Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay khilaafka ka dhex taagan dhalinyarada dalka ku sugan iyo qurbo joogta

0
Sunday December 20, 2015 - 19:14:58 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya oo ka hadlay khilaafka ka dhex taagan dhalinyarada dalka ku sugan iyo qurbo joogta

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dareemay khilaafka maalmahaanba ku kala dhex jiray dhallinyarada qurbo joogto iyo kuwa kale ee dalka ku sugan, ayaa ugu baaqay inay khilaafka joojiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dareemay khilaafka maalmahaanba ku kala dhex jiray dhallinyarada qurbo joogto iyo kuwa kale ee dalka ku sugan, ayaa ugu baaqay inay khilaafka joojiyaan. "Waxaan rabaa dhallinyarada inaan iraahdo khilaafkiina yareeya, maalmo dhaweyto sheekooyin aan iska qurux badneynoo,  meelaha laga sheeg sheegaayay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhallinta dibadda joogtaahi ay wax ku yihiin kuwa dalka ku sugan, halka kuwa dalka ku sugana ay wax ku yihiin dhallinta Somaliyeed ee qurbaha ku dhaqan.

"Waxaan rabaa inaan idin sheego kuwa dibadda jira waxaad wax ku tihiin kuwa gudaha joogga, kuwa gudaha joogana kuwaas dibadda jiraa wax ku tihiin.” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha, ayaa xusay in dhallinta Soomaaliyeed uu wax ka dhaxeeyo, iyadoo aanay ka dhaxeen reer iyo koox hebel, islaamarkaana ay isku yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.

"Dhammaan waxbaa isku tihiin, waxaa idinka ka dhaxeeyo dhallinyaro Soomaaliyaadaa tihiin, reer hebel maaha, koox hebel maaha, waxaad tihiin dhallinyaro Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan, ayaa hadalkan Sabtidii ka sheegay shir ka dhacay Hotel SYL Ee Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay doorka dhallinyarada Somaliyeed iyo doorashada sannadka 2016.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ayay dhallintu si weyn isugu weerareysay baraha ay bulshada ku wada xiriirto, waxaana laga dhadhansan karay in markii ugu horeysay ay laba garab u kala qaybsameen.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip