
Ciidamada Nabad Suggida oo lagu soo daadiyay Isgoysyada muhiimka ee Muqdisho & Baaritaano adag oo socda
Laga soo bilaabo Isgoyska KM4, Isgoyska Taleex, Isgoyska Dabka, Isgoyska Sayidka, waxaa taag taagan oo qoryo la garwaaxsan ciidamada Nabad Suggida oo halkaasi soo dhigtay gaadiidka dagaalka ee Cabdi bilayaasha loo yaqaan.
Baabuurta yar yar ee Shaqsiyaadka leeyihiin ayaa si adag loo baarayaa, waxaana marka aad wadada mareysa aad arkeysaa askarta oo wadaha gaariga ku amraya inuu furo qaybaha dambe ee Baabuurka si baaritaan loogu sameeyo.
Arintaan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii Magaalada Muqdisho ay ku soo bateen falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka caasimada, iyadoo shalay ugu dambeysay Muqdisho lagu dilay labo ruux oo Dowladda u shaqeynaayay.
Markii hore Isgoysyadan waxaa Baaritaano ka sameyn jiray ciidamada Booliska Somaliya, balse hada waxaa kala wareegay ciidamada Nabad Suggida oo u muuqda kuwa loo keenay goobtaasi inay keenaan isbedel amni.
Ciidamada Dowladda oo sidaasi u buuxa wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa badanaa dhacda falal lidi ku ah dhanka ammaanka caasimada inay ka geystaan Ururka Al Shabaab.
Ciidamada Nabad Suggida oo lagu soo daadiyay Isgoysyada muhiimka ee Muqdisho & Baaritaano adag oo socda
Isgoysyada muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, kuna dhaw Xarumaha Dowladda ayaa lagu soo daadiyay ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Somaliya, kuwaasi oo si adag u baaraya gaadiidka nooca yar yar ee wadada maraya.