Milatariga Maraykanka oo joojiyay dhoolatus ciidan oo ay ku sameyn lahaayeen Jabuuti

0
Friday April 06, 2018 - 23:59:25 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milatariga Maraykanka oo joojiyay dhoolatus ciidan oo ay ku sameyn lahaayeen Jabuuti

    Milatariga Maraykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay dhoolatus Milatari oo ay ku sameyn lahaayeen xeebta dalka Jabuuti kadib markii diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ay hal maalin oo kaliya labo shil ku galeen dalka Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Milatariga Maraykanka ayaa gebi ahaanba joojiyay dhoolatus Milatari oo ay ku sameyn lahaayeen xeebta dalka Jabuuti kadib markii diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanka ay hal maalin oo kaliya labo shil ku galeen dalka Jabuuti.

Sidoo kale ciidamada Maraykanka ayaa hakiyay dhammaan duulimaadyada Milatariga ee dhinaca howlgalada dalka Jabuuti."Howlgalada dhinaca hawada ee dalka Jabuuti waa la hakiyay sidoo kale taliska dhexe ee ciidamada Maraykanku waxa uu joojiyay wixii ka dhimanaa dhoolatuska ama carbiska ciidan ee Alligator Dagger kadib markii labo shil oo dhinaca diyaaradaha dagaalka ay dhaceen.”ayaa lagu yiri war ka soo baxay Milatariga Maraykanka.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa mid kamid ah diyaaradaha dagaalka Maraykanka ay ku soo dhacday dalka Jabuti waxaana dhaawac culus soo gaaray duuliyihii diyaarada.

Sidoo kale diyaarad nooca qumaatiga u kaca CH-53 ayaa dhibaato xoog leh ka soo gaartay markii ay ku degeysay garoon ku yaal magaalada Carta ee dalka Jabuuti.

Shilalka ka dhacay Jabuuti ayaa waxa ay ka mid noqdeen kuwo isdabasocda oo dhowaanahanba soo wajahayay diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka sida ay daacabay wakaalada Reuters waxayna dhalisay in su’aalo laga keeno diyaar ahaanshaha diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Maraykanku leeyihiin.

Arbacadii ayaa diyaarad nooca dagaalka ah F-16 oo dhoolatus sameyneysay waxa ay ku burburtay saldhig ciidamada cirka dalka Maraykanka ee Nevada waxaana ku dhintey duuliyihii diyaaradaas.

Sidoo kale Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayaa diyaarad helicopter ah oo ay ciidamada badda Maraykanku lahaayeen waxa ay ku burburtay Koofurta California waxaana la rumeysan yahay in afar askari oo saarnaa ay geeriyoodeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip