
Kulamo lagu doonaayo in lagu dhiso Maamul ka madaxbanaan Koonfur Galbeed oo ka socdo G/Bakool(SAWIRRO)
Xildhibaanadan ayaa ku doodaya in Saddexdaasi Degmo aysan ka helin Maamulka Koonfur Galbeed sadkii ay ku lahaayeen, taasina ay keentay in Xildhibaanada Bulshada ay la shiraan oo ay talo ka weydiiyaan sida ay u arkaan in Maamul ka madaxbanaan kan Koonfur Galbeed ay dhistaan.
C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabada shir ay ku qabanayaan Degmada Ceelbarde, oo sida uu sheegay ay ku soo dhisayaan Maamul ka dhan ah Koonfur Galbeed.
Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur, ayaa tilmaamay in Maamulkoodu uu hoos-taggi doono Dowladda Federaalka Somaliya, isla-markaana uu sidaasi qabo Dastuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, sida uu yiri.
Kulamada kala duwan ee Wadatashiga ah ayaa ka socda Degmooyinka Ceelbarde, Caato iyo Yeed.
Kulamo lagu doonaayo in lagu dhiso Maamul ka madaxbanaan Koonfur Galbeed oo ka socdo G/Bakool(SAWIRRO)
Degmooyinka Caato, Yeed iyo Ceelbarde oo ka tirsan Gobolka Bakool, ayaa waxaa ka socda kulamo kala duwan oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ay la leeyihiin dadka Degmooyinkaasi.