
HALKAAN KA ALHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA ABRIILE 2018-KA
Shalay oo Arbaco aheed ayaa lagu balan sanay in Jawaari uu hortago baarlamaanka Soo maaliya laakiin waxaa dib u dhac uu ku yimid kulankii kadib markii fariimo Kala duwan loo Kala diray xubnaha baarlamaanka, taas oo keentay dib u dhaca kulankii barlamanka.
CIIDAMADA XOOGA DALKA OO MAANTA U DABAAL DAGAYA XUSKA 58 SANO GUURADII KA SOO WAREEGATAY MARKII LA AAS AASAY
12-ka April sanadkii 1960-kii ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soo maaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.Maanta ayaa munaasabdo loogu dabaal daga ayo aas aaska ciidanka xooga dalka oo 58 sano jirsaday lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoo gga dalka u diray Taliskaasi, waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.
"Munaasabadda 12 ka April oo ku beegan Maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka owgeed waxaa rabaa in Hambalyo aan iraahdo dhammaan Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraa kiil Xiggeenada, Alifleyda, Dableyda Ciidanka Xoogga iyo Xaasaskooda, Ciidanka Xoogga dalka waxaa laf dhabar Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale ugu hambalyeyn ayaa guulaha ay kasoo hoyeen Dagaalka dalka.
ALGERIA: 257; QOF OO KU DHINTAY SHIL DIYAARADEED!
Ugu yaraan 257 qof ayaa ku geeriyootay shil diyaaradeed oo ka dhacay Dalka Alg eria,kaddib markii diyaarad Milatari oo ah nooca uu Ruushku sameeyo ku dhacday Garoonka Cii danka Cirka ee Boufarik ee duleedka Magaalada Algiers .
Diyaaradda oo ahayd Ilyushin Il76,oo ay leeyihiin Ciidanka Dalka Algeria ayaa waxaa ay wadday dad u badan Askarta dalkaas,waxaana ay dhacday daqiiqado kaddib markii ay duushay.
Wasaaradda Difaaca Dalka Algeria ayaa sheegtay in 247 Qof iyo 10 shaqaale ah oo la socday diyaaradda ay ku dhinteen shilkaas diyaaradeed ee ka dhacay duleedka Algeries.
TV ku yaalla gudaha Dalkaas ayaa sheegay in 26 ka mid ah dadka ku dhintay shilkaas ay ahaayeen xubno ka tirsan dhaq dhaqaaqa gooni isu taagga ee Polisario Front ee Gobolka Saha ra,kaas oo sidoo kale ay milkiyaddiisa sheegato dowladda Morocco.
Algeria.24,website lagu magicaabo ayaa sheegay in Diyaaradda ay ku sii jeedday magaala da ku taalla galbeedka dalkaas ee lagu magicaabo Bechar.
Shilkan waxaa kii ugu xumaa dalka Algeria tan iyo 2003,markaas oo shil diyaaradeed ay ku dhinteen 102 Qof oo la socday diyaarad sidan oo kale u dhacday.
JAPAN OO DALAL AY SOOMAALIYA KA MID TAHAY UGU DEEQDAY $5.2M
Soomaaliya iyo todoba dal kale ayaa la filayaa in ay ka faa’iideystaan $ 5.2 milyan oo doolar oo ka imanaysa dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’adda QM ee Horumarinta Warshadaha (UNIDO).
Dalalka loogu tala galay in ay ka faaidaystaan Lacagtaan ayaa kala ah Itoobiya, Ciraaq, Jor dan, Lubnaan, Liberia, Soomaaliya Suuriya iyo Nigeria
Dowladda Japaan waxa ay sheegtay in mashruucan uu sare u qaadi doono Hanaanka dhaqaalle Bulshooyinka kunool dalalkaasi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Japaan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ee Afrika Japan ay siin doono Mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo Warshaddaha yaryarka ah.
Sida laga soo xigtay hay’adda UNIDO, iyada oo gacan ka geysanaysa awoodda iskaa wax u qabso ee dibudhiska habnololeedyada bulshooyinka, iyada oo diiradda la saarayo sha khsiyaadka Lacagtaan Waxa ay Sare u qaadi doonta Bulshooyinka Afrika.
Mashruucaan waxaa ka faa’iideysan doona si gaar ah haweenka, dhalinyarada, qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay, kuwaas oo qaba dhibaatooyinka sinnaan la’aanta sidda ay she egtay hay’adda UNIDO.
WASAARADDA ARRIMAHA DASTUURKA OO TABABAR U FURTAY QAAR KAMID AH SHAQAALAHA WASAARADDA
Tababar ku saabsan sare u qaadidda tayada howlaha maamulka ayaa u furmay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo socon doona mudo saddex bari ah si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee Wasaaradda laga sugayo.
Tababarkan ayaa ka kooban qaybo kala
duwan oo ay kamid yihiin hawlaha maamulka, qor sheeynta, isticmaalka Tiknoloojiyadda
iyo qoraalka warbixinada oo intaba muhiim u ah Geedis ocodka dibueegista Dastuurka
oo ay Wasaaradda hogaamineyso.
Wasiir KuXigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi oo tababarka furay ayaa shaqaalaha ku dhiirageliyay in ay ka faa’ideystaan fursadda ay heleen.
"Waxaan idinku dhiiragelinayaa inaad si wanaagsan ugu faa’ideysataan tababarkan muhiimka u ah hawlaha ay Wasaaradda u hayso dalka. Wasaaradda marwalba waxaa ka go’an in waajibaadka saran ay sida ugu wanaagsan u gudato tallaabadan ayaana u ah cadeeyn ma adaama marka aad tababarka dhameysataan ay horseedi doonto ka guul gaarista hawsha ball aaran ee naga horeysa” ayuu yiri Mudane Xuseen Cabdi Cilmi.
Ugu dambayn, tababarkan ayaa ah mid lagu tayeeynayo islamarkaana kor loogu qaadayo Kheyraadka Aadamiga ah ee ay Wasaaraddu heysato si guul looga gaaro arrimaha dibueegista Dastuurka.
WAMNIGA OO WAR KASOO SAARTAY CIRBADO LA SHEEGAY IN LAGU MUDDO DARAWALADA BAJAAJTA
Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha
Xukuumadda Soomaliya Cabdicasiis Xildhibaan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay
warar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmarayay oo ka hadlaya in ay jiraan
haween Soomaaliyeed oo cirbado ku mudaya darawalada ku shaqeysta gadiidka
yaryar ee Mooto Bajaajka.
Halkaan Hoose ka Ka
Akhriso Wasaaradda Amniga
Wasaaradda amniga gudaha markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey ’adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in ga bdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay in ay CIRBADO sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA.
Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan mag aca gabdhaha Soomaaliyeed.
Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaa na ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono.
Waxaan ka codsaneynaa laamaha Warbaahinta ama sida gaarka ah loo leeyahay in ay ilaaliyaan sumacdda iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed joojiyaanna baahinta wararka aan sal ka iyo raadka toona laheyn ee bulshada lagu marin habaabinayo
SHIRKA WADATASHIGA WASAARADAHA WARFAAFINTA DALKA IYO GOBALKA BANAADIR KA FURMAY GAROWE
Wajiga labaad Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka So omaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah maamulka Gobalka Banaadir iyo warbaahinta Madaxaba naan ayaa shalay ka furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedl Soomaaliyeed ee Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Camay ayaa si rasmi ah u furay shirkaan oo socon doona mudo Afar maalin ah.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa madaxda ka socota wasaaradaha Warfaafin dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada kula dardaarmay isku duubni iyo in la sameeyo wacyigalin iyo tababar joogta ah oo ay helaan dhallinyarada Suxufiyiinta.
Shirkaan ayaa mudada uu socdo waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo horumarinta warbaahinta dalka, sida uu sheegay sii haayaha xilka wasiirka wasaaradda warfaafinta Sooma aliya Mudane C/rixmaan Iidaan Yoonis.
WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA OO KULAN LA YEESHAY SAFIIRKA TALYAANIGA EE SOOMAALIYA
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Amb. Ahmed Issa Awad, ayaa qaabilay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Mr. Carlo Campanile, isaga oo ka gudd oomay dhambaal casuumaad ah.
Intii kulanka lagu guda jiray waxaa looga hadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga, iyadoo loo marayo istraatijiyad siyaasadeed, nabadgelyo iyo dhaqaale si loo xoojiyo maqaamka xiriirka taariikheed ee labada dal iyo labada shacab ee saaxiibada ah, waxaa sidoo kale laga do oday arrimo dhowr ah oo ku qotoma xiriirka iyo sidoo kale xaaladda gobolka iyo dunida inteeda kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cawad ayaa siiyay Safiirka Talyaaniga ee dalkan warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaalada Guud ee dalka, Waxa uu amaanay doorka Talyaaniga ee horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha dalka iyo ka qeyb qaadashada dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Carlo Campanile, ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay Hardanka Dowladda Dhexe ay ugu jirto sidii ay usoo ceshan leheyd Maqaamkii ay ku leheyd dunida inteeda kale.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir AhmedKheir Abdi iyo Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Mudane Abdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi.
DOWLADDA BAXREYN OO DAB KU SII SHIDAY XIISADA DIBLOMAASIYADEED EE SOOMAALIYA IYO IMAARAADKA
Dowladda Baxreyn ayaa ku soo biirtay xiisada diblomaasiyadeed ee ka dhex qaraxyday do wladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, xilli bilihii la soo dhaafay uu sii xumaanayay xiriir ka labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn Sheikh Khaalid Bin Ahmed Al Khaliifa ayaa farriin uu bartiisa Twitterka ku weeraray dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay inkirtay kaalmadii iyo taageeradii ay u fidisay Imaaraadka Carabta.
"Imaaraadku waxa uu Soomaaliya u qabtay shirar kala duwan oo lagu taageerayay Sooma aliya oo uu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay garab istaagtay Soomaaliya dagaalka ay kula jirtay burcad badeeda, waxa ay fulisay wax waliba oo waajib ah , waxa ay u fi disay kaalmo dhaqaale, hub iyo daawo. Soomaaliya waxa ay uga falcelisay inkirid, xumeyn iyo in ay is dhex dhigto dhabta cadowg Ummadda”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Baxreyn.
Baxreyn ayaa ka mid ah afartii dal ee xiriirka u jaray sanadkii hore dalka yar ee Qatar, wa xaana uu ka mid yahay Xulafada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya ee xaalada go’doon geliyay Qatar.
Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisada siyaasadeed ee Khaliijka, hase ahaatee waxaa muuqata in xiisada Khaliijka inay u soo wareegtay Soomaaliya, marka loo eego hardanka ka dhex socda dalalka Qatar iyo Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraad ka Carabta.
WAFDI HOR DHAC U AH MADAXWEYNE FARMAAJO OO SACUUDIGA GAARAY.
Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxa uuna gaaray dalka Sacuudi Carabiye.
Wasiirka ayaa halkaasi u gaaray Laba ujeedo sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Was aaradda Arimaha dibadda Soomaaliya kuwaas oo kala ah inuu ka qayb galo shir wadamada Jaa macadda ay ku yeelanayaan magaalada Damaam ee Sacuudiga iyo sidoo kale inuu hordhac u noqdo safar uu madaxweynaha Soomaaliya lagu wado inuu ku gaaro dalkaasi.
Lama oga ajandaha shirka wadamada Jaamacadda carabta ee ka dhacaya Sacuudiga balse waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu shirka kadib safar ku gaari doono Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hore dhowr jeer safari ku tagay dalka Sacuudiga waana dalkii ugu horeeyay uu madaxweynaha safar ku gaaro markii la doortay sanadkii 2017.
KUWAIT OO GARGAAR GAARSIISAY DALAL AY KU JIRTO SOOMAALIYA
Ururka Bisha Cas ee dalka Kuwait ayaa sheegay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2017kii ay deeqo gargaar ah gaarsiiyeen dalal badan oo ay ku jirto Soomaaliya, kuwaas oo ay ka jireen dhibaatooyin Bani’aadinimo.
Madaxa Ururka Bisha Cas ee dalkaasi Dr Hilal Al Sayer ayaa hadalkaasi ka jeediyay kulan ay yeesheen Beesha gargaarka ee Caalamka.
Dr Hilal ayaa xusay in dalalka ay deeqaha gaarsiiyeen ay badankood yihiin kuwa ay ka jiraan coladaha sokeeye iyo weliba abaaraha xoogan oo saameyn daran ku yeeshay Malaayiin ruux.
Dalalka ka faa’iideystay howlaha gargaarka ee dalka Kuwait ayaa waxaa ka mid ah Yemen, Palestine, Libya, Somalia,Syria, Srilanka iyo Qowmiyada Rohinga ee dalka Myanmar.
Madaxa gargaarka ee dalka Kuwait ayaa xusay in sidoo kale dalalkaasi qaarkood ay ka sameeyeen mashaariic horumarineed oo ay ka faa’iideysteen dad fara badan oo ay dhibaato ba’an ka heystay dhinaca nolosha iyo musiibooyinka kale.
Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in ay sii wadeyso howlaha gargaarka bani’aadinimo ee ay ka wado dalalka ay ka jiraan colaadaha.
MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO KA HADLAY DAGAALKA ALSHABAAB
Ka dib kulan ka dhacay Magaalada Paris
ee Caasimadda dalka Faranciiska kasoo oo dhe xmaray Madaxweynaha Faranciiska
iyo Dhaxalsugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa looga hadlay
dagaalka AlShabaab ee ka socda Soomaaliya.
Madaxweynaha Faranciiska ayaa sheegay in dowla ddiisa ay bixin doonto dhaqaalle dheeraad ah oo loogu tala gal ay in lagu dagaallamo AlShabaab.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay si weyn u taageeri doonaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa soo dagaal kula jira AlShabaab.
Emmanuel Macron ayaa xusay in ay muhiim tahay in dunido ay sare u qaado dagaalka ka dhanka ah Ururadda Arg agixisadda.
Wasiirka Difaaca ee Sucuudiga, Maxamed Bin Salmaan oo dhankiisa Warbaahinta la hadlay waxaa uu sheegay ku dhawaad 100 million oo Dollar ku taa geeri doonaan Hawlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
DFS OO SHEEGTAY IN AY LA WAREEGAYSO CIIDAMADDDA AY IMAARAADKA TABABAREEN..
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qorshe u dajisay Ciidamadda ay ta babartay Dowladda Imaraadka Carabta.
Wasiirka Gaashandhigga ee Xukumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdirax maan oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay la wareegay so Ciidamadda imaaraadka carabta ay tabarareen,maalinta khamiista ah, islamarkaana ay bixin doonto wixii mushaar iyo xaquuq ay xaq u leeyihiin."12ka April oo ku beegan maalinta khamiista ah,dowladda Soomaaliya waxa ay la wareegi doontaa dhamaan Ciidamadda ay Tababartay dow ladda imaaraadka Carabta, runtii dowladda Soomaliya ayaa bixin doonta wixii Mushaar iyo
Xaquuq ah”, ayuu yiri wasiirka.
Dhanka kale Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaanayaa sheegay in wasaaradda ay diyaarisay ciidamo dhowr ah oo qalabeysan kuwaasi oo loogu talagalay in ay weeraraan goobaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Alshabaab.
IMAARAADKA OO SHEEGAY INAY DFS ABUURAYSO ISKACAABIN KA DHAN AH DOWLADOODA
Wasiirudowlaha Arrimaha Dibedda ee
dalkaasi, Anw ar Gargaash oo habeen hore ka hadlay magaalladda Dubai waxa uu
sheegay inay DFS abuurayso Masiibo aan loo ba ahnayn, wuxuuna si kulul u
cambaareeyey Diyaaradii Ima araadka eelacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoon ka Diyaaradaha Aadan Cadde
ee magaalladda Muqdisho.
" Dowladda haatan ka jirta Somalia waxay ku xadgud ubtay Heshiisyo iyo Isfaham ay la galeen Imaaraadka” ayuu yiri oo jira Wasiirudowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash.
Waxa uu intaasi ku daray inay DFS Xiisado aan mu hiim ahayd u abuurayso Saaxiib iyo Isbahaysi si loo joojiyo xaalladaha madow ee Deganaansha ha iyo Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirku waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia inay muujiso Caaqilnimo iyo sababta ay ku guuleysan karto.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay, iyada oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta si ku lul u cambaaraysay Diyaaradii Lacagtii waday ee bishan April 8dii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Lac
Agtaasi loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo Ciiddanka Somalia ee ay Imaaaradka tabab araan.
Wakaalladda waxay kaloo sheegtay inuu jirsay Heshiis ay Dowladda Imaaraadka la gashay DFS jaka saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Milliteriga bishii November ee sannadkii 2014kii
HAKAD KU YIMID HOWLAHA XAJKA IYO CUMRADA IYO WASAARADDA DIINTA IYO AWQAAFTA OO KA HADASHAY
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federalka ayaa shalay shir’jaraaid oo ay ku qabteyn Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadlay arrimaha hakad la sheegay in uu ku yimid howlaha fulinta qorshaha xajka iyo Cimrada,kadib markii Wasaarada Owqaafta iyo Diinta markii ugu horeysay lasoo wareegtay maareynta Xajka iyo Cimrada.
Xildhibaanada ayaa sido kale soo jeediyay in in Shirkadaha diyaaradaha fursado isku mid ah loo wada siiyo howlaha Xajka iyo Cimrada,taa ayaana kamid aheyd waxyaabaha lagu dhaliila yay Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta.
Xildhibaan Craxmaan Xaaji Aadan ibi ayaa baaq u diray Madaxda dalka kaa oo la xiriira in wasaaradu ay ku baraarujiyaan sidii horay loogu sii socon lahaa dhameystirka howlaha xajka
Xildhibaan C/casiis dhagaqoo ayaa dhankiisa isna sheegay in tahay markii ugu horeysay oo ay wasaarada Awqaafta iyo arimaha Diinta lasoo wareegtohowlaha maareynta xajka iyo cim rada,waxaana uu sheegay in ay jirtay sinaan la aan shirkada diyaaraha ee arimaha xajka
Xasan Khaliif Xasan oo kamid ah lataliyaasha Wasaarada Owqaafta iyo diinta ayaa ka jaw aabay eedeyn wasaraada ay wajaheyso ee ah in uu hakad galay qorshihii xamlaadka xajka.
Waxa ay umuuqataa in muran uu ka jiro qorshaha sinaanta shirkaha ka shaqeysanaya ari maha Somalida Sacuudiga u tagaya Xadja iyo Cimrada,wasaarada waxa ay sameynaa hanaan shirkadaha ay ku tartamayaan.
TRUMP : RUUSHKA HA U DIYAAR GAROOWO GANTAALKA AAN SUURIYA KUSOO GAMAYNO
Maraykanka iyo Ruushka oo isku hardiyay Suuriya
Madaxweynaha Maraykanka ayaa bartiisa twitterka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in Ruushka uu u diyaar garoowo sidii ay u difaaci lahayeen gantaalka lagu weerrari doonno Suuriya si loogu falceliyo suntii kiimikada ahayd ee la sheegay in dowladda Suuriya ku weerrartay meel ka mid ah Suuriya isbuuci lasoo dhaafay.
Saraakiil sare oo ka tirsan Ruushka ayaa ku hanjabay in ay diyaar u yihiin in ay u jawaaban haddii Maraykanka ay isku dayaan in ay ku soo ridaan gantaal.
Trump ayaa wacad ku maray in jawaab adag ay ka bixin doonaan wixii dhacay.
Madaxweyne Bashar alAssad oo kaalmo militari ka haysta Ruushka ayaa diiday in ay gey steen weerarka kiimikada ah.
Qoraalkiisa Twitterka Trump wuxuu Assad ku tilmaamay "Xayawaan heysta hubka kiimika da".
Mareykanka oo ku cadaadinaya Ruushka joojinta taageerada Bashar Al Asad
Madaxwayne Assad oo sheegay in duqaynta bariga Ghouta ay sii socon doonto
Duqeymo wali ka socda Suuriya kadib xabad joojintii golaha ammaanka
Sabtidii dad u dhaqdhaqaaqa mucaaridka Suuriya, kooxaha dad badbaadiya iyo hay'addaha gargaarka ayaa sheegay in magaalada mucaaridka ay heystaan ee Douma oo ku taalla bariga gobolka Quuta in ciidammada dawladda soo weerraray iyagoo isticmaalayo sunta kiimakada ah.
Arbacadii Ha'yadda caafimaadka adduunka ayaa waxay codsatay in loo ogolaado galitaan si ay u soo hubiyaan wararka sheegaya in 70 ruux ay ku dhinteen halkaasi, kuwaas oo ay ka mid yihiin 43 qof oo la arkay ay la luudayaan sunta kiimikada.
Maraykanka iyo xulafadiisa Faransiiska iyo Britain ayaa isku raacay arrintan in ay iska kaashadaan waxaana la filayaa in ay u diyaar garoowayaan.
Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in wararka sheegaya in Suuriya lagu weerraray sunta kii mikada ay tahay mid lagu daandaansanayo in la xumeeyo xiriirka xooggan ee u dhaxeya Suuriya iyo
MAXAA XIGA OO DHICI DOONNA?
Madaxweyanaha maraykanka Donald Trump ayaa hakiyay booqashadiisi ugu horreysay uu ku tegi lahaa Latin America balse arrintaasi waxaa ay u wecisay inuu diiradda saaro arrimmaha Suuriya.
Go'aankaasi ayaa soo jeedinayaa falcellinta maraykanka ee suuriya ee isugu jiro howlgalka dhanka circa ah, sida uu sheegayo wariyaha BBC Washington Barbara Plett Usher.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel macron ayaa waxaa uu sheegay in duuqaymaha lala beegsan doono hoowlaha hubka kimikada ee dowladda Suuriya.
Balse wargayska the Times ayaa kusoo warramaya in ra'iisul wasaaraha Britain Therese May ay ugu baaqday madaxweyne trump in uu caddaymo dheeraad ah bixio si loo iftiimiyo eedeymaha dowladda suuriya ee ah weerarka hubka kimikada ee magaalada Douma.
Safiirka Ruushka u fadhiyo qaramada midoobay Vasily Nebenzia ayaa ugua digay xuku umadda Washington inay mas'uuliyadda ay duusha saran doonan tallaabo kasto oo millitari ay qa adan.
Maaliinkii talaadada golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa ku guuldaraystay in uu ansixiyo qaraar soo jeedinaayo in la unko koox baaritanno ku samayso weerarka Suuriya.
MAXAA BAAJIYAY KULANKII BAARLAMAANKA EE
JAWAARI KA HADLI LAHAA?
Waxaa baaqday kulan aad looga dhursugayay oo baarlamaanka faderaalka Soomaaliya uu ku yeelan lahaa shalay magaalada Muqdisho, kaas oo la filayay in guddoomiye Maxamed She ekh Cusmaan Jawaari uu ku soo bandhigo istiqaaladiisa, kana jeediyo khudbad, sidii uu daraad ballan qaaday isaga oo garab taagan madaxweynaha.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid ka hadashay sababta uu kulankaasi u baaqday, waxaase la fila yaa in bari oo Khamiis ah uu qabsoomo.
Guddoomiye kuxigeenka koobaad Cabdiwali Ibraahim Sheekh Mu
udeey ayaa habeen hore soo diray fariin uu xildhibaannada ku wargalinayo in uu kulankii loo bal lan sanaa Arbacada baaqday, balse xubnihii taageersanaa Jawaari ayaa soo diray fariin kale oo ay ku sheegayaan in kulankaasi uu u qabsoomi doono sidii loo ballan sanaa, haddana shalay ay ay mid kale soo direen iyaga oo sheegay in kulankaasi baaqday.
Dad badan Soomaaliyeed ayaa sugi la'aa khudbadda uu Jawaari u jeedin doono xildhibaa nada.
BALANTII DARAAD EE AY MADAXDU BAAJIYEEN
Duhurnimadii Talaadada ayey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Baaralamaanka federaalka ee xilka ka sii degaya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wadajir shir jaraa'id ugu qabteen Muqdisho.
Jawaari oo hadalka ku horreeyey ayaa ku celiyey in Arbacada uu istiqaaladiisa Baarlama anka hor gayn doono. Weli kama uusan hadlin sababta uu isu casilay.
"Waxaan ku celinayaa in amaanadii la ii dhiibay aan u celin doono golaha, wixii dheeraad ahna waxaan ku soo qaadi doonaa hadalkayga berrito" ayuu yiri.
Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka codsaday Jawaari inuu sii wado talo bixintiisa xagga qabyo tirka dastuurka. Baarlamaankana wuxuu ka codsaday inuu korjoogtayn joogto ah ku sam eeyo xukuumadda.
Labada mas'uul kama aysan hadlin wax dhaafsiisan is casilaadda Jawaari ee la filayo inuu berri oo Khamiis ah ku dhawaaqo, inkastoo aan la ogayn waxa ay ka wada hadleen ka hor shirka jar'aaid.
Isniintii ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, si lama filanaan ah ugu dhawaaqay inuu is casilayo.
MUXUU SALKA KU HAYAA MURANKA MOOSHINKA JAWAARI?
JAWAARI "WAAN ISKA CASILAY XILKA GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA”
Go'aankaas ayaa soo afjaray muran siyaasaded oo muddo dhowr todobaad ah ragaadiyey hawlihii baarlamaanka iyo xukuumadda.
Murankaas ayaa keenay in xildhibaannada baarlamaanka ay aad u kala qaybsamaan, ay adoo qolo kaste cuskanayso qodobbo dastuurka iyo xeerhoosaadka baarlmaanka ku jira, ayay dhinaca kale ku eedeyeen inay shuruucda ku xadgudbayaan.
Jawaari qudhiisa ayaa dhowr goor eedeymo u jeediyey xukuumadda iyo madaxweynaha oo aan ka hadlin khilaafka intii uu jiitamayey.
TALIYAHA XOOGGA OO DALBADAY IN LA FASAXO LACAGTII IMAARAADKA SHEEGAYNA SABABTII LOO QABTAY
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Go rod), ayaa markii ugu horraysay ka hadlay warqad uu u qoray maalintii Axaddii taasi oo ku so cotay maareeyaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan oo uu ku codsanayey in Imaaraadka in loo oggolaado inay la soo baxaan lacago ay la soo degayeen.
Sida warqadda ay ku qornayd, Gorod, waxa uu ku sheegay inay uga imanaysay magaala da Boosaaso.
Lacagtaasi markii dambe waxa la wareegay dawladdda Soomaaliya iyadoo saraakiishu ay sheegeen in safiirka Imaaraadku diiday in la baaro boorsooyinka ay ku jirtay lacagta.
Taliye Gorod ayaa waxa uu sheegay in Imaaraadka ay marwalba u imaan jirtay lac ag,laakin tan hadda u timid ay tahay mid cadadeedu ay aad u badan tahay sababta ay dowladda ula wareegtayna ay tahay in baaritaan lagu sameeyo halkii ay ku socotay.
Waxa uu sheegay in Saraakiisha imaaaradku ay kolkii hore diideen in ay cadeeyaan cada ka lacagtaas taas oo sababtay in Ciidamada Amnigu ay faraha la galaan sidaasna ay dowladdu kula wareegto.
.
BOGGA CAYAARAHA
WAR CUSUB: HADDII AY LIVERPOOL KU GUULEYSATO CHAMPIONS LEAGUE, PHILIPPE COUTINHO WUXUU….!!
Philippe Coutinho ayaa ka soo tagay Liverpool bishii Janaayo, laakiin Barcelona uma safan karin Champions League maadaama uu u soo ciyaaray kooxdiisii hore ee Reds.
Sidaa darteed laacibka reer Brazil ayaa heli kara bilada dahabka haddii ay Liverpool ku guuleysato tartanka Champions League.
Reds ayaa 5-1 isku cel celis labada lug ee sideed dhammaadka uga soo talaabsatay kooxda Manchester City.
Taa oo la micno ah inay saddex kulan oo qura u jiraan inay ku guuleystaan koobka dhaga waynaha markii ugu horreysay 13-sano kaddib kolkaa ay ka qaadeen AC Milan.
Inkastuu Coutinho iminka ahayn laacib ka tirsan Liverpool misane bilada dahabka ayuu heli karaa haddii ay koobka qaadaan bisha May.
Coutinho could be in line for a gold medal if Liverpool win the Champions League
Kubbad qaabeeyaha ayaa Liverpool u soo ciyaaray 5 ka mid ah lixdii kulan ay ciyaartay wareega group yada Champions League ee kal ciyaareedkan ka hor inta uusan ku biirin Barcelona.
Wuxuu u dhaliyay shan gool oo ay ka mid tahay saddexleey uu ka xareeyay Spartak Moscow kulan ay 7-0 uga adkaadeen.
UEFA ayaa kooxda ku guuleysata CL u ogol 40-biladood oo dahab ah halka kooxda kaalinta labaad gashayna ay heli doonto 40-bilad oo qalin ah, sidaa darteed Coutinho ayaa mid heli kara haddii ay kooxdiisa hore hanato koobka, malaha wuxuu iminka ku duceysanayaa inay Liverpool koobka qaado.
