WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA SEBTEMBAR 2015-KA

0
Tuesday September 15, 2015 - 10:37:13 in Wararka by
  • Visits: 1269
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 15-KA SEBTEMBAR 2015-KA

    SOOMAALI LA XAQIIJIYAY INUU DHINTAY SHILKII MAKA Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa ka war bixisay khasaaraha dadka Soomaaliyeed ka soo gaaray shilkii toddobaadkii hore ka dhacay waddankaasi ee ay ku dhinteen tiro ka badan boqol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SOOMAALI LA XAQIIJIYAY INUU DHINTAY SHILKII MAKA Safaaradda Soomaaliya ee dalka Sacuudi Carabiya, ayaa ka war bixisay khasaaraha dadka Soomaaliyeed ka soo gaaray shilkii toddobaadkii hore ka dhacay waddankaasi ee ay ku dhinteen tiro ka badan boqol ruux oo xujey ahaa. Wiish kuwa wax lagu dhiso ah, ayaa ku soo dumay masjid ay ku sugnaayeen dad aad u fara badan oo xujey ah gudaha magaalada barakeysan ee Maka, halkaas oo ay ku dhinteen 107 ruux ay na ku dhaawacmeen in ka badan laba boqol oo kale.

Sii hayaha qunsulliyada Soomaaliyeed ee Jiddah, Md. Daahir Axmed Wehliye, ayaa VOA-da u sheegay in dadka dhintay uu ku jiray ruux Soomaali ah, lana la' yahay illaa iyo hadda wiil iyo hooyadii.

Daahir waxa uu intaas ku daray in ay shilkaasi ku dhaawacmeen seddex ruux oo kale oo So omaali ah, waxaana dowladda Sacuudigu ay ku howlan tahay inay war dhameystiran ka soo saarto waxa rasmi ahaan keenay shilkaasi.

XILDHIBAANADA MOOSHINA KA GEEYAY MADAXWEYNAHA OO SHURUUD KU XIRAY WADAHADALKA

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaa liyeed kana mid ahaa Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii wadahadal ay galayaan cidda kaliya ay la hadlayaan uu noqonayo Madaxweynaha ama guddi uu isagu ku kalsoonyahay u soo saaro.

Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhinaca kale tilmaamay in Xukuumadda aysan jirin wax ka quseeya Mooshinkooda , isagoo ku nuux nuuxsaday in aan Golaha Xukuumadda aan laga keenin mooshinkaan.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa yimid la gadaal markii dhawaan Guddoo miyaha Baarlamaanku uu sheegay in wadahadal la xiriira mooshinka ay u qabanayaan Xildhibaanada ku kala aragti duwan.

Si kastaba xildhibaanno ku dhawaad 60 mudane gaaraya ayaa dhawaan ku dhawaaqay in ay ka noqdeen Mooshinkaasi ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Max’ud.

KEY: WADAHADAL HA LAGU XALIYO MOOSHINKA LOOGA SOO HORJEEDO M.WEYNE XASAN

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya, Mr. Kay ayaa soo dhoweeyay sida waxtarka leh ee ay dhammaan dhinacyadda oo dhan ay oogu howshoonyihiin sidii ay wadahadal oogu dhamayn lahaayeen khilaafka ka dhashay Mooshinka xil kaqaadista iyosida ay ooga go’antahay arrimaha nabadda iyo xasillooniduba.

"Waxaan soo dhowaynayaa dadaalka ay wadaan Afhayeenka Baarlamaanka Federaalka Soo maaliyeed iyo Guddiga taageersan Mooshinka xilkaqaadista si ay si waxtarleh isagala shaqeeyaan uguna xaliyaan wada hadal iyo wadatashi arrimihii lagu tilmaamay Mooshinka Xilka qaadista”, ayuu yiri Ergayga Gaarka ah Mr. Kay.

"Waxaan oogu baaqayaa dhamman dinacyada ay arrintu khusayso in ay si dhakhso leh horay oogu howlgalaan si ay xal oogu helaan khilaafka hadda Jira, xalkaas oo u ogolaanayo horumarka Ge eddi socodka Siyaasadda Soomaaliya in uu u socdi si aan hakad dambe lahen, sidoo kalena ay isugu yimaadan dhinacyada siddi ay diirada isula saari lahaayeen si dii loo bilaabi lahaa qabsoomiddii Madashii looga Arrinsanlahaa Doorashooyin ay leeyihiin daddka Soomaaliyeed ayna Garwadeen ka yihiin sannadda 2016” ayuu yiri Ergaygga Gaarka ah.

