qaxooti u dabaalanaya xeebaha Giriiga ka dib markii ay degtay doontii ay saarnaayeen Daawo :-sawirada

0
Monday September 14, 2015 - 10:37:08 in Wararka by
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    qaxooti u dabaalanaya xeebaha Giriiga ka dib markii ay degtay doontii ay saarnaayeen Daawo :-sawirada

    Ugu yaraan 38 qaxooti ah oo ay ku jiraan 14 carruur ah ayaa ku dhimatay kadib markii doon nooca kalluumeysiga ah ay kula degtey xeebta jasiirada ku taal dalka Giriiga ee Farmakonisi. Ilaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa xajiiyay dhimashada dadkan u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 38 qaxooti ah oo ay ku jiraan 14 carruur ah ayaa ku dhimatay kadib markii doon nooca kalluumeysiga ah ay kula degtey xeebta jasiirada ku taal dalka Giriiga ee Farmakonisi. Ilaalada xeebaha dalka Giriiga ayaa xajiiyay dhimashada dadkan u qaxayay qaarada Yurub iyadoo doontana ay saarnaayeen dad gaaraya 112 ruux oo badankood ay ahaayeen dad ka soo jeeda wadamada Siiriya iyo Afghanistan.

Tirada dhimashada qaxootigan ayaa ah kuwii ugu badnaa ee ku dhinta xeebaha dalka Giriiga tan iyo markii ay bilaabatay duufaanta qaxootiga ah ee ka soo cararaysa dagaalada Siiriya

Ciidamada ilaalada Giriiga ayaa la sheegay in ay soo badbaadiyeen dad gaaraya 68 ruux halka ay dabaal ku soo gaareen berriga 30 kale .Sidoo kale wararka ka imanaya dalka Giriiga ayaa sheegaya in dooni ka sameysan caag ay ku degtey meel u jirta 100m xeebta Lesbos taasoo ku qasabtay dadkii saarnaa inay soo dabaashaan.

Mashaqadan dhacday Axada ayaa imanaysa kadib markii labo doon ay degtey iyadoo ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen afar carruur ah iyo nin labaatan jir ah. Kumamaan ruux ayaa weli u sii gudbaya dalka Giriiga inkastoo dowlada Jarmalka ay ku dhowaaqday inay hakinayso qaabilida qaxootiga soo galaya dalkeeda.

Jasiirada Farmakonisi ayaa u dhexeysa jasiiradaha Samos iyo Kos oo ah labo jasiiradood oo dadka wax tahriibiya ay kumanaan ruux u soo direen si ay u gaaraan dalka Giriiga.



DAAWADA  SAWIRRADA HOOSE  QAXOOTIGANA OO SILIC IYO SAXIIRTA  KU HEYSTO  BADDA DHEXDEEDA  DABAALANAYA SI NAFTOODA AY U BADBAADIN  LA HAAYEEN ALLE HA BADBAADIYEE 

dooman qax (1)

dooman qax (2)

dooman qax (3)

dooman qax (4)

dooman qax (5)

dooman qax (6)

dooman qax (7)

dooman qax (8) dooman qax (9)

dooman qax (10)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip