Wasiirka Beeraha XFS Oo La Kulmay Wakiilka Hay'adda WFP

0
Wednesday March 28, 2018 - 19:56:19 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Beeraha XFS Oo La Kulmay Wakiilka Hay'adda WFP

    Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Siciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay'adda Cuntada Adduunka WFP , Laurenta Bukera, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Dalagyada kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Siciid Xuseen Ciid ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay'adda Cuntada Adduunka WFP , Laurenta Bukera, iyagoo ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa Dalagyada kasoo go'a Dalkeenna.

Kulnkan ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dhiirri gelin lahaa Beeralayda Soomaaliyeed iyadoo laga iibinayo Dalagyada ay tacbadaan,meel marinta Barnaamijka howl galka 2019 iyo 2021-ka ee Beeraha Soomaaliya, soo nooleynta Kaabayaasha Beeraha iyo sidii ay wasaaradda Gacan ugu siin lahayd Hay’adda WFP.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid , ayaa aad usoo dhaweeyay qorshaha hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ay ku doonayso inay ku caawiso Beeralayda Soomaaliyeed iyo dhiirri-gelintooda.



Wakiilka hay’adda Cunnada Adduunka ee Soomaaliya, Laurenta Bukera ayaa bogaadiyaytallaabooyinka dhaxal galka ah ee ay qaadeen Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna intaa raaciyay inay ka go’an tahay dar-dar gelinta barnaamijyada lagu dhiirri-gelinayo Beeralayda iyo ka Gacan siinta Wasaaradda Beeraha Soomaaliya.

Barnaamijyadan taakulaynta iyo dhiirri-gelinta Beeralayda Soomaaliya ee ay si wada jir ah u wadaan Wasaaradda Beeraha iyo hay’adda WFP ayaa waxay door lixaad leh ka qaadan doonaan in ay Suuq yeeshaan Dalagyada la Beero ku dhiirrashada tacbashada Miraha kasoo go’a Dalkeenna.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip