War Deg Deg ah: Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air France oo si deg deg loogu dejiyay Mombasa.

0
Sunday December 20, 2015 - 18:38:16 in Wararka by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah: Diyaarad ay leedahay Shirkadda Air France oo si deg deg loogu dejiyay Mombasa.

    Diyaaraad ay leedahay shirkadda Air France ayaa si deg deg ah loogu dajiyay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Mombasa, kadib markii laga helay wax loo maleynayo in bambaano tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaraad ay leedahay shirkadda Air France ayaa si deg deg ah loogu dajiyay garoon diyaaradeed oo ku yaala magaalada Mombasa, kadib markii laga helay wax loo maleynayo in bambaano tahay. Saraakiisha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa waxaa la socday 459 ruux oo rakaab ah iyo 14 ruux oo shaqaale waxaana lagu dajiyay garoonka diyaaradaha Moi ee Mombasa ku yaala halkaasoo deg deg looga dajiyay dadkii saarnaa.

 

Afhayeenka booliska Kenya Charles Owino ayaa sheegay in diyaarada oo duulimaadkeedu ahaa AF 463 ayaa ka dagtay jaziiradda Mauritius waxaana ay ku socotay magaalada Paris waxaana afhayeenku intaa ku daray in diyaaradda la dajiyay markii wax bomb loo maleeyay lagu dhex arkay suuliga diyaaradda.

 

Afhayeenkaan u hadlay booliska Kenya waxaa uu sheegay in rakaabkii diyaaradda iyo shaqaalihiiba ay geeyeen meel amaan ah uguna yeereen qubaro ku taqasusay waxyaabaha qarxa iyo saraakiil hay’adaha dambi barista ka tirsan si u hubiyaan shayga laga shakiyay.

 

Charles Owino ayaa dhanka kale sheegay inay baarayaan shayga laga shakiyay, iyadoo afhayeenka uu sheegay inay bad qabaan rakaabkii diyaaradaasi saarnaa, iyadoo rakaabkaasi la saaray diyaarad kale oo ka timid dalka Faransiiska.

airfrance




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip