WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Monday December 21, 2015 - 09:02:56 in Wararka by
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 21-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA: ''CIIDANKA BOOLISKA WAXAA UU TUSAALE U YAHAY DIB U SOO KABASHADA SOOMAALIYA'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA: ''CIIDANKA BOOLISKA WAXAA UU TUSAALE U YAHAY DIB U SOO KABASHADA SOOMAALIYA'' Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidammada Booliska Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 20ka December awgeed oo ku beegan sannadguuradii 72aad tan iyo markii la aasaasay Ciidammada Booliska Soomaaliyeed.

"Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waa hooyadda dhammaan ciidammada kala duwan ee Soomaaliya leedahay. Waxaa ciidankan uu misaal u yahay soo kaba shada Soomaaliya, iyadoo aan ognahay inay ku guuleysteen inay badbaadiyaan keydka taariikhiga ah ee uu ciidanku lahaa. Waxaa munaasabadihii horay halkan uga dhacay na loogu soo bandhigay galka askarigii ugu horeeyay ee booliska loo qoray sannadkii 1943kii, markii ciidankan la dhisay, taasina waxay muujineysaa kartida ciidankan iyo sida geesinimada leh ee ay u difaacdeen keydkooda taa riikheed”, ayuu yiri Madaxweynaha oo shalay xarunta Akademiyadda Booliska ee General Kaahiye ee magaalada Muqdisho kaga qeybgaley munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay oo lagu xusayey maalinta booliska.

Madaxweynaha ayaa sheegay in booliska ay tiir dhexaad u yihiin ilaalinta sharciga, loona baahan yahay in shacabku garto in sharcigu uu yahay furaha cadaaladda iyo nabadda.

‘’Dowladnimadu waa xoog sharciyad leh. Halkudhegga ah Sharciga ilaali ha ku ilaaliyee, waxaa micmaheedu yahay in shacabka ay sharciga u hiiliyaan si ay nabad iyo caddaalad ugu noolaadaan.Aad baan ugu faraxsanahay horumarka uu sameynayo Ciidanka Booliska Soomaaliya.Waxaan si gaar ah u ammaa nayaa Taliyaha Ciidanka Booliska S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan, oo ah nin laamaha amniga ee dalka horumar badan ka sameeyay, sida diyaarinta kaadi riinta cusub ee Ciidammada Nabadsugidda Qaranka, Wasaaradda Gaashaa ndhigga iyo haatan booliska ‘’.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha uu sheegay inuu soo dhoweynayo dadaalka Ciidanka Booliska ee dhinaca kobcinta aqoonta ciidammada, sida qori sta iyo akhrinta afka Soomaaliga, oo haatan ciidammo badan oo aan horay u qori jirin la siiyay fursad ay ku bartaan qorista afka, si ay u noqdaan ciidammo xirfado dhammeystiran leh dhan kasta.

"In Boolisku aqoon yeesho waa arrin muhiim ah, waxaanna wax lagu farxo ah in Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliska ay xoogga saareen in booliska ay noqdaan kuwo aqoonta laamaheeda kala duwan barta, oo ay ugu horeyso qorista afkeena hooyo. Dardaaranka aan u jeedinayo booliska ayaa ah in muh imad la siiyo aqoonta’’.

Ugu Dambeyn waxaa uu Madaxweynaha ammaan u jeediyay beesha caa lamka oo iyana gacan weyn ka geysatey dib u dhiska iyo tayeynta Ciidanka Boo liska Soomaaliyeed.

"Qaramada Midoobay, Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo hay’adaha ka le ee caalamiga ah, waxaan uga mahad celinayaa sida ay uga qeyb qaateen dib u dhiska ciidankeena booliska. Waxaan si gaar ah mahad ugu celinayaa Mareyk anka, Isutagga Imaaraadka Carabta, Talyaaniga, Djibouti, Uganda iyo waddamo kale oo gacan ballaaran ka geystey maalgelinta, tababarada iyo baahiyada kale ee ciidammadeena booliska’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda waxaa kale oo hadalo ka soo jeediyay Taliyaha Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda iyo ciidammada.

Waxaa goob joog ka ahaa xafladda xubno labada gole ka tirsan, diblomaa siyiin iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo halkaasina lagu soo bandhigey bandhig fan eed ay hormuud ka ahayd kooxda Heegan ayna kala qeyb galeen kooxo kale.

DIYAARADA AIR FRANCE OO SI DEG DEG AH UGU DEGTAY KENYA, KADIB QARAX LOOGA SHAKIYAY DIYAARADA INUU SAARAN YAHAY

Diyaarada Air France ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa ku degtay Gar oonka Diyaaradaha MOI ee Magaalada Mombasa dalka Kenya, kadib markii Diyaarada gudaheeda lagu arkay wax u eeg bam.

Diyaarada oo kasoo duushay dalka Mauritius , ayaa ku sii jeeday dalka Faransiiska, balse Suuliga Diyaarada ayaa lagu arkay wax u muuqaal eeg Bam, taasi oo keentay in Diyaarada lagu dejiyo dalka Kenya.

Duuliyaha Diyaarada ayaa codsaday inuu diyaarada ku dejiyay Garoonka Mombasa ee MOI, si baaritaan loogu sameeyo, waxa loo maleeyay Bamka ee Suuliga Diyaarada lagu arkay.

Afhayeenka Booliska dalka Kenya Charles Owino, ayaa sheegay inay baarayaan waxa u eeg Bamka ee Diyaarada gudaheeda lagu arkay.

Rakaabkii saarnaa Diyaarada oo gaaraya 463 Qof ayaa laga daadgur eeyay Diyaarada, markii Garoonka MOI ay ku degtay, waxaana sidoo kale la soo sheegayaa Garoonka Qudhiisa in laga kala cararay, maadaama Bam aad loo hadal haayo.

Diyaarada ayaa waxa ay ku sii jeeday Garoonka Charles de Gaulle ee Magaalada Paris ee dalka Faransiiska, balse Shakigan laga shakiyay in Bam uu saaran yahay ayaa sababay in Diyaarada Kenya lagu dejiyo.

Shacabka dalka Faransiiska ayaa xusuusta weerarkii cuslaa ee dhiiga ba dan ku daatay ee Daacish ay ku qaaday dalkaasi.

SHAQAALE LAGA CEYRIYAY DEKEDDA MUQDISHO OO AMAR LAGU BIXIYAY INAY HOWLAHOODA DIB UGU LAABTAAN

In ka badan 140shaqaale oo horay uga howlgeli jiray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa shaqadooda dib ugu laabanaya, kaddib max kamadda gobolka Banaadir ay amarkaasi bixisay.

Shaqaalahaan muwaadiniinta ah ayaa waxaa shaqada ka ceyrisay shir kadda Albayrak ee Turkiga laga leeyahay markii la wareegtay Dekedda Muq disho, kaddib markii ay is fahmi waayeen qaabka ay iskula shaqeynayaan.

Guddoomiyaha shaqaalaha rayidka ah Maxamed Xaaji Cusmaan oo war baahinta la hadlayay ayaa sheegay in shaqaalahaan ay ku guuleysteen dacwad ay hor geeyeen maxkamadda gobolka Banaadir, isla markaana 143shaqaale oo muddo 40sano ah ka shaqeynayay dekedda Muqdisho howlahooda dib ugu laabtaan.

"Dowladda Federaalka markii ay Dekedda ku wareejisay shirkadda Albayrak uma sameynin xeer ay ku dhaqmaan shaqaalaha muwaadiniinta ah iyo ajaanibta ma amulka lagu wareejiyay” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xaaji.

Dib ugu laabashada shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo xuquuqdooda dib loogu soo celiyo, iyadoo maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in la siiyo mudadii 11bilood ahayd xuquuqdii ka maqneyd.

XILDHIBAANO BAARLAMAANKA SOMALIYA KA TIRSAN OO KU HANJABAY INAY DHISAYAAN MAAMUL KA DHAN AH MAAMULKA KOONFUR GALBEED

Xildhibaano & Siyaasiyiin ka soo jeeda Degmooyinka Ceelbarde, Yeed & Caato Ee Gobolka Bakool, ayaa waxay ku hanjabeen inay dhisayaan Maamul ka madax bannaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Xubnahan, ayaa waxay Maamulka Koonfur Galbeed ku dhaliileen in dadkii ka soo jeeday deegaanadaasi laga musuq maasuqay xubnihii, ay ku lahaayen Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo bishan uun lagu dhisay Magaalada Bay dhabo.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka tirsan Xildhibaanada Baa rlamaanka Somaliya, ayaa sheegay inay wadaan qaban qaabada shir ay ku qab anayaan Degmada Ceelbarde, oo sida uu sheegay ay ku soo dhisayaan Maamul ka dhan ah Koonfur Galbeed.

Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur, ayaa tilmaamay in Maamulkoodu uu hoos taggi doono Dowladda Federaalka Somaliya, islamarkaana uu sidaasi qabo Das tuurka Qabyo Qoraalka Somaliya, sida uu yiri.

Xildhibaan Sanyare oo la hadlay BBC, ayaa ku andacooday inay u suur tageli weyday in ay la kulmaan Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed, si ay u ga arsiiyaan cabashada dadka ka soo jeeda Caato, Yeed & Ceelbarde.

Mudanaha Baarlamaanka Somaliya ka tirsan, ayaa ku celceliyay in ay wax adag ku noqotay inay is fahmaan Maamulka Koonfur Galbeed, sidaasi daraa deedna ay ka tashadeen, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo ka mid ah Xildhib aanada Baarlamaanka Somaliya, Wasiirkii Hore Wasaaradda Maaliyadda Soom aaliya, Xuseen Cabdi Xalane iyo Siyaasiyiin kale, ayaa tagey Degmadaasi Ceel barde, si ay ugu soo dhisaan Maamul kulmiya Ceelbarde, Caato & Yeed.

Diidmada ay muujinayaan xubnahaan, ayaa billihii ugu dambeeyay laga dareemaayay saaxada siyaasadda Somaliya, waxaase loo arkaayay uun arrin salka ku haysa dano gaar ah.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA GALGADUUD OO SHEEGAY INUU KA BAD BAADAY ISKU DAY DIL

Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa she egay inuu daraad ka bad baaday isku day dil ay doonayeen in AlShabaab ku qaa rijiyeen, kadib markii gaari uu watay oo marayay Wadada Maka AlMukarama ras aas lagu furay.

Mr Cirfo ayaa sheegay in gaari kale oo ay wateen rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa, isagoo tilmaamay in weerarkaas aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin.

"Alle ayaa mahadsan oo iga bad baadiyay, rag hubeysan oo gaari watay ayaa anigoo gaari saaran oo aan mareynay wadada mashquulka badan ee Maka AlMukarama ay na rasaaseeyeen, waxba nama gaarin, laakiin qarax meeshaas ka dhacay ayaa dad badan dhibaato ka soo gaartay”ayuu yiri Cirfo.

Waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka dowladda iyo shacabka inay iska kaashadaan sugida ammaanka, isla markaana laga hortago falalka amni darada.

Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku geeriyootay, 10kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Maka AlMukarama, gaar ahaan agag aarka Shineemo Soomaali oo ay ku dhow yihiin xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.

Saameynta ugu badan ee qaraxa ayaa ka soo gaaray Carwada Alkowthar, iya doo milkiilihii carwada iyo qaar kale oo shaqaalaha ka mid ah uu soo gaaray dha awacyo.

Wadada Maka AlMukarama ayaa ka mid ah wadooyinka amnigooda la ilaaliyo, waxaa isticmaala gaadiidka kala duwan ee dadweynaha iyo kuwa Mas’uuliyiinta dowladda.

DOWLADDA FEDERAALKA SOMALIA OO GUDDOOMIYE CUSUB U MAGACOWDAY MAAMULKA GOBOLKA HIRAAN

Warar soo baxay shalay ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay u ma gacaawday guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar [Da bageed] oo horay labo jeer guddoomiye uga soo noqday gobolka.

Mid ka mid ah saraakiisha xarunta maamulka gobolka Hiiraan ayaa Saxaafadda u sheegay in shir ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ay wafdigii ka socday dowladda Somaliya ku shaaciy een in shalay laga billaabo uu Gobolka Hiiraan guddoomiye ka yahay Yuusuf Da bageed.

Sidoo kale warka arrintaan ku saabsan waxaa xaqiijiyay guddoomiye kuxi geenka arrimaha siyaasada iyo ammniga gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/llaahi oo sheegay in lagu soo wargaliyay magacaabista guddoomiyaha cusub.

Yuusuf Dabogeed oo markii saddexaad guddoomiye ka noqonaya gobo lka ayaa badalaya guddoomiyihii hore ee gobolka, C/fataax Xasan Afrax oo Mu qdisho u jooga baaritaanka kiiska la xiriira sarkaal ka tirsanaa hay’adda QM ee UNMASS oo bishii hore lagu dilay Beledweyne.

SHARIIF XASAN: MAAMUL AHAAN MARNA AQBALI MAYNO IN CADAALAD DARRO WAX LAGU QAYBSADO

Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed Somaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan oo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay ku laabtay ayaa shee gay in aysan marnana aqbali doonin wax cadaaladdarro ah, isagoo sheegay in habka awoodqaybsiga 4.5ka ay u arkaan inuu yahay nidaam cadaalad ah.

Shariif Xasan oo ka Qaybgalay kulankii Wadatashiga ahaa ee magaalada Muqdisho lagu qabtay toddobaadkii hore ayaa sheegay in marnaba maamulkiisa aanu oggolaan doonin in la si kale loo rogo hanaanka wax loo qaybsanayo ee 4.5-ka ah.

"Waxaan shirkii Muqdisho ka dhacay geeyay aragtida shacabka deegaann ada uu maamulka Koonfurgalbeed ka taliyo, taasoo ahayd in xildhibaannada sannadka soo socda ee 2016ka lagu soo xulo nidaamka 4.5ka ah,” ayuu yiri Sha riif Xasan oo warfidiyeenka kula hadlay Baydhabo.

