Ujeedada kulanka ay isugu yimaa deen Ururada Bulshada Rayid ka ay aa ahaa:-
1.In bulashada rayidku ay aragti is-waydaarsi ka yeeshaan halka uu marayo geeddi socodka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.
2.In ay ka tashadaan kaalintooda ka ga aadan ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka hays ta ka qayblka hannaanka.
3.Hababka ugu haboon ee loo dhaqa ajin karo dib-u-eegista Dastuurka Soo maaliya.
Ka qeyb-galayaasha ka socday ururada Bulshada Rayidka ayaa wada qaatay dood dheer, wadatashi iyo fala nqeyn ku aadan geeddi socodkaa dib-u-eegista Dastuura, kaalinta bulshada rayidka, caqabadaha ka heysta ka qayb-galka hannaanka dib-u-eegista Dastuurka iyo hababka ugu haboon ee loo dhaqaajin karo, waxa ay soo sa areen talooyinka hoos ku xusan:
4.In Hanaanka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Sooma aliya uu noqdo hannaan Soomaalidu ay gacantooda kujira beesha caalmkana ay soo fara-galin
5.In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay ka dhabee yaan in Qabyo Qoraalka Dastu urka uusan dhaafin dhammaadka 2018.
6.In Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobbaleedyada Dalka ay door muhiim ah ka siiyaan Ururada Bulshada Rayid ka ah Geedi socodka Dib-u-eegista Daastuurka, maadaama ay iyagu ku dhexjiraan Bulsho waynta Soomaali yeed.
7.In qorshaha guud ee loo diyaariyay hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya(CRP Road Map) aan lasoo bandhigin iyada oo aan dib-u- eegis lagu samayn, Bulshada Rayidka ahna laga qayb galin .8.In Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya aas-aas looga dhigo mabaadii’da shareecada Islaam ka.
9.In Hannaanka Dib-u-eegista Dastuur ka laga qayb galiyo qubaro aqoon u leh shareecada Islaamka iyo Qawaan iinta Caalamiga.
10.In la qabto wacyigalin ballaaran oo ku saabsan Geeddi socodka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya iyada oo la gaarsiinaayo dhammaan Bulsha da Soomaaliyeed , gobbal ilaa Tuulo iyada oo Ururada Bulshada Rayidka ahna ay qabanayaan wacyigalinada as. Gaba-gabada kulanka, kasoo qayb galyaasha ayaa u mahad celiyay Dallada SOSCENSA oo soo abaab ushay kulanka halka maalinka ahaa ee lagu lafa-guraayay Geeddi socod ka Dib u Eegista Qabyo Qoraalka Dastuurka Soomaaliya. -Dhammaad-
BUUG LAGA QORAY GABDHO SOMALI NORWEGIAN AH OO KU BIIRAY ISIS
laba gabdhood oo dhalinyaro ah oo loo yaqaan ‘Ayan’ iyo Leila ayaa waal idiintooda ku argagaxay waalidkood iyaga oo ka cararaya inay ku biiraan ISIS Suuriya. Sheekadooda xagjirni mada waa wax aan caadi ahayn mar kay dhacdey Nor way.
Weriyeha Åsne Seierstad oo san nadihii ugu dambeeyay ku hawlanaa baadhitaanka waxa dhacay. Hadda bu ugeeda, "Laba Walaalo: Jihaadka Suu riya” waxaa laga helaa Marayk anka.
Seierstad, oo ka hadlaysa buugeeda iyada oo habeenkii Isniinta ee Mac hadka Swedishka ee Minneapolis, ay aa sheegtay in aysan raadin shee ka da.
"Sheekadu dhab ahaantii way ii timid,” ayay tidhi. "Waxay ahayd aabaha gab dhaha runtii rabay sheekada in la qoro.”
Magaciisa waa Sadiq, oo ah nin Soo maali ah oo shaqeeyay sanado badan inuu qoyskiisa u keeno Norway. Wux uu rajeynayay nolol wanaagsan. Wa xa uu u maleynayay in ay si fiican u socdeen, kadibna waxuu burburay markii Ayan iyo Leila ay waayeen.
Markii ay gabdhihii guriga ka baxeen, waalidiintoodi way argagaxsanayeen, Seierstad ayaa sidaas yidhi. "Waxay fahmi waayeen waxa ku saabsanaa, sababta oo ah marka ay biloowday, oo ay barteen in badan oo ku saabsan xag-jirnimada, waxay ogaadeen in dhammaan calaamadahaasi ay hal kaa joogeen, in gabdhaha ay u egyih iin xaalad barasho oo xagjirsiin ah. Wuxuu [Sadiq] doonayay in buugga loo qoro inuu u digo dadka kale, si uu sheekadan u sheego inuu uga digo waalidiinta kale. ” Waa sheeko naxdin leh. Ayan iyo Leila waxay ahaayeen kuwo dhalaala ya, oo la fekeray. Iyagu ma aysan dhic in iyagoo la riixayo.
"Taasina waa qayb ka mid ah sab abta ay uga tageen,” ayuu yiri Seiers tad, isaga oo intaa ku daray in gabdha ha ay ku qanciyeen Suuriya iyo ISIS ay bixisay fursad nolol weligeed ah.
"Waxay aaminsan yihiin in noloshu hal kan iyo hadda aysan ahayn nolol dhab ah, nolosha dhabta ah waxay dhac daa dhimashada ka dib, noloshuna waa mid muhiim u ah imtixaanka, sid aas darteed dhibcahaaga aad u fiican tahay, si fiican ayaad u dhaqantaa no loshaan, booska ka sii fiican jannada weligeed ah, sidaa daraadeed ma fiic na? ”
Seierstad waxaa loo yaqaanaa wa rbixinteeda qoto dheer. Buugeeda "One of Us,” oo ku saabsan Anders Breivik, oo ah ninka hubeeysan ee 77 qof ku dilay weerar argagixiso ee ugu xun Norway, waa kan ugu wanaagsan caalamka. Markii la daabacay Norw ay, Seierstad wuxuu yiri, "2da Walaa lood” waxay noqday Buug Qiimo sare lagu iibsado. Maxay raalli ka tahay in ta badani waa ballaca aqriska. Waxay email ka heli kartaa gabdhaha dhall inta yar ee Soomaaliyeed, iyo sidoo kale saraakiisha dawladda ee doona ya inay ka hortagaan xagjirnimada mustaqbalka.
TALIYAHA CIIDANKA BOOLISKA OO BOO QDAY XARUN UU TABABAR UGA SOCDO CIIDAMO
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaa
liyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi
Maxamed oo ay wehliyeen qaar kamid ah Saraakiisha Ciidanka Booliska, ay aa
kormeeray Dugsiga tababarka Ciid anka Gen kaahiye, halkaasi oo uu ku la kulmay
Ciidan dhowaan
tababar loo
furay. Taliyaha oo la hadlay Ciidanka asi, ayaa ku dhiiri geliyey inay u adkey staan
noocyada kala duwan ee tabab arka la
siinayo , islamarkaana ay ogga adaan in ujeedada tababarka loo siina yo ay
tahay in ay noqdaan kuwa dalka u adeego, kana dhiidhiya ficiladaar xan
laawayaasha Argagixisada ah.
Sidoo kale Taliyaha, ayaa kormeer ay qeybaha kale ee Dugsiga tababar ka Ciidanka Booliska ee Gen Kaahiye, waxaana shaqada halkaasi ka socota warbixin ka siiyey Taliyaha Dugsiga asi.
QOF SOMALIYA MA AHAY? QARAN
MA AHAY?=FAALLO
Muddo laga joogo 150 sanno Somaliya waxaa yimid: Jhon, James, Dogama iyo Roberto, oo kala ah: Ingriis, Faransiis, Bortaqiis iyo Talyaani, annagu waxaan u wada arkeeynay Gaalo cad cad, laakin iyagu waxa ay lahaayeen Dokumenti loo yaqiin ID oo ay isku aqoonsadaan, dalkeena waxa ay soo galeen VISA la’aan, weyna na isticmaarsadeen,( fiiri sawirka 1aad) kadibna waan iska xoreynay.
Cajiib, Cajiib. Maantana 150 sanno kadib waxaa XALANE jooga ilmihii ay Dhaleen: Jhon, James, Dogama iyo Roberto, VISA-na lagama rabo, waxa ay isaga soo galeen sidii Awoowa yaashoo, laakin adiga waxa ay kaa rabaan Visa & ID si loo cadeeyo Jinsiyadaada iyo Sababta aad dalkooda u joogto.( fiiri Sawirka 2aad).
Ha hilmaamin sidii ay nagu soo galeen Gumeystayaashu, Aabayaashii Jhon, James ,Dogama iyo Roberto ayaa qabiil qabiil heshiis ula galeen Somalida 150 sanno ka hor. (( hadda ka hor waxaan idiin soo qoray in kabadan 10 qabiil oo heshiis la gashay, copy-gii heshiiskana waan idiin kugu soo lifaaqay)). Maantana ilmahoodii Jhon, James, Dogama iyo Roberto ayaa isticmaalaya jidkii Aabayaashood, oo naga dhigay Federaal qabiil ah, kadibna heshiis la galaya qabiil kasta, iyaga oo diidan dowlad dhexe oo somaali ka dhexeeysa in ay heshiis la galaan, waxaana maanta u saxiixaya ilmihii ay siiyiin ID –yadooda. Xattaa ururda caalamiga ah ee aan dowliga aheeyn ayaa iyaguna habkaa isticmaala, si deeqaha magaceena lagu soo qaado ay uga faa’iidaan wadama aan deris nahay ( fiiri sawirka 4aad). waa un sidii uu isticmaarku nagu soo galay, heshiis qabiil lala galo,waxaa lagu badelay heshiis lala galo maamul qabiil/gobaleed, Duub dhaqamedkii saxiixayayna waxaa lagu bedelay madaxweyne gobaleed, iyo kuwa heer Qaran ah oo wata ID-gooda .
Gobaladda qaar ayaa lagu yiri: waxaan idiin soo dirsaneeynaa Safiir, ma ahan Safiir ee waa wakiilkii Mustacmaradda oo magacii loo bedelay, annaguna waxaan u direynaa mid wata ID-gooda oo ay aamin sanyihiin.
Marna lama ogola dowlad xoog leh oo Somali oo dhan mideysa, Iyaga iyo ilmahooda madmadoobi waxa ay heystaan ID muujinaya in xiriir ka dhexeeyo, annaga nalooma ogola ID –muujinaya Somalinimadeyna. Hore waxaan u lahaan jirnay ID Somali ah oo aan dheceeyn. Maanta, Dadka yar ee heysta ID-ga Somali ah ayaan ka mid ahay ,waxaan heysanaa ID waqtigiisu dhacayo (Expire), wuxuuna iga dhacayaa 7/Sep/2020. waqtigaa kadib Somali ma ihi miyaa?. Madaxdeyda ID-ga dhacayo dhib kuma hayo ileyn iyagu waxa ay wataan ID- Ajnabi oo aan dheceeyn.
Walaalkeyga madoow ee ID-ga Ajnabiga watoow, ha u maleeyn in aan ku fiirayo, aniga agteeyda waxaad ka tahay ina hebel hebel oo reer hebel ah kana sii ah walaalkeey/walaashey somaliya, laakin qaarkiin ( kuligiin ma ahan) sidaan ha isku dhaameen, hana ogaadeen in ID-ga Ajnabiga ku siiyay uuna marna kuu aqoonsaneyn muwaadin leh xaq la siman kiisa.
Horta Anigu qof somaliya ma ahay? Ma leeyahay Qaran madax banana? Waa in aan gaar siinaa jawaabta HAA ,Haa, waxaan wada nahay Somali mid ah.
Fiiri mar kasta dooda u dhexeysa siyaasiyiintu, waxa ay ku saleysan tahay Qof ama Qabiil, laakin kuma saleysna Aragti & Mabaadii’ wax lagu dhisayo.
FG: waa aragti shakhsi, duquna waa khaldami karaa. Ha u qaadan in aan faquuqayo walaalaha wata ID-ga Ajnabiga, waan ogahay in ay jirto dan badankiina ku qasabtay in ay qaataan, iyo rafaadka aad u marten( fiiri sawirka 5aad), laakin adiguna ha hilmaamin in aad tahay Somali walaalkeey/ walaashey ah, dhibka aniga iyo adigaba ay nala damacsanyihiin ilma Jhon, James, Dogama iyo Roberto aan iska wada fiirino. wixii qaldan ka sax, dhaliil, wixii ka dhiman ku dar, arragtidaadu waa noo muhim,si aan u noqono Qaran jira. Alloow, Somali Badbaadi ( fiiri sawirka 6aad) , oo hal calan ku mideey ( fiiri sawirka 7aad).Aamiin,Aamiin,Aamiin.
Qore: Yahya Amir
BARBARA BUSH OO GEERIYOOTAY
Barbara Bush, haweenaydii hore ee Maryakanka George Bushkii weynaa ayaa habe enkii xalay ahaa geeriyootay, iyada oo 92 jir ah. Barbara waxay ka tagtey odeygeeda oo isaguba aad u xanuunsan, 5 caruur ah oo ay dhaleen, xaasaskooda iyo caruurta ay sii dhaleen.
In kasta oo ayna iyadu siyaasadda galin, haddana muddo 20 sa no ay siyaasadda Washington, DC ka ag dhaweyd. Siddeed sa no ayaa ninkeeda George Bush uu madaxweyne ku-xigeen u ah aa Roland Reagan, isaguna 4 sano ayuu madaxweyne ahaa, ha lka wiilkeeda George W. Bushna uu siddeed sano madaxweyne ahaa.
HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DALY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KU LAABTAY XAFIISKII WASAARADA GAASHAANDHIGA Madaxweynaha dowlada FS Max amed C/hi Farmaajo ayaa Shalay dib ugu laabtay Xafiiskii Wasaaradda Ga ashaa ndhigga ee uu ku shaqeynayay muddadii ugu dambeeysay.