XILDHIBAAN MUSTAF SHEEKH CALI DHUXULOOW OO NAQDAY XILDHIBAANKA UGU HOREYA TAAGEERADA SHACABKA DHIBATEYSAN UU MATALO

xildhibaan mustaf sheekh cali dhuxuloow waxaa uu ka mid yahay mudanayaasha baarlama anka fadaralka ah ee somaliya waxa uu horay usoo noqday wasiirkii warfaafinta Soomaaliya intii uu wasiirka hayay waxaa waxa weyn lagu soo kordhiyay warbaahinta qaranka xiriir wada shaqeyneyd oo aad u weyn ayaa dhexe maray isaga iyo warbaahinta madax banaan ee dalka ka jirta

hada waxa kaliya uu kamid yahay mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan mus taf sheekh cali dhuxuloow isaga iyo xildhibaano uu kamid yahay waa caado u ah taagrida shacabka somaliyeed ee dhibaateysan waxa uu door muhum aha ka qaatay xanaaneynt caruurta Soomaaliy eed ee darbi jiifka iyo kuwa koole koolada caba waxa uu u sameyayay meel lagu xanaaneeyo isgoo kafaalo qaaday in badan oo kamida caruurtaas inuu bixinayo qarashaadka markaas ku baxa

xildhibaan mustaf sheekh cali dhuxuloow xiligii maamulka loo dhisayay gobolada dhexe waxa uu ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay maamul u sameynta mudug iyo galgaduud xildhiaanku waxa uu booqday intii uu cadaado ku sugnaa isbitalka guud ee magaalada cadaado oo uu ku booday dad masakiin ahaa oo uu halkaas ugu qeybiyay lacag gaareysa 1500 oo dolar

dhanka kale xildhibaan mustafa sheekh cali dhuxuloow waxaa uu si gaara hoygiisa ugu boo qday abwaan deeq qooje oo ka mid ah abwaaninta Soomaaliyeed isla markana ku xanuunasanay magaalada cadaado wuxuuna halkaas ku gudoonsiiyay lacag gaareya 900 oo doolar

intaas oo kaliya laguma soo koobi wax qabadka xildhibaan mustaf sheekh cali dhuxuloow waana xildhibaanka ugu horeeya haddii la dhaho haloo gar gaaro shacabka

HORMUUD FOUNDATION OO KA BILOWDAY MAGAALADA JOWHAR MASHRUUC LOOGU SAMEYNAYO BIYO SUUR..

Hay’adda Hormuud Foundation ayaa ka bilowday magaalada Jowhar mashruuc lagu dayacti rayo biyo suurka magaalada Jowhar kahor xilliga deyrta.

Biyo suurka haatan ay Hormuud Foundation ka sameynayso dhinaca galbeed ee magaalada Jowhar ayaa waxa uu yahay mid qaadi kara biyo konto kun mitirkiyuubik ah.

Madaxa Shirkadda Hormuud ee gobolka Sh/dhexe Xaji Axmed Baroow (Acraabi) oo goobta kahadlay ayaa sheegay in mashruucan uu yahay mid lagu doonayo in loogaga hortago biyo dhex fariista xaafadaha magaalada Jowhar ayna qorsheynayaan sidoo kale in mashaariic kale ay ka hirgel iyaan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha degmada Jowhar C/qadir Cabdulle Buurfuule ayaa uga mahadceliyay hay’ada sa-mafalka ee Hormud Foundation waxqabadkeeda muuqda oo ay marwalba bulshada Soomaa liyeed.

Guddoomiyaha maamulka gobolka shabeelaha dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen (guudlaawe) oo ka hadlay munaasabadii bilowga mashruucan ayaa sheegay in ay ku soo beegantay xilli wanaa gsan, waxana uu sheegay in mashruucan uu yahay mid ahmiyad u leh bulshada degmada Jowhar maadaama biyihii fariisan lahaa magaalada xiliiyada roobabka haatan loo sameynayo meel lagu shubo.

Ma aha markii ugu horeysay ee ay shirkada Hormuud gaar ahaan qeybta samafalka u qaabi lsan ay ka hirgeliso mashaariic gobolka Sh/dhexe.Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa hay’ada Horm uud Foundation waxa ay ka fulisay mashaariic ay ka mid ahaayeen biyo ka saarid iyo beer falid magaalada Jowhar.

Hase yeeshee hirgelinta mashruucan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhowaan ay Qaramada Midoobay soo saartay digniin ku aadan in xilliga deyrta laga yaabo in roobab faro badan ay ka da’aan dalka Soomaaliya taasina sababi karto fatahaado ka dhasha wabiyada gaar ahaan wabiga Shabelle oo bartamaha ka mara magaalada Jowhar.

Roobabka loo yaqaan El Nino ayaa la saadaaliyay in ay ku dhufan karaan deegaano uu kamid yahay gobolka Shabelaha dhexe dhamaadka bishan September iyo horaanta bisha Oktobar ee sanadkan.

Waxaana darraad magaalada Jowhar lagu qabtay shir loogaga hadlayay sidii loogaga hortagi lahaa dabaylaha EL Nino iyadoo la sameeyay guddi u qaabilsan gobolka kahortagga fatahaadaha.

QM OO SOO DHAWAYSAY DIB U EEGISTA BAARLAMAANKA JUBBALAND

War Saxaafadeed ay soo saartey QM ayaa lagu soo dhaweeyay Dib u eegistii dhawaan lagu sameeyay Golaha Baarlamaanka Maamulka Jubbaland.

Nicholas Kay, oo ah Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Go’aankii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ee 10 Xubnood lagu kordhiyay Baar-la maanka Maamulkiisa ay horseedi karto Isku dheeli tirka Iyo Kalnsoonida Shacabka deggan Juboo yinka & Gedo.

Wuxuu sheegay Nicholas Kay, in ay muhiim tahay in la qanciyo dhamaan Beelaha Maamulka asi uu matalo ee deggan Jubbooyinka & Gedo, si Maamulka Jubbaland u noqdo mid loo dhan yahay islamarkaana waafaqsan Heshiiskii Addis Ababa ee dhacay 27 August 2013.

"In dib u eegis lagu sameeyo Baarlamaanka Jubbaland, oo Dadkii wax tabanayay lagu soo daro 10 Xubnood Golaha waxay keenaysaa Kalsoonida Shacabka iyo Beesha caalamka u hayaan Maamulkaasi,” ayuu yiri Nicholas Kay.

Nicholas Kay, ayaa dhanka kale uga mahadceliyay IGAD iyo AMISOM Dadaalkooda ku aadan dhisamaha Dowladnimada iyo Nabad kusoo celinta dalka Soomaaliya.

Soo dhaweynta QM dib u eegista Baarlamaanka Jubbaland ayaa timid xilli laga dhigay Tirada Xildhibaanada Baarlamaankaasi 85 Xubnood, halka uu horey u ahaa 75 Xildhibaan, waxaana taasi ka danbaysa amar uu soo saaray Axmed Madoobe.

DANIRAHA SOOMAALIYA EE WADDANKA KOONFUR AFRIKA OO SHALAY LA WAREEGAY XILKA …

Munaasabad uu Xilka Kula Wareegayay Danjiraha Cusub ee Soomaaliya u Fariisan doona Dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barroow oo ay ka Qaybgaleen Maamulka iyo Shaq aalaha Safaaradda Soomaaliya ee howsha sii waday ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Konfur Afrika, Maxamed Cali Mire oo Howsha sii waday ayaa ugu horreyn u mahad celiyay Maamulkii iyo shaqaalihii howsha Safaaradda sii waday, isagoo xilka ku Wareejiyay Safiirka Cusub, Danjire Jamaal Maxamed Barroow.

Maxamed Cali Mire oo ah Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika mar uu ka War bixinayay Shaqaalaha ayaa xusay inay Safaarada joogaan 18 shaqaale ah oo isugu jira Dublamaas iyiin, u qaybsanayaal iyo Shaqaale Hoose, Kuwaas oo Howlo Muhiim ah uga haya Dowladda Soo maaliya - Dalka Koonfur Afrika.

Safiirka cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqonaya dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barroow oo shalay Xilka maamulka Safaaradda la Wareegay ayaa sheegay in Dalka Koo nfur Afrika uu horay labo jeer u yimid, xilligii uu ahaa Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Sooma aliya, Xiliyadaasoo uu Safaaradda iyo Jaaliyadda Soomaaliyeedba Howlo muhiim ah kala Qabtay Dowladaani Koonfur Afrika, uuna si weyn ugu faraxsan yahay inuu Danjire Somalia uga noqdo dalka Koonfur Afrika uuna rajeenayo inuu wax badan oo Waxtar u leh Bulshada uu ku soo kordhin doono.

Danjire Barroow ayaa ka Warbixiyay saddex qodob oo ay safaaradu u furan tahay, kuwaas oo uu ku sheegay; Inay ka Shaqeyso Xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Wadashaqeyn lala yeesho dal alkka Danjirayaashu u joogaan iyo ilaalinta Xuquuqda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Waddanka Koonfur Afrika; kuwaasoo Gacan weyn ka Geystay Jiritaanka iyo Furitaanka Safaaradda.

Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo furan muddo saddex sano ku dhawaad ah oo uu Geeriyooday Safiirkii koowaad ee ay yeelato muddo yar ka dib markii la furay.

Ugu dambeyn, Danjire Jamaal Barrow ayaa Noqonaya Safiirkii labaad ee Soomaaliya ay u soo magacowdo safaaradda dalka Koonfur Afrika tan iyo markii Calan Soomaaliya laga taagay Koonfur Afrika, iyadoo ay Xilligaan baahi badan u Qabaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika waxq abadka safiirka iyo Safaaradda iyagoo rajo ka qaba in danjiraha cusub uu noqdo kii u soo dhicin la haa xuquuq badan oo uga maqan dalka Koonfur Afrika.

JAAMACADDA CARABTA OO SOO DHAWEYSAY SHIRARKA WADA-TASHIGA HIIGSIGA 2016 EE SOOMAALIYA

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn usoo dhawee yay Shirarka Wadatashiga ah ee ka socda dalka Soomaaliya, kuwaasi oo looga hadlayo Hiigsiga 2016.

Shir ay Wasiiradda ku yeesheen dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxay kasoo saar een Bayaan ay ku teegeereen Kulamada Wadatashiga ee u socda Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada dalka.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa sheegay inuu garab taagan yahay dalka Soomaaliya, isla markaana ay ka caawinayo sidii ay uga gudbi lahaa Marxaladda kala guurka ah, loogana miradhalin lahaa Hiigsiga 2016-ka.

Dhanka kale, Wasiiradda Jaamacadda Carabta ayaa ansixiyay Taageero dhaqaale oo gaar aysa 10 Milyan oo Doolaar in la siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Bil kasta, si ay u gudato Waa jibaadkeeda uguna dhisi lahayd Ciidankeeda Qaran.

Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo Hogaamiyaasha maamulada ayaa yeelanaya Kulamo Wadatashi ah oo lagu lafa gurayo qaabkii dalka Doorasho uga dhici lahad, waxaana Kulankoodii Darraad Kismaayo ka dhacay isla garteen in 20-ka Bishan lagu qabto Muqdisho Wajiga 3-aad ee Kulanka Wadatashiga.

Kulankii Kismaayo ayaa madaxda waxay isku afgarteen in maadaama waqtiga harey uu yar yahay, hawlo badanna ay waddanka horyaalaan loo baahan yahay dardargelinta qorshaha siyaa sadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga qeybgelinayo.

HOGAAMIYAHA AL-QAACIDA OO KU BAAQAY WEERARRO KA DHAN AH MAREYKANKA IYO DALALKA GALBEEDKA

Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr. Ayman Al-Zawahiri ayaa Muslimiinta caalamka ugu baaqay inay fuliyaan weerarro ka dhan ah Mareykanka iyo Waddamada kale ee Reer Galbeedka ah.

Al-Zawahiri ayaa ugu baaqay dhallinyarada Muslimiinta inaysan ka walaacin Duqeymaha ay dalalka isbahaysanaya ka geysanayaan Dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayna iska caabiyaan weerarrada ka imaanaya reer galbeedka oo uu ugu horreeyo Mareykanka.

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Al-Qaacida ayaa dhallinyarada Muslimiinta ah wuxuu kaloo ku Boorriyay inay Fuliyaan Weerarro la mid ah kuwii lagu Qaaday Wargeyska Charlie Hebdi ee dalka Faransiiska, ayna weeraraan magaalooyinka ku yaalla waddamada Reer galbeedka ah; Gaar ahaan kuwa Mareykanka.

"Waxaan doonaynaa inaan Weerarradeenna u Wareejinno Dalalka Reer galbeedka, Gaar ahaan Magaalooyinkooda waaweyn ee Dalka Mareykanka. Waxaana Dalalka Galbeedka u sheega yaa inaan sida ay u duqeynayaan Waddamada Muslimiinta, aan innaguna u duqeyn doonno Mag-aalooyinkooda, Aanan u burburinno sida ay kuweenna u burburinayaan… sida ay waxyeeleeyeena aan u waxyeelaynayno kuwooda,” ayuu ku yiri Ayman Al-Zawahiri oo Hadal uu Cajalad kusoo duubay oo lasoo dhigay Baraha Internet-ka.

Dhanka kale, Ayman Al-Zawahiri oo ka Hadlayay Fikirkiisa ku Aaddan ururka ISIS ayaa sheegay inaysan ka mid yahay Ururweynahooda, Laakiinse uu ku Taageerayo dagaalka ay kula jira an ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee ku sugan Ciraaq iyo weliba dagaallada ay ka wadaan Suuriya.

Hoggaamiyaha Al-Qaacida ayaa dhanka fariintiisa kaga hadlay dagaallada ay Al-shabaab kawaddo gudaha Soomaaliya, isagoo ku boorriyay kooxda inay Xoojiyaan Weerarrada dhanka ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ugu dambeyn, Al-Zawahiri ayaa xusay in dagaallada ay kula jiraan dalka Mareykanka iyo dalal ka Reer galbeedka ay xoojiyaan inta ay ka baxaan dhalalka Muslimiinta iyo sidoo kale Goobaha barakaceysan, sida Masjidul Al-AQZA sida uu hadalkiisa ku sheegay.

BOOLIISKA KENYA OO SHEEGAY IN AY KU RAAD JOOGAAN SHAQSI LAGU EEDEEYAY IN UU KA TIRSANYAHAY AL SHABAAB.

Madaxa qaybta baarista dambeyada ee Mombasa henry ondiek ayaa xaqiijiyey in 30 askari oo ka mid booliiska kana tirsan qaybta la dagaalanka argagixisada ayaa howlgal lagu sugayo amniga oo ay ka sameeyeen magaalo xeebeedka Mombasa uu sheegay in uu si dirqi ugu baxsaday fariid cu mar cawad oo lagu eedeeyay inuu ka tirsan xarakada Al Shabaab kadib markii ay gurigiisa u dhaceen.

Mr henry ayaa sheegay in ay wali ninkaasi ka baadi goobayaan Magaalada Mombasa isagoo sheegay in ay ka warhaayaan in uu dib dalka ugu soo laabtay,waxaan uu xusay in mr fariid uu dib ugu soo laabtay Soomaaliya isagoo la sheegay in uu qorsheynayo weeraro uu ka fuliyo goobo aan la cayimin oo ku yaala magaalada mombaaso kuwaas oo ah meelaha dalxiiska loo tago.

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka qaybna ka ah howlgalka lagu u gaarsanayo ninkaasi ayaa wakaalada wararka ee Xinhua u sheegay in ninkaas ay la socdaan booliiska isla markaana lagu eede ynayo in uu qoro dhalinyaro uu ku biiriyo xarakada Al Shabaab,waxaana uu intaas ku daray in fariid cumar oo qayb ka ah jeysh ayman oo ka mid ah Al shabaab uu ka mid ahaa dadkii ka howlgalayey keymaha boni ee gobalka lamu.

Ciidamada booliiska iyo kuwa malateriga ee dalka Kenya ayaa qayb ka mid ah gobalada xee bta ee ku dhaw xadka Soomaaliya ay ka wadaan qorshe ay kula dagaalamayaan dhadhaqaaqa Al Shabaab oo ay ku sheegeen in ay ku dhuumaaleystaan kaymaha boni oo ah dhul hawd inta badan ay ka soo abaabulaan weeraro ay ku soo qaadaan deegaano dhowr ah oo ay ka mid tahay lamu.

SADDEX DHALLINYARO AH OO XOOGAGA AL-SHABAAB AY KU GOWRACEEN DULEEDKA DEEGAANKA FIIDOOW

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa habeen hore saddex ruux oo Dhallinyaro ah ku Gowracay Deegaan lagu magacaabo Yiblane oo ku yaalla Dulleedka Deegaanka Fiidow oo kala Qaybiya Gobol lada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dhallinyarada ay gowraceen ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka tirsanaayeen ayna la shaqeynayeen kuwa Midowga Afrika ee ka socda AMISOM, ayna ku qabt een howgal kedis ah oo ay ku qaadeen deegaanka Fiidow.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa in howlgalka ay ku qabteen oo ahaa mid kadis ah ay qaadeen xalay fiidkii, ayna u suuro gashay inay saddexdan ruux oo watay qoryaha fudud ay gacanta kusoo dhigaan.

Waxay Al-shabaab intaas ku dartay in saddex ruux ay ahaayeen ciidamada sida joogtada ah dhaca ugu geysta gaadiidka u kala safraya Gobollada dalka, isla markaan ay kufsi u geysan jireen ha weenka gaadiidka safarka ah la socda.

Dhanka kale, Saraakiil ka tisran Al-shabaab ayaa sheegay in Saddex qori oo AK-47 ay ka qaat een saddexdan Ragga ah ee ay gowraceen, ink-astoo aysan sheegin magacyadooda iyo darajooda ciidan midna.

Laakiinse, Dadka Deegaanka ayaa sheegay in dDhallinyaradan aysan wax lug ah ku lahayn ciidamada dowladda ee ku sugan halkaas, balse ay ahaayeen xoolo dhaqato si aad ah looga yaqaan deegaanka.

Al-shabaab ayaa horay sidan oo kale dhowr qof ugu gowracay qaar ka mid ah deegaanada Go bollada dalka Soomaaliya, kuwaaoso ay ku eedeeyeen inay ka Tirsan yihiin Dowladda Soomaaliya ama ay Jawaasiir u yihiin Ciidamada AMISOM.

Ugu dambeyn, illaa hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in dhallinyaradan ay Al-shabaab ku gowracday duleedka deegaanka Fiidow ay ka tirsanaayeen Millateriga Soomaaliya iyo in kale.

WASIIR BEENIYAY IN UU XUBIN KA SOO NOQDAY URURKA AL SHABAAB

Maamulka Ahlu Sunna, ayaa toddobaadkan Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Maamulka Galmudug, C/ladiif C/laahi Warsame (Gacamey), ku eedeeyay inuu ka tirsnaan jiray Ururka Al Shab aab.

Wasiirka oo shalay laga maqlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa beeniyay eedeymaha ay u soo jeedisay Ahlu Sunna, isagoo xusay inuu yahay qof la garanayo waxa uu yahay iyo weliba halka uu ka soo jeedo.

"Waxaan ahay qof la yaqaan halka uu ka soo jeedo iyo dadka uu ka dhashay iyo shaqadayda, waxaana beeninayaa warar ay Ahlu Sunna ka sheegtay Idaacadaha oo ah in aan xubin ka soo no qday Al Shabaab.” Ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga & War shadaha Galmudug.

Wasiirka, ayaa muujiyay inaanu weligii la soo shaqayn Ururka Al Shabaab, iskaba daayee xub in buuxdo oo uu Ururkaasi ka soo noqday, islamarkaana ay eedeymahan yihiin wax ku kooban Ahlu Sunna.

C/ladiif Gacamey, ayaa u sabab ahaa dagaalka toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Caab udwaaq Ee Gobolka Galgaduud, xilli habeen madow uu soo galay, ayna hoygiisa ku soo weeraren Xoogaga Ahlu Sunna.

Ahlu Sunna, ayaa ka carootay hadal uu Warbaahinta ka jeediyay Gacamey, oo ahaa in Calan ka Shiicada ay ka dejiyen Saldhiga Booliska Caabudwaaq, kuna bedelen midka Soomaaliya, ka gad aal markii Ahlu Sunna ay kala wareegen gacan ku haynta Caabudwaaq.

Xilli xiisad dagaal ay Maamulada Galmudug & Ahlu Sunna ka oogayan Gobolkaasi, ayaa wax ay dhinaca kale bilaaben in ereyo xanafi ku jirto, ay isaga jeediyen Warbaahinta gudaha.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Galmudug, Maxamuud Aadan Cismaan, ayaa Jimcihii Ahlu Su nna ku dhaliilay inay Gobolada Dhexe ka wado fidinta madaahiibta Shiicada, xilli taageero hub iyo dhaqaalaba ay kaga helayso Dowladda Iran, sida uu yiri.

RA’IISAL WASAARIHII AUSTRALIA OO SI LAMA FILLAAN AH XILKA LOOGA QAADAY

Tony Abbott, Ra’iisal Wasaaraha Wadanka Australia, ayaa shalay galab si lama fillaan ah xilka loo ga qaaday, ka dib markii Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Xisbiga Liberalka, ay cod u qaadeen isaga iyo Malcolm Turnbull.

Tani waxay ka dambeysay makii la dhaliilay hogaaminta Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna markaa uu soo jeediyay in Xildhibaanada Liberal-ka, ay codka u qaadaan, iyadoona codayntii looga adka aday.

Malcolm Turnbull, ayaa helay 54 cod, halka Tony Abbott uu helay 44 cod. Malcolm Turnbull ayaa noqonaaya Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Australia. Wuxuu kaloo noqonayaa Ra’iisal Wasaarihii 29-aad ee Australia yeelato.

Ka hor inta aan codka loo qaadin, ayuu Abbott uu Warbaahinta ka sheegay in Isniinta manta la qaban doono codaynta, lana arki doono cidii ku soo bixi laheyd.

Abbott oo kalsooni badan qabay, ayay tani layaab ku noqotay. Dadka waxay horey u saada alinayen in Abbott uu codaynta ku soo baxaayo, islamarkaana uu sii ahaan doono Hogaamiyaha Australia.

Ra’iisal Wasaaraha laga adkaaday, ayaa xilkan qabtay 17-kii bishii September ee sanadkii 2013-ka. Waxaana lagu tiriyaa mid aan soo dhawayn muhaajiriinta.

DALXIISAYAAL U DHASHAY DALKA MEXICO OO SI KHALDAN LOOGU DILAY WADANKA MASAR

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Masar ayaa sheegeysa in 12 qof oo ay ku jiraan dalxi isayaal u dhashay dalka Mexico si khalad ah loogu dilay hawlgal ka dhan ah mintidiinta oo milatariga iyo booliska dalkaasi ay ka fuliyeen lama degaanka ku yaal galbeedka dalkaasi.