Madaxweynaha maamulka Konfurgalbeed Somalia ayaa hoosta ka xariiq ay in hannaanka ay doonayaan ee afarta beelood & barka ah ay u arkaan inuu yahay hannaan cadaalad, isla markaana ay Soomaalidu wax ku qeybsan karaan.

Sidoo kale, Shariif Xasan oo ka hadlay shirka ka dhici doona bisha soo socda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in lagu gaari doono go’aan kama da mbeys ah oo la xiriira habka ay u dhici doonto doorashada sannadka 2016ka ee soo socda.

Dhawaan ayay maamulada Koonfurgalbeed iyo Galmudug soo jeediyay in xildhibananada lasoo xuli doono 2016ka lagu saleeyo nidaamka 4.5ka, kaasoo ah habka ay dowladda FS Somalia ku dhisan tahay.

Ugu dambeyn, maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa iyana soo jeediyay in doorashada soo socota lagu saleeyo hab deegaan, iyadoo intii uu socday shirkii ka dhacay Muqdisho ee looga hadlaya doorashada labadan qodob ee kala duw an si aad ah la isugu qabtay, inkastoo aan weli go’aan rasmi ah laga qaadan.

BELEDWEYNE: WASIIRRO KA QAYBGALAY XUSKA 72GUURADII AASAASKA BOOLISKA SOOMAALIYA ..

Xubno ka socday labada gole ee dowladda Soomaaliya, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan , saraakiil iyo martisharaf kale ayaa magaalada Bele dweyne uga qeybgalay xuska munaasabada 72 sano guuradii ka soo wareegtay aasaaska ciidammada booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabada oo lagu qabtay gudaha xarunta saldhiga booliiska magaa lada Beledweyne, ayeey ciidammada ku soo bandhigeen dhuultus iyo gaaddak acayaar siweyn u soo jiitay mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka qeybgalay munaa sabada.

Taliyaha qeybta booliiska Somalia ee gobolka Hiiraan, Col. Isaaq Cali C/lle oo ka hadlay munaasabadda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay marx aladii kala duwaa oo ay soo marreen ciidamada booliiska Soomaaliyeed ee gob olka Hiiraan oo sida uu sheegay bilihii ugu danbeeyay lagu wadday dib udhis, wuxuuna ku daray intaas in hadda ciidanka booliiska gobolka Hiiraan marayaan heerkooddii ugu wanaagsanaa, inkastoo wali ay jiraan baahiyo kala duwan oo dhinaca tayeeynta ah.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed oo ha dal ka jeediyay munaasabadda ayaa hambalyeeyay guud ahaan ciidammada booliiska Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan ciidammada ku sugan gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in wasaarradiisu badan ka qabtay kana qaban doonto tayeeynta iyo dibu dhiska ciidamada booliiska oo ah astaanta nabadgalyada guddaha.

Sidoo kale, wuxuu wasiirku ka dalbaday taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Hiiraan inuu u soo gudbiyo baahiyaha kala duwan ee heysta ciidamada booliiska iyadoo wasaarraddu sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabandoonto.

Ugu danbeyn, dhamaan mas'uuliyiintii kala duwanaa ee ka hadallada ka jeediyay xafladda ayaa u hambalyeeyay ciidamada booliiska Soomaaliya meel kasta oo ay joogaan.

WEERAR XAGGA CIRKA AH OO LAGU DILAY SARKAAL KA TIRSANAA URURKA XISBULLAH

Weerar dhinaca cirka ah, ayaa waxaa saacadihii hore ee Axada shalay ah lagu dilay Samiir Qantar, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ururka Xisbullah oo fadhi giisu uu yahay dalka Lubnaan.

Dhisme ku yaala Degmada Jaramana oo ka tirsan Magaalada Damascus, uuna ku sugnaa ninkaasi, ayaa waxaa lala helay gantaal, iyadoona la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday Sarkaalkaasi.

Ururka Xisbullah, ayaa waxaa uu xaqiijiyay dilka Samiir Qantar, waxayna dilkiisa dusha kaga tuureen Maamulka Israel. Israel ayaa weeraro dhinaca cirka ah ka waday dalka Suuriya, tan iyo markii ay dalkaasi ka bilowdeen dagaalada sokeeye.

Israel, ayaa ninkaasi ka sii deysay xabsi ku yaala Deegaanka Druze, san adki 2008da. Sii deysmadiisa waxay qayb ka ahayd isku bedelasho maxaabiis, wixii xilligaasi ka dambeeyayna wuxuu ka tirsanaa Xisbullah.

Golaha Wasiirada Israel, ayaa shalay soo dhaweeyay wararka sheegaaya in ninkaasi lagu dilay weerar dhinaca cirka ah, oo loo fishay inay gaysatay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka Israel, laakiin waxay ka gaabsadeen in Israel ka dambeysay weerarkaasi.

Samiir Qantar iyo boqolaal dagaalyahano oo uu horkacaayay, ayaa ka barbar dagaalamaayay Ciidanka Dowladda Suuriya, iyagoona u istaagay difaaca Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Bashar alAssad.

Bishii September, ayay ahayd markii Xukuumadda Washington ay ninka asi ku sheegtay inuu argagaxiso yahay. Washington waxay la dagaalan kula jir taa dhinacyada taageeraaya Xukuumadda Damascus.



XAALADII UGU DARNEYD OO LA SOO DERISTAY DEGMADA DIINSOOR…

Xaaladii ugu adkeyd muddo sanado ah, ayaa xilligan ka jirta Degmada Dii nsoor Ee Gobolka Baay, ka gadaal markii ay Degmadaasi go’doomiyeen Xooga ga Ururka Al Shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka & Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa 24-kii bishii July la wareegay gacan ku haynta Degmadaasi, markii ay isaga ba xeen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Dagaalyahanada Shabaabka oo soo buuxiyay wadooyinka soo gala Degmadaasi, ayaa waxay xanibaado ku soo rogayn gaadiidkii ganacsiga keeni jira Degmada Gobolka Baay ka tirsan.

Shabaabka, ayaa ugu cago jugleeyay milkiilayaasha gaadidka iyo waday aashaba, inay tallaabo adag ka qaadi doonaan, haddii gaadiidkoodu wax ganacsi ihi keenaan Degmada Diinsoor.

Dadka reer Diinsoor, ayaa soo sheegaaya in qiimo koror uu ku yimid qii mihii la kala siisan jiray quutul daruuriga. Kiilada sonkorta oo kale waxaa iminka Degmadaasi laga kala siisanayaa lacag ku dhow laba dollar oo lacagta Mare ykanka ah.

Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in sicir barar baahsan la ga dareemay Degmada Diinsoor, iyadoona ay walaac ka muujinayaan qiimo kororka xoogan ee ku yimid quutul daruuriga.

Ganacsiga la keeno Degmadaasi Diinsoor, ayaa waxaa laga kala keennaa Magaalooyinka Muqdisho & Baydhabo, waxaana xilligan adag in gaadiid ganacsi ay soo gaaraan Degmadaasi.

Ciidamada Dowladda & Amisom, ayaa waxay ku fashilmayn inay go’doo minta ka saaraan Degmada, iyagoona ku eg fariisimaha ay ku leeyihiin duleed yada Degmadaasi. Shabaabka waxay ku jiraan dhammaanba wadooyinka soo gala Degmadaasi.

Xilliyada qaarkood marka ay Ciidamada Huwantu isku deyaan inay Shab aabka ka saaraan wadooyinka, ayaa waxaa dib loogu soo celiyaa Degmada, sab abo ku aadan iyagoo iska caabin buuran kala kulma dagaalyahanada mayalka adag ee Al Shabaab.

XABAD JOOJINTII YEMEN OO QARKA U SAARAN INUU BUR BURO, KADIB DAGAALO DHACAY

Dagaalo culus ayaa dib uga cusboonaaday dalka Yemen, maalmo kadib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah oo ay ka soo shaqeysay Qaramada Mid oobey.

Ugu yaraan 68 ruux ayaa ku dhintay dagaalo cusub oo ka dhacay waqo oyi galbeed dalka Yemen, gaar ahaan meel ku dhow xuduuda Sacuudiga.

Dagaaladan ayaa ka dhacay magaalada Harad, halkaasoo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayana xulafada uu Sa cuudiga hogaamiyo.

Ciidamada Yemen ayaa sheegay in 28 askari kaga dhinteen dagaalada, halka 40 ka mid ah Ciidamada Xuutiyiinta iyana uga dhinteen.

Labada dhinac ayaa is weydaarsaday duqeymo, iyadoo diyaaradaha daga alka Sacuudiga ay duqeymo ka fulinayeen aagaga ay ku sugnaayeen Jabhadda Xuutiyiinta.

Wada hadalada nabadeed ee Yemen ayaa maalinta Talaadada ka bila abaneysa dalka Switzerland, taasoo Qaramada Midoobey hogaamineyso.

Ergooyin ka kala socda dowladda Yemen iyo Mucaaradka Xuutiyiinta ay aa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Biel ee dalka Switzerland, si loo soo afj aro colaada bilooyinka ee ka socda dalkaas.

WARARKII UGU DAMBEEYAY DAGAAL CIIDAMADA DOWLADDA IYO SHABAAB G/HIIRAAN KU DHEXMARAY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ee Bart amaha Somaliya dagaal u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan oo sida la sheegay saacado badan qaatay ayaa wuxuu yimid ka dib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku baxeen Shabaab la sheegay inay soo galeen xalay deegaanka Ceelgaras ee Gobolkaasi.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo shalay ku baxay Ceelgaras, ayaa wadada waxaa u galay ciidamo ka tirsan Shabaabka, waxaana halkaasi ku dhexmaray dagaal saacado badan qaatay, sida ay soo sheegayaan Suxufiyiinta ku sugan Gobolka Hiiraan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu dilay labo Askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda Somaliya, waxaana sidoo kale jira Khasaaro Shabaabka soo gaaray, balse lama oga Shabaabka inta uu la eeg yahay Khasa araha soo gaaray.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in gaari dagaal ciidanka Dowladda dag aalkaasi looga gubay, balse ma cadda wararkaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom weli kama aysan hadlin dagaalkaan saacadaha badan qaatay ee shalay Shabaabka iyo ciidamada Huwanta ku dhexmaray meel ku dhaw deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Hiir aan.

Xaalada goobihii lagu dagaalamay ayaa ah kuwa degan, oo waxaa la soo sheegayaa in ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ay ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay.


KALLUUMEEYSATO U DHALATAY DALKA IIRAAN OO LAGU DILAY XEEBAHA SOOMAALIYA

Ali Askar Mujaahidiin Gudoomiye ku xigeenka ururka Kalluumeysatadda Iiraan ayaa sheegay in 2 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah la dilay, dhowr kalena la dhaawacay, kadib, markii ay Burcad baddeed Soomaali dagaal kula galeen meel ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.

Gudoomiye ku xigeenka ururka Kalluumeysatadda Iiraan ayaa sheegay inay Kalluumeystadda kula taliyaan inaysan u socdaalin Xeebaha Soomaaliya si ay uga soo jilaabtaan, wuxuuna intaasi ku daray haddii ay door bidaan inay u safraan Xeebaha Soomaaliya inay taageero weydiistaan Ciiddanka Badda Iiraan ee qeybta ka ah Maraakiibta Caalamiga ee ku sugan Xeebaha Somalia.

Ali Askar Mujaahidiin wuxuu sheegay inay Burcad baddeeda Soomaalida weli haystaan 2 dooniKalluumeysato oo ay Iiraan leedahay, wuxuuna sheegay inay Ciiddanka ammaanka ka shaqeynayaan sidii loo sii dayn lahaa Doon yahaasi.

Dhanka kale dagaalkaan cusub ee Burcad baddeeda Soomaalida iyo Kal luumeysatadda Iran dhexmaray ayaa yimid, kadib markii Kalluumeysato Iiraa niyiin ah ay bishii hore u itaal sheegteen, isla markaana ay dileen dhowr ka mid ah Burcad baddeedii u haysatay afduubka.

NUSOJ OO CAMBAAREYSAY XARIGA MAGAALADA MUQDISHO LOOGU GAYSTAY WARIYE C/RISAAQ CUMAR AXMED

Ururka Suxufiyiinta Qaranka, ayaa cambaareeyay xariga Magaalada Muq disho loogu gaystay laba ka mid ah Suxufiyiinta degan Xarunta Somaliya, inkas too mid ka mid ah xabsiga laga sii daayay.

Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa waxay Khamiistii Magaalada Muqdisho ku xireen Suxufiyiinta kala ah C/qaadir Max amed Cali iyo C/risaaq Cumar Axmed, iyadoo Jimcihii uu dib xoriyadiisa u helay Wariye C/qaadir Maxamed Cali.

Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Ibr aahim Pakistan, ayaa xariga Suxufiyiintan ku tilmaamay falal cabsi gelin ah, isa goo dhinaca kalana ku baaqay in oodda laga qaado Wariyaha xiran.

"Waxaan si xoogan u cambaaraynaynaa qodobada ugu adag ee macq uulka ah xariga aan loo aabo yeelin ee ka dhanka ah Shaqaalaha Warbaahinta, kuwaa oo falal cago juglayn ah.” Ayuu yiri Xoghayaha NUSOJ. Waxa kaloo uu yiri "Waxaan ugu yeeraynaa in si sharuud la’aan ihi lagu sii daayo C/risaaq Cu mar Axmed.”

NUSOJ, ayaa waxay xariga Suxufiyiintaasi ku sifeysay weerarkii ugu dam beeyay oo lagu qaado Warbaahinta xorta ah ee Somaliya ka hawlgasha.

C/qaadir Maxamed Cali, ayaa ka tirsan Idaacada Star FM, waxaana la fas axay, iyadoo aan wax Maxkamad ihi la soo taagin. C/risaaq Cumar Axmed ayaa mudada uu xiran yahay la horkeenin wax Maxkamad ah. C/risaaq waa Suxufi madax bannaan oo degan Magaalada Muqdisho, wuxuuse horey kaga soo shaqeeyay Idaacadaha IQK iyo Kulmiye.

Warbixin ay 9kii bishii October soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta (CPJ), ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO SHACABKA GAALKACYO UGU BAAQAY INAY ADKEEYAAN HESHIISKII NABADDA

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo heshiiskii dhowaan lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee dhex maray Maamulada Puntland iyo Galmudug, kadib dagaalo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay magaalada bishii la soo dhaafay.

Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in shacabka ku nool Gaalkacyo laga doon ayo inay dhowraan heshiiska, isla markaana ay ka shaqeeyaan nabada iyo hor umarka magaalada.

"Heshiisku waa Ukun, Ukunna waxaa loo baahan yahay in la ilaaliyo oo meel fiican la dhigo hadii la tuuro wey jabeysaa, waxaan Reer Gaalkacyo ugu ba aqayaa in ay ka shaqeyaan Nabadda iyo Ilaalinta wada daganaanshaha Gobolka Mudug”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas oo maalin ka hor dib ugu laabtay Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid gaaray 2dii bishan, kadib markii la soo afj aray dagaalo ciidamada labada maamul u dhaxeeyay, oo sababay dhimasho, dhaawac, barakac iyo bur bur hantiyadeed.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa caadi ku soo laabatay, iyadoo dadkii ka barakacay ay dib ugu soo laabteen, waxaa dib u bilowday ganacsigii, isu soc odkii iyo is dhex galka labada bulsho ee wada dega waqooyi iyo koofur, waxaana dadka Gaalkacyo ay yihiin wiil iyo abtigii.

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN {SHEEKOTAXANE AH}

Q/64aad

C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan Marka dhirta mira ha leh ee ka baxda beerteenna ayaan iska dhex fariistaa ka di bna ubaxyad quruxda badan ayaan iska daawadaa Gacaliso Xabbatul Lows xulBee lla abbaayo Macaan In dhah eyguna ey ku raax eystaan Anigoo isku Illowsiinaayo Fikirka Xu suusta iyo Wel welka aan xaggaada ka murugoonaayo, waxaa na aan dhirta Ubaxa leh dhexdeeda aan ka soo bar aarugaa markii Uba xa qaaliga ah ee Gacan ta Midig iigu jiray ceyn Hadiyad ah aanta kuu gu tala galay uu ubaxya da kale uu iiga dhex dhaco.

C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan wax aa jira maah maah Oraneyso {xilliga guga ayaa caadifadda iyo dareenka basharka kor u kacaan markaas ayuu u baah daa weheldhi ggiisa ah sida noolaha intiisii kale},

C/qaadir:XulBeella Abbaayo Macaan waqtiga qaaliga ah waxaan ugu Jeclahay inaan kuugu dhameysto taasoo qal bi geyga farxad ku beereyso

C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jaceylkaan xad dha afka ah ee aan kuu qabo adiga ayaa igu beeray aloow Guu shiisa na Haleeshii Adigeey Calafka iyo Farxadduba ay Gac antaada ku jiraane,Iftiinkii Qalbigeygaay waxaan weli Xusuus taa Maalmihi Wanwanaagsanaa oo aan ku haasaaweynayBeerihii Quruxda badnaa sida Farxadda iyo Reynreynta iyo Keymihii Ubaxa lahaa dhexdooda ayaan weli Hibaaqeyga ku dambeeya mana aan Iloobi doono Macaanto inta aan Ifka Kor kiisa aan ku Noolahay,waxaan Hilmaami waayey Haasaawa haadii sida miidda iyo malabka oo kale u Macaanaa, Ogoo wne inaan markast kuu Hiloobo mana aha XulBeella Xayaati Inaan Indhahaada ka Ilmeeyo oo aan is Qalbi Jebiyo , waxaa na farxadaadaa iyo Quudii ah Samirka iyo dulqaadka , waxa ana kuu muujiyaa waxa qalbigeyga ugu badan iyadoo Garas hadeydu ii marqaatikaceyso.

C/qaadir: XulBeella Abbaayo Macaan jidka aan ku socon no waa jidkiiAlle iyo Rasuuluba ey Raalli ka ahaayeen Jacey lka iyo Dabeecadda wanaagsanna waa ey inoo dhaw yihiin mana jecli Gacaliso Xul beella inaan Inaan Been kuu she ego waqtigana aan ku lummiyo adiga oo ah cadrad laabteyda ku weyn, oo aan xusuusteeda ku hurdohabeenkii.

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan iska ilaali is qaad qaadkaiyo san taagga ,ogoowna inuu yahay cammalka she ydaanka ee yuusan meel xun kaa ridin.

Mida kale midkastoo labadeyna ka mid ah yuusuan is darejeyn, intuu is darajeyna lahaa in ka badan , jaceylkeynana ha noqdo mid aan laba wajiile aheyn oo si deggan looga fekeray .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan weligaa wanaagga xigso, jaceyl dhab ah oo dhallanteedka ka fogna aan ku wada noolaanno.

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan waxaad ku qoran tahay looxa qalbigeyga, marka aad muuso otana waan kula muu soodaa,marka ad kurugootana waan kula murugoodaa,markii aad faraxdana waan kula farxaa .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan middda kalena Gacaliso waxaan jeclahay inaan isku fikrad iyo isku dooq ahaanno C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sidoo kalena xayaati qalbi ma aan ihi wiil buuraha goolis iyo geedaha baxarsaafka dushooda kora oo isla weynida noocaa ah qalbig iisa ku beeran,, mana ihi Abbaayo macaanto wiil is mahadinta aad sheegeyso xiiseeya ama ka hela .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan Soomaalida waxaay ku maahmaahdaa {qofkii jaceyl kuugu beero wax walbo aad wanaag u aragto wax ka sii} iyo mid kale oo leh {Raalliyo ninkii helaa raganimo ku faano}, hana igu qasbin hunno inaan gaban yarta ugaareed aan dersi la wadaago.

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sidoo kale macaanto ogoow inaan ku jeclahay doog iyo dira acba oo aan maalin qurana ku moogaan Karin markii aan ku waayanaxusuus ku nool xaggaaga ayaan ahay .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan haddii aadan ahayn midda hablaha ugu sidata waxaad tahay midda ugu quruxda badan ,marka aan ku soo xusuustana wadnaheyga sidii koor carrabkeed ayuu garaacaa, jaceylka aan kuu qabo awgiis hana noqon sida cadrad rabbi waanadii u dheg iyo dhaban marshay xul beellomacaanto mar walba oo qorraxdu baalka dhigato waa aan ku soo xusuustaa fiid iyo alleylba waxaana aan kugu qiyaasaa sida mayaay roob meel walboo aad joogtaba waan soo gebi raacaa,marka uu habeenka labo isu dhigona ma lado qalbigeyga ayaan kaa dhex arkaa , habeenkaanahurdada iima dhadhanto oo soo jeed baan ku waabariistaa, mana aan jecli xitaa inaan todobo caana maal aan kaa maqnaado waayoo Macaanto XulBeella Gacaliso intaas kuma moogan karo, taasina waa gobannimmo iyo dareen ay is dheer yihiin dadka mucaa shaqiinta ah .

C/qaadir:XulBeelle Abbaayo Macaan sida luulka,dahabka iyo dheemmanka ey dadka u jecel yihiin ayaan kuu jecelahay macaanto, Intaa ka dibna XulBeella lammaanaheedii C/qaadir ahaa waxaa ay ku sagootisay Heestii Barkin Baan ku Tirshaa Bogga iyo Caloosheeoo ay ku luuqeyn jirtay fannaanadda khadiijo Foodeey Nuur Alle ha u naxariistee waan tan Heestii :-

Hurdo kama bogtoo, Barkin Baan ku Tiirshaa,

Bogga iyo Calooshee

Berkaan u Seexdaa, Barbarrada ma Qabanaayee

EheeAhaa

Anigoo Burbburayoo,Dhinacyadu I Barareen,

Waagu ii Bariiyee

Boggii Jaceylka Intuu i Baday,Boggii Jaceylka wuxuu i Baday

Ayaan iga Ba’eeynee

Intii aan Bad qabayee ,Howshiisu igu badan

Haba baran lahaayaa, how bixin lahaayaa

Iminkoon basteey ahay Baroor

miyaa wax ii qaban.

+++++====++++++======+++++=====++++++====

Bogsan Maaya oo, Bilic iyo Nasiibkeey

midna u baxsan waayee

Cad Ceeddaa Bidhaantaa ila Baafin Weydoo

Oo hoo aahaa

Berriya maanta Baxnaanadeedaa,

Berriya maanta Baxnaanadeedaan

Nafta Been u sheegaa

Intii aan Bad Qabayee Howshiisu ugu badan

Haba Baran Lahaayaa, How bixin Lahaayaa

Imminkoon Basteey ahay Baroor Miyaa Wax ii Qaban

Intaaska bacdi lammaanayaashii is Jeclaa Cabdulqaadir iyo XulBeella waxaa ay ku Ballameen..

 

La Soco Isniinta Danbe Hadduu Alle Idmo W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR {QALBI DAHAB}Tel:0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip