MOMBASA: Cudurka HIV/AIDS-ka oo la sheegay in Maalin walba ay qaadaan saddex Qof oo cusub

0
Sunday December 20, 2015 - 10:46:54 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MOMBASA: Cudurka HIV/AIDS-ka oo la sheegay in Maalin walba ay qaadaan saddex Qof oo cusub

    Guddiga ka Hor-tagga Cudurka Dilgaaga ah AIDS-ka ee magaalada Mombasa ayaa sheegay inay maalinta walba cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka ugu dhintaan magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga ka Hor-tagga Cudurka Dilgaaga ah AIDS-ka ee magaalada Mombasa ayaa sheegay inay maalinta walba cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka ugu dhintaan magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya. Xiriiriyaha Guddiga NACC ayaa sidoo kale sheegay in maalinta walba ay saddex ruux ay qaadaan HIV oo ah fayruska dhaliya cuduruka halista ah ee AIDS-ka. Sidoo kalena, Julius Koome ayaa Khamiistii sheegay in 65% dadka cusub ee uu ku dhacay Virus-ka HIV-ga ay ku nool yihiin sagaalka deegaan ee ay ku yaalla magaalada Mombasa.


Warbixin uu soo saaray golaha NACC sanadkan 2015-ka ayuu ku sheegay inay 21% dadka qaba cudurka ay yihiin gabdho dhallinyaro ah oo da’doodu u dhexeyso 15-sano illaa 254-sano, marka loo eego 100,000 oo qof oo cudurka dhawaan qaaday.


"Qiyaastii 44% Dadka cusub ee qaaday cudurka HIV/ADIS ayaa waxay ku qaadeen galmo ay sameeyeen,” ayuu yiri Koome oo hoteelka Lotus ee Mombasa ku qatay shir jaraa’id.


Xildhibaan C/Samawat Naasir oo laga soo doorto deegaanka Mvtia oo ka tirsan Mombasa ayaa sheegay in tira-koobka lasoo saaray ee dadka cusub ee uu ku dhacay cudurkan halista ah ay tahay mid naxdin leh.


"Tirada la sheegay inay cudurka HIV/AIDS qaadeen ma ahan mid la beeni karo. Runtiina xaaladdu waa mid khatar ah,” ayuu yiri Naasir oo intaa ku daray in 15.2% maxaabiista ku jira xabsiyada oo rag ah ay cudurkan qabaan.


Dhanka kale, Koome ayaa xusay in 6% dadka isticmaala maandooriyeyaasha ee Mombasa ku nool ay cudurka ku qaadaan qalab horay loo isticmaalay sida; sakiinta iyo cirbadaha ay daroogada iskula duraan.


Ugu dambeyn, agaasimaha guud ee hay’adda Haki Africa, Xuseen Khaalid ayaa sheegay in ay sameynayaan ololayaal ay shacabka ku boorrinayaan si aysan u adeegsan Cirbadaha iyo waxyaabaha kale ee horay loo isticmaalay si fiditaanka cudurka loo yareeyo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip