
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA ABRIIL 2018-KA
daallo airAqalka sare ayaa dhawaan su’aalo ari maha xajka ku aad an weydiiyay wasiirkii Diinta iyo awqaafta, Waxaana kadib ay dalbadeen in tartan laga dhigo shirkad aha duulimaadyada xaj ka.
Warsaxafadeedka ayaana u qornaa sida Hoose:
WAR SAXAFADEED: KU ADAN ARIMAHA XAJKA
Anagoo ah shirkaddaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines waxaan dadka Somaliyeed usoo bandhigayna arimo dhowr ah:
Dadaalka iyo doorka ay labadda shirkadood ka soo qaateen samata bixinta iyo u adegida umm adda Somaliyeed mudadii ku dhowayd 30 sano ee wadanka iyo dadku ku jireen marxaladaha adag iyo duruufaha qalafsan.
Sida shirkaduhu u joogteeyeen gudashadda Xajka iyo Cimradda, howshaana uga so bex een si hufan iyo si ceeb la,aan ah oo cid kasta oo caqli fayoow oon ujeedo kale lahayn ay qir tay kana markhaati kacday
Shakhsiyaad qaarkood oomasuliyad iyo xasaanad qaran leh oo war ay kaga been sheeg ayaan xaaladda dhabta ah ee shirkadduhu u fuliyaan shaqadda Xajka ku baahiya warbaahinta, iyado ujeedadooda dhabta ahi ay tahay (KU QABSO KU QADI MAYSIDE).
Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay ku fuliyaan adeega iyo dulimaad yada Xajka iyo kuwa kale ee calamiga ah kuwaas oo raba in si khasab ah howlahas 27ka sano shirkaduhu maal iyo tacaba usoogelinayeen in si howl yar lo siiyo. iyaga oo isticmaalaya wax kasta oo laga xishoodo Waxaan sikooban u faah faahinaynaa qodobadda kor ku xusan:Haddii lagu sheegi wayo waa lays sheegaa. Qof kasta oo somaliyeed waa ogyahay doorka shir kaddaha Daallo iyo Jubba kasoo qaateen , samata bixintii iyo kasoo ka bashadii burburkii ku dhacay dadka Somaliyeed meel kas ta baha joogeene. Adeega dulimadyada ee rakaabka iyo shix nadaha, gudashada wajibaadka Xajka iyo Cimradda. Waxay 2da shirkadood qayb libaax ka qateen oo tariikhda ku cad:
A kobcinta dhaqalaha iyo shaqa abuurka dadka
Bwaxbarashada
C Caafimaadka.
D siyaasadda iyo dib udhiskii dowladnimo
Sidookale shirkaduhu waxa ay kusoo shaqeeyeen marxalado aad uadag oo qatartooda leh iyaga oo kuwaayey xubno sar sare oo laf dhabar uahaa iyohanti aan lasoo koobi karin
Shirkaduhu waa dhaxal umadeed, waxaa wajib ah in siyasadda dalku ilaaliso oo dhiiri geliso markasta. Waxaanu ku dardaarmeynaa qof kasta oo masuul ah iyo dowladduba in tacabka laga mira dhaliyay ee la joogteeyay mudada dheer la garab istaago, kuwa cusubna loo abuuro jawi iyo duruufo ay ku hirglaan. Waxaanu ummadda Somaliyeed iyo cid kasta oo danaynaysa arimaha Xajka iyo Cimradda manta halkan ugu cadaynaynaa, iyadda oo shirkaduhu ku shaqa ynayeen xalad qalalase oo mararka qaar galaafatay naf iyo maal , shirkadahana gaarsiiyay dhawacyo iyo dhibatooyin laf jab ah,taas oo jirta ayey shirkaduhu howsha uga soo baxeen si hufan oo ceeb la’ aan ah. wasaaradda Xajka ee boqortooyada Sucuudigu wa xay qirtay in So maliddu ka hor umarsantahay xagga adeega Xajka dalal badan oo dhaqaale iyo maamul dowl adeed oo adag leh. Waxana ashalaya leh, Wasaaradda Diinta iyo Awq afta ee somaliya, Safar adda, qun suliyadda, bicsadda, iyo shirkadaha oo iska kashaday. Wax aan idiin soo ban dhig idoonaa insha alaah shahado sharaf aykumuteysteenhowl wanaagii ay muujiyeen shirkadaha Somaliyeed.
Waxaan halkan idiinku sheegayna shaqsiyaad musuuuliy ad qaran iyo xasaanad leh oo ummaddu u igmatay inay ka sa ran halaaga iyo dhibaatada adag ee ay ku jirto inay shaqo ka dhigteen olole been abuur ah oo lagu dhabarjeb inayo shirk adaha ay masuuliyaddu farayso inay tabantaabiy aan. Waxay sheegan in xujaydda aan la siin adeeg fiican, la gana qaado sicir qaali ah. Waanu beeninayna, warkooduna wa fadeexad iyo ujeedo kale iyo dano shakhsi ah. Waxa hub aal ah in bar oortu orgiga ka weyntahay. (Wa ku qabso ku qa di mayside.) Wadanka Somaliya weli shirkadaha caymiska waxa uu ugu qoranyahay goob dagaal, waxaana shir kaddaha laga qaada kharash caymis oo afar jibaaran, dulimaadyadda Xajku waa dulimaadya khaas ah, sida Kenya ama dalalka kale Xujayda lama saaro dulimaadyo caadi ah (Schedule flig hts). Sida darted dulimaad kasta oo xaji waa laba jeer ( Two Rotations). Shidaalku wa qaali, kharashaad dul saar ah oo badana wey jiraan. Sucuudigu sanadba sanadka kadanbeeya wax aa kordha kharashaadka xajka, kirooyinka iyo macee sha dda oo dhan. qofkii xogogaal uahi wuu ogyahay sicir bararka iyo sam aynta barnaamijka Sucuudigu ka leeyay Xajka iyo Ci mra dda oo si gaar ah usoo kordhiya kharashaad joogto ah, iyada oo ay jiraan duruufahaas shir kaduhu waxay ku dadala yaan in si da ugu jaban ee surta gal ah Xujeyda ayugu shaqe eyaan.
Shirkaddo iyo dilaaliin aan haysan awood iyo fasaxyo ay ku fuliyaan adeega iyo dulimaadyada Xajka iyo kuwa calam iga ah oo raba in si khasab ah howlihii 27ka sano shirka duhu maal iyo tacaba geliyeen in si howl yar lo siiyo. Shirkado iyo dilaalin isticmalaya wax kasta oo laga xishoodo. Waxay siy asadeeyeen oo ka been abuureen xaladda rasmiga ah ee Xaj ka. iyaga oo dadka usheegaya hadalo xaqiiqda kafog abu urayana qal qal iyo degan aansho la,aan.Ma jirto cid gaar ah oo Xajku u xiranyahay, shirkad kasta oo muwadin ah oo bux in karta shuruudaha dulimaadka, iyo heshiisyada caalamiga ah. Lehna taarikh iyo rikoodh howl fulineed iyo aminaad. Wa xa ufuran kaqeybgalka tartanka howlaha xajka. waxaa xa ra an ah in si anshax xuma ah oo nidaamka baal marsan lagu burburiyo shaqo dhisan oo lagu tabcay duruufo adag.
NB:Waxa lacag meyrista loola dagaalama si tacbka iyo da daalka soo jireenka ah aan si fudud loogu burburin nidaam aan haboonayn iyo lacag aan dariiqii saxda ahaa lagu kasbin
Gabogabo:Jubba iyo Daallo waxay balan qadayaan iyaga oo kaa shanaya dowladda, shaca bka iyo shirkadaha kale ee Iyana ku howlan adeega iyo u khidmaynta xujeyda Somaliye ed ee gudanaya wajibaadka Xajka ugu adeegayaan sida ugu fiican uguna surtagalsan , sinaxariis iyo u turidiku jiroWabillaahi towfiiq
C/WALI GAAS:”PUNTLAND KAMA MAARANTO DOWLADDA IMAARAATKA CARABTA”,
Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa`id ku qabtay xarunta Ciidamadda Badda Puntland ee Boosaaso oo ay gacanta ku hayso dawladda Imaaraatka Carabta ayaa si adag uga hadlay xariirka u dhaxeeya labada dhinac.
C/wali Gaas ayaa sheegay in xiriir soo jireyn ah uu ka dhaxeeyo Soomaaliya & Ima araatka Carabta, wuxuuna sheegay in uu Puntland qiimo weyn ugu fadhiyo xariirka Imaaraatka oo ay ilaalin doonaan wajibaadna ka saaran yahay.
Dhanka kale Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Ma x’ed Cali Gaas ayaa beeniyay in dhawaan Tabarayaal ci idan lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Magaalada Boo saaso ee Gobolka Bari,wuxuuna taasi badalkeeda dowla dda dalkaas ka codsaday inay sii labo jibaaraan taageerada iyotababarida Ciidamada Badda Puntland.
Hadalka Madaxweynaha Maamulka PuntlandC/wali Gaas ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadkaan Puntland ay isaga baxeyn tababarayaal u dhashay dalka imaaraadka Carab ta,kadib markii uu xumaaday Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
MADAXWEYNAHA OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY KADDIB KA QAYBGALKII SHIRKII JAAMACADDA CARABTA EE DAHRAAN
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay shirmadaxeedka dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada AlDahraan ee Boqortooyada Sucuudiga ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.
Madaxweynaha ayaa intii uu shirku socday waxa uu la wadaagay madaxda Carabta, guulaha la taaban karo ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo qorshayaasha ay muhiimka tahay in walaalaha Carbeed ay kala shaqeeyaan Dowladda Fede raalka Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan dibukabashada dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xasuusiyey hoggaamiy eyaasha Carbeed muhiimadda ay leedahay midnimadu iyo wadajirku, maadaama marxalad adag ay ku jirto man diqaddu, sida kaliya ee looga gudbi karana ay tahay isku duubni iyo in la ixtaraamo dal kasta mada xbannaanidiisa iyo karaamadiisa.
Madaxweynaha ayaa ka dalbaday Jaamacadda Carabta inay fuliso ballanqaadyadii iyo go'aamadii ka soo baxay shi rarkii hore ee lagu taageerayay Soomaaliya iyo in ba dee cadaha Soomaaliyeed loo fududeeyo suuqyada Car beed, cafinta daymahii hore ee waddamada xubnaha ka ah Jaam acadda Carabta ay ku leeyihiin dalka iyo in lagu dhiirrigel iyo gan acsatada Carabeed in ay maalgasha daan Soom aaliya. Dhanka kale, hoggaamiyeyaasha kale ee ka hadlay shirmadaxeedkan ayaa iyaguna khudbadahooda ku xusay arrimaha Soomaaliya, sheegayna inay mar walba garabtaagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
IMAARAADKA CARABTA OO INTA BADAN AGABKII IYO SAANADII MILATERI KA RARTAY XERADA JEN. GORDON EE MUQDISHO
Imaaraadka Carabta ayaa shalay inta badan agabkiisa iyo qalab milateri ka rartay xerada Tababar ee ay ku lahaayeen degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Gawaari Konteenaro ah oo lagu daabulayay agabyo iyo saanad milateri ayaa la arkayay, kuwaasoo ka soo baxa yay Xerada Jen. Gordon ee Imaaraadka ay Ciid amada ku tababaraan.
Wararka ayaa sheegaya in agabka laga daabulay Xer adaas la geeyay xarunta Sa faaradda Imaaraadka Cara bta ku leeyihiin degmada C/casiis.
Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in aanay wali si rasmi ah Imaaraadka Carabta uga guurin Xerada, isla markaana ay wali u yaallaan agab kale, waxaana intii badneyd ee saraakiishii taba barka u qaabilsanaa ay aadeen Safaa radooda.
Dhinaca kale Isbitaalka Sheekh Zaaid ee Imaaraadka Cara bta ku lahaa degmada Shin gaani, gaar ahaan halkii la oran jiray Fiisha BRA ayaa shalay la xiray, iyadoo la joojiyay howlihii caawimaad iyo qaabilaada bukaanada oo maalin walba daawo maalmeed ka heli jiray isbit aalkaas.
Lama oga tallaabadan bilowga ah inay keeni karto in gebi ahaanba Imaaraadka ka guuro Muqd isho, iyadoo war saxaafadeed ay habeen hore faafisay Wakaaladda wararka Ima araadka Car abta ee WAM lagu suaaciyay in la joojiyay ge bi ahaan howshii tababarka iyo taageerida Ciida mada Soo maaliya ay siin jireen, taasoo qeyb ka aheyd mushaarka ill aa labo kun askari oo ay horay u tababareen.
MAQAAL: AFKA WAA KA SHEEGANAY, HAYEESHEE, DHAQAN WANAAGGII AYAAN KU JABNAY!
Waxa aan ahayn 5 qof oo 3 ka mid ah ay ku soo noolaadeen waddamada galbeedka ugu yaraan 15 sano.
Waxa aan dood dheer gelinay in aan is barbar dhigno dhaqanka galbeedka iyo kan muslimiinta shalay.
Waxaa noo soo baxday in aysan jirin hal arin oo nolosha ka mid ah oo aan kula tatami karno.
shaqa wanaaga iyo iyo ilaalinta waqtiga.
Balamada iyo ilaalintooda.
musuq diidka iyo ka hortagga hanti boobka.
maamul wanaagga iyo ilaalinta tayada.
runsheegga iyo hufnaanta.
dhawrista bina’aadamka iyo kala sooc la’aanta.
naxariista iyo u turista dadka dhiban ama taagta yar.
gurmadka iyo wax dhiibka degdega ah.
xiliskasaarista horuusocodka aduunyada, ilaalinta
degaanka, caafimaadka iyo wixii la mid ah.
Aqoon jacaylka iyo baaritaankeeda joogtada ah.
doodaha, isdhegaysiga iyo tixgelinta.
awood qeybsiga iyo ka tegista awoodda gooraysan.
Waxaa noo soo baxday in islaamkii afkasheegasho soo dhaafi waayay oo dhaqan wanaaggii aan ku jabnay.
Hadaad marag u baahantahayna waxaa kuugu filan sida aan ugu yaacayno galbeedka wadd amadeenana aan uga yaacayno.
Waxa ay naqdeen macalimiin, hasa ahaatee ma aqaano in aan nahay arday wax bara sho u diyaar ah iyo in aan nahay [faroojo] faan uun la soo taagan! Qalinkii: Hassan Hundebey Jimale
12 SANO KADDIB XAGGEE BUU YAALLAA MEYDKA SADDAAM XUSEEN?
Markii la del delay Saddaam Xuseen Sheekha Qabiilka uu ka dhashay ee Albu Nasser, Sheekh Manaaf Cali Al Nidaa ayaa codsaday in Meydka Saddaam lagu wareejiyo.
Waxaana Warqad ka soo baxday Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush lagu amray in mar ka la dilo kaddib si deg deg ah loogu wareejiyo ehelkiisa oo deggan Tuulada Al Awjah ee hoostagta Degmada Tikriit,halkaas ayaana lagu aasay.
Sanado badan kaddib waxaa ay hadda dood ka taagan tahay Meydkii Saddaam malaga bixiyay Qabrigii Al Awjah mise wali waa uu ku jiraa?
Saddaam Xuseen oo 69 jir ahaa ayaa horay uga dar daarmay in Tuuladaas lagu aaso marka uu geeriyoodo sidii ayaana loo yeelay.
Qabrigiisa waxaa sanad kasta booqda Taageerayaashiisii,waxaa hadda la isu diyaari nayaa booqashada Qabriga oo sanadkiiba mar la booqdo waxaana ay ku aaddan tahay 28ka Bishan April, oo ku beegan dhalashadiisii.
Dadka booqanaya shalay waxaa ay u baahanyihiin oggolaansho degaanka ah,Sheekhii Qabiilka Saddaam ee Sheekh Nidaa,waxaa uu u baxsaday ismaamulka Kurdistan,halkaas oo uu hadda ku noolyahay,waxaana maamulka ka taliya Tikriit ay dadka siinayaan oggolaansho la gu booqdo qabriga.
Dood badan ayaase ka dhalatay in uu Qabriga wali ku jiro iyo inkale waxaana arrintan ay soo baxday kaddib markii mid ka mid ah ilaaladii gaarka ahayd ee Saddaam Xuseen uu she egay in Meydka Saddaam ay Gabadhiisa Halaa u qaadatay dalka Jordan iyada oo ku qaadatay Diyaarad gaar ah.Mas’uuliyiinta qaar ee Tikriit ayaa sheegay in Qabriga Saddaam uu wali halki isii yahay kuna jiro,waxaana ay beeniyeen in la bixiyay,hase ahaatee Qoyska Saddaam ayaa isku dayaya in Qabriga Saddaam uu ahaado mid qarsan oo sidan ay dood uga taagnaato.
Laakiin Dadka deggan Caasimadda Baqdaad maba rumeysna in Saddaam dhin tay,dadka aragtidaas qaba waxaa ka mid ah Abuu Samiir oo ka mid ah Dadka deggan Baq daad,waxaa uu sheegayaa in uusan rumeysneyn in la dilay Saddaam walina noolyahay.
Wiil Dhalinyaro ah oo xalay lagu dhaawacay Muqdisho
Wararka inaga soo gaaraya degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in fiidnimadii xalay halkaasi lagu dhaawacay Wiil Dhalinyaro ah oo si weyn looga garanayo aaggaasi.
Falkan ayaa waxaa geystay Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysnaa, waxayna rasaas kaga fureen qeybta sare ee jirkiisa, kadib goobta ayay ka baxsadeen.Dadka degaanka ayaa Idaacad da Risaala u sheegay Dable yda in wiilka ay dhimasho uga tageen, balse uu dhaawacmay, ka dibna loola cararay Isbitaalka.
Wiilka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Nuur Ciise (Halooyeelo), ka asi oo Studio ku lahaa meel ku dhaw Isbitaalka SomaliChermany, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu la socon jiray Ciidanka NISA.
Maamulka degmada Boondheere iyo Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goob ta uu dilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano amni xaqijin ah, iyaga oo ku da ba jira raggii falkan geystay.
XUBNO ISKA CASILAY GUDIDA DOORASHADA KENYA
Gudiga doorashooyinka Kenya ayaa waxa soo gaaray weji gabax weyn ka dib markii ay is casileen saddex ka mid ah xubnaha gudigu, kuwaas oo kala ah Consolata Nkatha, Margaret Mwanchanya iyo Paul Kurgat.
Is casilaadda xubnahani waxay ku soo beegantay iyada oo agaasimaha fulinta ee gudida, Ezra Chiloba, shaqada looga joojiyey eedaymo lagu sheegay musuq dhinaca wax soo iibsasha da ah.Roselyn Akombe oo sanadkii hore markii doorashada madaxtooyada lagu celiyey dalka ka baxsatay, ayaa sheegtay in gudidu aanay awood u lahayn in ay qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Dhacdaani waxay ka dhigaysaa in xubnaha haray ee gudiga doorashooyinku aanay qa ban karin fadhiyo shaqo maadaama aanu kooramku dhamaystirnayn.Maadaama oo Kenya ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed, way adkaan doontaa in si sahal ah loo buuxiyo jagooyi nkaa ay iska casileen xubnahaasi.
ENG. YARISOW "WAXAAN AAMINSANAHAY IN DHALINYARADA AY LEEYIHIIN MASKAX NADIIF AH OO ISBADAL KEENI KARTA”..
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo shalay daahfuray Barnaamijka Wacyigelinta Dhalinyarada Gobolka ayaa sheegay in la joogo waqtigii ay dhalinyaradu qaadan lahaayeen doorkooda ku aaddan horumarinta dalkooda, maadaama ay yihiin saamileyda saxda ah ee dalka.
Duqa Muqdisho waxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in kaalin mugleh ay ka geystaan dadaallada lagu xaqiijinayo rajooyinka iyo hadafkooda mustaqbalka, bacmadamaa ay yihiin madaxda iyo hoggaanka berri, ka maamul ahaanna ay diyaar u yihiin wax walba oo kor u qaadaya tayadooda si ay u buuxiyaan doorkooda muhiimka ah.
Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan oo cadeeyay taageerada uu u hayo horuso codka Dhalinyarada ayaa yiri; "Dad badan ayaa dhalinyarada ku eedeeya inay mas’uul ka yihiin burburka Soomaaliya, laakiin waxaan halkaan ka sheegayaa in aad tihiin wadada kaliya ee loo marayo nabadda iyo dhismaha dawladnimada. Waxaana aaminsanahay in aad tihiin ma skax nadiif ah oo isbadal keeni karta,
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ku dheeraaday kaalintii ay dhalinyarada Soomaaliy eed ku lahaayeen xoriyadda iyo dawlad dhisidda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhalinta Caas imadda in ay ka shaqeeyaan amniga magaallada, ayna ka hortagaan wax kastoo wiiqaya xasi lloonida iyo amniga dalka.
Munaasabadda Daahfurka Wacyigelinta Dhalinyarada ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb gal ay Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed, Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Benaadir Mudane Cabdikaafi Maxamuud (Makaraan) iyo dhalinyaro isa ga kala yimid 17ka degmada ee Caasimadda.
COMEY: TRUMP ANSHAX AHAAN UMA QALMO MADAXTINIMADA.
Kadib markii uu madaxweyne Donald Trump silsilado dhaleecayn ah uu huwiyay maamuli hii hore ee F.B.I James Comey bartiisa Twitterka, isagoo ka soo horjeeda qoraalka ku daaba can buug uu soo wado, ayaa Comey uu ugu jawaabay Trump wareysi uu bixiyay Axaddii Dara ad.
Comey oo wareysi gaar ah siiyay Chanelka ABC ayaa sheegay in Trump uu yahay "An shax ahaan qof aan u diyaarsaneyn inuu Mareykanka maamulo, ma rumeysni sheekooyinka til maamaya in Trump caqli ahaan buko ama uu marxalad hore oo Asaasaqa ah marayo, laakiin waxaan aaminsahay inaanuu u diyaarsaneyn Anshax ahaan si Mareykanka u sii maamulo.”
Waxa uu carrabka ku adkeeyay; "Iney lagama maarmaan tahay in madaxweynuhu uu tus aale fiican u noqdo dhanka akhlaaqda, qiimaha akhlaaqda waxaa ugu muhiimsan xaqiiqada. Madaxweynahan ma awoodo arrintaas[Inuu xaqiiqada sheego].”
Buugga Comey oo ka kooban ilaa 300 oo bayj, ayaa waxaa cinwaankiisu yahay "Daac adnimada ugu Weyn: Xaqiiqooyinka, Beenta iyo Sheegashooyinka”, waxa uu dib u xasuu sanayaa 20kii sano ee noloshiisa, waxa uu soo maray Xeerilaaliyaha Guud ee New York, kadib kaaliyaha Wasiirka Cadaaladda ee maamulkii George W. Bush, kadib agaasimaha FBI inta u dhaxaysay 2013 ilaa 2017.
LAVROV: RUUSHKA IYO GALBEEDKA WAXA DHEXTAAL XAALAD KA XUN DAGAALKII QABOOBAA
Ruushka ayaa beeniyey in uu tirtiray caddaymaha laga heli lahaa goobta la tuhunsa nyahay in lala dhacay hub kiimikaad oo ay ku weerareen ciidamada dawladda Suuriya, taas oo noqotay wixii dhaliyey in Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiisku tallaabo milatari qaadaan Sab tidii.
Waraysi uu siiyey barnaamijka ka baxa Telefishanka BBCda ee la yidhaa Hardtalka, ayaa wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov ku yidhi "waan xaqiijinayaa in aan Ruushku caddaymihii goobta laga heli lahaa tirtirin".
Waxa uu ka hadalay kulan degdeg ah oo ay yeelanayso hay'adda aduunka ee ka hortag ga hubka kiimikada ah, iyadoo lagu soo waramyo in baadhayaashii ay u dirtay Suuriya aanay marin u helin magaalada Duuma.
Danjiraha Ingiriiska u fadhiya hay'adda aduunka ee ka hortagga hubka kiimikada ah, Peter Wilson, oo soo xiganayey agaasimaha guud ee hay'adaas ayaa sheegay in ay weli sug ayaan in loo ogolaado in ay tagaan Duuma.
Wasiirka arimaha dibadda Ruushku waxa kale oo uu beeniyey in hub kiimiko ah lagu riday Duuma 7 Abriil.
"Ma doonayo in aan hadal deel qaafa ku idhaa madaxda dalalka kale, laakiin waxaad soo xigatay hogaamiyeyaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Maraykanka, oo hadii si aan gabbasho lah ayn loo hadlo dhammaantood caddaymaha ay sheegeen waxay ku salaynaayeen warar war baahintu qortay iyo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internetka" ayuu yidhi Lavrov.
Maba ay dhicin waxan la sheegayaa ayuu yidhi, "waxa dhacay waxa weeye wax la abuu rayo" ayuu hadalkiisa ku sii daray.
Lavrov waxa kale oo uu su'aal geliyey sababta Maraykanka iyo xulufadiisu ay weerarrada u qaadeen maalin ka hor markii ay baadhayaasha caalamiga ahi goobta tagi lahaayeen.
MARAYKANKA OO WEERARAY SUURIYA
Xalab oo gacanta ugu gashay dowladda Suuriya
Mar uu ka hadlayey duqaynta, waxa uu ku celiyey hadalkii hore Ruushku u sheegay ee ahaa in saddex meeloodow laba gantaalihii lagu riday Sabtidii Suuriya aanay ku dhicin goobihii lala beegsanayey.
Lavrov waxa kale oo uu yidhi is afgaradka dhex yaal Ruushka iyo Maraykanka ee ah in "aan la isku dhicin" in uu sidii u shaqaynayo, oo xataa meelaha la duqeeyey aanay u dhawayn xarumaha Ruushka.
Duqeyn ka socota bariga magaalada Xalab
Waxa kale oo uu sheegay in Ruushka iyo reer Galbeedka uu ka dhex aloosantay marxalad ka xun dagaalkii qaboobaa, sababtuna tahay xidhiidh la'aanta dhex taal labada dhinac.
R/WASAARE KU XIGEENKA DALKA OO KORMEERAY XARUNTA WASAARADDA MACDANTA..
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Avv. Mahdi Mo hamed Gulleid Khadar ayaa shalay kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaraddaasi Md Cabdirashiid Maxamed Axmed oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaana Ra’iisal wasaare ku xigeenka kusoo dhoweeyay Xarunta Wasaaradaasi.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaana kulan saxaafaddu dibad joog ka tahay oo ujeed kiisu yahay isla xisaabtanka shaqadda Qaranka la yeeshay Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Agaasime waaxeedyadda Wasaaradda Macdanta iyo Baatroolka ee Soomaaliya.
Markii kulankaasi soo dhamaaday waxaa uu R/w ku xigeenka Soomaaliya Md Khadar ay aa soo arkay sida shaqaalaha Wasaaradaasi ugu adeegayaan shacabka, waxaanna uu mid mid isu dul taagay xafiisyadda ay ka kooban tahay Wasaaraddu.
Intaa kadib Ra’iisul ku xigeenka Xukuumadda Federaalka ah oo ay weheliyaan Wasiirka Macdanta iyo Batroolka iyo ku xigeenkiisa ayaa kormeer ku tegey Haamaha Kaydka Shidaalka ee Muqdisho, Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka ayaana Ra’iisul kuxigeenka iyo Was iiradda warbixin ka siiyay shaqadda ay hayaan.
Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka Md Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa Sax aafadda la hadlay markii kormeerku soo dhamaaday.
”Dardargelinta iyo dhamaystirka Qorshayaasha horyaala Wasaaradda ayay tani qayb ka tahay, Ra’iisal wasaare ku xigeenka Dalkuna waxa uu kormeerkiisan shaqo kasoo bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka si uu xog uga helo hanaanka ay shaqaddu u socoto, wuxuuna warbixino ka dhegaystay Shaqaalaha Wasaaradda. Sidoo kale R/w ku xigeenka Wax aanu warbixin ka siinay qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda horyaala oo uu kamid yahay Hin dise sharciyeedka Shidaalka ee horyaala Golaha shacabka & sidoo looga shaqayn lahaa in Barlamaanku ay meel mariyaan. Waxa kale oo uu R/w Ku xigeenku kormeerkiisa kusoo maray Haamaha kaydka Shidaalka.” Ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Batroolka ee Soomaaliya Md Maxamuud
BOGGACAYAARAHA
ARTURO VIDAL OO SEEGAYA KULANKA REAL MADRID KADIB DHAAWAC KOSOO GAARAY XARUNTA TABABARKA.
Waa arin dharbaaxo weyn ku ah kooxda Bayern Munich taa oo laga yaabo iney heli waay aan laacibkooda qadka dhexe ee Arturo Vidal
Kooxda ku guuleysatay horyaalka Germanay markii lixaad oo xiriir ah ayaa la ciyaari doon ta afar dhamaadka koobka Champions League naadiga Real Madrid, balse arintan waxey cab si galisay taageerayaasha kooxda.
Xiddiga dalka Chile ayaa dhaawac kasoo laabtay ,laakiin jooga ayuu ka dhacay tababarkii daraad.
Waa kuwo walwal cabsi qaba taageerayaasha Bayern kadib markii uu xaqiijiyay macali nkooda Jupp Heynckes in Vidal uu u baahan yahay qaliin yar.
Jupp Heynckes has confirmed Arturo Vidal will require knee surgery Isagoo hadlayay ka hor ciyaarta afar dhamaad koobka German Cupoo ay la ciyaari doonaan kooxda Bayer Lever kusen,wuxuu yiri: "Arturo wuxuu ahaa mid dhulka ku dhacay iyadoo aysan cidna taaban.
"Qeyb jilcan oo jilibkaa yey waxa gaareen. Waxuuna u baahan yahay wax ka qabasho uu ku maqnaan doonaa in xaliyo dhibaatadiisa. waa dagaal yahan isagu waana ku kalsoonahay soo laa bashadiisa.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Jupp Heynckes.
Warkaan wuxuu dhaawacaya kooxda Bayer , taas oo wali qeyb ka ah hardanka sedax koob xili ciyaareedkan.
GUDDOOMIYE KU XIGEENKA XIRIIRKA KUBADDA CAGTA CALI SHIINE OO KA HADLAY DHIBCIHII LAGU WAREEJIYAY SOOMAALIYA
Shir Jaraa’id uu xafiiskiisa ku qabtay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xiriirka Sooma aliyeed ee Kubada Cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) ayaa ka hadlay dhibcihii lagu wareejiyay qarankeena.
Kullanka ayaa kusoo dhammaaday 3-1 oo loogu badiyay Soomaaliya, ha yeeshee xiriirka ayaa gudbiyay dacwad ka dhan ah Itoobiya.
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta ayaa hoosta ka xariiqay in baaritaan saacado qaatay kaddib ay soo cadaatay in xiddigo waawayn ay u ciyaareen Itoobiya, taasoo u gu dambayn keentay in dhibcaha laga qaado.
Sidoo kale Cali Shiine ayaa sheegay in Soomaaliya lagu amaanay ciyaartooyda ay la yim aadeen tartanka, mahadaama qaarkooda da’doodu ay tahay 15 sanno.
Ugu dambayn Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xiriirka ayaa rajo wayn ka muujiyay in Soomaaliya ay ka soo baxdo guruubka mahaadaama ay leedahay saddex dhibcood, juhdi badane la galiyay xulka.
JOSE MOURINHO OO WAKIILO U DIRAY NAADIGA CELTIC SI AY USOO DAAWADAN LAACIBKAN.
Kooxda Manchester united ayaa baahi weyn u qabta in ay hesho laacib joogta kaga ciya ara difaaca bixid oo hadda loo adeegsado booskaas ciyaariyahan Ashley Young.
Tan iyo markii ay Mourinho is qabteen laacibka Luke Shaw kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Brighton. kooxda ayaa baadi goob u gashay difaac badala xiddigan reer England oo hadda banaan joog ka ah kooxda.
Majalada The Times ayaa sheegaysa in maamulaha Manchester united uu wakiilo soo daawada laacibka Kieran Tierney u diray kulankii ay kooxda Celtic guusha ka gaartay dhigoo da Rangers koobka Scottish Cup. Jose Mourinho's relationship with Luke Shaw has been a rocky one and the left-backs Old Trafford career has hit the buffers Tierney was instrumental in Celtic beating Rangers over the weekend in the Scottish Cup semi-final
Inta badan Young oo 32 sano jir ah,ayaa united kaga ciyaarayay dhanka bidix ee difaaca balse hadda jouse ayaa raba inuu Tierney keeno garoonka Old Trafford.Tani ma ahan markii ugu horeysay oo ay united wakiilo u diraan da’yarkan saftay 27 kulan oo ciyaaraha kooxaha yurub ah oo uu kamid yahay 21 ciyaar uu kasoo muuqaday koobka Champions League waana laacib waayo agarnimo wanaagsan leh.
ANDRES INIESTA OO GO’AAN KA GAARAYA MUSTAQBALKIISA BARCELONA
Halyeeyga Spain iyo kooxda Barcelona Andres Iniesta oo 33 jir ah ayaa heshiiskiisa dhamaanayaa xagaagan, waxaana lala xariirinaa inuu ka dhaqaaqayo garoonkaNou Camp. Horyaalka Chine ayaa loo maleyn karaa halka uu caga dhigan doono laacibka waana meel uu ka helayo lacag badan.
Iniesta wuxuu sheegay in ay been tahay hadii uu tilmaay halka uu mustaqbalkiisa yahay – Laakiin ma xaqiijin halka ay tahay. Wuxuu yiri iniesta: "horay ayaa go’aan uga gaaray waxa aan sameysano.
"mar walba waan jeclahay taagerayaasha , waana u mahad celinaya iyaga , kuwaas oo halkaan u joogay wax ka badan labaatan sano. Taageeradooda waxay ahayd mid muhiim u ah guusha. "Marka aan dhiibto fikradayda, kooxda ayaa ogaan doonta ka dibna qof walbaa waa uu ogaan doonaa.
"niyad jabka iyo wax yaabaha aan sida xun u sameynay, iyagu weey dhaawacdaa.
"wax yaabaha aan sida wanaagsan u sameynaa wey ku raaxeystaan. Waxaan leenahay labo wado iney murgaan ama aan ka dubuno murugada oo aan horay u dhaqaaqno.
ANTONIO RUDIGER OO AFKA FURTAY KADIB MARKII LAGA TAGAY KULANKII AY CHELSEA…..?
Difaaca kooxda Chelsea Antonio Rudiger ayaa tilmaamay inuu taam ahaa ciyaartii koo xda Southampton balse uusan ogeen sababta uu kaga tagay Macalin Antonio Conte.
Wiilka reer Germany wuxuu u muuqadaa mid wajahaya carada Conte kadib 25 jiraakan oo ciyaar liidataa soo bandhigay kulankii bar baraha ee kooxda West ham.
Rudiger ayaa yiri: "waxaan qabaa inaan dhameyn karnay qebyta labaad laakiin sidaas ma sameynin bilihii dambe waana aqbalnay.
"ani ahaan , ma sahlana inaan sharxo. Mana fahmin sababta aan mar walbaa hogaanka u lumineyno oo kooxda naga soo hojeedaa ay ku heleyso kubado badan.”
Kadib hadaladiisa , waxaa laga yabaa in looga reebay safkii loo magacaabay kulankii ay 3-2 guusha kaga gaareen Southampton, xitaa kama uusan mid noqon safarka.
Difaaca dhexe ayaa xaqiijiyay mar la weydiiyay sababtii aan kulanka loogu soo darin in uusan waxba ka ogeen taam buuxana uu ahaa xili Rudiger uu ka qeyb qaadanayay baraamijka German TV ee "Das aktuelle Sportstudio” daraadtoole
Waa go’aan u muuqday mid qaldan waxaana Rudiger lagu badalay booskiisa Gary Cahill xili ciyaarta 2-0 hogaan looga haayay Chelsea ka hor labo gool oo ka timid Olivier Giroud iyo Eden Hazard oo ay guusha ku qaaday Blues. Ciyaarta kadib macalinka talyaanigaa ayaa ka hadlay sababtii uu kaga tagay Rudiger wuxuuna saxaafada u sheegay: ” ma jiro dhaawac uu qabay, waxeey aheyd go’aan farsamo.”
HALKAAN KA AKHRISO:-WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 17-KA ABRIIL 2018-KA
SHIRKADAHA DAALLO IYO JUBBA OO WAR KASOO SAARAY ARRIMAHA XAJKA Shirkadaha Duulimaadyada Jubba iyo Daallo ayaa soo sa aray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan eedeymo muddo oyinkii u dambeeyay loo jeedinayay. 2da shirkadood ayaa sheegay in mas'uuli