
Warar ka soo kordhay Qaraxii Muqdisho
Dhammaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi oo u badnaa dhalinyaro Mooto Bajaaj ku shaqeysaneysay ayaa waxaa la dhigay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dabiibayo, ehehlada dadkaasi ayaa tan iyo xalay ku sii qul qulayay Isbitaalada, si u booqdaan dadka ka dhaawacmay.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ee sida gaarka ah loogu tababaray Baarista Qaraxyada oo caawimaad ka helaya Saraakiil cadaan ah ayaa ku hawlan Baarista Qaraxan, si ay u soo saaraan natiijada kama dambeysta ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka hadlay qaraxan ayaa faray laamaha amniga ee arrintan khuseyso in ay warbixin deg-deg ah ka keenaan sida walxaha qarxa ay ku soo dhaafeen baraha baarista, uuna jirayo xisaabtan dhab ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa muujisay cambaareyn xooggan oo ku aadan qaraxan, waxayna tilmaameen Shabaab in aysan u tureynin shacabka Soomaaliyeed.
Waaxda Nadaafadda Gobolka Banaadir oo isla shalay gelinkii dambe tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa nadiifiyay haraadiga qaraxa ka dhashay, iyada oo isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi uu saakay dib u furmay, inkastoo weli ay muuqato waxyeelada qaraxa.
Warar ka soo kordhay Qaraxii Muqdisho
Weli waxaa dhagaha shacabka Soomaaliyeed ka sii guuxaya Qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee shalay gelinkii dambe ka dhacay wadada mashquulka badan ee Maka Al-mukarama gaar ahaan gobo lagu shaaheeyo ka soo horjeeda Hotelka Welhiye. Gaari waxyaabaha