NUSOJ oo cambaareysay xariga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wariye C/risaaq Cumar Axmed

0
Sunday December 20, 2015 - 19:12:40 in Wararka by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NUSOJ oo cambaareysay xariga Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wariye C/risaaq Cumar Axmed

    Ururka Suxufiyiinta Qaranka, ayaa cambaareeyay xariga Magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah Suxufiyiinta degan Xarunta Somaliya, inkastoo mid ka mid ah xabsiga laga sii daayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Suxufiyiinta Qaranka, ayaa cambaareeyay xariga Magaalada Muqdisho loogu gaystay laba ka mid ah Suxufiyiinta degan Xarunta Somaliya, inkastoo mid ka mid ah xabsiga laga sii daayay. Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka, ayaa waxay Khamiistii Magaalada Muqdisho ku xireen Suxufiyiinta kala ah C/qaadir Maxamed Cali iyo C/risaaq Cumar Axmed, iyadoo Jimcihii uu dib xoriyadiisa u helay Wariye C/qaadir Maxamed Cali.

Xoghayaha Guud Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa xariga Suxufiyiintan ku tilmaamay falal cabsi gelin ah, isagoo dhinaca kalana ku baaqay in oodda laga qaado Wariyaha xiran.

"Waxaan si xoogan u cambaaraynaynaa qodobada ugu adag ee macquulka ah xariga aan loo aabo yeelin ee ka dhanka ah Shaqaalaha Warbaahinta, kuwaa oo falal cago juglayn ah.” Ayuu yiri Xoghayaha NUSOJ. Waxa kaloo uu yiri "Waxaan ugu yeeraynaa in si sharuud la’aan ihi lagu sii daayo C/risaaq Cumar Axmed.”

NUSOJ, ayaa waxay xariga Suxufiyiintaasi ku sifeysay weerarkii ugu dambeeyay oo lagu qaado Warbaahinta xorta ah ee Somaliya ka hawlgasha.

C/qaadir Maxamed Cali, ayaa ka tirsan Idaacada Star FM, waxaana la fasaxay, iyadoo aan wax Maxkamad ihi la soo taagin. C/risaaq Cumar Axmed ayaa mudada uu xiran yahay la horkeenin wax Maxkamad ah. C/risaaq waa Suxufi madax bannaan oo degan Magaalada Muqdisho, wuxuuse horey kaga soo shaqeeyay Idaacadaha IQK iyo Kulmiye.

Warbixin ay 9-kii bishii October soo saartay Hay’adda U Dooda Xuquuqda Suxufiyiinta (CPJ), ayaa waxay ku sheegtay in Somaliya ay noqotay dalka ugu halista badan caalamka ee Suxufiyiintu ka hawlgasho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip