HALKAAN KA ALHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA ABRIILE 2018-KA

0
Monday April 09, 2018 - 08:47:15 in Wararka by
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA ALHRISO:-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 9-KA ABRIILE 2018-KA

    AMIIR MAXAMED BIN SALMAAN OO BOOQASHO KU JOOGA FARANSIISKA Amiir Maxamed ayaa waxa Faransiiska uga bilaabmaysa booqasho rasmi ah oo saddex maalood qaadanaysa, taas oo la filayo in labada dal inta uu halkaa joogo kala saxeexan doonaan heshiisyo dha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

AMIIR MAXAMED BIN SALMAAN OO BOOQASHO KU JOOGA FARANSIISKA Amiir Maxamed ayaa waxa Faransiiska uga bilaabmaysa booqasho rasmi ah oo saddex maalood qaadanaysa, taas oo la filayo in labada dal inta uu halkaa joogo kala saxeexan doonaan heshiisyo dhawr ah oo dhinacyada tamarta, beeraha, dalxiisa iyo dhaqanka ah.

Faransiiska ayaa la filayaa in Amiirku ka codsado in uu wax ka dhiso magaalada Al-Culaa loo bixyey ee uu Sucuudigu doonayo inuu ka dhiso goob aasaar taariikhi ahi ku yaalaan oo ku taal badhtamaha saxaraha.

Hase yeeshee, booqashadani waxay sidoo kale dhalisay muran, oo waxa jira dad badan oo Faransiis ah oo ka cadhaysan in Faransiisku hub ka iibiyo Sucuudiga, sababta oo ah dagaalka Yemen ka socda ee uu ku lugta leeyahay

SADDEX XISBI SIYAASADEED OO SHAHAADOOYIN LA GUDDOONSIIYAY

Waxaa xarunta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka lagu gudoonsii yey Shahaadada Xisbinnimo seddax Xisbi siyaasadeed oo soo buuxiyey sharuudaha ka mid noqoshada xisbiyada siyaasadeed.

Furitaanka xafladda waxaa hadalo soo dhaweyn iyo ujeedada kulanka ka soo jeediyey xu bin ka mid ah Guddiga oo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Aadan ayaa hoosta ka Xariiqey in kulanka shalay loo fadhiyo uusan aheyn kulankii ugu horeeyey balse kulan kan ka horeeyey la gu gudoonsiiyey Todobo Xisbi siyaasadeed shahaadada aqoonsiga ku meelgaarka ah ee xisb innimo.

Wuxuu kaloo sheegay ujeedooyinka ugu waa weyn ee loo diiwaangeliyey aqoonsigana loo siiyey xisbiyada inay tahay, inay xafiisyo furtaan ayna raadsadaan taageero.wuxuu kaloo ku la dardaarmey Mudane Xuseen in Xisbiyada ay ka shaqeeyaan dimuqradiyada iyo horseedka nabadda iyo xasilooni ay hesho Soomaaliya.

Xisbiyada la guddoonsiiyey Sahaadada ku meel gaarka ah waxay kala yihiin, Xisbiga TIIR, Xisbiga WADAJIR iyo Xisbiga SAMU.Waxaa kaloo jira xisbiyo kale oo weli ku jira diyaarga rowga hubinta sharciga ka mid noqoshada xisbiyda siyaasadeeda.

Dhinaca kale magaca Saddexda Xisbi ee la guddoonsiiyey Shahaadada waxaa ku hadlay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Guutaale oo sheegay in aysan ahayn shaqo fud ud diiwaangelin lagu sameeyo xisbi u baahan inuu noqdo xisbi sharciyeysan, wuxuu kaloo shee gay Kamaal inuu soo marey xisbigiisa marxalado kala duwan oo ku qaadatey mudo 3 bilood ah, isagoona u mahadceliyey guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka dadaal dheer ka dib u suuragelilay inuu ka mid noqdey xisbiga uu madaxda ka yahay xisbiyada helay sharc iga ku meel gaar ah.

Kamaal ayaa caddeeyey in aasaasida axsaab siyaasadeed ay ka dhigan tahay in laga gu dbey marxaladihii jabhadeynta iyo xagjirnimada.

Ugu dambeyn waxaa xaflada hadlo dhiirrigelin iyo dardaaran isugu jira ka soo jeedisey Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismacil oo she egtay in aysan sahlaneyn in xisbi la diiwaangeliyo, uuna jirey caqabado badan oo lagala kulma ayey intii lagu guda jirey diiwaangelinta xisbi walbo.

Waxaa ay xustay qodobka ah in Xisbi walbo uu ku caddeeyo xaquuqda dadka laga tirada badan yahay iyo haweenka inay ku soo koobi jireen %30, xafiiska Xisbiyadana uu ka diidi jirey, sababtoo ah, hadii dadka laga tirada badan yahay ay la qeybsadaan Koontada %30 kii haween ka, aysan suuragal noqon karin tirsadaan in ay wada daboosho xaqii la rabay in ay wada helaan labadaasi qeybood ee haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay.

Gudoomiyaha ayaa sheegtay in tirada la siiyey shahaadada ku meelgaarka ah ee xisbi ahaanshaha inuu gaarey 10 xisbi, xisbiyo kalana ay weli lagu wado hubtintii xeerarkii iyo shar ciyadii uu ku heli lahaa shahaaadada.

Dhinaca kale Guddoomiyaha ayaa ka codsatey xisbiyada inay kala shaqeeyaan sharciga doorashada iyo nooca doorasho ee la doonaayo in dalka uu ka dhaqan galo sanadka 2020ka.

Waxayna yidadiilo wanaagsan ka muujisey gudoomiye Xaliimo Yareey in dalka ay ka dhici doonto doorasho hal cod iyo hal qof ah 2020 ka, iyadoo cadeymo u soo qaadatey kulamo dad gaaraayo 60,000 Soomaali ah ay la soo yeesheen wadatashiyo ku aadan qabsoomida door asho xor iyo xalaal ah, kuwaasoo ay ka heleen guddigu in baahi loo qabo in dalka ay ka dhaco doorasho hal cod iyo hal qof ah.

W/WASAARADDA HOWLAHA GUUD EE SOOMAALIYA”WAXAAN QIIMEYN DOONAA HANAANKA DHISMO EE DHUUSAMAREEB

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa Shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuu samareeb ku soo dhoweeyey masuuliin katirsan Dawlad Goboleedka Galmudug, Waxaana halk aasi ku soo dhoweeyey guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb iyo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Eng: Saadaq C/lahi Cabdi Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soom aaliya oo kawarbixiyey Socdaalkiisa ayaa xusay in qiimeyn lagu sameyn doono hanaanka dhi smo ee magaalada Dhuusamareeb oo ay ku yaalaan xarumo badan oo ay laheyd dowladii dhe xe ee dalka, sidoo kalena uu xoojin doono xiriirka wasaaradda howlaha guud iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Eng: Saadaq C/laahi Cabdi ayaa maalmihii dambe ku jiray safaro uu ku tagayay qaar ka mid ah maamul gobole edyada, wuxuuna horay u tagay magaalada Garowe ee xarunta Puntland, shalayna wuxuu gaa ray magaalada dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb kulamo la qaadan doona madaxda dowlad goboleedka Galmudug oo ay ka wada hadli doonaan arrimo kala wadan.

SOOMAALILAND”SALDHIGGA BAR BARA YEMAN AYAA LOOGA DUULAYAA”

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa saldhiga ciidan ee ay ka dhisayso magaalada Barbara waxaa ay uga duuli doontaa dalka Yemen oo inta badan ay maamulaan kooxda Shiicadda ah ee Xuutiyiinta.

Warkaan waxaa sheegay wakiilka Soomaaliland u jooga Imaaraatka Carabta Baashe Cawil Cumar sida shalay lagu qoray Bogga BBC,da.

Baashe Cawil oo la hadlay BBC,da waxaa uu sheegay in Soomaaliland ahaan ay faa’ido badan ku qabaan saldhiga military ee dawlada Imaaraatku ka dhisay magaalada Bar Bara waxa ana uu sheegay in qorshaha ay ku jirto in saldhigaas looga duulo dalka Yemen.

"Imaaraatka Carabtu waxay saldhigaas noo tababari doonaan ciidamadeena amaanka si doo kalena waxay iyagu u adeegsan doonaan inay uga duulaan dalka Yemen” ayuu yiriBaa she Cawil Cumar oo ah wakiilka Soomaaliland ee Imaaraatka Carabta.

Dawlada Imaaraatku waxay waxay qeyb ka tahay dawlado ay ciidamadoodu ku duuleen dalka Yemen ayagoo caawinaya dawlada la aqoonsanyahay ee Yemen.

Muuqaalo horey baraha bulshadda loogu baahiyay waxaa ka muuqanayay koox sheegan aysa inay Xuutiyiinta Yemen ka tirsan yihiin oo u goodinaya Soomaaliland haddii dhankooda la ga soo weeraro.

LACAGTII LAGA SOO DEJIYAY GAROONKA DIYAARADAHA MUQDISHO OO LA GEEYAY BANKIGA DHEXE

Wararkii ugu dambeeyay ee lacag shalay ay keentay diyaarad gaar ah magaalada Muqd isho ayaa sheegaya in lacagtaa oo cadadkeeda ay warar kala duwan ka soo baxayaan la geey ay Bangiga Dhexe ee Soomaliya.

Lacagtan oo cadadkeeda lagu sheegay inay u dhexeysa sagaal illaa iyo 13 malyan oo dol lar ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha mag aalada Muqdisho ayna ku xareeyeen Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ammaanka Bangiga Dhexe ayaa aad loo adkeeyay xalay iyadoo la xirey wadooyinka u dhow dhow Bangiga.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada keenista lacagtan ayaa ka dambeysay warqad ruqsad ah oo ka soo baxday ciidamada Soomaaliya maadaama lacagta ay tahay mid loogu talogalay ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ku yaal dowlad goboleedka Puntland.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay mid loogu talogalay mushaar iyo saad inay ka dhigt aan ciidamo ay tababartay dowlada Imaaraadka Carabta. Gelinkii dambe ee maanta ayaa wax aa soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan halka lacagta ay ku socoto.

Hase ahaatee illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay dowladda Federalka ka soo saartay lacagtan maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diblumaasiyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay u haystaan xasaanad in la baari karin boorsooyinkooda balse wadahadal kadib ayay oggolaadeen in lacagta lagu xareeyo Bangiga dhex ee Soomaaliya.

Diyaaradii keentay lacagta oomarkii hore loo diiday inay ka duusho garoonka Aadan Ca dde ayaa maqribnimadii loo oggolaaday inay u duusho wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

TALIYAHA CUSUB EE ILAALADA MADAXTOOYADA GAASHAANLE ODOWAA YUUSUF OO XILKA LA WAREEGAY

Taliyaha cusub ee ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle Odo waa Yuusuf Raage iyo Abaadulaha ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Laba xiddigle Day ax Cabdi Cabdulle ayaa shalay la wareegay Xilka.

Taliyihii hore Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada G/sare Axmed Maxamed Cali Afca deey ayaa maalmo.ka hor xilka laga qaaday ayaa ku wareejiyay taliyaha cusub ee ururka lixd anaad Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raage xilka uu hayay.

G/Sare Axmed Afcadey ayaa xilka looga qaaday arrin la xiriirta ishaysadka Baarlamaanka kadib markii ciidamo ka tirsan Madaxtooyada ay xoojiyeen ilaalada guddoomiyaha baarlamaan ka Maxamed Cismaan Jawaari.

Taliyihii hore ee xilka laga qaaday ayaa hore ula soo shaqeeyay ahaana waayarag dhin aca ilaalinta madaxtoyada dowladihii ay madaxda ka ahaayeen Madaxweyne Sheekh Shariif SHeekh iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha cusub ee xilka la wareegay Gaashaanle Odowaa ayaa ah nin dhalinyaro ah oo ka mid ah dhalinyarada dhowaan la dalacsiiyay kuwaasoo Madaxweyne Farmaajo uu ku biiriyay madaxtinimada ciidamada qalabka sida.

xil wareejin taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada

KULANKII GOLAHA SHACABKA OO BAAQDAY

Wararka saxaafadda ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso xarunta Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan inuu baaqday kulankii maanta xarunta Golaha Shacabka ay ku yeelan lah aayeen Xildhibaanada Baarlamaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa xildhibaanada ku wargeliyay inuu baaqday kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari.

Dib u dhaca kulanka ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii xalay saq dhexe wada ha dal aan loo kala kicin yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farm aajo), Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo labadiisa kuxigeen.

Waa markii Afaraad oo uu baaqdo kulanka Baarlamaanka oo Ajandihiisa uu ahaa ka doo dista Mooshinka Gudoomiye Jawaari, waxayna u muuqataa in dib loo soo celiyay wada hadala dii horey u fashilmay ee laga dhexwaday xubnaha Baarlamaanka.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya qeybahooda kala duwan ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka ugu muhiimsan ee Magaalada Muqdisho, ujeeda da waxay aheyd kulanka Baarlamaanka.

WADOOYINKA QAAR EE MUQDISHO OO XIRAN

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta lagu balansan yah ay kulanka Baarlamaanka oo xiisad siyaasadeed wata.

Kulanka Baarlamaanka ayaa saakay lagu balansan yahay xarunta Golaha Shacabka 09: 00 subaxnimo, waxaana looga hadlayaa cod u qaadista Mooshinka ka yaalla Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo tiro Saddex jeer ah baaqday.

Ciidamo cusub oo laga soo bixiyay xerooyinkooda ayaa lagu soo daadiyay Isgoysyada Magaalada, kuwaasi oo wata Hubka culus, waxayna taagan yihiin Isgoysyada Magaalada, iyaga oo ku jira feejignaan dheeri ah.

Isgoysyada saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa, Tarbuunka, Sayidka, Shaqaalaha KM4 iyo Isgoyska Dabka, iyada oo sidoo kale ay jiraan wadooyin kale oo xiran.

Gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah ayaanan isaga kala gudbi karin Isgoy syada Magaalada gudaheeda, waxayna isticmaalayaan qaarkood wadooyinka qarda jeexa ah, halka qaarka kalena ay maanta sameeyeen shaqo joojin.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba Gaadiidka Ciidamada si buuxda loo hubinayo.

Isgoysyada Magaalada waxaa lagu jaray Gaadiidka Beebaha iyo Cabdi Bilaha oo ay hor fadhiyaan Ciidamo wata qoryaha cul culus oo uu ka mid yahay 7ka, xitaa waxaa jirta in dad sha cabka ah lugtooda in ay ku maraan loo diidayo wadada u dhaxeysa Dabka ilaa Madaxtooyada.

MAXAA KA SOO KORDHAY DADAALADII SOCDAY EE XAL U HELIDA KHILAAFKA BAARLAMAANKA ?

Iyadoo sadaxda habeen ee la soo dhaafay ay socdeen kulamo xal loogu raadinayay khil aafka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo saameeyay hey’adaha dowla dda, isla markaana curyaamiyay howlihii socday, kaddib markii khilaafka ay si toos ugu milmeen Hey’addaha Fulin ta iyo Sharci dejinta.

Waxaa muuqata in aan weli xal dhow la gaarin, ha se ahaatee dadaladan bilowday waxay suura geliyeen inay yaraadeen xiisadihii labada dhinac wadeen iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee iska horjeeday.

Wararka ayaa sheegaya in xalka ugu dambeeya ee laga gaarayo mushkilada taagan loo mari doono qaabab kala duwan, iyadoo aan wali mid la isku raacin, balse ay u badan tahay inay mid ku soo biyo shuban doonto.

Guddi 7 xubnood oo uu magicaabay Guddoomiye Jawaari oo daraad u tagay Madaxwey ne Farmaajo ayaa u gudbiyay labo qodob oo kala ah qaabka loo wajahayo xal u helida khila afka, waxaana ay kala ahaayeen:

1 In Sanduuq cod bixin lagu kala baxo, lana geeyo goob dhex dhexaad, si daah furan u dhacdo

2 In xal mastuur ah ama xeer jajab lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed

Labada qodob ayaa ahaa la sheegay inay Beesha Caalamka ay ku cadaadiyaan labada dhinac, si sharci loogu kala baxo, gaar ahaan waxa uu ka qabo dastuurka KMG.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Guddigii daraad la kulmay ka dalbaday inay marka hore is arkaan isaga iyo Guddoomiye Jawaari, si ay uga wada hadlaan arrimahan.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweynaha iyo Guddoomiye Jawaari ee lagu waday in habeen hore uu dhaco uu baaqday, balse laga yaabo in shalay ama xalay ay kulma an.

CABDIWELI IYO CAWAD Dhinaca kale warar laga helayo ilo ku dhow dhow Guddoomiye kuxigeenka 1aad C/wali Muudey ayaa sheegaya in la soo magacaabay 7da xubnood ee guddigii waan waanta, oo aan daraad dhankooda laga soo magacaabin, taasoo loo arkayay in Madaxtooyada la wareegtay doorka waan waanta iyo dadaalada socday

Waxaa la filayaa in Guddiyada labada dhinac ka socda in shalay kulmaan, si loo sii ambaqaado dadaalada iyo waan waanta laga galayo xal u helida khilaafka.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in labada qodob ee ka yimid dhanka Taage erayaasha Jawaari ay noqon karaan kuwo culeys ku ah Xukuumadda, marka loo eego haddii ay timaado wada hadal lagu dhameeyo khilaafka iyo hadii sanduuq cod lagu kala baxayo oo meel dhex dhexaad la aadayo, taasoo sida kaliya ee Jawaari xilka looga tuuri karo ay noqoneyso Sad dex meel labo meelood oo ah 184 cod oo aanay sahleyn..

WASAARADDA AMNIGA OO KA HADASHAY ISBEDELKA LAGU SAMEEYAY CIIDAMADA ISGOYSYADA

Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federalka Somaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixi say Isbedelka lagu sameeyay Ciidamada ku sugnaa qaar ka tirsan Baraha Ciidan ee ku yaalla gudaha Magaalada Muqdisho.

Sabtidii daraad aheyd ayaa waxaa la qaaday Ciidanka Xasilinta ee ku sugnaa dhawr Kon torool oo ku yaalla Muqdisho, waxaana lagu soo bedelay Ciidamo Boolis ah oo ammaanka xa qiijinaya, baarayana gaadiidka kala duwan.

Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii Jimcihii ina dhaaftay xilli duhur ah laba qarax gaadiid ay ururka Alshabaab ku weerareen Kontoroollo Ciidan oo ku kala yaalla wadada aada Garoonka Diyaaradaha iyo mid kale oo ku yaalla Isgoyska Banaadir.

Waxa ay sheegtay Wasaaradda Amniga in aysan jirin Ciidamo laga qaaday Isgoysyada Muqdisho, balse ujeedadu ay tahay dib u habeyn lagu sameynayay Ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka ka baxsan amniga.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa waxa ay sheegtay in ay been abuur yihiin in Magaalada ay kala xiran tahay, waxayna tilmaamtay muhiimada in ay tahay Magaalada oo nabad noqoto, lana xaqiijiyo ammaanka.

Warqada ka soo baxday Wasaaradda Amniga ayaa ugu dambeyn waxaa lagu sheegay in Ciidamada ammaanka ay naftooda u hurayaan sidii ay u badbaadin lahaayeen shacabka Somal iyed, sidaasi darteedna shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan Hay’adaha amma anka.

Halkan Hoose ka Akhriso Warqadda ka soo baxday Wasaaradda Amniga.

GUDDIGA JOOGTADA AQALKA SARE OO MEEL MARIYAY JADWALKA MAALMAHA SHAQO EE GOLAHAASI

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa shalay oo Axad ah ka dooday soo jeedi nta Guddoonka ee Jadwalka maalmaha shaqo ee Golaha Aqalka sare,waxayna meelmariyeen jadwalka maalinlaha ee Guddoonka uu ku shaqeynayo.

Senator Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Aqalka sareayaa kullanka ka dib warbaahinta u faah faahiyay waxyaabaha ka soo baxay kullanka Guddiga joogta ee Golaha Aqalka sare ay shalay isugu yimaadeen.

"Mida ah jadwalka lagu shaqeynayo Golahu ku shaqeynayo waxaa Go’aan lagu gaaray in maalinta sabtida ay noqoto maalin ay Guddiga joogtada ah ay shiraan,maalinta Axada iyo isniintana ay noqoto kalafadhiga guud,talaado iyo arbacana kalafadhiyada marka kalafadhi Guud aanu jirin macnaheedu ma ahin inaanu aqalka shaqeyneynin,waxaa jira Guddiyo kale oo hoosa oo shaqeeya in maalmahaasi Guddiyada ay isugu yimaadaan ay kala warqaa taan, maa linta Khamiistana kalafadhiga Guud inuu jiro,” ayuu yiri Senator Maxamed Cusmaan.

Sidoo kale,Senator Maxamed Cusmaan ayaa sheegay in dib loo dhigay kullan ay Guddiga joogtada ah kula balansanaayeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/rax maan Xoosh Jabriil,kaasi oo looga hadli lahaa halka uu marayo hanaanka dib u eegista dastu urka,isagoona carabka ku dhuftay in taasi ay ka wada tashan doonaan Wasaaradda Dastuurka iyo Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare.

WASIIRADA ARRIMAHA DIBADDA, MAALIYADDA IYO GANACSIGA OO LA KULMAY MICHEAL KEATING

Kulan afar geesood ah oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caala miga Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Ganac siga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir iyo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating ayaa shalay ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Kulankan ayaa looga doodday dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda, ammaanka iyo iskaashiga.

Labada dhinac ayaa waxa ay ku heshiiyeen in la sameeyo guddiga xiriirka ee dalka mart ida loo yahay, xoojinta iyo horumarinta wax wadaagid qotodheer oo istiraatiijiyad leh oo u dhexe ysa Qaramada Midoobey iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhinacyo badan leh.

Kulan kale oo gaar ah, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danj ire Axmed Ciise Cawad waxa uu kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaram ada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Keating taabagelinta iyo horumarinta istiraa tiijiyadaha wadaagga ah ee u dhexeeya hey’adaha Dowladda Soomaaliya iyo hey’adaha Qara mada Midoobey ee ka howlgala dalka si loo xoojiyo iskaashi wax ku ool ah si uu qeyb uga noq do dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta horumarka iyadoo la tixraacayo istiraatiijiyadda qaranka iyo hiigsiga wadaagga ah.

Kulankan miradhalka ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Arrimaha Dib adda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Abdulkadir AhmedKheir Abdi, Agaasimaha Xafiiska Wasiirka Mr. Abdullahi Dool Mohamed, Agaasimaha taageerada Ergada UNSOM ahna Agaa simaha UNSOS Mr. Amadu Kamara iyo Madaxa Shaqaallaha ee UNSOM Ms. Hedwig Maex.

HAAN SUN LOOGA SHAKISAN YAHAY OO KU CAARISAY XEEBTA CEELMACAAN

Deegaanka Ceelmacaan ee Gobolka Shabelllaha dhexe, ayaa waxaa lagu arkay haan wayn oo ku soo caarisay Xeebta deegaankaasi, taasi oo walaac badan ku abuurtay Bulshada.

Haantaan oo xiran ayaa wararka waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka ay ka cabsi qabaan inay sumeysan tahay, maadaama halis ay ku keeni karto deegaanka iyo nolosha shac abka.

Wasiirka Dakaddaha Maamulka Hirshabelle C/shakuur Cismaan ayaa sheegay in dadka shacabka ah laga rabo inay isdajiyaan, islamarkaana arrintaan baaritaan ay ku sameyn doona an.

Wuxuu sheegay hanta inay arkeen iyada oo taala xeebta deegaanka Ceelmacaan, balse Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda oo iskaashanaya ay baarayaan waxa ku jira haantan.

Xeebaha Somaliya oo aan laheyn ciidan awood leh oo illaaliya, ayaa xilliyada qaar la isa ga soo daadshaa haamaha ay ka buuxaan wasaqda, taasi oo dhibaato ku keenta dadka rayidka ah.

Maraakiibta Shisheeye ee sida sharcidarada ah ku mara Xeebaha Somaliya, ayaa qashinka iyo waxyaabaha kale ee dalalkooda ay ka soo fogeeyaan waxa ay keenaan xeebaha Somaliya. 

BOGGA CAYAARAHA..

WALWAL: GARSOORE UU PEP GAURDIOLA CADHO WAYN KALA DUL DHACAY OO LOO DOORTAY 

KULANKA MAN CITY VS LIVERPOOL IYO SABABTA AANU GAUARDIOLA UGU FARXI DOONIN.

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay garsooraha dhex dhexa adin doona kulanka xiisaha iyo xamaasada badan ee kooxaha Manchester City iyo Liverpool ku dhex mari doona Etihad Stadium ee lugta labaad ee UEFA Champions League laakiin go’ aankan ayaa ah mid aanu soo dhawayn doonin macalinka ree Spain ee Pep Guardiola kaas oo garsoorahan hore cadho wayn ugala dul dhacay.

Manchester City ayaa soo dhawayn doonta Liverpool iyada oo kooxda Klopp guul 3-0 ah ku sii gaadhay kulankii Anfield waxayna City kulankan ciyaari doontaa iyada oo maalmo kooban laba guuldaro kala kulantay Liverpool iyo Man United balse Guardiola ayaa samayn doona wax walba oo ay kooxdiisu ku soo bixi karto.

Xidhiidhka kubbadda cagta Yurub ee UEFA ayaa go’aamiyay in garsooraha horyaalka La Liga ee Antonio Mateu Lahoz uu dhex dhexaadin doono kulanka Manchester City iyo Liverpool waana go’aan xaqiiqdii uu si wayn uga cadhoon doono Guardiola.

Iyada oo aan garsoore Antonio Mateu Lahoz gabi ahaanba laga jeclayn magaalada uu Guardiola ka soo jeedo ee Barcelona ayay haddana jirtaa sabab kale oo wayn oo uu Guardiola garsooraha u necbaysan doono waxaana sababta ugu wayn ah kulankii xili ciyaareedkii hore ee UEFA Champions League ee ay Man City la ciyaartay kooxda Monaco oo tartankan ka soo reebtay.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Guardiola uu kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay tusaale u soo qaatay qaladaadkii uu garsoore Antonio Mateu Lahoz ka galay kooxdiisa sanadkii hore markii ay la ciyaarayeen Monaco isaga oo markaas isbarbar dhig ku samaynayay gaarsoore Felix Brych oo kulankii Liverpool iyo Man City hayay iyo garsoore Antonio Mateu Lahoz oo kulankii Ma City iyo Monaco hayay.

Kadib guuldaradii Anfield ayuu Guardiola saxaafada u sheegay in qaladaadkii uu garsoore Felix Brynch uu ka sameeyay kulankii Liverpool ay la mid ahayd qaladaadkii uu gars oore Antonio Mateu Lahoz ka sameeyay kulankii ay kooxdiisu xili ciyaareedkii hore la ciyaartay Monco balse markan waxa uu arkayaa garsoore Lahoz oo dhexda u gali doona kooxdiisa iyo Liverpool!.

Guardiola ayaa kadib kulankii Liverpool yidhi: "Anigu waxaan xusuustaa wixii sanadkii hore dhacay. Waxaanu ahayn kuwo k1-1 ah garoonkooda kula jiray Monaco markii rekoodhe cadaan ah oo Aguero ah iyo kaadhka cas aanu ku foodhyin garsooraha ree Spain ee Antonio Mateu Lahoz”.

Guardiola oo go’aankii markaas ee Antonio Mateu Lahoz si xun u dhaliilsan isla marka ana tusaale ugu soo qaadanayay in garsoorihii kulankii Liverpool aanu go’aano fiican kooxdiisa siin ayaa yidhi: ‘Waxaanu ka soo degnay suurtogalnimada 2-1 aanu lahaan lahayn oo aanu noqonay 1-2, dhacdooyinka noocan ahi xaqiiqdii waa muhiim”.

Laakiin garsoore Antonio Mateu Lahoz ayaa loo xilsaaray in uu dhexda u galo kulan la filayo in uu noqon doono mid u xamaasad badan kulankii Anfield oo ay kooxaha Manchester City iyo Liverpool isku wajihi doonaan markaas oo ay si rasmi ah ugu soo kala bixi doonaan UEFA Champions League.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE APRIL 8

Arsenal 3 - 2 Southampton

Chelsea 1 - 1 West Ham United

SPAIN - LALIGA SANTANDER APRIL 8

Levante 2 - 1 Las Palmas

Real Madrid 1 - 1 Atletico Madrid

Real Sociedad 5 - 0 Girona Valencia 1 - 0 Espanyol

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SHEEKO TAXANWE AH}

Q/90aad

The best girl in asiaIntaa ka dub lammaanyaashii is jeclaay ee C/qaadir iyo XulBeella kalmadaha cishqiga ah ee habeenkaawax aay iftitaaxeda bilaabay wiilkii C/qaadir ahaa wuxu una ku bilaabay sida tan:-

C/qaadir:-Xul-beella abbaayo macaan , Xabiibimarka ay dhacdoama wiil iyo gabar midkood kan kale ku xumee yo jaceyl dhab ah oo uu u haayey ama uu marin habaa biyo ujeedadii wada socodkooda isagookaga faa’iide ysanaya ujeedooyin gurracan ama u ga ar ah isaga wa xaa abuurnaya in jaceyl kii dhabta ahaa isu beddelo nac eyb, nac eybkasina waxaa uu noqon karaa mid gaarsiis an illaa heeraar goosi oo ruuxii godobta lag galayku fikiri karo inuu ka taqa luso kan kale, xaaladdaasina waa mid dhib badan waxaana wanaagsan in aanad qof ku be erin kalsooni iyo jaceyl haddii aad ogtahay in aadan sii wedi doonin oo aad beylihin doontidna wac adkii aad la gashay mase og tahay Xul-Beella Abbaayo Macaan in qofku ugu dhibaato badan yahay markii niyadjab qalbigi isa lagu dhex beero ruux isku kaa aamina aad xumma an ugu abaal guddo taasoo noqon karto mid kuugu soo laabata adigoo aad waliba ka shalleyne yso dhexdanafarta aad ka qaniintid waqti munaasib aan kuugu aheyn.

Sidaas daraadeed Xulbeela Abbayo Macaan wax aa habboon inaan iska ila alino masiibadaas raadka xun beni’aada mka ku reebi karta anigana waxaa aan jecla hay in gabdhaha la ixtiraamo mana jecli in la waxyeell eeyo hamigooda mustaqbal oo ey rajeynayaan Maalin iyo habeen ogoowna xulbeelle Abbaayo Mac aan in ay jirto murti soom aaliyeed oo oraneysa {kuwa is caawiya allaa Caawiya}

Marka xulbeellooy aan is caawinno inagoo daacad ah waxaa kaloo la yiraahdaa{laba caano doon isma wey do}.

Xulbeella abbaayo macaan inta badan shaqsi uu jace ylka haleelo waxaa jira caalamado u gaar ah kuw aas soo shaqsiga ku abuurawal wal iyo walaac waxaa uu na dareemaa qofka uu jecelylka uu haayo inuu ku dhex jiro badweyn isagoo ey naftiisu had iyo jeer ey muuqato midshihiideysa .

Haddaba xulbeella abbaayo macaan qofka wax jeceli waxaa uu jaceyl yahay in ruuxa uu jecel yahay uu la joogo mar walba waana tan kaliya ee kalsooni gelin kar ta shaqsiga wax jecel haddii laakiin mucaashaqu kaliya yahay waxaa ku badanaya fikir iyo walbahaar ilaa uuka gaaron heer uu naftiisa hiifo misna uudulloobo,waxaana ku dhummeysa qeybta kalsoonida , waxaa kale ee uu dareemaa hurdo la’aan cuntadana uu ka go’o iyo inuu saaxiibbbadiis uu salaanta uu kala baqeylo kaligiina uu tashado isagoo go’aanna degdeg ah gaaroiyo inuu ka habsaamo danihiisa gaarka u ah.

Haddaba abbaayo macaan xul-beella waxaa habboon in lammaanahadaadihinaya miraha cishqiga ey nafta isku huraan kalsooniiyo daacadnnimona ey dhexdooda ka abuuraan siuu xiriirkoodu midnnimo lagu gaaro danih iisa gaarka aheelaga lahaaxul-beella.

Midda kale Abbaayo macaanto waxaa jira maahma ahyo soomaaliyeed oo oraneysa {qofkii sun ku siiya sub ag baa la siiyaa}{Hewegnes You Pperson Give Him But ter}.

Tan kale Gacaliso Xulbeelle Abbaayo Mcaantosha qsiga basharka ahiuma dhintojaceylka hadduusan ku keli noqon kan jeceylka u dhintay ee aan maqalnayna waa waxa uu ahaa {madi caashaq} taasina waaxey u ba ahan tahay in laga tusaale qaato sida eynu ognahayna shaqsigu kama guul helo jaceylka ku keli ah oo aan aan la la daryeeleyn , waana kan ey horay ugu geeriyo odeen halyeeyo magaca jaceyl kaga tegay adduunya da sida

Qeys iyo Leyla

Cilmi boodhari iyo Hodan

Majnuu iyo Leyla

si kastaba ha noqotee waan wada ognahay Xulbeella Abbaayo Macaan inuu jaceylku midabbo badan yahay balse rafaad uma dhinna shaqsigii uu kalinnimo ku soo wajahay , qofkaasna waxaa uu ka dhigaa{duur joog amb ad ah}.

La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah

W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab} Tel: 

0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip