
HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 7-DA ABRIILE 2018-KA
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay illaa 2 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda, halka uu ku dhintay Ruuxii naftii haliga ahaa. Dhinaca kale wa xaisal daqiiqado ka dib qarax xoogan uu ka dhacay bar koorool oo Ciidamada am maanka ay ku leeyihiin agagaarka Seybiy aano degmada Hodan ee G/ Banaadir.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dha shay Gaari Harrier ah oo laga soo buuxi yay walxaha qarxa. Waxaana la sheegay inay saarnaayeen 2 Nin oo ku labisnaa da reska Ciidamada dowladda, kuwaas oo Is raaseyn ay dhexmartay Ciidamadii ku su gnaa koontaroolkaasi, ka hor inta uusan qaraxin Gaariga
Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Iska hor imaadkaasi uu ku dhintay 1 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada DFS, sidoo kalena halkaasi lagu dilay 2dii nin ee la socotay Gaarigaasi. Intaas ka dib ayaa Gaariga oo laga shakisanaa uu qarxay kaligiis, isa goo aan geysan wax khasaaro ah, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo lagu kalsoo naan karo.
Balse Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah M/Muqdisho, kuwaas oo hakad galiyay qaar ka mid ah Waddooyinka Caasimad da.
WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA OO WAR SAXAAF ADEED KA SOO SAARAY XAALADA SIYAASAD EED EE BAARLAMAANKA
Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan
Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Amb. Francisco Madeira ayaa war saxaafadeed ka
soo saaray xaalada siyaasadeed ee Baarlamaanka iyo dhacdadii arbacadii la soo
dhaafay ka dhacday Golaha Shacab ka. War saxaafadeedka ka soo baxay Wa kiilka
Midowga Afrika ayaa ka dambeey ay, markii Madaxtooyada Soomaaliya ay ashtako ka
gudbisay hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Uganda Jen. Paul Lo kech,
kaasoo ahaa inta laga xaqiijinayo ja wi nabdoon ay AMISOM ammaanka xar unta
Baarlamaanka la wareegeyso.
Haddaba waxaa halkan idinku soo koo baneynaa qoraal saxaafadeedkii ka soo baxay Amb. Madeira
1 Sida aad ogtihiin dhammaantiina, waxa aanu mareynaa xaalad siyaasadeed oo adag. Aqalka hoose ee Baarlamaanka So omaaliya oo sidoo kale loo yaqaan Gol aha Shacabka waxa uu xilligan u kala qeybsan yahay laba kooxood oo iska soo horjeeda.
2 Isheysadka wuxuu gaaray Arbacadii hore heerkiisii ugu sarreeyay oo siyaasad iyo amni la xiriirta, taasi oo keentay in ci idanka AMISOM ay farageliyaan iyaga oo iskaashi la sameynayay ciidamada am maanka Soomaaliya si xaaladda loo dejiyo.
3Waxa aan ka helay farrriimo madaxd eyda sare ee Addis Ababa ku sugan, taa si oo la xiriirtay in AMISOM ay u xilsaaran tahay taageeridda ciidamada ammaanka Soomaaliya si loo sugo amniga xarumaha hey’adaha qaranka oo uu ku jiro Baarlamaanka. Midowga Afrika iyo AMIS OM waxay tixgelinayaan madax banana ida shacabka Soomaaliyeed, waxayna qi rayaan xuquuqdooda iyo kalsoonida bu uxa ee ay ku qabaan hoggaankooda si lo oga hortago caqabadaha oo ay ku jirto siy aasadda xilligan taaggan ee laba u kala qeybiyay Aqalka hoose.
Iyada oo taasi laga ambaqaadayo, AMISOM awood uma lahan inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan, AMISOM gacanta kuma heyn karto Golaha Shac abka waase haddii hey’adaha Soomaaliy eed ee ku shaqada leh ay codsadaan ay ey ku dhaqaaqi kartaa. calaa kullli xaal an nagu waxa aan ku jirnaa xaalad heegan ah, waxa aan diyaar u nahay in aan caa winno Soomaaliya , baarlamaanka ama meel kaleba ha noqotee.
TARTANKA ORODKA GAABAN MINI MARATHON OO AY KA QEYBGALEEN 500 OO ORODYAH AY OO KA KALA SOCDAY DEGMOOYINKA G/ BANAADIR AYAA LAGU QABTAY MUQDISHO.
Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in taranka uu qeyb ka noqonayo muna asa bada maalinta Nabada iyo Sportiga Adu unka oo sida ay hadalka u dhigtay noqon ayo markii 2aad oo Muqdisho laga ma amuuso tan iyo markii ay xilka la ware egeen. Tartanka ayaa waxaa ka qeybga lay dhammaan Wasiirrada Cayaaraha do wlad gobollee dyada dalka, waxaana ay sheegtay Wasiirka in dalka oo dhan laga hergalin doono mashruuc lagu hormarin ayo Sportiga dalka.Zrodyahanka Soom aaliyeed Cabdi Bili Cabdi oo ka qeybg alay tartanka ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo in uu arko tartan oo noocan oo kale ah. ‘’Ann iga oo caasimada Muqdisho in ka badan 30 sano ka maqnaa in aan shalay taaag annahay Daljirka Dahsoon farxad ayeey ii tahay, waxaan u mahad calinayaan fikirka wanaagsan iyo dadaalka wasaaradda cay aaraha galisay hormarinta Sportiga’’ ayuu yiri Cabdi Bile Cabdi.
Tartankan oo ka bailaabanayay KM4 ay aa ku soo gabagaboobay Daljirka Dahso on, taa oo macnaheedu noqonayo in dhal inyaradan ordayeen 4km, iyadoo uu kaal inta koowaad uu galay Nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabo Cali Iidoow kaa oo la guddoonsiiyay bilid Dahab ah halka kaal inta 2ad iyo 3aad dhalinyarradii gashay la kala guddoon siiyay ballado Qalin iyo Ma ar ah.
XILDHIBAANO BEENIYEY IN UU IS CASILAYO GUDOOMIYE JAWAARI
Xilli habeen hore ay soo baxayeen war ar sheegaya inuu is casilayo G/G/shacab ka Soomaaliya Maxamed Sh.usmaan Ja waari ayaa waxaa wararkaas si adag uga hadlay xildhibaanada taageersan Guddoo miye Jawaari oo ku sheegay Been abuur lagu doonayo in dadka iyo dalka lagu jah wareeriyo.
Xildhibaan Caasha Koos waxaa ay ka mid tahay xildhibaanada taageersan Jaw aari Idaacadda Dalsan ayey u sheegtay in guddoomiyaha ay la joogtay xilliga ay soo baxayeen wararka la xariira iscasilaad da,islamarkaana aysan waxba ka jirin. Ci ddii Faafisay wararkan ayey ku tilmaamt ay inuu Faal u qabtay iscasilaadda Jawa ari sida ay hadalka u dhigtay,waxayna til maamtay inuu sharci ku yimid haddii ay dhacdo iscasilaadna uu si sharci ah isku casilayo,kulan xildhibaanadu ay la qaate en guddoomiyaha ayey sheegtay inaysan jirin wax gooni ah oo ay kaga wada hadl een marka laga reebo kulan casho ah….
Iyadoo sidii hadlaysa Xildhibaan Ca asha Koos waxaa ay ku baaqday in aan dadka iyo dalkaba lagu jahwareerin warar been abuur ah oo aan culeys kale loog usii darin sida ay hadalka u dhigtay cab urin lagu hayo Xiisadda u dhaxaysa Xi ldhibaanada golaha shacabka ee kala tag eersan Xukuumadda iyo guddoonka ayaa sii xoogeysaneysa,waxaana istaagay dha mmaan dadaaladii lagu doonayey xallinta xiisadaha taagan,xiisadda jirta awgeed waxaa shaqadii ku waayey saraakiil iyo xubna kale oo ka tirsanaa dowladda waxa ana laga xusi karaa Jeneral Afcaddeey oo ahaa taliyihii cidanka ilaalada Madaxto oyada oo la sheegay inuu diiday hub ka dhigis lagu sameeyey ciidankii ilaalada u ahaa Guddoomiye Jawaari ee Arbacadii la soo dhaafay hubka la galay xarunta golaha shacabka ee muqdisho.
TALIYIHII CIIDANKA MADAXTOOYADA SOO MAALIYA OO XILKA LAGA QAADAY.
Wararka naga soo gaaraya Madaxtoo yada Somaliya ayaa sheegaya in Xilka qa adis lagu sameeyay Axmed Maxamed Cali (Afcadeey) oo ahaa Taliyihii Ururka 60aad ee Ciidanka ilaalada Madaxtooya da Somaliya. Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in xilka loo Magacaabay odawaa oo isaga ahaa Abaanduulaha Ciid anka 60aad ee ilaalada Madaxtooya da Somaliya, Xilka qaadistiisa ayaa salka ku heysa Ciidankii Jawaari ilaalinayay ee uu isaga Taliyaha u ahaa Kuwaasoo xabs iga la dhigay kadib markii Taliyaha Xooga dalka uu ku eedeeyay iney Jabiyeen am arkii Hay’adaha amniga soo saareen ee ahaa Inaan Ciidan lala galin Xarunta Baa rlamaanka.
Afcadeey ayaa la sheegay inuu ka hor yimid shaqa Joojinta iyo Xabsiga la isgu daray Ciidanka, Wuxuuna usheegay Taliy ayaashiisa iney Ciidanka Jawaari ilaaliya wax Khalad ah aysan sameyn, Amniga Jawaarina iyaga ay masuul ka yihiin si la mid ah Kan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Afacdeey ayaa Gelinkii dambe ee Kha miistii doraad ahayd la soo gaarsiiyay Xi lka qaadista, Sidoo kalena waxaa lagu war galiyay Ninka Booskiisa lagu badalay, Janaraalka ayaa soo noqday Taliyaha Cii danka ilaalada Madaxtooyada Somaliya xiligii ay dalka Madaxweyne ka ahaayeen Shariif Sh.Axmed iyo Xasan Sh. Sidoo ka le Sanadii hore ayaa dib loogu soo Ma gacaabay Taliyaha Madaxtooyada ka dib markii dalka Madaxweyne uu ka noqday Farmaajo.
Xiisada Siyaasadeed ee dalka ka jirta, kana dhalatay Mooshinka laga keenay Gu doomiye Jawaari ayaa saameynteeda ma rkan lugaha la gashay Ciidamada, Waxaa na jirta cabsi ku aadan iney sii fiddo ilaa ay gaarto gacan ka hadal.Xigasho: jowhar com
KENYA OO LACAG DUL DHIGTAY XUBNO KA TIRSAN SHABAAB
Booliska dalka Kenya ayaawaxay Kha miistii sheegeen in ay jiraan rag tiradooda ay gaareyso ilaa 8 nin oo ka tirsan ururka Alshabaab, kuwaasi oo qorsheynaya in ay weeraro ka geystaan gudaha dalka Ke nya. Raggan ayaa Booliska dalka Kenya waxa ay ku sheegeen in ninkiiba Mada xiisa la duldhigay laba Milyan lacagta Kenyanka ah oo u dhiganta 20,000$, oo la siin doono cidii gacanta ku soo dhigta ama meel ku sheegta.
Taliyaha Ciidanka Booliska dalka Ke nya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku sheegay raggan in ay howlo Arg agixiso ka geystaan gudaha dalka Kenya, lagana hortagayo. 8da nin ee Ciidamada Kenya ay ku daba jiraan ayaa waxa ay kala yihiin Isaaq Caliyow Maxamed, Rax iim Maxamed Sheekh, Bashiir Xareed Xu seen, Bshiya Aadan Cusmaan Kulu, C/r ashiid Ibraahim Apadan Cusmaan, Siyaad Ibraahim C/laahi, Cabdi Maxamed Ibra ahim iyo Maxamed Maxamuud Maxamed.
Booliska ayaa shacabka ka dalbaday in Ciidamada Booliska ay u gudbiyaan wixii xog ah oo ay ka hayaan raggan oo sawir adooda lagu baahiyay, si loo soo qabto sharcigana loo horgeeyo.
Afhayeenka Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay raggan in ay ku dhuumaaleysanayaan degaano ka tiran Gobolka Waqooyi Bari oo ay ka mid yihiin Khadiija Xaaj iyo Qumbidhaam, do onayaana in ay geystaan falal ka baxsan amniga. Ciidamada sirdoonka dalka Ken ya ayaa dhawaanahan kordhiyay howlga lada ammaanka lagu xaqiijinayo ee ay ka sameynayaan xuduuda u dhaxeysa Soo maaliya iyo Kenya, si ay uga hortagaan Shabaabka ka gudbaya xuduuda.
MILATARIGA MARAYKANKA OO JOOJIYAY DHO OLATUS CIIDAN OO AY KU SAMEYN LAHAA YEEN JABUUTI
Milatariga Maraykanka ayaa gebi aha anba joojiyay dhoolatus Milatari oo ay ku sameyn lahaayeen xeebta dalka Jabuuti kadib markii diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ay hal maalin oo kaliya labo shil ku galeen dalka Jabuuti.
Sidoo kale ciidamada Maraykanka ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyada Mi latariga ee dhinaca howlgalada dalka Jab uuti. "Howlgalada dhinaca hawada ee dal ka Jabuuti waa la hakiyay sidoo kale tal iska dhexe ee ciidamada Maraykanku waxa uu joojiyay wixii ka dhimanaa dhool atuska ama carbiska ciidan ee Alligator Dagger kadib markii labo shil oo dhinaca diyaaradaha dagaalka ay dhaceen.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Milatariga Maraykanka.
Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Mar aykanka ay ku soo dhacday dalka Jabuti waxaana dhaawac culus soo gaaray duuliyihii diyaarada. Sidoo kale diyaarad nooca qumaatiga u kaca CH53 ayaa dhi baato xoog leh ka soo gaartay markii ay ku degeysay garoon ku yaal magaalada Carta ee dalka Jabuuti.
Shilalka ka dhacay Jabuuti ayaa waxa ay ka mid noqdeen kuwo isdabasocda oo dhowaanahanba soo wajahayay diyaarda ha dagaalka ee Maraykanka sida ay daac abay wakaalada Reuters waxayna dhal isay in su’aalo laga keeno diyaar ahaansh aha diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanku leeyihiin.
Arbacadii ayaa diyaarad nooca dag aalka ah F16 oo dhoolatus sameyneysay waxa ay ku burburtay saldhig ciidamada cirka dalka Maraykanka ee Nevada wax aana ku dhintey duuliyihii diyaaradaas.
Sidoo kale Talaadadii aynu ka soo gudu bnay ayaa diyaarad helicopter ah oo ay ciidamada badda Maraykanku lahaayeen waxa ay ku burburtay Koofurta California waxaana la rumeysan yahay in afar askari oo saarnaa ay geeriyoodeen.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN LA QAATAY TALIYAASHA CIIDAMADA DOWLADA
Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay taliyaasha ciidamada Nabadsugida, Booliska, Meliteriga, iyo Asluubta waxaana kulankaasi looga hadlay arimo dhowr ah.
Madaxweynaha ayaa taliyaasha ka hadlay sugida amniga iyo sida ay u maareyn la haayeen xiisada siyaasadeed ee taagan, taas oo ka dhalatay Mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Jawaari.
Kulankaan ayaa imaanaya xili maalmihii dambe qeybaha kala duwan ciidamada Dowlada lagu eedeeynayay in ay ku milmeen xiisada siyaasadeed ee taagan.
KULANKII BAARLAMAANKA SOOMAALIYA EE MOOSHINKA GUDOOMIYE JAAWARI OO BAAQDAY
Sida ay inoo xaqiijiyeen Xildhib
aano
ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaa baaqday kulan maanta lagu
waday in uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa cod u qaadista Mooshinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari).
Xildhibaanadda ayaa sheegay in xalay waqti dambe ay kulamo yeesheen Islamarkaana lagu go’aamiyay in la baajiyo kulanka maanta.
Xildhibaanadda Mooshinka ayaa ku wargaliyay Laamaha amniga Dowladda Soomaaliya in uu baaqday kulanka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in uu wali jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya xildhibaannada iska soo horjeeda lagana baqay in mar kale kulankaasi qalalaase gallo.
Waa kulankii Saddexaad oo baaqday, iyadoona kol hore uu baajiyay Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo Markii ugu dambeysana la sheegay in ciidamo ay qabsadeen xarunta Golaha Shacabka
XILDHIBAANADA MOOSHINKA KA KEEN AY GUDDOOMIYE JAWAARI OO MAR KA LE UGU BAAQAY INUU IS CASILO
Xildhibaanada Baarlamaanka ee moo shinka ka keenay G/ Jawaari ayaa mar ka le ugu baaqay inuu is casilo, ka dib kulan dhoolatus u muuqday oo ay shalay ku ye esheen Hotelka SYL ee M/Muqdisho, ha lkaasoo maalmihii la soo dhaafay noqday geed fadhiga Xildhibaanada ka soo horje eda Guddoomiye Jawaari.
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay G/ Ja waari inuu jebiyay dastuurka iyo xeer hoo saadka, isla markaana ay ka dalbanaya an inuu is casilo. Xildhibaan Maxamed Cu mar Dhalxa ayaa sheegay in Xildhibaan ada gaaraya 200 ay ka dalbanayaan inuu is casilo, isla markaana inta aan la jiidin uu is casilo.
Kulankan ay shalay yeesheen Xildhib aanada ka soo horjeeda Jawaari ayaa ku soo aadaya, iyadoo la hadal haayo in maanta ay kulan yeelanayaan Xildhibaa nada, inkastoo aan si rasmi ah loo hubin.
MADAXWEYNIHII HORE EE K/ KUURIYA OO LAGU XUKUMAY 24SANO OO XABSI AH
Madaxweynihii hore ee Koofur Kuuriya Park Geunhye ayaa lagu xukumay 24sa no oo xabsi ah, ka dib markii lagu helay kiisas culus oo ah laaluush, musuq maa suq iyo ku tagri fal awoodeed, intii ay xu kunka heysay. Dacwada loo heystay Haw eeneyda Madaxweynaha ka soo noqotay Koofur Kuuriya ayaa soo taxneyd 10kii bil ee u dambeeyay, waxa ana lagu helay dacwado ah inay lacago ka qaadatay shirkadaha ganacsiga ee dalkaas.
Xilliga xukunka dhacayay ayaa toos lo oga daawanayay Telefishinka, waxaana la soo bandhigay cadeymi muujinaya fade exad ah sida shirkadaha Ganacsiga ee waa weyn iyo siyasadda ay isku milmeen.
Waxaa laga yaabaa inay racfaan ka qaadato xukunkan muddo todobaad gud ihiisa, sida uu u dhigayo sharciga Koofur Kuuriya.
Taageerayaasheeda ayaa ka carood ay xukunka ku dhacay haweeneydan Mad axweynaha ka soo noqotay Koofur Kuur iya.
SHUUTE OO KA HADLAY BAAQYADA CAALAM KA EE JOOJINTA XUKUNADA DILKA AH.
G/Maxkamada Darajada 1aad ee Ciid amada Qalabka sida G/le Sare Xasan Ca li Nuur (Shuute), ayaa ka hadlay shaqada Maxkamada iyo xukunada ay ridaan.
Shuute ayaa sheegay in Hay’ada Gar soorka ay si caadi ah u wadato Shaqo ma ka dhanka ah CXD ee lagu helo danbiy ada Kala duwan, Sidoo kale Shuute waxa uu sheegay in shaqadooda ay qeyb ka ta hay xukumida Dadka lala xiriiryo Falalka Shabaabnimo. Xukunada dilka ah ee ay soo saaraan ayuu G/Shuute Sheegay inu almeedkeeda, ayna qaadaan Dacwadaha usan noqon oo kaliya mid kama danbeys ah, balse ay u banana tahay Danbiilaha in uu Maxkamada Racfaanka ugudbiyo Xuk unka lagu riday, Hadii ay taa Midii hore ku raacdana ugu danbeyn waa la fuliyaa Xukunka.
Racfaanka ayuu sheegay iney Jirto Shuruudo uu leeyahay oo ay qeyb ka tah ay inaan dhamaan waqtiga loogu talagal ay, sidoo kalena Maxkamada loo soo ban dhigo Cadeymo Cusub. Shabaabka iyo Ci idamada Dowladda ayuu sheegay dadka laga soo eedeeyo in danbiyadooda ay ba araan Garsoorayaal gaar ah, Qiimeyn dheer kadibna ay soo saaraan Cadeyma ha Muujinaya eedaha loo heystay.
Waxa uu Gudoomiye Shuute, soo ha dal qaaday Shantii qof ee loo heystay Qa raxii lagu la’day ee Zoobe ka dhacay 14kii October Sanadii hore halkaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow Kun Ruux oo aan waxba galabsan, Dadka qaraxaasi loo hayay ayuu Gudoomiyaha sheegay in dacwadaha dadkaasi loo heystay ay dhageysanayeen dadka shicibka ah oo ay Maxkamada ufurneed.
Shantaas qof mid kamid ah ayuu she egay in dil lagu xukumay, Kaas ayuu tilm aamay inuu ahaa shaqsigii waday gaarigii kale ee qaraxyada waday ee lagu qabtay isgoyska Ceel Qaloow ee Degmada Wa djir, Ninkaas ayuu sheegay inuu hadafk iisa ahaa sidii qeyb uga noqon lahaa wee rarka ku foraray EerBorka M/ Muqdisho.
2 Kamaid ah raga la soo xiray ayuu sheegay in wax danbi ah lagu waayay sid na lagu sii daayay, 2da kale ayuu sheeg ay in xabsiyo lagu Xukumay. G/M/C/Q/S. ayaa sidoo kale soo hadal qaaday baaq yada is daba jooga ah ee ka soo baxa Re er Galbeedka, taasoo ku aadan in la Joo jiyo Xukunada dilka ah oo ay maxkamad aha Ciidamada fuliyaan.
Shuute ayaa cod dheer ku sheegay ine ysan suura gal eheyn in la joojiyo Xuku nada dilka ah maadaama buu yiri ay diin ta Islaamka amreyso in la dilo qofka qof si Bareer ah udila, Sidoo kale Dastuurka dal ka ayuu sheegay inuu dhigayo in la dilo.
Ugu Danbeyn, Gudoomiye Shuute ay aa soo hadal qaaday dilka Siciid Mariino oo dhacay Bilowgii sanadan, Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada ayuu sheegay iney dil ku xukuntay Taliyihii dilk a geysta, balse uu Racfaan udoontay Ma xkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida.
IGAD Oo Ka Digtay In AMISOM Ay Ka Baxdo Soomaaliya
Ururka goboleedka IGAD ayaa walaac xoogan ka muujiyay ka bixitaanka Ciida mada nabada ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya Sanadka 2020ka oo hore loo qorsheeyay. Madaxa ammaanka iyo nabad galyada ee Uurka IGAD Tewolde Gebremeskel ayaa WW ee Xinhua u she egay in muhiim ay tahay in la xoojiyo awo oda Ciidamada Soomaaliya, ka hor inta aysan bixin Ciidamada AMISOM.
Mr gebremeskel ayaa sheegay Ciidama da nabad ilaalinta Midowga Afrika ay weli Soomaaliya ka wadaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.
Wuxuuna intaasi ku daray in Ciidama da Soomaaliya aysan awood buuxda xilli gan u lahayn inay la wareegaan mas’uuliy ada ammaanka dalka ka dib marka ay ba xaan ciidamada howlgalka AMISOM.
Tewolde Gebremeskel Madaxa amma anka iyo nabad gelyada ee IGAD ayaa xu say in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay san weli lahayn awood, isagoo intaasi raa ciyay in ay weli u baahantahay taageer ada howlgalka AMISOM.
QM ayaa Sanadkii hore soo saartay xill iga rasmiga ah ee Ciidamada AMISOM ka baxayaan Soomaaliya, taas oo lagu sheegay Sanadka 2020ka.
RUUSHKA;”DOWLADA BRITAIN WAXA AY KU CIYAAREYSAA DAB WAYNA KA SHALAAYI DOONTAA.”
Ruushka ayaa ku eedeeyay dowlada In giriiska inay aliftey sheeko been ah ayna ku ciyaareyso dab arrinta ka dhalatay su meyntii nin hore u ahaa basaas iyo gabar uu dhalay. Safiirka QM fadhiya QM Vas ily Nebenzya ayaa ka sheegay kulan uu yeeshay Golaha Ammaanka; "Waan u sheegnay saaxibadeen Britishka inay ku ciyaarayaan dab ayna ka qoomameyn do onaan.” Dowlada Ingiriiska ayaa ku eedey say Ruushka inuu mas’uulka ahaa sume ynta Skripal iyo gabadhiisa Yuli balse dow lada Ruushka ayaa beenisay eedeyntaas.
Basaaskii hore ee Ruushka Sergei Skri pal iyo gabadhiisa Yulia ayaa la helay iya goo miyir doorsoon magaalada Salisbury afartii bishii March ee sanadkan.
Ms Skripal oo 33 sano jir ah ayaa caafima adkeedu ka soo reynayaa waxayna sha acisay war ah in caafimaadkeedu maali nba maalinta ka dambeysa uu soo wanaa gsanaanayo. Hase yeeshee aabaheed oo 66 sano jir ah ayaa aad xaaladiisu ay tah ay mid liidata.
Mr Nebenzya called the accusations "ho rrific and unsubstantiated” and accused the UK of waging a "propaganda war” aga inst Russia. Safiirka Ruushka u fadhiya QM .Mr Neberzya ayaa si kulul ugu eede eyay D/Ingiriiska inay bilowday dagaal da caayad ah,isagoo si gaar ah ugu tilmaam ay UK in ay ka soo yeeraan warar aan sal iyo raad lahayn. Novichok ayaa sheegay in walxaha kimikada ee loo isticmaalay basaaska iyo gabadhiisa ay dalal badan oo caalamka ah soo saari karaan balse magaca dalka Ruushka loo isticmaalay.
Xiisada ka dhalatay sumeynta basaaskii hore ee dalka Ruushka iyo gabadhiisa a yaa sababtay in dibulumaasiyiin ku dhow labo boqol oo dalka Ruushka u joo gay wadamo ku yaal Yurub iyo Maraykanka la soo eryo. Sidoo kale dowlada Ruushka ayaa eriday diblumaasiyiin la mid ah ku wa laga soo eryay wadamada Yurub iyo Maraykanka.
WARBIXIN:WAA NA WADA DEEQAAYE NABAD HA LAGU WADA JOOGO.
G/Sh/Hoose wuxuu ku yaalaa koo nfurta
dalka Soomaaliya waxaana ma gaalo madax u ah M/Marka, dhaqaali hiisa wuxuu ku
tiirsanyahay be eraha, xoo la iyo Kaluum eysi ga. Gobol kaan waxa uu xaduud
lalee yahay gobolla da kala ah Ban aadir,Shabeellaha Dhexe, Bay, Jubad da Dhexe
iyo Badw eynta Hindiya. Wa xaana mara Wabiga Shabeelle.
Sh/Hoose wuxuu gobol ahaa waa gii hore 1884 ka dib talyaniga ayaa Exbanaadir ku daray, run ahaantii Go bolku wuxuu ka mid yahay gobollada ugu quruxda badan dalka Soomaaliya, sababtoo ah wuxuu leeyahay deegaa anno aad u ballaaaran oo doog ah, si doo kale waxaa ku yaalo beeraha waa wayn ee loo yaqaano aseendoo yinka, kuwaasoo inta badan dacalka ku haa ya webiga shabelle oo dhex mara go bolka, deegaannada ayaa ah kuwo aad usoo jiita dadka dalxiisayaasha ah. deegaannada dalxiiska ku wacan waxaan ka xusi karnaa Beeraha Afgo oye taasoo isku xirta caasimada iyo xarunta gobolka ee Marka. Sidoo kale waxaa lagu yaqaan kaluumeysiga oo aay dadka aad uga helaan. wuxuu leeyahy dhul aad u qurux badan iyo xeebo indhahaaga soo jiidanaayo.
Dhinaca Wax soo saarka Gobolka sh/hoose waa gobolka ugu horreeya dalka Soomaaliya ee dhanka wax soo saarka beeraha. Gobolkani waxa uu Rabbi ku manaystay khayraad fara badan oo isugu jira bad iyo berriba, waxaana ku yaalo beeraha ugu badan dalka, kuwaasoo laga soo saaro dal agyo kala duwan ee laga isicmaalo inta badan wadankeenna.
Gobolka waxa uu caan ku yahay beeraha Khudaarta, Khudaarta ayaa ah miro u baahan biyo joogto ah oo la gu waraabiyo sidaasi daraadeed ayaa ILAAH waxa uu gobolkani ugu deeqay wabi biyihiisu qul qulaaan bilaha san adka oo dhan, taasna waxay saha shay in la abuurto beerahaas waqti kasto. Khudaarta iyo noocyada kale ee fawaakihda ee gobolka kasoo bax do, waxaana ka xusi karnaa, yaany ada, basasha, barbarooniga, kabsar caleen, basbaaska, bocorka, iyo waxy aabaha kale ee la midka ah. sidoo kale dhanka fawaakihdaa ma Khudaar ta aan la kar in ayuu gobol ku caan ku yahay,sida Cambaha, Muus ka,Is baan dheys ka, Canabka, Babaayga, iyo Qar aha. waxaana xu sid mudan in dalka dhaqaale xoog ba dan kasoo galo dho ofinta Moooska oo gobolkan kaliya la ga soo saaaro in tiisa badan. sidoo ka le waxsoo saar ka gobolkan waxaa ka mida, kheyra adka badda oo ah mid ka mida ilaha dhaqaale ee gobolkani can ka ku yahay. waxaa uu gobolkani leey ahay xeeb dheer oo kalummeysatadu ka jalaabtaaan.
Haddaba sanooyinkaan dambe wa xaa Gobolkaasi colaad daba dheeraat ay ku dhexmaraysay Beelaha wada daga Deegaankaasi, waxaase la dhex dhigay dibu heshiisiin, taasoo lagu dhameynayay colaadahaasi sababay in nafo badan lagu waayo, islmarkaa na ay ku burburto hanti aad u fara ba dan, waxaana munaasabadii lagu soo bandhigayay heshiis ay wada gaareen beelihii isku haya colaadda, ka hadlay G/Aqalka Sare Md.Cabdi Xaashi C/hi, wuxuuna ugu baaqay Shacabka ku no ol M/Marka iyo Guud ahaan Gobolka Sh/Hoose in ay adkeeyaan Heshiiska laga gaaray colaadii mudada badan soo jiidameysay ee ka taagneyd maga alada Marka una dhaxeysay Labo be el oo walaalo ah oo wada dega Gobo lkaasi.
Md.Cabdi Xaashi C/hi ayaa si gaar ah ula dardaarmay Odayaasha,Culimada iyo Waxgaradka M/Marka inay dhowr aan heshiiska una dhaqaaqaan sida u gu habboon ee loo dhaqan gelin karo loona yeero dadkii colaadaha ku Bara kacay si ay nabad iyo nolol ugu noo laadaan, isagoo ka hadlayay Kheyra adka uu ku fadhiyo Gobolka Sh/hoose iyo sida aan looga faa’ideysan ayuu Yiri” Soomaaliyey Gobolka Shabeella ha hoose inagu waxaan nahay qiyaas ahaan 12Milyan meelahaasi, waa Go bolka dhammaanteen aan degi karno ee ina raashimin karo (Ina quudin ka ro),waa Gobol inta uu ina quudiyo wal iba Adduunka wax uga diri karno, maan garan dadka hadda deggan ee tiradooda yar tahay waxay isku heysta an,Soomaali oo dhan ayaa degi karta oo ku filan.”
Guddoomiyaha G/Aqalka sare Ca bdi Xaashi C/hi isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Yiri” M/Marka Taariikhd eeda haddaan gadaal u raaco 1947dii oo waqtigii gumeysiga uu joogay waxay lahayd shan Warshadood oo soo saara wixii ka baxa deegaanka ya cni Gobolka gaar ahaan degmada Mar ka wixii ka baxa ayaa lagu farsameyn jiray loona dhoofin jiray dibadaha, waan ka xumahay maanta iyo ka hor ba shantaa Warshadood dhammaant ood way baaba’een.”, wuxuuna si gaar ah u sheegay in dhibaatooyinkaa si oo dhan ee Gobolka ka jira ay kee neen talo xumo,isagoona dhanka kale tilmaamay inay muhiim tahay inaan tashano oo si wanaagsan u tashano si loo helo nabad iyo nolol dadka ay ku wada naaloodaan.
Ugu danbeyntii,G/G/Aqalka sare ay aa hadalkaan ka jeediyay shirka dib u heshiisiinta Beelaha dega degmada Marka ee xarunta Gobolka Shabeella ha hoose oo uu kaga qeyb galay M/ Muqdisho,waxaana shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arri maha gudaha iyo dib u heshiisiinta Do wladda Soomaaliya ka qeyb galay Ra’ iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xa san Sh.Aadan,Xildhibaanada iyo Oda yaasa dhaqanka ee ka soo jeeda G/ Sh/ Hoose. Waxayna Odayaasha dha qanka ee ka soo jeeda G/Sh/Hoose kuna sugnaa shirka dib u heshiisinta ay balan qaadeen inay adkeynayaan Heshiiska,islamarkaana ka shaqeyn doonaan sidii nabad loogu wada no olaan lahaa loogana faa’ideysan lahaa Kheyraadka uu Illaahey ku maneystay Gobolka.
DFS ayaa ka shaqeyneysa sidii dib u heshiisiin loo kala dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee saameynta ku yeeshay dagaaladii soo maray dal ka, sidaasi awgeed G/Sh/hoose waa na wada deeqaaye nabad ha lagu wada joogo.
W.Q.C/laahi Ruush
{Xigasho WWQS ee SONNA}
CAUTIONARY NOTICE
NOTICE is hereby given that MHCS, a French company of
9, avenue de Champagne, 51200 Epernay, France are the Sole Proprietors in Somalia and
in all other countries of the following Trade Marks:- MOET & CHANDON VEUVE CLICQUOT DOM PERIGNON Which
are used in connection with beverages. Any
person who copies, imitates, or in any other way whatsoever infringes the
rights of the said in the Trade Marks will be proceeded against in
accordance with the Laws in force in Somalia to prevent the imposition of
fraudulent Marks on merchandise
SHIRKA GOLOHA WASIIRRADA SOOMAALIYA OO LOOGA HADLAY AMNIGA, DHAQAALAHA IYO HANNAANKA DEYN CAFINTA SOOMAALIYA.
Shirka Goloha Wasiirrada ee XFS oo shirgoddoomiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Md.Xasan Cali Khayre ay aa looga hadlay Xaaladda ammaan ee dalka, Faahfaahinta Geeddisocod ka dayn cafiska Soomaaliya, Hannaan ka Maaliyadda Qaranka iyo Warbixino kale oo muhiim ah.
Wasiir ku xigeenka W/Amniga Gu daha C/naasir Siciiid Muuse ayaa she egay in howl galka lagu sugayo amma anka M/Muqdisho uu yahay mid si wa naagsan u socda, ciidamaduna ay xoo gga saarayaan sidii shacabka Sooma aliyeed ay ugu noolaan lahaayeen si nabad ah dalkooda. Isagoona tilmaam ay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu todobaadkiiba mar ama labo jeer uu ciidamada ku booqdo isgoosyada iyo goobaha ay shaqada ka wadaan, taasina ay u tahay ciidanka dhiirigalin
sii jeclaysiinaysa shaqadooda. Wa siirka Maaliyadda Soomaaliya C/maan Ducaale Bayle ayaa tilmaamay in da khli aruurinta guduhu ay gaartay rubu cii hore ee sanadkan halkii ugu sareys ay oo ay soo xarootay 42.5 milyan oo doolar, arintaas oo fududeyneysa han naanka deyn cafinta Soomaaliya.
Sidoo kale Wasiirku waxuu shee gay in Hay’adda IMF iyo World Banki gu ay dawladda Soomaaliya horay ugala hadleen in iska ilaaaliyaan daa ymaha, si looga cafiyo daymii hore ee lagu lahaa dawladda Soomaaliya.
Hanti dhowraha Qaranka Soomaali yaa ayaa goloha xukuumadda u soo bandhigay xogaruurin ay ka sameeye en 19 wasaaradood oo lasoo baaray sida ay dakhliga usoo xareeyaan, wa xa uuna goloha ka sheegay in aysan xarun lacag qaban karta marka laga reebo Wasaradda Maaliyada, hadii ay dhacdo in ay lacag qabatana ay lag ama maarmaan tahay inay ugu gudb iso Bankiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda muda 24 saacadood ah, iyada oo la cuskanayo sharciga nam barkiisu yahay 317.
R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa bogaadiyay sida hab simada leh ee ay u socoto nidaamka dakhli aruurinta Soomaaliya, taas oo meel fiican maraysa hadda, sidoo kale waxuu goloha u soo jeediyay inay dardargaliyaan shaqada ay u hayaan Qaranka. Dhammaad—
MAREYKANKA OO DUQEYN KU DILAY XUBNO KA TIRSAN ALSHABAAB
War qoraal ah oo ka soo baxay Tal iska ciidamada Mareykanka ee ka ho wgala Qaarada Africa ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliy aha la heyn, meel u dhow degmada jilib ee gobolka Jubada dhexe, duqeyn taas oo dhacday gelinkii dambe ee Khamiistii aan ka soo gudubnay. Tal is ka ayaa sheegay in duqeynta ay la bar tilmaameysadeen dagaalam ayaal ka tirsan Alshabaab, isla mark aana ay ku dileyn 3 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab. Warkaan ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu yiri Ciida mada Mareykanka oo kaashanaya ku wa Dowladda FS waxa ay weerar ku qaadeen AlShabaab meel u dhow de gmada Jilib, galabnimadii Khamiista ee dorraad waxayna sheegeen in ay ku dileyn 3 Alshabaab ka tirsan.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn taas ay ku bur buriyeen Gaari nuuca dagaalka ah oo qoryo waaweyn ay ku rakib naayeen. AFRICOM ayaa ugu dambeyn sheegay in hadda ay bil aabeyn baaritaan ay ku sameynayaan duqeyntaas oo ay sheegeen in ay ku dileyn 3 dagaalame oo ka tirsan Alshabaab in uu sidoo kale jiro khasaaro dad shacab ah ka soo gaaray iyo in kale.
Donald Trump Madaxweynaha dal ka Mareykanka ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu Mareykanka uu saar ay Soomaaliya sanadkii 2010kii, taas oo keyntay walaaca Mareykanka uu ka qabo Argagixisada iyo Burcad BaMareykanka ayaa dagaal kula jira dagaalamayaasha Alshabaab, waxayna inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka ah oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn.


0 



HALKAAN KA AKHRISO: WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 7-DA ABRIILE 2018-KA
FAAH FAAHINNO KA SOO BAXAYA QARA XYO KA DHACAY MUQDISHO Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxyo xoogan oo shalay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo ka mid ah M/Muqdisho. Qarax 1aad oo Ismiidaamin ahaa, loona adeegsaday Gaari NOAH ah ayaa Sala