QORSHAHA AY ATLETICO MADRID BARCELONA UGA HOR ISTAAGAYSO SAXIIXA ANTOINE GRIEZMANN OO LA OGAADAY
Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay dagsatay qorshe ay kooxaha Man United iyo Barcelona uga fogaynayso xiddigooda reer France ee Antoine Griezmann.
Antoine Griezmann ayaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Barcelona iyada oo ay xitaa jiraan warar sheegaya in uu xiddigu heshiis shaqsi ah la gaaray hogaamiyayaasha La Liga ee Barcelona.
Tv-ga TF1 ayaa sheegay in ay kooxda Atletico Madrid wax walba u samayn doonto si ay Griezmann uga joojiso in uu ku biiro kooxda Barcelona xagaaga.
Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar ula tahay xiddiga mushahar dhan 20 milyan oo euro sanadkii si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda.
Griezmann ayaa dhawaan beeniyay in uu wax ka ogyahay wararka sheegaya in uu heshiis la gaaray kooxda Barcelona taas oo rajo ka siinaysa Atletico Madrid.
HALYAYGA LIVERPOOL EE JOHN BARNES OO SHEEGASHO LAYAABLEH KA SAMEEYAY KOOXDAHA UU DOONAYO IN REDS LAGU AADIYO AFAR DHAMAADKA UCL.
Halyayga Liverpool ee John Barnes ayaa sheegay in uu jeclaan lahaa in Liverpoo lagu beego kooxaha Bayern Munich ama Real Madrid haddii ay xalay soo baxaan wuxuuna sheegay in aanu marnaba doonayn in Liverpool lagu aadiyo kooxda Roma isaga oo sababtana si cad u sharaxay.
John Barnes oo la hadlayay wargayska Express Sport ayaa yidhi: "Anigu markasta waxaan Liverpool la doonaa kooxaha waa wayn.Iyada oo waxyaabo badan la tixgalinayo, anigu waxaan in badan dooni lahaa in aan la ciyaarno Bayeren Munich ama Real Madrid in ka badan Roma. Roma aad ayay u difaac adag tahay, way xoogan yihiin, iyagu jidh ahaan ayay u xoogan yihiin”.
John Barnes oo sharaxaya sababta fikiradiisa ayaa yidhi: ” Marka aad la ciyaarayso koo xaha ciyaarta furan ciyaara sida Man City iyo Arsenal sameeyaan kadib anaga ayaa ka sare ma rna. Waxaynu arki karanaa marka aanu la ciyaarayno kooxaha inkasta oo Man United ayna ahayn West Brom, qaabka ay Man United kulanka aanu la ciyaarayno ugu soo dhawaato ayaa ah in ay difaaca dib ugu fadhiisato waxayna noo ogolaataa in aanu dhamaan boosishanka haysano”.
John Barnes oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: "Iyagu nama soo weeraraan, sidaa daraad eed weerar rogaal celis ah kuma qaadi karno, gaar ahan si fiican uma samayno. Anigu waxaan la ciyaari lahaa Bayern Munich ama Real Madrid in ka badan Roma”.
John Barnes oo wax laga waydiiyay haddii difaaca kooxdiisii hore ee Liverpool uu la tacaali karo halista Lewandowski iyo Ronaldo ayuu yidhi: "Qaabka ay kooxahani u ciyaaran, waxaanu haysan lahayn fursado badan oo aanu iyaga goolal kaga dhalino sababtoo ah way na soo weera rayaan kaliya dib uma fadhiisanayaan oo ma difaacanayaan”.
John Barnes ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Ugu dhawaan waxay iyagu heli karaan fursad ay goolal nooga dhaliyaan, laakiin taas ayaan in badan ka jeclaan lahaa oo waxaanu haysanaa fursada aanu iyaga goolal kaga dhalin karno”
CHAMPIONS LEAGUE - QUARTER-FINALS
Bayern Munich 0 - 0 Sevilla
Real Madrid 1 - 3 Juventus
HALKAAN KA ALHRISO:- WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA ABRIILE 2018-KA
JAWAARI OO HADAL KA JEEDIN DOONO KULANKA BAARLAMAANKA Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kuleh xarunta Golaha shacbka ee Magaalada Muqdisho. Afhayeenkii golaha Maxmed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa la filayaa in kulankaan hadal