Madaxweynaha:"Dhalinyarada waa udub dhexaadka horumarka waddanka.."

0
Sunday December 20, 2015 - 10:14:52 in Wararka by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha:"Dhalinyarada waa udub dhexaadka horumarka waddanka.."

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo laba maalmood ah socday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaley magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirweynaha qaran ee dhalinyarada Soomaaliyeed oo muddo laba maalmood ah socday. Madaxweynaha oo mid mid u gacanqaaday dhammaan dhalinyaradii ka soo qeybgashey shirkan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee dalka iyo dibedda, ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay dhalinyarada kula dardaarmey inay xoogga saaraan kordhinta aqoonta, waddaninimada iyo midnimada.

"Waddankeena burbur ayuu soo maray, dhalinyaradana waxaa la yiraahdaa waxay ahaayeen kuwii dalkan lagu dumiyay. Maanta waxaa farxad ah in dhalinyaro badan ay isu taageen inay inay waddankan ka soo saaraaan burburka oo horumarkiisa ay ka shaqeeyaan’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in horumarka uu maalin walba ku tallaabsanayo waddanka ay dhalinyarada hormuud u yihiin, dowladduna ay ka shaqeyneyso sidii door weyn looga siin lahaa arrimaha kala duwan ee dalka sida amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada.

Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo qeexaya istaraatiijiyada qaran ee horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip