
Ciidamada Jabuuti oo la wareegay ammaanka Degmada Jalalaqsi {taliayaha jabuuti oo gaaray G.Hiiraan Daawo Sawirada: }
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax, ayaa u sheegay Warbaahinta ammaanka Magaalada Jalalaqsi inay masuul ka yihiin ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan looga yaqaan (Hiil Walaal).
Ciidanka ayaa shalay la wareegay difaacyadii ay ku sugnaan jireen ciidamada Burundi ee joogay Magaaladaasi, waxaana halkaasi kula hadlay ciidamada Taliyaha guud ee ciidanka dalka JabuutiSakariye Sheekh Ibraahim.
Ciidamada Burundi ayaa gabi ahaanba ka baxaya Magaalada Jalalaqsi, lama oga halka loo bedeli doono ciidamadaasi oo ay ka howlgeli doonaan.
Magaalada Jalalaqsi oo ka mid ah Magaalooyinka waaweyn ee Gobolka Hiiraan, waxaa horay looga saaray Maamulkii Al Shabaab ee halkaasi, balse Shabaab ayaa weeraro joogto ah ku soo qaadi jiray Magaalada.
Ciidamada oo ka tirsan howlgalka Amisom, ayaa ka duwan ciidamada kale ee Afrikaanta ah ee Somaliya jooga, ciidamada Jabuuti waxa ay shacabka Somaliyed u muujiyaan walaaltinimo, mana jirto dhibaato ciidamadaasi ay shacabka kala kulmaan.
Ciidamada Jabuuti oo la wareegay ammaanka Degmada Jalalaqsi {taliayaha jabuuti oo gaaray G.Hiiraan Daawo Sawirada: }
Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayaa la wareegay gacan ku haynta ammaanka Magaalada Jalalaqsi ee Gobolkaasi Hiiraan.