Fadliga tobanka Thul xijah iyo Acmaasha wanaagsan maalmahaa

0
Tuesday September 15, 2015 - 10:49:46 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadliga tobanka Thul xijah iyo Acmaasha wanaagsan maalmahaa

    Maalmahaa fadliga badan waxaa ka mid ah tobanka thul xajah oo ay fadliga ay leedahay aayado quraan ah iyo axaadiista nabigeenii Muxamed SCW ay cadeeyeen:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahaa fadliga badan waxaa ka mid ah tobanka thul xajah oo ay fadliga ay leedahay aayado quraan ah iyo axaadiista nabigeenii Muxamed SCW ay cadeeyeen:

1. Allaah wuxuu ku dhaartay tobanka maalmood wuxuuna yiri : {وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ } ibnu cabaas wuxuu yiri: waa tobanka maalmood ee thul xijah .

2. Wuxuu yiri nabigeenii Muxamed SCW  maamlo ma jiraan acamaasha wanaagsan uu allaah ka jacel yahay tobankaan maalmood ………..) وعن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله} : ما من أيام العمل الصالح فيهن أحب إلى الله من هذه الأيام العشر قالوا: ولا الجهاد في سبيل الله؟ قال: { ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجلٌ خرج بنفسه وماله فلم يرجع من ذلك بشيء} Hadabo ruuxa muslim ka ah waxaa u haboon inuu ka faaiideesto maalmahaan kooban acmaal wanaagsan gaar ahaan acmaasha fadliga badan sida :

1. salaadaha waajibka ah oo loo kalaho waqti hore, laguna tukado jameecada iyo in la badsado salaadaha sunaha ah .

2. in la soomo sagaalka maalmood qofkii awooda ,[Nabigeeni muxamed ahaa SCW wuxuu soomi jiray sagaalka maalmood ee thul xijah iyo caashuuraa iyo saddax maalmood bil kasta .] ( كان رسول الله صلي الله عليه وسلم :يصوم تسع ذي الحجة، ويوم


sawiro xaramka (1)
عاشوراء، وثلاثة أيام من كل شهر ) [رواه الإمام أحمد وأبو داود والنسائي]. 3. Soomka Maalinta sagaalaadka (Carafo) oo aad u fadli badan waxaana lagu dhaafaa dunuubta Sanada la soo dhaafay iyo sanada soo socoto , عن أبي قتادة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم سئل عن صوم يوم عرفة فقال: (يكفر السنة الماضية والسنة القابلة) رواه مسلم.

4. in la badiyo Towxiid ,Taxmiid iyo Takbiirta (الحمد الله ،الله اكبر، لااله الا الله ) maalmahaan oo dhan . وعن ابن عمر رضي الله عنهما قال: قال رسول الله : ما من أيام أعظم عند الله سبحانه ولا أحب إليه العمل فيهن من هذه الأيام العشر؛ فأكثروا فيهن من التهليل والتكبير والتحميد [رواه أحمد . Sida loo takbiiranayo waa sidatan : أ ) الله أكبر. الله أكبر. الله أكبر كبيراً. ب ) الله أكبر. الله أكبر. لا إله إلا الله. والله أكبر. الله أكبر ولله الحمد. ج) الله أكبر. الله أكبر. الله أكبر. لا إله إلا الله. والله أكبر. الله أكبر. الله أكبر ولله الحمد.

5.in la badiyo thikriga allaah uuna ugu horeeyo qur’aanka kariimka ah .

6.in uu qofkii awoodo uu gowracaa udxiyada, waana camalka ugu wanaagsan oo alaah loogu dhawaado maalinta tobanaad – ciidaul adxaa .

7.qofkii doonaya inuu udxiyeesto waxaa ka reeban in uu iska jaro cijiyaha ,timaha ama uu iska xiiro laga bilaabo bilashada bisha ilaa inta uu ka qalayo udxiyada .

8.in la kaalmeeyo masaakiinta ,fuqorada,agoomaha iyo inta dhibaateesan .

9.in uu qof kasta ka towba keeno gafafkii xumaa ee uu horay u soo galay .

Ugu dambeentii walaalka muslimka ah wallaasha muslimadda ah ka faaiidayso maalmahaan fadliga badan yeesan kugu dhafiin camal wanaagsan la’aan,waxaa dhici karta inaysan dib kuu soo marin markaane aad ka qoomamooto maalmihii wanaagsanaa ee aad ka faaiidaysan weysay mar aysan qoomamo waxba kuu tareenin ! Allaah waxaan weydiisanaynaa inuu ina fahamsiiyo diinteena nagana dhigo kuwa ku dhaqma, kana faaiideesta maalmahaan tobanka thil xijah camal wanaagsan .

Maxamed Rashiid Sh.Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip