Shaqaale laga ceyriyay Dekedda Muqdisho oo amar lagu bixiyay inay howlahooda dib ugu laabtaan

0
Sunday December 20, 2015 - 10:11:22 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaale laga ceyriyay Dekedda Muqdisho oo amar lagu bixiyay inay howlahooda dib ugu laabtaan

    In ka badan 140-shaqaale oo horay uga howlgeli jiray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa shaqadooda dib ugu laabanaya, kaddib maxkamadda gobolka Banaadir ay amarkaasi bixisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 140-shaqaale oo horay uga howlgeli jiray Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa shaqadooda dib ugu laabanaya, kaddib maxkamadda gobolka Banaadir ay amarkaasi bixisay. Shaqaalahaan muwaadiniinta ah ayaa waxaa shaqada ka ceyrisay shirkadda Albayrak ee Turkiga laga leeyahay markii la wareegtay Dekedda Muqdisho, kaddib markii ay is fahmi waayeen qaabka ay iskula shaqeynayaan.

Guddoomiyaha shaqaalaha rayidka ah Maxamed Xaaji Cusmaan oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in shaqaalahaan ay ku guuleysteen dacwad ay hor geeyeen maxkamadda gobolka Banaadir, isla markaana 143-shaqaale oo muddo 40-sano ah ka shaqeynayay dekedda Muqdisho howlahooda dib ugu laabtaan.

"Dowladda Federaalka markii ay Dekedda ku wareejisay shirkadda Albayrak uma sameynin xeer ay ku dhaqmaan shaqaalaha muwaadiniinta ah iyo ajaanibta maamulka lagu wareejiyay” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xaaji.

Dib ugu laabashada shaqaalaha Dekedda Muqdisho ayaa noqoneysa markii ugu horeysay oo xuquuqdooda dib loogu soo celiyo, iyadoo maxkamadda Gobolka Banaadir ay amartay in la siiyo mudadii 11-bilood ahayd xuquuqdii ka maqneyd.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

You have 350 characters remaining.