Bayaan ka soo baxday wasaaradda ayaa lagu sheegay in dalxiisayaashu ay ku sugnaayeen dhul ka cagagan in la galo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in dalxiisayaasha u dhashay dalka Mex ico ay ku safrayeen kolonyo baabuur ah.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban boolis iyo milateri ayaa xilligaasi waxa ay goobta uu shilka ka dhacay ku baacsanayeen kooxo mintidiin ah.Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si ka ma ah u bartilmaameedsadeen dalxiisayaashani oo ku sugnaa aag ka caaggan in la galo, waxaana la billaabay baaritaan ku aadan arrintaasi.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha mintidka ah.

Waana halka laga galo xudduudda dheer ee dalkaasi uu la wadaago dalka Liibiya, halkaas oo hubka uu aad ugu badan yahay.

Daraad oo Axad ahayd ayaa kooda Dowladda Islaamiga ah ee dalka Masar waxa ay sheegtay in ay iska caabisay hawlgal milateri oo ka dhacay dhulkaasi saxaraha ahi.

PUNTLAND OO KA HADASHAY ARRINTA URURKA DAACISH IYO DHALLINYARO LASOO BANDHIGAY

Taliska Qaybta Booliiska Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa shalay saxaa fadda u soo bandhigay seddex nin oo la sheegay in ay gacan saar la leeyihiin kooxo wax tahriibiya oo fadhigeedu yahay Liibiya.Laamaha Amaanka Gobolka Bari ayaa sheegay in howlgallo laga same eyay Degmooyinka xeebaha leh ee ku teedsan Gobolka lagu soo qabtay Raggan iyo dhallinyaro ay Doonayeen inay u Tahriibaan Magaalada Tripoli ee dalka Liibiya.

"Waxaa jirtay xaalad halis ah oo Halkan kasoo Cusboonaatay oo ah in Dhallinyaradii Dug-siyada dhigaynaysay la tahribiyo, waxaa noo suuro gashay in raggii howsha hogaaminayay oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib in gacanta lagu soo dhigo," ayuu yiri Taliyaha Dekadda Boosaaso, Maxam ed Cali Xaashi oo la Hadlay Wariyeyaasha.

Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) oo isagana Madasha ka hadlay ayaa beeniyay in ururka Daacish uu dagaalyahanno ka qoronayo gudaha Puntland, isagoo sheegay in waalidiin kala duwan ay si qaldan ula hadleen warbaahinta.

"Waxaan idin cadaynayaa in wax Daacish la yiraahdo aysan halkan ka howlgalin, waxaan waalidka ka dalbanaynaa in aysan ku dagdagin macuuluumaadka ay saxaafada siinayaan," ayuu yiri Guddoomiyaha oo si adag uga hadlay Wararka Daacish.

"Dhallinyarada halkaan Taagan Waxaan soo qabannay iyagoo qorshanaynaya inay baxaan, runtii waa ayaan darro in dhalinyaro waxbaranaysa ay tahriibto, waana ka Hortagaynaa in Tahribinta dadka Puntland loo soo wareejiyo " ayuu mar kale yiri gudomiye Dhado.

Ugu dambayn, mas’uulkan ayaa sheegay in raga gacanta lagu hayo oo gaaraya seddex qof la soo taagi doono dhawaan maxkamadda, waxaana usu kooxaha wax tahriibaya uga digay in ay gobolka ka sii shaqeeyaan.

DOWLADA MASAR OO CUDURDAAR KA BIXISAY DIL LOO GEYSTEY DALXIISAYAAL U DHASHAY DALKA MEXICO

Dowlada Masar ayaa ka cudurdaaratay dil loo geystey 12 dalxiisayaal u dhashay dalka Mexico kuwaasoo ay ciidamada amniga dalka Masar ay dileen.

Kooxdan dalxiisayaasha ah ayaa u haystay fasax inay u safraan dhul fog oo ku yaal lamada gaanka Galbeedka hase yeeshee Wasaarada Arrimaha Dibada Masar ayaa sheegtay in dalxiisayaa sha ay joogeen dhul aan loo fasaxin.

Dowlada Masar ayaa dagaal kula jirta maleeshiyaad Islaamiyiin ah tan iyo sanadkii 2013 oo ahaa xilligii la afgambiyay Madaxweynihii dalka Masar Mohamed Morsi.

Lama degaanka Galbeedka dalka Masar ayaa caan ku ah dalxiiska waxana uu noqday dee gaanka mid aan aan ammaan ahayn tan iyo markii ammaanka dalka Libya uu sii xumaaday. Ugu yaraan toban ruux oo ka soo jeeda dalka Mexico ayaa ku dhaawacmay howlgalkan ay sameeyeen ciidamada Masaarida iyadoo sidoo kale afar Masaari ah ay ku dhimatay ka dib markii gaari ay saa rnaayeen dalxiisayaasha lagu furay rasaas.

Ciidamada ammaanka dalka Masar ayaa eryaday afar baabuur oo marayay saxaaraha kuwaa soo ka weekday wadooyinka muhiimka ah.Ra’iisul Wasaaraha Masar Ibrahim Mahlab ayaa taleefan kula hadlay safiirka dowlada Mexico u fadhiya dalka Masar Alvarez Fuentes isagoo uga tacsiye-eyay dilka dalxiisayaasha.

Ammaanka Galbeedka dalka Masar ayaa sii xumaanayay sanadihii la soo dhaafay waxaana deegaanada Bahariya, Dakhla, Kharga iyo Farafra ay yihiin kuwo bilic leh oo dalxiisayaasha soo jiita

PUNTLAND OO LAGU XIREY DAD KU EEDEYSAN TAHRIIBIN

Ciidamada booliska gobolka Bari ee Puntland, ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen seddex ruux oo lagu eedeynaayo inay yihiin kuwa dadka ka tahriibiya deegaannada Puntland.

Taliyaha saldhigga booliska ee dekadda Boosaaso Gaashaanle sare Maxamed Cali Xaashi, ayaa idaacadda VOA u sheegay in sidoo kale ay soo qabteen sagaal dhalinyaro ah oo ka mid ahaa kuwa loo diyaariyay in Yemen loo tahriibiyo.

Xaashi waxa uu sheegay in dadka la soo qabtay ee wax tahriibiya uu ku jiro nin u dhashay waddanka Yemen, ayna sii wadi doonaan baaritaannada.

HUNGARY OO QAXOOTIGA XADKA KA XIRATAY

Dowladda Hungary ayaa silig adag ku xirtay xadka ay la wadaagto Serbia oo ah halka ay ka soo galayeen qaxootiga, saacado ka hor inta aanu dhaqangelin sharci cusub oo adag oo ay ugu talagashay inay ku xakameyso qaxootiga dalkeeda soo galaya ee ku sii socda Germany.

Sharcigan cusub ayaa mas'uuliyiinta Hungary siinaya awood ay ku xiraan xabsiga ku dhigaan qof walba oo lagu qabto isagoo xadka dhinaca Serbia ka soo talaabaya.

Ilaa 5000 oo qaxooti ah ayaa xadka Hungary ee dhinaca Serbia ka soo galay ka hor inta aanay Hungary xirin xadka, waana tiradii ugu badnayd ee qaxooti ah ee maalin qura xadka gasha Hungary.

Talaabdan ayaa timid iyadoo wasiirada arrimaha gudaha ee Midowga Yurub ay ku guuldareysteen inay ku heshiiyaan qorshe lagu dajiyo 120 kun oo muhaajiriin ah.

DAD LOO HEYSTO WEERARKII BANGKOK OO LAGU XIRAY MALAYSIA

Masuuliyiinta Malasia ayaa sheegaya inay xireen sadex qof oo lala xiriirinayo qaraxyadii bambaabo ee ay dadka badan ku dhinteen ee bishii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Bangkok ee caasimadda Thailand.

Khalid Abu Bakar, madaxa ciidamada Booliska ee Malaysia ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Kuala Lumpur shalay oo Isniin aheyd waxa uu ku sheegay in boolisku ay soo qabteen, nin u dhashay Pakistan iyo laba qof oo reer Malasia ah oo ay midi dumar tahay oo lala xiriirinayo qaraxyadii Ban gkok,isagoo intaa ku daray in Malasiya aysan qorshaha ugu jirin in sadexdaasi qof ku wareejiso Thailand.

Mr. Bakar ayaa sheegay in booliska Malaysiya ay si dhow ugala shaqeynayeen Thailand baar ista la xiriirta Qaraxii 17kii bisii August ee la soo dhaafay ka dhacay Macbadka Erawan ee caasimad da Thailand, kaasoo ay ku dhinteen 20 qof, tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaa oo uu badnaa dalxiisayaal Shiinaha u dhashay.

DAVID CAMERON OO BOOQANAYA LABNAAN

Ra'iisalwasaaraha Britain, David Cameron, ayaa booqanaya Labnaan si uu u arko sida loo isticmaalo gargaarka Britain ay bixiso.

Britain ayaa bixisay in kabadan hal iyo bar bilyan oo dollar si loo caawiyo malaayiinta qaxoot iga ee jooga gobolka.

Isagoo ka hadlaya xerada Bekaa Valley, oo u jirta in ka yar mile xudu udda Suuriya.

Mr Cameron ayaa sheegay lacagta Britishka inay ka badbaadisay boqolaal kun oo reer Suur iya ah inay u soo safraan Yurub.

Wuxuu ku dhawaaqay wasiir cusub oo masuuliyadiisa noqon doonto qaxootiga.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip