
Xabad joojintii Yemen oo qarka u saaran inuu bur buro, kadib dagaalo dhacay
Dagaalo culus ayaa dib uga cusboonaaday dalka Yemen, maalmo kadib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah oo ay ka soo shaqeysay Qaramada Midoobey.
Ugu yaraan 68 ruux ayaa ku dhintay dagaalo cusub oo ka dhacay waqooyi galbeed dalka Yemen, gaar ahaan meel ku dhow xuduuda Sacuudiga.
Dagaaladan ayaa ka dhacay magaalada Harad, halkaasoo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidamada dowladda Yemen oo ay taageerayana xulafada uu Sacuudiga hogaamiyo.
Ciidamada Yemen ayaa sheegay in 28 askari kaga dhinteen dagaalada, halka 40 ka mid ah Ciidamada Xuutiyiinta iyana uga dhinteen.
Labada dhinac ayaa is weydaarsaday duqeymo, iyadoo diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ay duqeymo ka fulinayeen aagaga ay ku sugnaayeen Jabhadda Xuutiyiinta.
Wada hadalada nabadeed ee Yemen ayaa maalinta Talaadada ka bilaabaneysa dalka Switzerland, taasoo Qaramada Midoobey hogaamineyso.
Ergooyin ka kala socda dowladda Yemen iyo Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa la filayaa inay ku kulmaan magaalada Biel ee dalka Switzerland, si loo soo afjaro colaada bilooyinka ee ka socda dalkaas.
Xabad joojintii Yemen oo qarka u saaran inuu bur buro, kadib dagaalo dhacay
Dagaalo culus ayaa dib uga cusboonaaday dalka Yemen, maalmo kadib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah oo ay ka soo shaqeysay Qaramada Midoobey. Ugu yaraan 68 ruux ayaa ku dhintay dagaalo cusub oo ka dhacay waqooyi galbeed dalka Yemen, gaar ah