
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo sheegay inuu ka bad baaday isku day dil
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay inuu shalay ka bad baaday isku day dil ay doonayeen in Al-Shabaab ku qaarijiyeen, kadib markii gaari uu watay oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama rasaas lagu furay.
Mr Cirfo ayaa sheegay in gaari kale oo ay wateen rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaarigiisa, isagoo tilmaamay in weerarkaas aanay wax dhibaato ah ka soo gaarin. "Alle ayaa mahadsan oo iga bad baadiyay, rag hubeysan oo gaari watay
ayaa anigoo gaari saaran oo aan mareynay wadada mashquulka badan ee Maka
Al-Mukarama ay na rasaaseeyeen, waxba nama gaarin, laakiin qarax
meeshaas ka dhacay ayaa dad badan dhibaato ka soo gaartay”ayuu yiri
Cirfo.
Waxaa uu ugu baaqay laamaha ammaanka dowladda iyo shacabka inay iska kaashadaan sugida ammaanka, isla markaana laga hortago falalka amni darada.
Inta la og yahay saddex ruux ayaa ku geeriyootay, 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Shineemo Soomaali oo ay ku dhow yihiin xarumo ganacsi oo dadka ka dukaameystaan.
Saameynta ugu badan ee qaraxa ayaa ka soo gaaray Carwada Al-kowthar, iyadoo milkiilihii carwada iyo qaar kale oo shaqaalaha ka mid ah uu soo gaaray dhaawacyo.
Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ka mid ah wadooyinka amnigooda la ilaaliyo, waxaa isticmaala gaadiidka kala duwan ee dadweynaha iyo kuwa Mas’uuliyiinta dowladda.
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud oo sheegay inuu ka bad baaday isku day dil
Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo ayaa sheegay inuu shalay ka bad baaday isku day dil ay doonayeen in Al-Shabaab ku qaarijiyeen, kadib markii gaari uu watay oo marayay Wadada Maka Al-Mukarama rasaas lagu furay. Mr Cirfo ayaa